Search This Blog

Saturday, December 26, 2009

Khilaaf soo kala dhex galay Xisbul Islaam iyo Saraakiisha Xisbiga oo kala mowqifyo noqday



Iyadoo labadii maalmood ay isa soo tarayeen warar aan fadhin oo sheegayay in khilaaf uu soo dhex galay Ururka Xisbul Islaam, ayaa waxaa maanta si rasmi u soo shaac baxay khilaafkaas.



Saraakiisha Xisbiga ayaa markii u horeysay soo kala dhex gashay kala fikir duwanaansho dhinacyo badan leh, waxaana saraakiisha Xisbul Islaam u muuqdaan kuwo sii kala go'aya marka loo eego mowqifyadooda.


Madaxa Arrimaha Bulshada Xisbul Islaam Salmaan Sahal Muuse ayaa sheegay in wax shaqo ah aanay ku laheyn Xisbul Islaam cunaqabateynta lagu soo rogay Dowladda Eritrea, isla markaana aanay waxba ka gelin.


Salmaan Sahal ayaa khilaafay hadal uu maalin ka hor jeediyay Xoghahayaha Warfaafinta Xisbul Islaam Maxamed Macalin, kaasi oo ahaa in ay cambaareynayaan cunaqabateynta Golaha Ammaanka ku soo rogay Eritrea.


Waxaa kaloo ay labadaas sarkaal ku kala duwanaadeen hadal uu isla maalintaas jeediyay Maxamed Macalin, kaasi oo ahaa inuu fashil ku yimid wada hadal u socday iyaga iyo Shabaabka, waxaana uu dhankiisa sheegay in wali wada hadalada u socdaan.


"Ninkaas shaqsi ahaan ayuu u hadlay, waxaa idin sheegayaa inuu wali inoo socda wada hadal walaalaha Shabaab meel wanaagsan ayayna marayaan"ayuu yiri Salmaan Sahal Muuse oo shir jaraa'id ku qabtay Ceelasha Biyaha.


Kala fikir duwanaanshahan ayaa waxay u sii gogol xaareysaa bur bur ku yimaada Xisbul Islaam, taasoo dad badan horay u saadiliyeen, kadib markii horay ugu kala qeybsameen dagaalkii Jubooyinka ee Shabaabka la galay Axmed Madoobe.

Prof.Ibbi oo sheegay in gebi ahaanba ay fashilmeen qorshayaashii Madaxweyne Sheekh Shariif ee ahaa in wada xaajood lagu dhameeyo khilaafaadka Dowlada iyo dhinacyada ka soo horjeeda.



Ra'iisulwasaare ku xigeen ahna Wasiirka Kaluumeysiga iyo kheyraadka Badda ee Dowlada KMG Soomaaliya Prof.C/raxmaan Xaaji Maxamuud Aadan (Ibbi) ayaa sheegay inay gabi ahaanba meesha ka baxeen rajooyinkii laga qabay in qaab wada hadal ah lagu dhameeyo arimaha Siyaasadeed ee ay isku hayaan iyaga iyo xooggaga ka soo horjeeda Dowlada.





Prof.Ibbi oo la hadlayay wargeyska ka soo baxa Dalka Sacuudiga ayaa u sheegay inay fashilmeen qorshayaashii Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh shariif uu ku doonayay inuu wada xaajoodyo kula galo dhinacyada ka soo horjeeda Dowlada, markii ay ka socon waayeen dhinacyada Dowlada ka soo horjeeda sida uu carabka ku dhuftay Prof.Ibii.




"dhankooda ayay ka socon waayeen isku dayadii dhanka wada hadalka waxayna taa ku dhaqaaqeen qorshe ku doonayaan inay Dowlada jirta xukunka uga tuuraan"ayuu yiri Prof.Ibbi oo intaasi ku sii daray inay Ciidamada Milatariga Dowlada iyo kuwa Booliiska ahna ay dhawaan la wareegi doonaan amaanka guud ahaan Soomaaliya.


Warka ah in amaanka Dowlada ay la wareegi doono ayaa ah mid maalmahaan danbe ku soo noq noqday afka madaxda Dowlada ama wasiir ha ahaado ama madaxda sar sae intaba lamana saadaalin karo xiliga howlgal ceynkaasi ah Dowladu geli doono, waxaase jirta uu ka soo yeeray wasiirka qorsheynta iyo iskaashiga C/raxmaan Cabdi shakuur kaasoo ahaa in amaanka ay la wareegi doono Dowlada wixii ka horeeya xuska maalintii la doortay Madaxweyne shariif ee 31-ki Janaayo 2009,taasoo iminka bil iyo maalmo kaliya naga xigaan...

Baanaadir post



Thursday, December 24, 2009

MAXAA KA HORTAAGAN BEELAHA LA HAYB SOOCO KA QAYBGALKA SIYAASADDA DALKA?


Xuquuqda ka qaybgalka siyaasadda dalka ee beelaha la hayb sooco si la mid ah sida muwaadinninta ka le ee ka soo jeedda beelaha tirada badan waxa ay muhiimad wayn u leedahay horumarka dhaqan iyo dhaqaale ee dalka iyo bulshada guud ahaa, waxaa daruuri ama lagma maarmaan ah in isbedel xaggga takoorka iyo dhaqanka quudhsiga ku salaysan ee bulshdeena ku baahay la sameeyo, lagan wada shaqeeyo sidii loo dhimi lahaa ma loo wad tirtiri lahaa quudhsiga iyo takoorka raadka xun ku yeeshay nolosha muwaadiniin inal wadaaga dalka iyo diintaba.








Sida is ka cad, dadka ka soo jeeda beelaha la hayb sooco ee dalkani waxa ay la wadaagaan nolosha, dhibaatad, nabad galyada , horumarka iyo degenaanshaha iyo wax ka kasta ama xaalad kasta oo ay bulshada Somaliland ku sugan tahay, marka laga reebo waxyaalaha is dhexgalka ama takoorka quudhsiga ku salaysani ka reebaay.Mujtamca dalka oo dhamaan 100% muslim ah waxaa haddaba muran la’aan ah in hab dhaqan foolxun oo wax sal iyo raad toona aan lahayn in qaarka mid ah muwaadiniinta laga duudsiyay xuquuqdii islaamnimo iyo tii muwaadinimo labadba.




