Search This Blog

Friday, August 15, 2008

Mooryaanta iyo qurba joogga Soomaaliyeed

Dalka Soomaaliya siiba gobollada koonfureed waxaa ka jirey dhibaatooyin fara bdana tan iyo burburkii dowladda dhaxe, taasi oo dadka gobolladiisa waxaa ka dhacey dhibaatooyin kala duwan, hase yeeshee sidii dhibaatada looga kala horreeyey ayaa looga tabaabusheestey.

Gobollada woqooyi oo waagii dowladdii Meliteriga ay gacan bir ah ku qabatey dalka oo idil , ayaa waxay ahaayeen dadkii oogu horreeyey ee ka dhiidhiyey, kana soo horjeestey, taasi oo dhalisey in dadweynihii lagu gumaadey dabaabado iyo dayaarado debedda laga soo kireystey, ka dib goortii Pilot yada Soomaaliyeed ay u bareeriwaayeen inay dalkoodii iyo dadkoodii ay burburiyaan.

Taasi waxay dhalisey in gobollada woqooyi ay si caqli ku dhisan ay arrintooda u maamushaan, taasi oo gaarsiisey heerka ay maanta marayaan, haba ku dhawaaqaan dowlad goonni u goosad ah, amase madax bannaan,taasi oo la ogyahay waxa dhaliyey.

Dhanka kale dowlad goboleedka Puntland oo ayadu ahayd mid dhibaato kala soo kulantey maamulkii Meliteriga , taasi oo abaabushey jabhaddii oogu hjorreeysey ee ka dhisantahay dalka debeddiisa, oo ahayd SODAF , ee uu hoggaamiye u ahaayey Korneel Cabdullaahi Yuusuf, oo maanta ah, madaxweynaha dowladda federaalka ah.

Dalka inta kasoo hadhey ayaa ah kuwa aan sal loo dhigin tan iyo burburkii dowladdii Siyaad Barre , taasi waxaa u sabab ah, ayada oo ay gobolladaasi kasoo jeedaan beelo, u caadayeystey inay oogu horreentii iska dilaan, indheer garadkooda iyo aqoonyahankooda, iyo inta lagu dhaarto oo idil.

Taasi oo keentey inay keli isku soo hadhaan waxma garad iyo maan gaab iyo mannaxaan, taasi oo dhalisey inay kala boobaan waxii ay umadda lahayd, oo idil , heer ay yiraahdaan guri uu qof leeyahay annagaa xureysanney, taasi oo aan jirn indheer garad amase caaqil yiraahda, dulmiga dadka ka daaya.

Arrimahaasi ayaa noqdey mid ay ku abaabiyaan jiilalkii soo koraayey, oo aan arkin caadil iyo nin wax celinaayo, taasi waxay noqotey inayba u arkaan cadaaladdaba inay tahay waxii aad xoogtid amase aad dhacdidba adiga inaad xaq u leedahay oo aan lagaa qaadan karin.

Oogu dambeentii waxay gaartey inay mooryaan kasoo baxdey gobollada koonfureed oo ku tuugsada inay dhul iyo xaq inay soo dhicinayaan, kuwaasi oo taleefoonno u diro dadka debedda jiro ayaga oo marba wax kusoo marmarsoonaaya.

Waxay u kala baxeen mooryaantaasi, kuwa leh, dhul ayaan idin helley ee lacag soo dhiiba iyo waxii lagu masruufi lahaa dadka waxa idin soo dhacaayo, iyo kuwa leh, waxaan idin ka dhicineynaa, kuwa dhulkiinna iyo guryahiinna boobey ee keena wax lagula dagaallamo amase lagu iibiyo hubkii mooryaanta kale lagu dhicin lahaa.

Intaasi waxaa ka dhex dhashey kuwa dharka caddeystey oo ayagu u doodaayo labada qeybood qeyb ooba leh, annaga ayaa gacanta ku haayno kuwa xaq u dirirka ah, kan wax dhacaaya iyo kan leh aniga ayaa ka dhicinaaya, taasi oo lagu beer jilacsanaayo qurba joogga Soomaaliyeed oo sida ay lacagta kusoo gasho ay aad u dhib badantahay.

La kala war la' labada mooryaan iyo qurba joogga Soomaaliyeed,waxaase taladu ku habboontahay in qurbajoogga Soomaaliyeed ay ogaadaan lacagaha ay Soomaaliya usoo diraan inay tahay mid aan la hubin inay ku dembaabayaan iyo inay ajar ku helayaan.

Waayo kuwa lacagaha qeybiya marka aad u dhabba gashid waxaa jirkooda kaaga muuqanaaya inaysan marna dhib soo arag, meesha qurbajoogga ay ka woda muuqato dhibaatada ay kusoo helaan lacagtaa ay dalka usoo dirayaan, haddaba waxay ka dhigantahay inay masruufaan woda mooryaan camaamad qaatey iyo mid jaad ku cuna iyo mid khamri ku cabba.

Qurbajoogow hubso lacagaha la idin kaga qaado masaakiin ayaa la gaarsiinayaa, ee lacagtiinna sadaqada meesha oogu habboontahay ku bixiya, meesha aad kaga hagaajineysaan wadaad mooryaan ah iyo kuwa ay isku woda shaqeystaan ee marba reer masaakiin ah meel kasoo duubo.

Waxaase oogu daran kuwa geedaha hoostooda fadhiya ee usoo shaqa tega, sidii ay jaad ku heli lahaayeen , oo ay leeyihiin meel baan qarxinney iyo meel baan idin haynaa.

Kuwaasi kuwa wax u diro ha ogaadeen inay maalkooda ku bixiyaan meel xaaraan ah, oo lagu xisaabindoono yoomul qiyaamo, haddiise aysan iska gaarin maanta kolle burrito meel laga jawaabi karin ayaa ka dambeyso.

Kala war la' laba mooryaan iyo qurba joogga Soomaaliyeed.


Jamaal Maxamed Mursal
Jmm278@hotmail.com