Search This Blog

Friday, August 15, 2008

Raashin dhacay muddana xayirnaa ayaa maanta la sheegay in suuqa lagu soo fasaxay.


Caddaynta in raashinkaasi uu yahay mid dhacay oo uu horay u sheegay Wasiirka Gaadiidka Cirka iyo dhulka Xukuumadda fedaraalka Maxamed Ibraahin Xaabse ayaa fasaxiddiisa maanta iyo in suuqyada lagu soo daayay waxaa la sheegay in uu ka dambayay amar uu bixiyay Raysul Wasaaraha xukuumadda fedaraalka Nuur Xasan Xuseen(Nuur Cadde).
Qaar ka mid ah howlwadeennada Dakadda Muqdisho oo raashinkaasi yiillay iyo waliba dadweynaha Soomaaliyeed qaarkood ayaa sii daynta iyo fasaxidda raashinkaasi waxaa ay ku tilmaameen mid aan ku imaan nidaamkii saxa ahaa,marka la eego in baaritaan lagu sameeyo.


Dadka dhaliilsan fasaxidda raashinkaasi kuna doodayaan in uu yahay mid dhacay ayaa waxaa kaloo ay caddeeyeen in raashinkaasi oo rasmi ahaan mar hore u dhacay haatan la sameeyay khiyaano ah in laga badalay jawaannadii muujinayay in uu dhacay.Arrintaan oo ku soo aadaysa waqti uu sicir barar aad ahi ka jiro dalka Soomaliya oo dhan fooddana ay nagu soo hayso bilashada bisha barakaysan ee rabadaan uuna jiro badxiran ayaanay dhinaca kale jirin wax war ah oo la xariira raashinkaasi ee ka soo baxay raysul Wasaaraha xukuumadda fedaraalka Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) Wasiirka Gaadiidka cirka iyo dhulka Maxmaed Ibraahin Xaabsade oo muujinaya arrimaha raashinkaasi ee iska soo horjeeda.
Banaadir Post
babaadirpost@gmail.com