Sida runta nidaamka dimoqraadiga ama siyaasaddeed ee xorta ah ee maanta dalka ka jira oo ogolaanaya xuquuqda is abaabulka , ururada wadaniga ah iyo xoriyaadka saxaafadda ee dhamaan muwaadiniinta waxaan odhan karaa waa fursadda kowaad ee dahabiga ah taasi oo wax wayn ku kordhisay dadaalka in ay dadka ka soo jeeda beelaha la hayb sooco ay codkooda ku hadlaan, saxaafadda isla markaana ku soo gudbiyaan cabshadooda iyo baahiyaha u gaarka ah,iyo waliba inay ururro wadani ah oo abaabulka iyo horumarka dadka ka shaqeeya samaystaan, waxaana runtii mahad balaadhan leh dadka faraha badan ee ku nool dhamaan gobolada dalka ee beelaha tirada badan ee cadiidiska ama tacadigu ka yimaaddo ka tirsan kuwaasi oo si naxariis leh samafalka iyo taageerada had iyo jeer la garab taagan inay dadkaasi la quudhsaday ka baxaan dhibaatada takoorka xaga dhaqanka bulshada ay la nool yihiin kaga imanaaya.


Haddaan nuxurka maqaalkan ee caqabadaha ka hortaagan beelaha la hayb sooco inay si la siman muwaadinninta kale uga qaybqaataan hogaanka iyo siyaasadda dalka dib ugu soo noqdo, waxaa jirta in isbedelada xagga horumarka iyo xuquuqda dimoqraadiyadda ah ee somaliland dhawaan ka bilaabmay haddii loo eego kaalmaha ay kaga jiraan nolosha mujtamaca iyo hogaanka siyaasadda ee somaliland waxaa si cad kuugu muuqanaaya in ay ka sii hoosayso markii ay siyaasadda dalku ku salaysnayd nidaamka beela qaybsiga, taasi oo aanay waxba u kordhin wax ay ee mabaadiidi’ida assasiga ah ee dimoqraadiyadda ka dhinto mooyaane dadka la hayb sooco. Dhibaatooyinkaasi waxaa laga eegi karaa dhinacyo farabadan, iyadoo aan markasta xasuusanahay in quudhsiga ama takoorka beelaha gaboooye uu yahay dhaqanka ugu xun ee somalidu leedahay.




Haddii aan ka eegno dhinaca fahamka mabaadiidi’ida aasaasiga ah ee dimoqraadyadda waxaa ka mid ah in taladu ka go’odo dadka inta badan (The majority Rules) Taasoo had iyo jeer ay soo xigtaan dadka u dooda maamulka dimoqraadiga iyo xuquuqda aadamaha ee loo wada siman yahay, waxaan uga jeedaa maaha mabaadida dimoqraadiga inta adiga ama qolada badan uun dantooda sheegaysa in la siiyo tixgelin waxaase talada oo ka go’da inta badan daba taalla oo aan ka hadhi Karin in xuquuqda qof ahaaneed iyo danaha dadyawga laga tirada badan yahay ay ahaadaan kuwa si adag loo dhawray iyadoo dadka laga tirada badan yahay laga qayb gelinayo maamulka, qorshaha horumarka, talada iyo hogaanka miyi ilaa heer degmo, gobol iyo qaran si la mid ah muwaadinninta kale.




Sida darteed waxaa ka maqan dimoqraadiayadda Somaliland ee ku salaysan in tirade badan taladu ka go’oda qaar ka mid ah mabaadi’ida aasaasiga ah ee maamul wanaagga iyo horumarka dhamastiran ee bulshada dimoqraadiga ah ilaalinta xuquuqda dadka laga tirada badan yahay (the principales of protection of individual and minority rights and the majority rule in democracy) sida darteed dadaalka ay dadka ka soo jeeda beelaha gabooye ee la hayb sooco ay ugu jiraan sidii ay xuquuq iyo fursado si la mid ah kuwa muwaadinninta kale ee dhinacyada kala duwan ee horumarka, sida wax barashada, shaqada, dhaqaalaha, siyaasadda iyo hogaanka dalka, dedaalkaasi waa mid bilaw ah soconna doona ilaa inta ay hadafkaasi gaadhayaan insha allah.




Halganka ama dadaalka ay bilaabeen beelaha la hayb sooco iyagoo ah muwaadiniinta Somaliland asal u ah in takoor iyo tiro yaraan ku waayeen xuquuqdoodii ka qaybgalka horumarka, talada iyo siyaasadda dalka maaha wax la aqbali karaayo Hadaba haddii ay ku soo bixi waayeen doorashooyinkii dalka hore uga dhacay ee deegaanka iyo baarlamaanka taasi ma in aanay xubno gole deegaan iyo mid baarlamaan midnaba waxba ku yeelan ayay xukumaysaa, waxaa lagama maarmaan ah dadka la hayb soocaa si ay uga qayb-galaan golayaasha lagu go’aamiyo arrimaha saameeya noloshooda.si xuquuqda dadka oo dhan mid yar iyo mid weynba dhamaan dalka ku wada nool loo simo in la raadiyo habkale oo shuruucda dalka dib loogu eegayo si loogu sameeyo dariiq sharciga waafaqsan oo ay kaga qaybgalaan golayaasha lagu qorshaynayo siyaasadda khusaynaysa baahidooda iyo noloshooda isla markaas siinaya fursad ay waxtarkooda ku yeeshaan horumaka bulshada iyo xuquuqda dadka ka soo jeeda beelaha gabooye ee ku nool Somaliland.




Nimco Iid Salaan – VOSOMWO Chairperson Hargeisa




Head Office Hargeisa Somaliland ...

Banaadir Post
banaadir post

Saddex wiil oo xisbul Islaam ka soo baxsadey kana daba tagay Indhacade oo ay qaraabo dhow yihiin


Wasiiru dowladaha Gaashaandhiga Soomaaliya Sheekh Yuusuf Indhacade oo Caruurtaan qaabilay ayaa Saxaafada u sheegay inuu aad ugu calool xumaaday markuu arkay caruur sidaan u da'a yar oo ciidan laga dhigtay isla markaana waalidkood in muddo ah arkin, waa isagu yiri.



Indhacade ayaa ahaa ragii aasaasey Xisbul Islaam, cabsi uga timid alshabaab darteedna u galay qolyaha Sheekh Shariif,ma dhici kartaa in indhacade yaqaano caruurtan, ciidamada ugu badan Xisbul Islaam waa Indhacade beeshiisa.

Wuxuu sheegay inow aad uga xumaadey kuwa caruurtan soo dagaal galay,taaso been ah, maxaa yeelay waa nin lagu yaqaan inow dagaal galiyo dhalin yaro beeleed aad da'a yar una badnaa dhamaantood beeshiisa.






Beeni raad ma leh..

Banaadir Post

Dad Badan oo ku geeriyooday Dagaal Maalintii Labaad Magaalada Gaalkacyo ku dhexmaraya Maamulada Puntland iyo Galmudug


Barqanimadii Maanta ayaa waxaa dib dagaal uga qarxay Suuqa Magaalada Gaalkacyo kaaasoo u dhexeeya Ciidamada Dowlada Hoose ee Dowlaad Goboleedka Puntland iyo Ciidamo taabacsan Maamulka Galmudug ee Koonfuta Magaaladaasi ka jira.





