Search This Blog

Friday, August 15, 2008

Qaran oo ka faa-iidey lacag Madax furasho la marsiiyay



La qafaayashaalki dhowaan la sii daayay ee talyaaniga ahaa ee laga bixiyay lacag dhan 1,498,000 (milyan, afar boqol iyo sideetan kun oo dollar) ayaa la sheegay in lacagta madax furashada martay shirkada Qaran ee xawaalada, sida waxa yiri dad ay ehelo yihiin la hayestayaashi.
"Maalin kasta waxa soo booqanayay dad u libisan si fiican oo fiirin jiray la heeystayaasha, kuwaasi oo talo ka bixinayay sidi loogu gorgortami laha sii deentooda," sida ayey i sheegtay haweenay ay qaraabe yihin Iolanda Occhipinti oo aheyd haweenaydi la heystay.
Warkan waxa sheegtay gabar shaqaalaha caafiimaad ka tirsan ee la dhaho Marina Angelo ee ah haweenay Occhipinti kaseysay.
"Waxa meeshay ku xirnaayeen ka doonay nin dirawal u ah ganacsade ka tirsan shirkada xawaalada ay Somaalida iyo Suudan wada leeyihiin ee Qaran ,"
Marina ay dhahday.Haddanan qaldin codka aan maqlay waxa u ahaa Hussein Golay,waa raga iska leh mid ka mid ah, ayey tiri.Occhipinti oo aheyd haweenayda la heeystay aya sheegtay in maalinti afduubayaasha ka maqli jirtay ilaa 20 mar ereyga Karan, laakin ma fahmeyn waxayna u maleyn jirtay in kuwa heysta mid ka mid ah la yira Karan, marina aya sheegtay.Sidoo kaleh waxa xaqiijiyay sarkaal ka tirsan nabadsugida Soomalliyed oo magaciisa diiday in la sheego in labada la heeystay u dirawalka Xussein Goley keenay isaga oo ka soo saareey marley meel u ku oga.
Labada la heeystay waxa ay sheegeen in dirawalkan ay arki jireen maalin kasta.waa markii ugu horeeysay in shirkad xawilaad ay afduub ku shuqul yeelato si cadaan ah, inkasto oo marar badan ay ku lug yeesheen hanti la gudbiyay oo nabadgalyo wax u dhintay.Lama oga waxa ay yeeli doonan dadka Suudaanta ah ee ku lug leh shrikada Qaran.
"Lacagta la keenay wey cusbeyd marka waxa diiday nimanka afduubayaasha oo yiri tixraac ayay yeelaneysa, markaasi aya shirkada qaran soo badashay," waxa sidaana u sheegay sirdoonka talyaniga nin jooga muqdisho oo la wareeystay.
"Shirkada qaran 200,000 kun oo doolar ayay ka heshay faa-ido.laakin inta badan waxa qaatay afduubayaasha,"
ayuu ninku u sheegay wardoonka.
Ganacsato badan oo soomaaliyeed ayaa dawlada talyaaniga u sheegay in aad ugu xun yihiin ficilka Qaran.
Amina AhmedReporter.
Roma
runleey84@yahoo.it

Raashin dhacay muddana xayirnaa ayaa maanta la sheegay in suuqa lagu soo fasaxay.


Caddaynta in raashinkaasi uu yahay mid dhacay oo uu horay u sheegay Wasiirka Gaadiidka Cirka iyo dhulka Xukuumadda fedaraalka Maxamed Ibraahin Xaabse ayaa fasaxiddiisa maanta iyo in suuqyada lagu soo daayay waxaa la sheegay in uu ka dambayay amar uu bixiyay Raysul Wasaaraha xukuumadda fedaraalka Nuur Xasan Xuseen(Nuur Cadde).
Qaar ka mid ah howlwadeennada Dakadda Muqdisho oo raashinkaasi yiillay iyo waliba dadweynaha Soomaaliyeed qaarkood ayaa sii daynta iyo fasaxidda raashinkaasi waxaa ay ku tilmaameen mid aan ku imaan nidaamkii saxa ahaa,marka la eego in baaritaan lagu sameeyo.


