Search This Blog

Friday, August 1, 2008

Afhayeenka Ciidamada Xoogga Dalka oo ka warbixiyay dad ay ku soo qabqabteen dagaalkii shalay ka dhacay xaafado ka tirsan Muqdisho


Afhayeenka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Gaashaanle Daahir Maxamed Xirsi ayaa Wariyeyaasha u sheegay in dagaalkii shalay ka dhacay agagaarka Warshadii hore ee Baastada iyo deegaanka Waxar Cadde ay ku soo qabqabteen ciidamada Dowladda kooxo uu sheegay iney yihiin wax uu ku tilmaamay nabad diidka.

Afhayeenka ayaa tilmaamay in dadkaasi markii gacanta lagu dhigayey ay ahaayeen kuwo gacanta kula jiray dagaal ay kaga soo horjeedeen ciidamada Dowladda, kuwaasi oo haatan lagu haayo Warshadda Baastada oo xarun u ah ciidamada Dowladda iyo kuwa Itoobiya.
Dadkan la qabqabtay eheladooda oo warbaahinta ka hadlay ayaa sheegay in wiilashooda aysan ku jirin wax dagaal ah isla markaana dadkaasi ay ku andacoonayaan in qaar ka mid ah dhalinyaradooda laga qabqabtay Masjid dhexdiisa oo ku yaala Waxar Cadde, taasoo aan la hubin iyadana.
Hadalkan ayaa waxba kama jiraan uu ku tilmamay Afhayeenka Milateriga isagoo sheegay in mar walba kooxaha ka soo horjeeda marka lagu qabto dagaalada ay shacabka ku beer jilacsadaan in dhalinyaradooda laga qabqabto goobaha cibaadada, wuxuuna Afhayeenka uu carabka ku dhuftay in ciidamada ay ka xaaraan timeysan yihiin in ay ku kacaan falal aan dhaqanka ka soo horjeedin.
Banaadir Post.