Search This Blog

Friday, August 15, 2008

Dhaliil Dowladda Federaalka ah.

Haddaanu nahay dadka u dhashey gobolka sh.hoose , waxaan u qabnaa dowladda federaalka dhaliil xoog leh, waxaana ku dhaliilsannahay ,garab istaagidda dulmiga, waayo tan iyo intii ay dowladda federaalka ay jirtey, gobolka shabeellada hoose waxaa ka jirey gumeysi fool xun.
Gumeysigaa ku gaamurey gobolka , ayay dowladda u sharciyeysey inay gobolka gacanta ku sii hayaan, hase yeeshee ka dib goortii qaylideenna meel walbo gaarsiinney waxaa dhacey inay kasoo yeertey casilaad xubnahii gobolkaa ku amartaagleynaayey.
Casilaaddaa waxay dhalisey in kuwii ku mamey gumeysiga gobolka inay lasoo baxaan waxii hub ay haysteen, oo sii bareera ah u billaabeen dhoolla tus, iyo hanjabaad, iyo ayaga oo weliba weerarro daandaansi ah ku billaabey ciidamada dowladda.
Ayaga oo garab ka dhiganayaa, warbaahiyayaal gaar ah oo aan marna tix gelin xuquuqda warbaahinta iyo fidinta wararka, halka looga baahnaa inay garab joogsadaan cadaaladda iyo danta umadda, ay hor seed u yihiin, dulmi, iyo fidno, siiba ayaga oo ka beensheegaaya xaqiiqada ka jirta gobolka.
Dulmiilayaashaa gobolka dheeftiisa iyo dulmiga ku mamey ayaa waxay taaganyihiin, inay gobolka ayagu gacanta ku haaystaan, isla markaana aysan aqoonsaneyn, wax dowladda la yiraahdo, ayada oo la woda ogyahay inay yihiin kuwa aan marna ku adkeysan hadalka ka soo yeero, hadba u janjeero dhanka burburinta gobolka .
Dhaliilka dowladda ayaa waxaa sii kordhiyey ayada oo ay mar walba dowladda gobolka usoo magacowda dan aan u dhalan, amase kuwa la halmaala dulmiilayaasha gobolka kuwa aysoo jeediyeen in lagu magacaabo, taasi oo ka dhigan tix gelin la'aan ka timid xagga dowladda, oo aysan siin dadka u dhashey gobolka.
Waxaa talo naga ah , haddii ay dowladda federaalka ay dooneyso in lagu xuso taariikha, magic tilmaan leh, waa inay u jalleecdaa dhanka cadaaladda iyo dhowrista xuquuqda aadamaha, gacan caadil ahna ku qabata arrinta gobolka sh.hoose.
Waxaana u caddeyneynaa haddii ay dowladda nabad gelyo ka dhaliso gobolka shabeellada hoose, inay taasi horseedi doontyo nabad gelyo lagu hela gobollada ku hareereysan oo idil , ayna u horreyso Caasimadda dalka.
Waayo gobolka waa meesha:-1- Mooryaanta hubka ooga soo dego.2- Loogu soo tababaro kuwa kasoo horjeedo dowladda.3- dhaqaalaha kasoo galo ee hubka lagu soo iibiyo laguna dagaallamo dowladda.
Haddii ay dowladdu arrintaasi ka hortegto, waxaa dhalanaaya in:-1- Mooryaanta kasoo horjeedo dowlaada inay waayaan goob ay ku soo tababartaan, iyo meel ay isku soo abaabulaan.
2- dhaqaalaha ay ka curyaamaan, taasi oo dhalidoonto kuwa ku shaqeysto inay laba kala doortaan:-a- Inay u tuugsitegaan dowladaha dulmi jeceylka ah.b- Inay dhaqaalahii ay umadda kasoo boobeen oo dhan ay geliyaan, taasina waxay u dhamaankartaa inayba iskaga soo horjeestaan goorta ay arkaan inay arrintu tahay farar ka bax.
3-Inay kala jabaan goorta ay arkaan inay arrintu tahay mid aan leysku dhaafey, oo aan looga daba hareyn, in qaarkooda ay dowladda usoo wareegaan, halka kuwa kale ay dantu ku kallifeyso inay kala doortaan geeri iyo is biimeen, iyo inay dalka iskaga baxaan.
Intaasi oo idil waxay ku xirantahay ayada oo dowladda ay u wareegto dhanka cadaaladda ayada oo gobol kastaa dadkiisa kuwa daacadda ah kala xariira, iskana foogeeya kuwa dhiig miiradka ah iyo kuwa afkaayaanbooga ah, si loo gaaro arrimaha aan kor kudoo xusney.
Cabdallow Maclin Xaayle L/H:jmm278@hotmail.com