Dadka dhaliilsan fasaxidda raashinkaasi kuna doodayaan in uu yahay mid dhacay ayaa waxaa kaloo ay caddeeyeen in raashinkaasi oo rasmi ahaan mar hore u dhacay haatan la sameeyay khiyaano ah in laga badalay jawaannadii muujinayay in uu dhacay.Arrintaan oo ku soo aadaysa waqti uu sicir barar aad ahi ka jiro dalka Soomaliya oo dhan fooddana ay nagu soo hayso bilashada bisha barakaysan ee rabadaan uuna jiro badxiran ayaanay dhinaca kale jirin wax war ah oo la xariira raashinkaasi ee ka soo baxay raysul Wasaaraha xukuumadda fedaraalka Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) Wasiirka Gaadiidka cirka iyo dhulka Maxmaed Ibraahin Xaabsade oo muujinaya arrimaha raashinkaasi ee iska soo horjeeda.
Banaadir Post
babaadirpost@gmail.com

Waa in laga hortagaa dilkaan Joogtada ah








Waxaa la joogteystay dilka aqoon-yahannada, waxgaradka Soomaaliyeed iyo dadka ajinabiga ah gaar ahaan kuwa u shaqeeya ha’adaha samafalka iyo saxaafadda. Sanooyinkii aynu soo dhaafnay, dad wajiga dabooshay iyo kuwo uu u furan yahay ayaa waxay dileen boqolaal Soomaali ah oo aad looga qaddariyo mujtamaca iyo dad kale oo waddanka soo booqday. Halkaan kuma soo koobi karno magacyada dadka sida khaarajinta ah lagu dilay Soomaaliya. Intii aan qoraalkan aynu ka shaqeyneynay ayaan waxaan maqalnay in qof kale oo hawl wnaagsan ummadda u hayey lagu dilay magaalada Muqdisho.

Sida ay ugu guuldarreysteen Dowladda Federalka iyo mucaaradkuba joojinta dilalkan isdabajoogga ah (hadeysan ayaguba ka dambeyn) ayaa waxay qasbi doontaa in uu abuurmo kacdoon bulsho oo loo dhan yahay oo ka soo horjeysta dilalkan Diinteenna iyo dhaqankeennaba aan meel ka soo gelin.

Haddii aad fiiriso dilalka la geysanayo ayaa waxaa kuu caddaaneysa in ay tahay mu’aamaro qoto dheer oo siyaasadaysan dadna ay ka danbeeyaan.



Axaddii aynu soo daafnay bishuna ay ahayd July 6, 2008, ayaa magaalada Muqdisho lagu dilay madaxii hay’adda UNDP Somalia Cusmaan Cali Axmed. Dilkan ayaa wuxuu dhacay isaga oo marxuumku ka soo baxay masaajidka halkaas ee uu ku soo tukaday Salaaddii Cishaha. Axad, June 21, 2008, Eng. Maxamed Xasan Kulmiye oo ahaa madaxa haya’dda CRD ee gobolka Hiiraan yaa lagu dilay magaalada Beled Weyne. Enj. Kulmiye wuxuu halkaas in mudda ah si hagar la’aan ah uga shaqeyn jiray howlaha heshiinsiinta iyo nabadeynta ee gobolka Hiiraan. Arboco, July 2, 2008, Cabdikariim Sheikh Ibrahim oo ahaa ganacsade caan ah aadna u kaalmeyn jiray agoonta Soomaaliyeed ayaa lagu dilay magaalada Muqdisho. Marxuumkaas ayaa wuxuu xannaaneyn jiray in ka badan kun caruur ah. Isniin, June 30, 2008, Siyaad Orow oo madax ka ahaa hay’ad samafal oo la shaqeysa hay’adda Cuntada Adduunka ee WFP ayaa la afduubay ka dibna la dilay. Sabti, June 7, 2008, Nasteex Daahir Faarax oo ahaa wariyihii BBCda uga soo warrami jiray Kismaayo ayaa lagu dilay magaalada Kismaayo.



Nofeembar 4, 2004, Gen. Maxamed Cabdi Maxamed, oo ahaa sarkaal sare ee ciidankii Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa la dilay isaga oo ka soo laabanaya salaaddii subaxnimo. July 11, 2005, Cabdulqaadir Yaxya Cali oo ahaa madaxa hay’adda CRD ayaa si naxariis darro ah lagu dilay gurigiisa oo ku yaala magaalada Muqdisho. Jimco July 28, 2006, Cabdalla Deerow Isaaq Wasiirna ka ahaa Dowladda Federalka horayna u ahaan jiray Guddoomiyaha Barlamaanka Soomaaliyeed ayaa lagu dilay irridda masaajid ku yaala magaalada Baydhabo markii uu soo tukaday salaaddii Jimcaha. Runtii halkaan laguma soo koobi karo dilalka noocaas oo loogeystay dad aanan waxba galabsan.