Dagaalka oo la sku adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan si weyn uga xooggan kii shalay ayaa sababay geerida ilaa 7 qofood halka dad intaasi ka siin badana ay dhaawacyo soo gaareen kadib rasaastii badneyd ee Maanta la is dhaafsaday.


Wararka ayaa intaasi ku daraya in wali rasaastu si teel teel ah u socoto,islamarkaana Ciidamada labada dhinac ay wali isku hor fadhiyaan magaalada.




Khilaafkaan gacan ka hadalka keenay ayaa la sheegay inuu ka dhashay kadib markii ganacsato suuqa ku shaqeysata ay hub la soo baxeen islamarkaana dagaal kala hortageen Ciidamada Dowlada hoose ee Puntland markii ay amaro ku baxsheenin bartamaha suuqa laga rarao ganacsiga,taasoo ku saabsan in meelaha sharci darada ah aan lagu ganacsan,markii arintaasi dagaal keentay waxaa ay isu badashay dagaal maamulada u dhexeeya.


Banaadir Post

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed oo sheegay in xaaladda dalku ay tahay mid sidii hore ka khatar badan


Khamiis, December 24, 2009: Madaxweynihii hore ee Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed oo wareysi siiyay isagoo ku sugan dalka Ingiriiska Laanta Afka Soomaaliga ee VOA-da ayaa si weyn uga dayriyay xaaladda Soomaaliya, wuxuuna sheegay inay tahay mid laga murugoodo.


C/llaahi Yuusuf oo xilka Madaxweynenimo ka dagay sanadkii hore kaddib markii cadaadis uga yimid dhinaca Beesha Caalamka ayaa sheegay in kooxaha dowladda Soomaaliya ka horjeeda ay caqabad ku yihiin ammaan ka dhasha Soomaaliya, ayna qorsheynayaan inay weeraraan Gobollada nabdoon sida Puntland iyo Somaliland.

"Xaaladda Soomaaliya waa mid haatan ka khatar badan sidii hore, waxaana kooxaha dowladda ka horjeeda ay wadaan qorshayaal ay ku horumarinayaan dagaalladooda, waxaana tusaale u ah Qaraxii ka dhacay Hotel Shaamow" ayuu yiri C/llaahi Yuusuf.

Gobollada Puntland ayuu sheegay inay ka jiraan xaalado ammaan xumo oo ay ka dambeeyaan dad ay adeegsanayaan kooxaha dowladda ka horjeeda, kuwaasoo uu sheegay inay u dhasheen gobollada koonfureed.

"Mar hore ayaan sheegay in kooxan ay yihiin kuwo khatar ku ah ammaanka guud ee dalka, anigana shaki iigama jiro in la qabsanayo Muqdisho, markaas kaddibna ay u qorsheysan tahay inay weeraraan Puntlnad iyo Somaliland" ayuu mar kale yiri Yuusuf.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya wuxuu sheegay in Islaamiyiinta Soomaaliya ay soo mareen qaabab kala duwan ayna ku haminayeen inay xukunka la wareegaan markii ay dhacday xukuumaddii hore ee Soomaaliya, ayna isdhisayeen tan iyo markaas.

"Filimaayo kooxahan oo wata dagaalyahanno shisheeye ah inay ku hakan doonaan qabsashada Muqdisho, waxayse wadaan qorshayaal ay ku doonayaan inay kula wareegaan Soomaaliya oo dhan, dabadeedna ay sheegtaan ay qabsadaan Jabuuti, Ethiopia illaa Mareykanka" ayuu yiri Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed

Sidoo kale wuxuu carrabka ku dhuftay in markii uu xilka hayay iyo ka hor uu dhowr jeer oo hore caalamka u diray qaylo dhaan, balse aan xiligan waxba laga qaban karin kooxahan, isagoo sheegay inay weli jiraan fursado looga hortagi karo.

Waa markii labaad oo uu Madaxweynihii hore ee Soomaaliya uu wareysi siiyo warbaahinta tan iyo markii uu xukunka ka dagay dabayaaqadii sanadkii 2008, markaasoo uu socday shirkii lagu soo dhisay xukuumadda wadaagga ah ee uu hoggaaminayo Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

50 sana ka dib oo aan xur ahayn hogaan ma leenahay?

Hogaankasa yaa ku haboon?




Umadaha caafimaadka qaba, ilbaxnimada leh, nabadda haysta, dadkoodu miyir qabaan, xikmaddu shaqayso ee aan xabadu shaqayn, qalinku shaqeeyo ee aan qorayga iyo qabiilku shaqayn, aqoontu shaqayso ee jahligu shaqayn, ee iftiinka kuwada hadla, ayadoo aan lays handadayn, isuna muuqda oo aan wejigu xirayn, umadahaas hogaankooda uma soo hanqal taago dhiigya-cab ku haboonaan lahaa in Maxkamad la soo taago, magac diineed, ama magac qabiil, ama magac jabhadeed ka uu doono ha ku daadiya dhiigee.

Soomaaliyana hogaankeeda waa in uu u soo tartamaa qof lagu yaqaan: aqoon, nabad ka- shaqayn, waxbarsha-abuur, caafimaad-abuur, ceelal-qodid iyo dhamaan horumarka qaybihiisa kala duwan, laguna yaqaan in uu dhiiga dadkiisa ka caaganyahay, oo wax-tarkooda cimrigisa uu ku dhameeyay. Qofkaas {rag ama dumar} cidii aw doono ha noqdee, ayaa xaq u leh. Waana in aan gaarnaa maalin uu Dhiigya-cab, Qaxiye, Dumiye, Burburiye, Naafeeye, Aqoondiid, Kaligii-Caaqil, Kaligii-Wadani, Kaligii-Muslim, Kaligii-Cune Kaligii-Wadaad iyo wixii lamid ah, uu ka raja beelo in uu Soomaaliya hogaankeeda uu u soo istaago. Waana gaari doonaa Alla idankii marka hore, kadibna hadba inta aan dadaal bixino, waana hubaa in ay soo socoto xilli Soomaaliya ay Singabur cusub noqon doonto Alla idankii.


Taariikh kooban



Hogaankii 1960-1969



Waxaa jiray dawlad shibil ah oo ku dhisan qaabka Baarlamaanka ee lawada yaqaano. Laakin Dimoqradiyadeedu ay guursatay Qabiil! oo qabiilku aanu ka marayn doorashooyinka, inkasta oo xurnima ay jirtay. Madaxweyne doorashada looga guulaystay ayaa iska tegay dhib la’aan oo beertiisii aaday, wax wareer ahna ma abuurin, mid kale oo isaga mar Ra’iisulwasaare u ahaa, hasa yeeshee ay is af-garan waayeen, ayaa soo dadaalay oo Madaxweyne naqday. Marka ayadoo wax wanaagsan noo bilaabanyihiin, oo aan sii barbaraneyno ayuu kacaankii yimid.


