Search This Blog

Friday, August 1, 2008

Haweenka Mudulood ee W/Ameerika iyo Yurub oo dhaleeceyn dusha uga tuuray r/wasaare N/Cadde


Waxaa mudo labo maalmood shir qadka telfoonka (Teleconfrence) ku kulmayay haweenka Beesha Mudulood ee ku kala dhaqan Waqooyiga Ameerica iyo Yurub, iyadoo ey shir gudoominaysay Gudoomiyaha Ururka Haweenka Beesha Mudulood ee North America Casha Yabarow.


Shirkaas ayaa waxaa lagu falanqeeyay talaabada aan laga fiirsan ee uu qaaday R/Wasaare Nuur Cadde taas oo uu xilka kaga qaaday Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Md. Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere).

"Waxaan halkan ka cadeynaynaa in R/Wasare Nuur Cadde uu ku deg-degay xil ka qaadista Gudoomiyaha Gobolka, waxaan xasuusinaynaa Nuur Cadde in dowladu tahay 4.5 xilna la qaadi karo lana magacaabi karo masuul kale balse Nuur uusan u magacaabi karin gobolka Banaadir nin aan u dhalan deegaanka",

ayaa ka mid ahaa nuquladii ey soo saareen haweenka.

Waxaan kaloo halkan dhaleeceyn dusha uga tuuraynaa dadkii dhawaan dhigay mudaharaadkii loogu riyaaqayay xil ka qaadista Gudoomiyaha Gobolka Banadir Maxhamed Dheere taas oo ku tuseysa in qabiil ka dhex guuxayo kuwa qaxootiga sheeganaya ee ku sugan Siinka Dheer ama Ceelasha Biyaha oo ey dowladdu kasoo saartay xarumihii Dowladda ee ey hoyaadka ka dhigteen mudadii 18-sano ee fowdada.

Hadaba shirkii labada maalmood socday ayay haweenka Beesha Mudulood ku dhaleecyeen in R/Wasare Nur Cade uu ka baxay balamihii ahaa in uu la tashan doono dhamaan beelaha Soomaaliyeed, uuna u bedelay sheekada qancin uu qancinayo dadka nabad diidka ah.
Waxaad xasuusataa Nuur Caddow maah-maahdii ahayd (NIN XAASKAADA RABO GABADHAYDA HOO KAAMA YEELO), marka R/Wasaare ma qancin kartid dad raba in ay la wareegaan deegaanada beelweynta Mudulood, mana dhici doonto inaan kugu taagerno arinkaa isaga ah, ayay Shukri Tooxow oo xubin fir-fircoon ka ah Haweenka Beesha Mudulood ku soo gaba-gabeeysay hadalkeeda.
Shukri Tooxow Mohamed
Ahado97@yahoo.com