Waxaa hubaal ah in dadkaas wax dilaya aysan aqoon u lahayn dadka ay dilayaan. Mana jirto dhibaato uu geystay oo loo dilayo. Taas waxaa daliil u ah dilkii Ms Kate Peyton oo u shaqeynjirtay BBCda oo lagu dilay Moqdisho ayada oo markaas joogtay wax ka yar saacado. Taas waxay kuu caddayneysaa in dadkan la dilayaa horay loo soo qorsheeyey dilkooda. Sidoo kale waxaa muuqata in dilalka noocaan ah dadka geysta yihiin laba qofood iyo wax ka badan, goobta uu dilkaas ka dhacayana lagu arki karo dad badan oo marqaati noqon kara. Waxaa halkaan ka soo baxaysa in dilalka noocaan ah ee ka dhacay Soomaaliya ay yihiin qaar si xeel-dheer looga soo shaqeeyey dad baddanna ay ku lug leeyihiin. Waxaa kale oo xusid mudan in ay jiraan dilal noocaan oo kale oo aad u fara badan oo laakin nasiib darro aanan la soo shaacin.

Haddii aan dilalkaan si kale u fiirino, dadkan maalin waliba la dilayo kuma dhimmanayaan lama-dagaan aysan dad ku nooleyn. Fikrado kala duwan ayaay Soomaalidu ku sheegtay dadka ka dambeeya dilalka noocan ah. In kasta oo aysan fududayn in Soomaaliya laga baaro dad dambiyo galay xaaladda ka jirta awgeed, haddane waxaa jira Soomaali aad ugu xeel dheer, gudaha iyo dibaddaba, aqoon wanaagsana u leh barritaanka dilalka noocaan ah. Suura gal ma ahan in dilka boqolaal qofood uu daboolnaado abidkeed oo aan la ogaan cidda ka danbaysa.

Soomaalida ku nool dibadda waa in ay qayb ka qaataan xal u helidda dilalka joogtada ah ayaga oo la kaashanaya khubarada dalalka ay ku noolyihiin. Waxaa jira habab casri ah oo lagu ogaan karo dadkii ka dambeeyey dilalkaan iyo waliba kuwa soo abaabula.Soomaalidana war iskuma seegana, wax-qarintana kuma fiicna.

Waa in gal (file) loo furaa qof kasta oo lagu dilay Soomaaliya. Maxkamadna la horkeenaa dadkii ka dambeeyey dilalkaan. Arrintaan oo faraha laga laabto oo la iska daawado, waxay u xun tahay sida dilka qudhiisa; waxayna u ogolaaneysaa in dambiilayashii horay u dilay dad horyaal ah ay haddane sii wadaan dilalka inta hartay.
Editorial News Desk.

Ganacsatada Soomaaliyeed: Gar-wadeen ka Noqda Gurmadka Dadka Baahan

Sida qaalibka ah, ganacsatadu saamayn weyn ayay ku yeeshaan– ha xumaato ama ha samaatee – arrimaha waddankooda, iyo arrimo dunida oo dhan gil-gila. Labaatankii sano ee la soo dhaafay, ganacsatada Soomaaliyeed waxay muujiyeen hal adayg iyo fir-fircooni qoto-dheer. Waxaa kale oo ay ka bad-baadeen dabkii qabsaday aadna u diloodey dalka Soomaliya, iyada oo in badan oo ganacsata ahina ay tabcasho iyo tis-qaad heleen intii dalku uu dumayey.



Marka laga fakaro guulaha dhaqaale ee ganacsatada Soomaaliyeed ay ku tillaabsadeen, waxaa maanka ku soo deg-degaya fajac iyo kufaanid wada socda. Mar waxaa imaanaysa su’aasha la yaabka leh ee ah: sidee ayay ganacsatadu ugu dhiiradeen in ay ganacsi ka dul sameeyaan danbaska gurigooda baska-beelay ama bur-bursan (Soomaaliya) oo maydka dadkoodii oo gubtay uu dhex daadsan yahay. Dhinaca kalana farax iyo ku faanid ayaa ka dhalanaya guulaha ganacsatadu oo ay muuqanayso in ragga ganacsatada ahi ay guushooda ku gaareen karti, dul-qaad iyo mintidnimo. Illeyn haddii ayan tilmaamahaa lahayn, xaaladda ammaan darrida ah ee Soomaaliya ka jirta inta ganacsi ay ka sameeyaan haddana ganacsigoodu ma noqdeen mid tisqaada una sahla in ay noqdaan maal-qabeenno.