Kacaannkii muxuu sheegtay in uu u yimid?



Ka caankii ciidanku waxa uu noo sheegay in uu hogaan-xumo awgeed u yimid loona baahanyahay in la bedelo maamulkii markaa jiray, oo weliba xoog lagu bedelo.




Muxuu qabtay Kacaankii?


Marka aan soo koobo kacaankii wax badan ayuu dhisay, wuxuusa sababay hadana burburkoodii oo ah xurnima la’aan, sedbursi, dagaala aan dhamaan iyo waxyaaba kale. Waxaana nagu filan Murtidii ahayd {Afkaaga ka adkaaw Af……. Ahaaw, ama Afgooye aad}. Waana iska soo koobay, oo waad kawada dheregsantihiin wixii dhacay.


Maxaa ka dambeeyay?


Jabhadihii bilaaw iyo dhamaad.



Markii ay soomaaliya jabhadaha hubaysan ee xukunkii ciidanka diidanaa soo ifbaxeen, dad badan waxa ay filayeen in barwaaqa la geli doono, marka xukunka ciidanka la rido. In badan rejadaas wanaagsan ayey ku dhinteen, oo qaarkood weliba hogaamiyayaal ahaayeen sida, Dr. Ismaaciil Jimcaale, Xaaji Muusa Boqor,



Xaaji Xaashi Wehliye iyo kuwa kale{inkasta oo sida labada Xaaji ee dambe ku dhinteen laga been-sheegay}.



Ka been sheeggaasina uu horseeday dhibka ugu badan ee Soomaaliya ka dhacay, ama hadda ka dhacaya, amaba ka dhici doona. Taana mar kale ayaan ka hadli doonaa, hadii Alla idmo, si bulshada Soomaaliyeed ee danayneysa xaqiiqadu ay u ogaato sida ay ku dhinteen ragaas iyo ragii kale ee la dhintay.



Aan u soo naqdo tii aan haada ka hadli laha oo ah in rajadii laga qabay jabhaduhu ay cadaatay in ay been ahayd waqti gaaban gudihiis, ayadoo weli uu joogo Muqdisho madaxwene Maxamad siyaad.


Halkay ku dambeeyeen jabhadahaas?


Markii la arkay qorsha la’aanta jabhadahaas, aqoon la’aantooda, kala dambayn la’aantooda, qaybqaybsanaantooda, xukun u oomanaantooda, qabyaaladdooda, bililiqaysigooda iyo xumaana kale oo aan halkaan lagu soo koobi karin, waxaa dadka intiisii daacadda ahi, ee horay u taageeray bilaabeen in ay u duceeyan xukunkii hore, inkaarna dusha uga tuuraan jabhadihii burburiyay maamulkii iyo ilihii dhaqaalaha, maamul kalana aan keenin.

Waxaa xusid mudan in jabhadahaas iyo hogaankoodu dhamaantiis uusan wada xumayn, laakin waxaa ka tan badiyay qolooyin danaystayaal ah oo maamul la’aanta dantooda u arkay, waana kuwa dilay Xaaji Muuse Boqor iyo Xaaji Xaashi Weheliye iyo akhyaartii kale ee lala dilay ee aan soo sheegnay, kadib markii ay ogaadeen in ay dawladda la gaareen heshiis xukunka si nabad ah ay ugu wareejinayso, si dhiig sokeeye looga badbaado. Kadibna kooxdii dishay waxa ay suuqa geliyeen in ay dawladii markaa jirtay dishay. Waana arinka qarxiyay Xamar ee sababay dhibka aan ilaa hadda ku jirno.

Ma loo darsaday WarLord-yadii.



Maalmahaan {nasiib-daro} WarLord-yadii waa loo duceeyaa, ka dib markii la arkay dhaqan-xumada kooxaha diinta ku ganbada, oo ku caan-baxay in qofkii ka aragti duwanba ay Gaaleysiiyaan si ay dhiigiisa, maalkiisa iyo sharaftiisa u banaystaan, waana intii ugu waaweyneed ee diinta Islaamku ilaalinaysay, sidoo kale waa waxyaabihii Rasuulkeenna Suubani N&NK uu ka dardaarmay Xajkii ugu dambeeyay asagoo Carafa taagan.



Kooxahani meelihii umaddu dulmiga uga gamban jirtay sida Masaajiddadii, Culamadii iyo meel kasta oo la dhawri jiray ayay karaamadii ka qaadeen. Kooxahan ayagana sida jabhadihii ayaa si indha la’aan ah loo taageeray, haddasa way muuqataa in laga shalaayay oo dadkii waxa ay qireen in WarLord-yadii ay kuwaan dhaameen. Sida ay horayba ugu qireen in Xukunkii Ciidamadu uu Jabhadihii dhaamay.



Kooxahaan maxay yihiin?


Bulshada Soomaaliyeed badankeedu way fahmeen, waqti-dheerba ha ku qaadatee in ay kooxahaan yihiin dadkii qabiilka ku qaraaban jiray oo qabiilkii u socon waayay, ee Mooryaantoodii dharka Afgaanistaan iyo camaamadaha Khaliijka u xiray, oo u ekaysiiyay dad cusub oo diin u adeegaya, si ay dadka masaakiinta ah ugu qaldaan.



Waxa ay sharaf tireen dhamaan waxyaabihii qiimaha lahaay, ee dadka Soomaalidu dhawri jireen sida: Kitaabka Alle, Shareecadii, Jihaadkii, Culumadii, Islaamkii iyo wax alla wixii dadka aktooda ku waynaa, taas oo keentay in dd badani ay diintii iyo wadaadadii ka cararaan. Horay ayaa loo yiri wadaadka xumi waxa uu wataa{qiilkii uu xoolahaaga ku banaysan lahaa, qawlaydii {mididii} uu ku qalan lahaa iyo qandigii uu ku qaadan lahaa intaba}. Marka kooxahani in ay ku gaaleysiiyaan, kadibna ku dilaan, xoolahaagana qaataan, naagtaadana guursadaan waxa ay la tahay sida koob biya qabow ah oo ay cabaan.


Ujeedada ay u dagaalayaan waa maxaay?



Ujeedada ugu wayn ee ka dambaysa, waa sidee awood, dhaqaale, dhul iyo dheef loo helaa? Gar ahaan waxaa ka go’an in ay gacanta ku dhigaan dhulka u dhexeeya {Beledweyne ilaa Kismaayo} oo ah degaana dhaqaale fara-badan laga helo oo dhul ahaana aad istaratiiji ah, xagga beeraha, dekadaha, wadooyinka isku xira Soomaaliya iyo dawladaha deriska ah, webiyada iyo magaalooyinka waaweyn. Waxaana u sii fududaynaya oo ku dhiiri gelinaya boobka, dhiiga, qaxinta iyo falalka kale ee xun, dadka dhulkaa iska leh oo nabad jecel oo si fudud lagu xoogi karo, oo u badan dad aan hubaysnayn, jeclayna dagaalada oo nabad, maamul iyo dawlad ku nool ah.



