Search This Blog

Friday, August 1, 2008

Taladii Axmed Cabdi Salaan iyo Sheekh Yuusuf Garaad oo Nuur Cadde ku hogaamisay Ceeb iyo Fashil siyaasadeed. {Faallo}.


Halyey Maxamed Cumar Xabeeb oo xilka laga qaado,waxaa ay ahayd arrin markii hore kasoo fushay maskaxda Axmed Cabdi Salaan uuna ku taageeray qaran diidka Weyn Sheekh Yuusuf Garaad,waxaase dadku ay is weydiinayaan waxa garashadii ka qaaday Nuur Cadde oo ah nin Sharci yaqaan ah uuna uga talaabsaday qodobada dastuuriga ah ee qaranka u dagsan.

Halyey Maxamed Cumar Xabeeb oo xilka laga qaado,waxaa ay ahayd arrin markii hore kasoo fushay maskaxda Axmed Cabdi Salaan uuna ku taageeray qaran diidka Weyn Sheekh Yuusuf Garaad,waxaase dadku ay is weydiinayaan waxa garashadii ka qaaday Nuur Cadde oo ah nin Sharci yaqaan ah uuna uga talaabsaday qodobada dastuuriga ah ee qaranka u dagsan.

Hadii uu jiro guri Ceebeed, waa kan uu hada Nuur cadde dhexda kasoo istaagay si uu uga baxana aanu garanaynin, maadaama isagoo og cida iska leh sharci ahaan in ay masuuliyiinta sar sre ee qaranka xilalka ka qaado uu isaga dhaqaaqay fulinta wax uu usoo yeeriyay Axmed Cabdi Salaan oo dhawaanahanba ay soo ifbaxayeen warar sheegayay in uu Jeeb dambeedka ku ritay Nuur Cadde xaga siyaasada marka la eego.

Talooyinkii guracnaa ee Ina Cabdi Salaan iyo Qaran diidka weyn Yuusuf Garaad waa kuwaa iminka Odaygan Nuur Cadde ah ku hogaamiyay ceebta iyo fashilka siyaasadeed.

Macnaha fashil siyaasadeed waxaa laga yabaa in dad badani aanay u fahmin sida uu yahay,laakin hadii aan sharaxaad ka bixiyo fashil siyaasadeed waxa uu yahay macnaha oo koobani waxaa uu noqonayaa “Siyaasiga wadadii uu maraba ay horay iyo gadaalba iska soo xirto oo meel uu kadib u ciirsadana garan waaya”.

Ra’isul wasaare Nuur Cadde waxaa uu todobaadkan sheegay in uu xil ka qaadis sameeyay,laakin ceebta ugu daran ee heysataahi waxaa ay tahay talaabadii uu qaaday oo aan meel mar noqoneyn maadaama ay u baahan tahay in madaxweynaha qaranku saxiixo,iyadoo madaxweynuhuna uusan hada u diyaar ahayn in uu Nuur cade qaladkiisii ku taageero.

Sidaa daraadeed macnuhu waxaa uu noqonayaa in Halyey Maxmed dheere uu wali yahay maamulaha gobalka Banaadir ee sharciga ah tan iyo inta laga helayo wareegto madaxweyne.
Waxyaabo fara badn oo is fasiraya ayaa halkaa ka muuqanaya waxaana ka mida iyadoo Axmed cabdi salaan uu laba bilood ka hor sheegay in Maxamed Dheere xilka laga qaadayo.

Tan kale waxaa ay tahay Idaacada Axmed Cabdi salaan ee Horn Afrik oo sheegtay in maxamed Dheere xilka laga qaadi doono xitaa ka hor intii aanay wareegtadu ka soo bixin ra’isul wasaaraha,iyadoo Cabdi Goob doon iyo qarandiid Yuusuf Garadna ay wax aan dhameystirneyn ula soo deg degeen saxaafada.

Waxyaabahaasi oo dhami waxaa ay muujinayaan in ay howshani tahay dhamanteedba howl uu qabtay Axmed Cabdi salaan oo in badan usoo joogay lugoysmada iyo hagar daameynta dowladda federalka Soomaaliya xiliyadii ay daganayd magaalooyinka Jowhar iyo Baydhabo.

Ilo ku dhow dhow madaxweynaha Jamhuuriyadda federalka Soomaaliyeed ayaa sheegaya in madaxweynuhu uu talaabada nuur Cade u arko qalad weyn, islamarkaana uuba garan la’yahay halka uu odaygu wax uwado.

Qaladaadka waaweyn ee Nuur Cade uu galay waxaa ka mida in iyadoo uu madaxweynaha Qranaku joogo magaalada Muqdisho uu qaado talaabo usan madaxweynuhu waxba ka ogayn,oo halkii isaga looga qaadan lahaa taalada ugu dambeysana uu ka weecday kana shidaal qaatay Axmed Cabdi Salaan.

Waxaa qalad kale ah in madaxwynaha qaranku wax uusan ogayn uu mar qura idaacadaha ka maqlo,taa macneheedu waxaa uu noqonayaa in xitaa loo gafay hogaamiyaha qaranka Soomaaliyeed oo hada ah ninka dalka ugu sareeya,xaqna u leh sida sharcigu qabo in uu masuliyiinta sarsare xilalka ka qaado shaqadisii la farageliyay isagoo aan waxna lala socodsiin.

Ilo ku dhow dhow madaxtooyada ayaanu ka ogaanay in uu hogaamiyaha qaranka Soomaaliyeed ku gacan seyray shaqo ka joojinta Halyey Maxamed Dheere.

Tan kale waxaa la ogaadey qofka gadaal uga fadhiya in wax laga qabto Gobolk SHabeelada hoose uu yahay Nuur Cade iyo Axmed Abdi salaan, kuwaas isku bahaystey soo noolaynta burcadii Jaale Ceyr ee dhibka Soomaalu la hortaagnaa...


Banaadir Post.