Isku soo duub, ganacsiga Soomaaliyeed waa qaan gaaray, ganacsato badani labaatan sano ku dhawaad ayaanay cashuur bixinayn, bannaankana ay ka joogeen xakamaynta iyo kor-meerka dowladda - taas oo fududaysay in ganacsatada Soomaaliyeed in badan oo ka mid ah ay ilaa xad dhaqaale helaan amaba ay noqdeen taajiriin.



Waxaan is leeyahay, waxaa la gaaray xilligii ganacsatada Soomaaliyeed ay gudan lahaayeen masuuliyadda la socota in ay maal-qabeen noqdeen. Maan-gal ma aha, Soomaalinimo ma aha, waana arxan darro in ganacsatada Soomaaliyeed ay moog-yihiin, ay is-moogeysiiyaan ama ayan u danqan darxumada haysata maatada Soomalaliyeed. Waxaa bannaanka yaalla oo la wada og-yahay in dad malaayiin ka badan oo Soomaaliyeed ay gaajo iyo macaluul la il-daran yihiin. Isku duwaha Gar-gaarka ee Qaramada Midoobey, Wakaaladaha Wararka Adduunka iyo dadka Soomaaliyeedba waxay og yihiin in Soomaali faro badan ay geeri qarka u saran yihiin – cunto iyo biyo la’aan sababtood.



Waa su’aale waa maxay sababta ganacsatada Soomaaliyeed ay uga aamusan yihiin gaajada iyo harraadka dhibka ba’an ku haya ummadda Soomaaliyeed? Maxay gar-wadeen uga noqon waayeen gurmad loogu gar-gaaro dadka saboolka ah ee dalkeenna ku dhibban? Waa maxay sababta ay qaylo-dhaan ugu diri la’yihiin ganacsatada Soomaaliyeed ayna una abaabuli la’yihiin dadka qurbaha ku nool oo dhaqaale ahaan dollar ama labo ama konton ku dari kara dhaqaalaha ay bil kasta dadkaasi ehelkooda u xawilaan?



Ganacsatada Soomaaliyeed waxay muujiyeen il-baxnimada Soomaaliya oo nabad-galyo ahaan aan deggeneyn ay haddana u wada shaqaystaan iskuna kaalmaystaan. Waxaa kale oo ay ganacsatada oomaaliyeedi hanteen kalsoonida dadka qurba-joogga ah kuwaas oo shirkadaha xawaaladaha macaamiil ka ah. Shirkadaha Xawilaaduhu waxaa kale oo u diyaar ah kaabayaasha u sahli kara in ay gurmad gaarsiiyaan dalka oo dhan, kaabayaashaas oo ah xafiisyo iyo dad aammin ah, hawl-karna ah.



Ma jirto wax cududaar ah oo ay ganacsatada Soomaaliyeed u haystaan ka gaabinta gurmad loo sameeyo dadka dan yarta ah oo ganacsatada dalka gudihiisa kula nool.



Denbi aad u culus oo aan la himaami karin lana dhaafi Karin ayaa ka dhalan kara haddii lagu fashilo in in loo gurmado dadka dalka Soomaaliya ku dhibaataysan. Waqtigaani waa in uu noqdaa waqtigii shaqada iyo hawl-galada gar-gaarka Soomaalinimo, maaddaama malaayin qof ay noloshoodu halis ku sugan tahay.



Dhinaca kale, ganacsatada Soomaaliyeed waxa ka muuqda in ay ka fiyow yihiin ama ay ka tallaalan yihiin cudurka faafa ee dilaaga ah ee qabyaaladda. Midnimda, wada shaqynta iyo qabyaalad la’aanta ganacsatadu waa mid lagu dhaato loona adeegsan karo ol-ole baaxad weyne oo looga hortago gaajada iyo macaluusha dalkeenna dul-haraynaysa.