Xagey taageera ka heleen?


1 – Diin-jacaylaka dadka muslimka ah ayey ka faa’iidaysteen, oo moodayay waxa ay sheegayaan wax dhab ah oo daacad ah, oo taageera ay ka heleen markii hore.

2 – Awoodaha shisheeye oo doonaya in Soomaaliya dawlad la’aan ahaato, si ay ugu noqoto meel ay ayagu ka fushadaan danahooda gaarka ah.

3 – Idaacado iyo TV – ya ka ganacsada balaayooyinka oo dan u arkay in Soomaaliya noqoto meel aan holaceedu dhamaan, si ay u helaan warar joogta ah oo aduunka ka gedmaya.


4 - Iyo qolooyin kale oo fara badan oo balaaya ku nool ah

Maxaa ka dhexeeya ayaga iyo jabhadihii?



Sidii aan horay u soo sheegnay dadkaan diinta ku danaystaa badankoodu waa Mooryaantii qabaa’ilka oo camaamada la siiyay.Waa ku jireen markii hore dad yar oo waxaan daacad moodayay, laakin hadda waa isaga baxeen markii ay arkeen in abeesooyin iyo masas camaamada soo qaateen, dad fara badan oo ka tawba keenay oo aan arkay ayaa jira iyo kuwa kale oo aan aqaan oo la ii sheegay in ay ka carareen markii waagu ku baryay, oo ay arkeen in meesha waxa lagu haayo ay yihiin diinta ku gambo ee ku danayso. Mana jecli in aan magacya sheego, laakin waxa aan hayaa tira fara badan oo shalay halaagaan horboodaysay oo hadda ay ka marayso {aan ooyee albaabka ii xira}, tiiraanya darteed iyo sida loo marin habaabiyay. Dadkaan qaarkood magacoodu aad ayuu u dheeryahay.

Maxaa soo socda?



1 - Kooxahani waxa ay iska noqon doonaan WarLord-ya cusub oo kuwii hore ka dhibaata badan, laakin camaamada waa-weyn wata, si ay u qariyaan halaagooda, ayagoo u hardamaya ilaha dhaqaalaha gaar ahaan Beledweyne iyo Kismaayo inta u dhaxaysa, laakin waa ay iska dhamaan doonaan sidii adeeryaalkood-ba u dhamaaden, shacabkuna wuu ogyahay, waana ka horeeyaa kooxahaan, laakin wax-garadkii ayaa laga dhigay wax la dilay iyo wax la qaxiyay, ayadoo si gaar ah loo abaaray Culumada la ixtiraamo, Dhaqanka la dhawro, Saraakiisha, Aqoonyahanka, Ganacsatada iyo cid alla iyo cidii bulshada indha u ahayd xag aqooneed ama xag dhaqaale. Intii hartayna way af-duubanyihiin oo qoray ayaa madaxa looga hayaa, laakin Alla idankii waxa aan isleeyahay kacdoon shacbi oo nabad doon ah, dagaal diidna ah ayaa dhici doona muda dhaw, diin-ku-danaystayaashuna waqtigoodu wuu iska dhamaan doonaa.


Waxaasa loo baahanyahay:



1 – Wax-garadka qaybihiisa kala duwan waxaa looga baahanyahay in ay u ololeeyan in aan dimbiile dagaal oo dhiig ku nool ah aan hadda kadib loo ogolaan in uu xil ka raadiyo Soomaaliya, xil yar iyo mid wayn intaba, waana in Buug-madaw la furaa oo la geliyo dhamaan dagaal iyo dhiig ka macaashayaasha, si dadka Soomaaliyeed iyo Aduunkuba u barto dadkaa ayaga ah.

2 – waa in la isku xiraa bulshada nabadda jecel, ee dagaal-ku-noolayaashu kala firdhiyeen, si mar labaad loo jibiyo, dhiig-ka-macaashayaasha.


Boorama, Berbera, Hargaysa, Boosaaso, Garoowe, Gaalkacyo, Beledwene, Jowhar, Xamar, Marka, Baydhabo, Baardheere, Baraawe, Janaale, Kismaayo iyo magaalooyinka kale waxaa lagu dhisay nabad iyo xasilooni, ee laguma dhisin colaad iyo dagaal aan ujeedda lahayn.



Suugaan koobaan aan ku soo gunaanado:



Duulkaan dagalku duufsadaw Dadkiina maad u Danqataan?






Danyarta aan Daryeel lahayn ee Daalan maad u Danqataan?






Dhalaanka Diifka Daadihaa ee Dulman maad u Danqataan?






Dumarka Dagaalku Daashadee Dalcaawgaa maad u Danqataan?






Duqowda madfac Dooxay een la Daaweyn maad u Danqataan?






Dariiqa maydka Daadsan een la Duugin maad u Danqataan?






Diinya Damiir ma waad lahayn Dalka maxaad u Dumiseen?






Ma Dalkaya Diintaya Dadkaad Dantiina uun u Dayacdeen?






Dereja maleh Dumintaan ee Dib u-dhis maad ka Doorataan?









--------------------------------------------------------------------------------

Xasan Xundubey Jimcale

London, UK

walaalnimo@hotmail.com

Saturday, December 19, 2009

Ciidamo Itoobiyaan ah oo soo galay Degaanka Kalabeyr ee Gobolka Hiiraan

Ciidamo Itooiyaan ah oo aad u faro badan oo wata gaadiidka dagaalka ayaa saaka soo galay degaanka Kalabeyr ee Gobolka Hiiraan, ciidamadaan ayaa waxaa ay wataan Uuraalayaa dhowr ah.



Ciidamada itoobiyaanka ah ayaa dhowr jeer oo hore u soo galay degaanka Kalabeyr ciidanka saaka soo galay degaanka Kalabeyr ayaa waxaa ay wataan baabuur dagaal oo lagu qiyaasay sidda laga soo xigtay dadka degan degaanka Jawiil Ciidanka Itoobiya ayaa waxaa ay ka soo baqooleen deegaanka Feer feer, ciidanka Itoobiyaanka ayaa waxaa ay fariisamo ka samay steen Isgoyska Kalabeyr.

War ma u hayaan kuwa Moqdisho ka sheegtey inay dowlad yihiin.maxey  ka  qaban karaan.
 
Banaadir Post

Dagaalo maanta ka dhacay duleedka degmada Dhoobley ee gobolka J/hoose iyo Xarakada Al Shabaab oo dagaalkaasi guulo waaweyn ka sheegtay

Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab ayaa guulo ka sheegtay dagaal maanta ka dhacay deegaanka lagu magacaabo Cali Buulaay oo ku yaala duleedka galbeed ee magaalada Dhoobley ee gobolka J/hoose kaasoo sida ay sheegeen ay la galeen ciidamo taabacsanaa Jabhada ONLF oo halkaasi ku sugnaa.