Maaddaama nolosha kumanaan kun oo qof ay khatar ku jirto, loona baahan gurmad, Hiiraan Online haddii aan nahay waxaa codsi iyo soo jeedin naga ah in:

:

In shirkadaha Xawilaadaha ee waaweyn ay wada jir ama keli-keli ah ay deg-deg ugu aasaasaan hay’ad / guddi / ama xafiis ka hawk-gala samafalka iyo gurmada dadka gaajada iyo biyo la’aanta dalka kula il-daran;


In ganacsade kasta - dalka gudihiisa ha joogo ama dibaddiisa ha joogee- uu gacan aan hagrasho lahyn ka geysto dadaalka iyo gurmadka gacan siinta dadka tabaalaysan;


In Shirkadaha xawilaadaha ay iyaga qudhoodu tabaruc gacan furraansho wata iyo lacagaha zakooyinkaba ku bixiyaan sanduukha taakulaynta dadka baahan;


In shirkadaha xawalaaduhu ay ku adkeeyaan wakiiladooda qurbuha in ay dadka macaamiisha u ah ee lacagaha ka dira ay gaarsiiyaan, ka gadaan, kuna qanciyaan in ay wixii tabartooda ah ee tabarucaad ah sida $50 dollar, ay ku biiriyaan gurmadka dadka baahan;


In guddiga xawaaladaha (ama haddii mid ama laba xawilaadood ay baaqaan isku xil-qaamaan), in deeqaha soo urura markaasi degmooyinka dalka si caddaalad ah oo loogu qaybiyo;


Haddii aan nahay bahda Hiiraan Online, waxaan diyaar u nahay in aannu u gudanno masuuliyadda gurmadkaan nooga aaddan, si aan hagrasho lahayn, gaar ahaan arrimaha gaarsiinta akhristayaasha ee arrinkaan mudnaanta leh si fuduna loo hir-gelin karo;


Waxaa intaa noo weheliya in aan ku deeqayno, $500.
Gunaanadkii, markii musiibo ay dhacdo, dadka xil kaska ahi waa u gurmadaan una gar-gaaraan walaalahooda dhibku gaaray. Cududaar uma haysanno aan ku daawanno dadkeennii oo gaajo iyo haraad la il daran.



Nala wadaag dareenkaaga iyo dowrkaaga:

editorial@hiiraan.com

Dhaliil Dowladda Federaalka ah.

Haddaanu nahay dadka u dhashey gobolka sh.hoose , waxaan u qabnaa dowladda federaalka dhaliil xoog leh, waxaana ku dhaliilsannahay ,garab istaagidda dulmiga, waayo tan iyo intii ay dowladda federaalka ay jirtey, gobolka shabeellada hoose waxaa ka jirey gumeysi fool xun.
Gumeysigaa ku gaamurey gobolka , ayay dowladda u sharciyeysey inay gobolka gacanta ku sii hayaan, hase yeeshee ka dib goortii qaylideenna meel walbo gaarsiinney waxaa dhacey inay kasoo yeertey casilaad xubnahii gobolkaa ku amartaagleynaayey.
Casilaaddaa waxay dhalisey in kuwii ku mamey gumeysiga gobolka inay lasoo baxaan waxii hub ay haysteen, oo sii bareera ah u billaabeen dhoolla tus, iyo hanjabaad, iyo ayaga oo weliba weerarro daandaansi ah ku billaabey ciidamada dowladda.
Ayaga oo garab ka dhiganayaa, warbaahiyayaal gaar ah oo aan marna tix gelin xuquuqda warbaahinta iyo fidinta wararka, halka looga baahnaa inay garab joogsadaan cadaaladda iyo danta umadda, ay hor seed u yihiin, dulmi, iyo fidno, siiba ayaga oo ka beensheegaaya xaqiiqada ka jirta gobolka.
Dulmiilayaashaa gobolka dheeftiisa iyo dulmiga ku mamey ayaa waxay taaganyihiin, inay gobolka ayagu gacanta ku haaystaan, isla markaana aysan aqoonsaneyn, wax dowladda la yiraahdo, ayada oo la woda ogyahay inay yihiin kuwa aan marna ku adkeysan hadalka ka soo yeero, hadba u janjeero dhanka burburinta gobolka .
Dhaliilka dowladda ayaa waxaa sii kordhiyey ayada oo ay mar walba dowladda gobolka usoo magacowda dan aan u dhalan, amase kuwa la halmaala dulmiilayaasha gobolka kuwa aysoo jeediyeen in lagu magacaabo, taasi oo ka dhigan tix gelin la'aan ka timid xagga dowladda, oo aysan siin dadka u dhashey gobolka.
Waxaa talo naga ah , haddii ay dowladda federaalka ay dooneyso in lagu xuso taariikha, magic tilmaan leh, waa inay u jalleecdaa dhanka cadaaladda iyo dhowrista xuquuqda aadamaha, gacan caadil ahna ku qabata arrinta gobolka sh.hoose.
Waxaana u caddeyneynaa haddii ay dowladda nabad gelyo ka dhaliso gobolka shabeellada hoose, inay taasi horseedi doontyo nabad gelyo lagu hela gobollada ku hareereysan oo idil , ayna u horreyso Caasimadda dalka.
Waayo gobolka waa meesha:-1- Mooryaanta hubka ooga soo dego.2- Loogu soo tababaro kuwa kasoo horjeedo dowladda.3- dhaqaalaha kasoo galo ee hubka lagu soo iibiyo laguna dagaallamo dowladda.
Haddii ay dowladdu arrintaasi ka hortegto, waxaa dhalanaaya in:-1- Mooryaanta kasoo horjeedo dowlaada inay waayaan goob ay ku soo tababartaan, iyo meel ay isku soo abaabulaan.
2- dhaqaalaha ay ka curyaamaan, taasi oo dhalidoonto kuwa ku shaqeysto inay laba kala doortaan:-a- Inay u tuugsitegaan dowladaha dulmi jeceylka ah.b- Inay dhaqaalahii ay umadda kasoo boobeen oo dhan ay geliyaan, taasina waxay u dhamaankartaa inayba iskaga soo horjeestaan goorta ay arkaan inay arrintu tahay farar ka bax.
3-Inay kala jabaan goorta ay arkaan inay arrintu tahay mid aan leysku dhaafey, oo aan looga daba hareyn, in qaarkooda ay dowladda usoo wareegaan, halka kuwa kale ay dantu ku kallifeyso inay kala doortaan geeri iyo is biimeen, iyo inay dalka iskaga baxaan.
Intaasi oo idil waxay ku xirantahay ayada oo dowladda ay u wareegto dhanka cadaaladda ayada oo gobol kastaa dadkiisa kuwa daacadda ah kala xariira, iskana foogeeya kuwa dhiig miiradka ah iyo kuwa afkaayaanbooga ah, si loo gaaro arrimaha aan kor kudoo xusney.
Cabdallow Maclin Xaayle L/H:jmm278@hotmail.com

Dhaliil Dowladda Federaalka ah.