Saraakiisha Xarakada Al shabaab ayaa sheegay in dagaalkaasi uu bilowday ka dib markii ciidamadooda ay weerar ku qaadeen deegaanka Cali buulay oo ay ku sugnayeen ciidamo taabacsan Jabhadda ONLF, waxayna intaa ku dareen in dagaalkaasi ay guulo ka gaareen isla markaana ay la wareegeen deegaankii lagu dagaalamay ee Cali bulaay.


Sidoo kale saraakiisha Xarakada Al shabaab ayaa sheegay iney dagaalkaasi ku dileen ciidamo aad u fara badan oo ka tirsan Jabhadda ONLF, kuwa kalena ku dhaawaceen, isla markaana ku qabsadeen hub aad u fara badan, saanad milateri iyio raashiin ay lahayeen dhinacii ay la dagaalameen.


Ilaa hadda ma jiro war madax banaaa oo xaqiijijinaya guushaaasi, sidoo kale lama hayo war ka soo baxay Jabhada ONLF oo ku saabsan dagaalkaasi


Banaadir Post

Cadde Amiin Maxamed: Siyaasadda Dawladda Fadraaliga iyo Siyaasadda Kooxaha Islaamiga Midna Uma Roona Soomaaliya!!



Soomaali, waxay dawlad la'aan tahay muddo 19 sanadood, ka dib markii la riday Xukuumaddii Siyaaad Barre. Inkastoo Dawladda Fadaraaliga ay taageero ka heshay beesha Caalamka iyo aqoonsi Qaramada Midoobey, haddana, waxay ku guul-dareysatay inay xaliyaan isk horimaadka siyaasadeed ka dhexeeya DF.iyo Mucaaradka, gaar ahaan Kooxa Islaamiyiinta. Soomaaliya, waxaa ku dhacay masiibada ugu xun adduunka xagga In-saaniyonimada. Dad ka badan 3.2 milyan oo Soomaali ah-- 40% shicibka, waxay ku nool yihiin kaalmo dibedda, boqolaalo kunna waxay u qaxeen Waddamada jaarka la ah Soomaaliya. Ku duwaad 1.3 milyan waxay ka bara kaceen meelihii ay ka degenaayeen dalka, iyadoo xaaaladda maalinba maalinta xigta ka sii dareeysa.


Farqiga u dhexeeya DF. iyo Kooxa Islaamiyiinta, waxaa loo baahan yahay in si waaqici ah looga hadlo bal inuu ku kooban yahay keliya 1) Khilaaf siyaasadeed dhexdooda ah iyo 2) Iyo inuu yahay colaad siyaasadeed ka soo jeedo beelaha isku haysta Hogaanka Siyaasadeed iyo Maamulka Talada dalkeena. Haddii laga soo qaato qodobka koowaad Dawaladda Mucaarad way yeelan kartaa, hayeesshee Maslaxa iyo Danta Qaranka waa inuu ahaadaa "Mid Qudha" (The Interest of The Country is ONE).

Qaabka Dhismaha iyo Siyaasadda Guud ee DF. iyo Siyaasadda Kooxaha Islaamiyiinta labaduba waa wax ku cusub nolosha iyo siyaasaadda bulshada Soomaaliyeed, balse, waxaa laga fursana waayay dhibaatooyinka siyaasadeed dalkeena ku khaldamay waxaa lagu dhawaaqay Dawlada fadaraali ah in laga dhaqan geliyo Dalkeena. Soomaaliya waa dad dhaqan wadaag ah oo aan kala lahayn gobol iyo degmo....Dadka ku taliyay Habka Fadaraaliga, waxay ka eegeen oo keliya Hiyi-waalashada beelaha Isku haysta Maamulka Talada dalkeena, islamarkaana in la siiyo awood qaybsi lagu daboolayo khilaaska siyaasadeed dhexdooda ah. Haseyeeshee, waxaa la iska indha tiran Xaqaa'iqda Dhabta ah ee Dalkeena ka jirta. Dhibaatooyinka Siyaasadeed hortaagan DF. waagii la dhisay ilaa waqtigan xaadirka ah, waxay tahay loolanka siyaasadeed ka dhexeeya beelaha awood qaybsiga la siiyay oo aan si dhab ah u dhaqan gelinin Dib U Heshiisiinta lagu gaaray Dalka Kiinya, Xukuumaddii C/llaahi Yuusuf iyo Xukuumadda Shariifka midna dan u ma hayn Soomaaliya. Haddii ku ekaano Siyaasadda Sheekh Shariif waxaad moodaa inay shabahdo Siyasaddii C/llaahi Yusuf, waxa ku kalifay Sheekh Shariif inuu maro waddadii C/llaahi Yusuf waxaa lagu tilmaami karaa inay tahay Isbahaysiga Siyaasadeed ka dhexeeya Mudulood iyo Majeerteen oo ah ah mid khilaafsan Dastuurka iyo Xeer Hoosaadka Siyaasadda Guud ee DF. Sidaa waxay ku noqotay dhqadhaqaaq la'aanta Xildhibaanada Golaha Barlamaanka DF. (Idle Parliament).

Haddii Golaha Barlamaanka DF.ku saxsan yahay heshiiska ay la galeen Garabka Sheekh Shariif, waxay daw ahayd inay Shicibka Soomaaliyeed u muujiyaan sabata Garabka Asmara looga fogeeyay geedi-socodka Nabadda DF. iyo Mucaaradka Waddaniga ah, iyo haddii ay jiraan shuruudo ka xanibaaya Garabka Asmara inay ka qayb galaan DF. ama ballanqaad DF. u hibeysay Garabka Asmara oo ay diideen. Haseyeeshee, waxaa muqataa inay wax walba u dhaceen sidii loogu tala galay Haddii aan runta ka hadalno ma ahayn in Garabka Sheekh Shariif la siiyo 270 xubno inay uga qayb galaana Golaha Barlamaanka DF., waxay xaqa ahayd in la siiyo 135 xubnood, 135ta kalana la la sugo Garabka Asmara si ay halkiisa uga socdaan geedisocodka nabadda la rabo in lagu soo af jaro dhibaatooyinka siyaasadeed murugada leh ee Soomaaliya ka jirta. Waxaa la ogaan lahaa ciddii "Nabad Diid ah iyo Xukun Diid ah", ilawse, waxaa si waadax ah u muuqataa Heshiiska DF. iyo Sheekh Shariif inuu ahaa Heshiis "Garab Eexo".