Haddaanu nahay dadka u dhashey gobolka sh.hoose , waxaan u qabnaa dowladda federaalka dhaliil xoog leh, waxaana ku dhaliilsannahay ,garab istaagidda dulmiga, waayo tan iyo intii ay dowladda federaalka ay jirtey, gobolka shabeellada hoose waxaa ka jirey gumeysi fool xun.
Gumeysigaa ku gaamurey gobolka , ayay dowladda u sharciyeysey inay gobolka gacanta ku sii hayaan, hase yeeshee ka dib goortii qaylideenna meel walbo gaarsiinney waxaa dhacey inay kasoo yeertey casilaad xubnahii gobolkaa ku amartaagleynaayey.
Casilaaddaa waxay dhalisey in kuwii ku mamey gumeysiga gobolka inay lasoo baxaan waxii hub ay haysteen, oo sii bareera ah u billaabeen dhoolla tus, iyo hanjabaad, iyo ayaga oo weliba weerarro daandaansi ah ku billaabey ciidamada dowladda.
Ayaga oo garab ka dhiganayaa, warbaahiyayaal gaar ah oo aan marna tix gelin xuquuqda warbaahinta iyo fidinta wararka, halka looga baahnaa inay garab joogsadaan cadaaladda iyo danta umadda, ay hor seed u yihiin, dulmi, iyo fidno, siiba ayaga oo ka beensheegaaya xaqiiqada ka jirta gobolka.
Dulmiilayaashaa gobolka dheeftiisa iyo dulmiga ku mamey ayaa waxay taaganyihiin, inay gobolka ayagu gacanta ku haaystaan, isla markaana aysan aqoonsaneyn, wax dowladda la yiraahdo, ayada oo la woda ogyahay inay yihiin kuwa aan marna ku adkeysan hadalka ka soo yeero, hadba u janjeero dhanka burburinta gobolka .
Dhaliilka dowladda ayaa waxaa sii kordhiyey ayada oo ay mar walba dowladda gobolka usoo magacowda dan aan u dhalan, amase kuwa la halmaala dulmiilayaasha gobolka kuwa aysoo jeediyeen in lagu magacaabo, taasi oo ka dhigan tix gelin la'aan ka timid xagga dowladda, oo aysan siin dadka u dhashey gobolka.
Waxaa talo naga ah , haddii ay dowladda federaalka ay dooneyso in lagu xuso taariikha, magic tilmaan leh, waa inay u jalleecdaa dhanka cadaaladda iyo dhowrista xuquuqda aadamaha, gacan caadil ahna ku qabata arrinta gobolka sh.hoose.
Waxaana u caddeyneynaa haddii ay dowladda nabad gelyo ka dhaliso gobolka shabeellada hoose, inay taasi horseedi doontyo nabad gelyo lagu hela gobollada ku hareereysan oo idil , ayna u horreyso Caasimadda dalka.
Waayo gobolka waa meesha:-1- Mooryaanta hubka ooga soo dego.2- Loogu soo tababaro kuwa kasoo horjeedo dowladda.3- dhaqaalaha kasoo galo ee hubka lagu soo iibiyo laguna dagaallamo dowladda.
Haddii ay dowladdu arrintaasi ka hortegto, waxaa dhalanaaya in:-1- Mooryaanta kasoo horjeedo dowlaada inay waayaan goob ay ku soo tababartaan, iyo meel ay isku soo abaabulaan.
2- dhaqaalaha ay ka curyaamaan, taasi oo dhalidoonto kuwa ku shaqeysto inay laba kala doortaan:-a- Inay u tuugsitegaan dowladaha dulmi jeceylka ah.b- Inay dhaqaalahii ay umadda kasoo boobeen oo dhan ay geliyaan, taasina waxay u dhamaankartaa inayba iskaga soo horjeestaan goorta ay arkaan inay arrintu tahay farar ka bax.
3-Inay kala jabaan goorta ay arkaan inay arrintu tahay mid aan leysku dhaafey, oo aan looga daba hareyn, in qaarkooda ay dowladda usoo wareegaan, halka kuwa kale ay dantu ku kallifeyso inay kala doortaan geeri iyo is biimeen, iyo inay dalka iskaga baxaan.
Intaasi oo idil waxay ku xirantahay ayada oo dowladda ay u wareegto dhanka cadaaladda ayada oo gobol kastaa dadkiisa kuwa daacadda ah kala xariira, iskana foogeeya kuwa dhiig miiradka ah iyo kuwa afkaayaanbooga ah, si loo gaaro arrimaha aan kor kudoo xusney.
Cabdallow Maclin Xaayle L/H:jmm278@hotmail.com

Mooryaanta iyo qurba joogga Soomaaliyeed

Dalka Soomaaliya siiba gobollada koonfureed waxaa ka jirey dhibaatooyin fara bdana tan iyo burburkii dowladda dhaxe, taasi oo dadka gobolladiisa waxaa ka dhacey dhibaatooyin kala duwan, hase yeeshee sidii dhibaatada looga kala horreeyey ayaa looga tabaabusheestey.

Gobollada woqooyi oo waagii dowladdii Meliteriga ay gacan bir ah ku qabatey dalka oo idil , ayaa waxay ahaayeen dadkii oogu horreeyey ee ka dhiidhiyey, kana soo horjeestey, taasi oo dhalisey in dadweynihii lagu gumaadey dabaabado iyo dayaarado debedda laga soo kireystey, ka dib goortii Pilot yada Soomaaliyeed ay u bareeriwaayeen inay dalkoodii iyo dadkoodii ay burburiyaan.

Taasi waxay dhalisey in gobollada woqooyi ay si caqli ku dhisan ay arrintooda u maamushaan, taasi oo gaarsiisey heerka ay maanta marayaan, haba ku dhawaaqaan dowlad goonni u goosad ah, amase madax bannaan,taasi oo la ogyahay waxa dhaliyey.

Dhanka kale dowlad goboleedka Puntland oo ayadu ahayd mid dhibaato kala soo kulantey maamulkii Meliteriga , taasi oo abaabushey jabhaddii oogu hjorreeysey ee ka dhisantahay dalka debeddiisa, oo ahayd SODAF , ee uu hoggaamiye u ahaayey Korneel Cabdullaahi Yuusuf, oo maanta ah, madaxweynaha dowladda federaalka ah.

Dalka inta kasoo hadhey ayaa ah kuwa aan sal loo dhigin tan iyo burburkii dowladdii Siyaad Barre , taasi waxaa u sabab ah, ayada oo ay gobolladaasi kasoo jeedaan beelo, u caadayeystey inay oogu horreentii iska dilaan, indheer garadkooda iyo aqoonyahankooda, iyo inta lagu dhaarto oo idil.

Taasi oo keentey inay keli isku soo hadhaan waxma garad iyo maan gaab iyo mannaxaan, taasi oo dhalisey inay kala boobaan waxii ay umadda lahayd, oo idil , heer ay yiraahdaan guri uu qof leeyahay annagaa xureysanney, taasi oo aan jirn indheer garad amase caaqil yiraahda, dulmiga dadka ka daaya.

Arrimahaasi ayaa noqdey mid ay ku abaabiyaan jiilalkii soo koraayey, oo aan arkin caadil iyo nin wax celinaayo, taasi waxay noqotey inayba u arkaan cadaaladdaba inay tahay waxii aad xoogtid amase aad dhacdidba adiga inaad xaq u leedahay oo aan lagaa qaadan karin.

Oogu dambeentii waxay gaartey inay mooryaan kasoo baxdey gobollada koonfureed oo ku tuugsada inay dhul iyo xaq inay soo dhicinayaan, kuwaasi oo taleefoonno u diro dadka debedda jiro ayaga oo marba wax kusoo marmarsoonaaya.

Waxay u kala baxeen mooryaantaasi, kuwa leh, dhul ayaan idin helley ee lacag soo dhiiba iyo waxii lagu masruufi lahaa dadka waxa idin soo dhacaayo, iyo kuwa leh, waxaan idin ka dhicineynaa, kuwa dhulkiinna iyo guryahiinna boobey ee keena wax lagula dagaallamo amase lagu iibiyo hubkii mooryaanta kale lagu dhicin lahaa.

Intaasi waxaa ka dhex dhashey kuwa dharka caddeystey oo ayagu u doodaayo labada qeybood qeyb ooba leh, annaga ayaa gacanta ku haayno kuwa xaq u dirirka ah, kan wax dhacaaya iyo kan leh aniga ayaa ka dhicinaaya, taasi oo lagu beer jilacsanaayo qurba joogga Soomaaliyeed oo sida ay lacagta kusoo gasho ay aad u dhib badantahay.

La kala war la' labada mooryaan iyo qurba joogga Soomaaliyeed,waxaase taladu ku habboontahay in qurbajoogga Soomaaliyeed ay ogaadaan lacagaha ay Soomaaliya usoo diraan inay tahay mid aan la hubin inay ku dembaabayaan iyo inay ajar ku helayaan.

Waayo kuwa lacagaha qeybiya marka aad u dhabba gashid waxaa jirkooda kaaga muuqanaaya inaysan marna dhib soo arag, meesha qurbajoogga ay ka woda muuqato dhibaatada ay kusoo helaan lacagtaa ay dalka usoo dirayaan, haddaba waxay ka dhigantahay inay masruufaan woda mooryaan camaamad qaatey iyo mid jaad ku cuna iyo mid khamri ku cabba.

Qurbajoogow hubso lacagaha la idin kaga qaado masaakiin ayaa la gaarsiinayaa, ee lacagtiinna sadaqada meesha oogu habboontahay ku bixiya, meesha aad kaga hagaajineysaan wadaad mooryaan ah iyo kuwa ay isku woda shaqeystaan ee marba reer masaakiin ah meel kasoo duubo.

Waxaase oogu daran kuwa geedaha hoostooda fadhiya ee usoo shaqa tega, sidii ay jaad ku heli lahaayeen , oo ay leeyihiin meel baan qarxinney iyo meel baan idin haynaa.

Kuwaasi kuwa wax u diro ha ogaadeen inay maalkooda ku bixiyaan meel xaaraan ah, oo lagu xisaabindoono yoomul qiyaamo, haddiise aysan iska gaarin maanta kolle burrito meel laga jawaabi karin ayaa ka dambeyso.

Kala war la' laba mooryaan iyo qurba joogga Soomaaliyeed.


Jamaal Maxamed Mursal
Jmm278@hotmail.com