Dhinaca kale, waxaa wax ku cusb ah Nolosha iyo Siyaasadda Bulshada Soomaaliyeed "Dhaqdhaqaaqa Siyaasadeed Kooxha Islaamiyiinta". Kooxaha Islaamiyiinta, waxay si cadaan ah u rumaysan yihiin ama ay aad ugu ad-adag yihiin ku dhaqanka Shareecada Diinta Islaamka, iyo inay xoog ku ridaan DF.ooy u arkeen inay tahay Xukuumad Caamil ah oo u shaqeeynayso "Gaalada". Haddaba, waxaa loo baahan yahay in loo dhaba galo fekerka Kooxaha Islaamiyiinta inuu yahay mid ka turjumeysa baahida bulshaweynta Soomaaliyeed iyo inay tahay fikrad maskaxeed Koox xeerada salkeeda wax uga muuqdaan. Waxaa lagama maarmaan ah in la baaro lana xaqiijyo inay dhab ka tahay halganka siyaasadeed ay kula jiraan DF., maxaayeelay, Soomaalida waxaa la sheegaa inay 100% Muslin yihiin, balse waxaa la isku hayaa inay Rumaynta Diinta Islaamka iyo Rumaynta Qabiilka isku si' u haystaan, sida darteed ma la rumaysan karo sheegashada Muslinimda, waxaa la dhihi karaa way jecelyiin Diinta Islaamka, lakiin kuma dhaqmi karaan.( Waxaa la arkay Sheekh Shariif Isba mudduu hor kacaayay Maxkamada Islaamiga Dalkeena, haddana waxaad muuqataa inuu ka daneystay).

Soomaaliya way burburtay, waxaana weli ku socdaa burbur. Waxay u baahan tahay Siyaasad furfuran iyo Xirir iyo Iskakaashi Caalamai ah inay la yeelato Beesha Calaamka. Kooxaha Islaamiyiinta, waxay ka soo horjeedsan karaan wax alla wixii siyaasad la xiriiro, haseyeeshee, kama horimaan karaan Ilbaxnimada iyo Xadaarada Soomaaliya iyo kuwa beesha caalamka. Colaadda iyo Xasarada Siyasadeed iyaga iyo DF. ka sokoow, Soomaaliya, maanta waxaa ku taagan FAR oo ah "Eeda Argagixisada Casrigan", dagaalada Kooxaha Islaamiyiinta ka wadaan Soomaaliya waa mid aad iyo aad halis u ah, loona yeeli karo caddeymo inuu dalka ku soo food leeyahay "Khatar".


Waxaa nasiib wanaag u ah Soomaaliya in Madaxwerynaha DF.Sheekh Shariif iyo Hogaamiyaha Xarakada Al-shabaab Axmed Godane inay ka fiirsadaan colaadda siyaasadeed dhexdhood ah, haseyeeshee,wejiyo kala duwan u leh Adduunka. Soomaalida, waxay weligood ahaayeen dad horor ah; mar ay dhexdooda dagaalamaan iyo mar ay jaarkooda la dagaalamaan, haddana, waxay ku kala gar bixi jireen Geed Hoostiisa. Dawlada fadaraaliga in la rido waa lagama maarmaan, haseyeeshee, habka Axmed Godane iyo Kooxdiisa ay rabaan waa xad gudub siyaasadeed xaaraan ah in dad diif iyo darxumo ku raagtay dhexdooda in la isku qarxiyo (ma wax loo dulqaadan karaa). Yaa ka warama Axmed Godane inu rabo kleiya inuu soo hor fadhiisto TV Universal, ka dibna beesha Caalamka weydiisto," ciidaamo shisheeye in la geeyo Soomaaliya", mise kuwa ku filan ayuu haystaa?. Waxaa hortiisa la arkay Sheekh Shariif, dad badani waxay rumaysnaayeen inuu yahay Mahdi Soomaali u soo daahiray, haddana, waxuu hoos fadhiyaa uu jilbaha ka haystaa Taliska Gumaysiga Tigree inuu dib ugu soo celiyo Soomaaliya. Siyaasadda saxiib joogto ah ma laha, waxay leedahay dano siyaasadeed joogto ah. DF. waxay u rahman tahay horyaalka IGAD-Etoobiya, Ould Cabdalla iyo Madaxweynaha Dalka Jabuuti oo ah kuwa sameeya Siyaasadda DF. Lixdii bilood ugu dambaysay dhaqanka DF: waxay u muuqatay "Xukuumad' aan shaqynaynin, waxaa ka jira musuqmaasuq si weyn ugu xidideystay maamulka DF. Haaddii loo fiirsado xaaladda siyaasadeed DF.iyo Kooxaha Islaamiyiinta labaduba waxay laf dhuub gashay ku noqodeen Soomaalida inteeda kale oo dalkooda ka tashan lahaa sidii ay ka yeeli lahaayeen xakl u helid la'aanta dhibaatada siyasaddeed Hawiye marba weji hor leh u yeelayo.

Madaxweynaha DF.Sheekh Shariif iyo Axmed Godane, waxaa sharaf u ah inay isa soo hor fadhiistaan oo ay ka wada hadlaan wixii xal u noqon karo dhibaatada siyaasadeed Soomaaliya beerta la gashay. Colaadda siyaasadee u dhexeeya DF. iyo Kooxaha Alashaab, waxay si toos ah ama si dadbanba u sameysay nolosha bulshaweynta Soomaaliyeed.Sheekh Shariif iyo Axmed Godane waxay dalka ka wadaan dhamaystirka falkii laga dhexlay Kaligii Taliyihi Soomaaliya Maxamed Siyaad Barre, Islaweynidii iyo Kibirkii Jeneraal Caydiid iyo Cali Mahdi, Xoog-maquuniskii Muuse Suudi iyo Qanyare, Doqomadii hor boodaayay Mudulood Cali Jeele iyo Maxamed Dheere, iyo Xasuuqii Cabdullaahi Yusuf iyo Prof.Geedi. Haddii ay kuwaasi WAR ka boodeen Sheekh Shariif iyo Axmed Godane waxay ka boodeen Webi


WQ:Cadde Amiin Maxamed
Sabuni1956@yahoo.com

Friday, December 18, 2009

Madaxweyne Sheikh Shariif oo la gudboontahay in uu xilka isaga dago mar


Madaxweynaha dowlada Midniamda Qaran Sheikh Shariif Sheikh Axmed ayaa mudo sanada ah xilka hogaanka dalka Soomaaliya haayey hadaaba sida muuqata halkaa sano wax muuqda ma qaban waxeyna keentay xataa sanadkaas ay dowlada jirta ay lumisay dhul baaxad leh oo gacanta dowladii ka horeysay ku jirtay .


Madaxweynaha oo sida muuqata aduunka ku fashilmay waxii looga fadhiyana sameyn waayey ayaa sabab looga dhigayaa tag dari heysata dowladiisa madaama dadka masuuliyiinta ka ah ay yihiin dad ku cusub siyaasada in badana wax kala socon dhaqanka Soomaaliya dibad joogna ah oo 20kii sano ee dowlada bur burtay ku noolaa dibadda.

Hadaba qofka haduu hogaan qabto hogaankiisana tilaabo qaadiwaayo waxaa la gudoon in uu xilka isaga dago si bal loo fiiriyo bal in ay timaado qof kale oo ku dhamaan howsha taana hadii uu sameeyo keeni karto in uu helo taageero badan oo shacab ah.

Wax yaala keenay in uu xilka isaga dago ayaa waxaa ka mid ah koow beeshii caalamka oo ka soo bixi weyday teegeeradii ay u balan qaaday ee ahaa in dowladiisa lala garab istagaayo wax walbo ay beesha caalamka uga baahato taana ma dhicin waayo waxay balanta ku qadeen xataa way bixin waayey ..

Madaxweyne Sheikh Shariif xiligaan gacantiisa ay ku jirtaa bad baadinta qarankii Soomaaliyeed maadama halkii sano uu wax xukumaayey ay dhaqaaqi weysay dowladiisa taanawaxaa daliil u ha hal gobol oo ka tirsan Soomaaliya gacanta dowlada kuma jirta xataa caasimadii dowladiisa ku shaqeyneysay ay ka xukunto wax ka yar 4 dagmo halka 12 degmo gacanta dowlada ka maqantahay .

Guuxaan ayaa ah mid Soomaalida dhan isla dhaxmareyso in xilka isaga dago Sheikh shariif si loo bad baadsho qarankii iyo midnimadii Soomaliya.


Hadaba Aqristoow ka soo dhiibo fikirkaada kuaadan xalka Madaxweynaha iyo waxa la gudboon noogu soo dir emlkeena ah hadaba fikirkaada ha ahado mid aadan dad ku cayneenin cidna shaqsiyadiisa wax ugu sheegeynin dayniilecom@hotmail.com.


--------------------------------------------------------------------------------



Cabdiraxmaan Macalin Xuseen

Mamaan82@hotmail.com

Tafatiraha Wabka Dayniile.com



--------------------------------------------------------------------------------
dayniilecom@hotmail.com
deyniilenews@yahoo.com

NABADOON GAANI OO KA JAWAABAY HADALKA DHAQNAKA HAWIYE.



Nabadoonada gobolka Mudug ayaa canbaareyn dusha uga tuuray odayaasha sheegta Dhaqanka beeleha Hawiye ee Maxamed Xasan Xaad iyo Axmed Diiriye Cali,waxeyna ku tilmaamen kuwo u taagan hurinta coolaadaha ka aloosan gayiga Somalia.


Afhayeen u hadlay Nabadoonada gobolka Mudug oo lagu magacaabo Nabadoon Gaani Xuseen oo ka mid ah Nabadoonada gobalka Mudug una istaagay wax kaqabashada shaqaaqooyinka ka dhaca gobolka Mudug ayaa ku eedeyay Odayasha dhaqanka beelaha Hawiye ee magaalada Moqdisho ka dhigay meel aysan waligeed dowladi ka hanaqaadin kuwo aan ka daalin iska horkeenka umada Somaliyeed, wuxuuna canbaareyn dusha u ga tuuray hadalka ka soo yeeray kooxdaasi.

Nabadoon Gaani ayaa ku nux nuxsaday in aysanba garan Karin cid ay matalaan Kooxahaasi, uu sheegay in ay ka shaqeeyaan oo kaliya nabadgalyo la’aanta gayiga Somalia, had iyo goorna ay ku hadlaan hadalo laga naxo iyo wax sii huraya colaadaha Somalia.

Nabadoonku wuxuu intaa ku daray iney la yaabeen hadalkii ay Odayaashaasi kaga hadleen xaaladahii ka dhacay deegaanada Puntland,ayna baaq ugu jeediyeen Puntland in ay joojiyaan talaabooyin ay ku sheegeen in lagu dhibaateynayo dadka u soo barakacay ee ka soo jeeda gobalada Koonfureed.

Nabadoon Gaani ayaa ku til maamay hadalkaasi mid aan sal iyo raad toona la heyn, isla markaana lagu doonayo in lagu abuuro colaad hor leh oo laga dhex dhaliyo dadka reer Puntland iyo usoo barakacayaasha Puntland, Gaani oo ka jawaabaya wuxuu yiri ”waa arin aan waxba ka jrin hadalka ay ku hadleen kooxdaasi,mana garan karo waxa ka quseeya oo ay ufaro gashanayaan Nabadgalyada deeganaadan,waxaan kaliya u naqaanaa koxdaasi iney ahaayeen kuwii soo qixiyay dadkaan usoo barakacay Puntland, hadana waxey doonayaan iney ka qixiyaan deegaanada Puntland, waa un masuubo loo soo diray shacabka gobolada koonfuureed”

Mar wax laga weydiiyay Nabadoon Gaani wax xiligaan keenay hadlka kooxdan ayuu jawaabay ”waxey doonayaan meel ay ku dhajiyaan dabka ay la wareegayaan waxanse u sheegayaa in masaakiinta ay ka hadlayaan ay yihiin kuwii ay horay uga soo cayriyen guryahoodii,hadeerna ay xaafadahoodii ayagu degan tihiin, ee ilaahay ka baqa oo uga baxa Masaakinta aad sheegyesaan guryahooda” Ayuu ku soo xiray hadalkiisi Nabadoon Gaani.

Banaadir Post

Caabudwaaq: “ Shirkan waxaa uga tashanaynaa Dhismaha Maamul Gobaleed aan udhisno deegaanada aan maamulno” Mid ka mid ah Madaxda Ahlu Suna Waljameecah oo ka hadlay shirka uga furmay Caabudwaaq



Shir ay ka qeybgalayaan dad kala gedisan oo lugu casumay kana yimid gudaha iyo dibada dalka Soomaaliya ayaa ka furmay degmada Caabudwaaq ee Waqooyiga gobalka Galguduud, iyadoo ay leeyihiin shirkaasi Culumada Ahlu Suna Waljameecah oo ay uga tashanayaan xaaladaha dalka Soomaaliya iyo sidii loo hirgalin lahaa mawqifyadooda ku aadan la dagaalanka kooxaha ka soo horjeeda dawladda Faderaalka ee Soomaaliya.



Qodobada ugu waa weyn ee looga hadlayo shirka ayaa lasheegay in ay ku jiraan kuwa ku aadan arrimaha amaanka Soomaaliya oo dhan, taageerada dawlad gobaleedyada dhisan iyo sidii Maamul looga dhisi lahaa deegaanada Ahlu Suna Maamusho ee bartamaha dalka Soomaaliya.


Mid kamid ah ka qeybgalayaasha oo ku sugan Caabudwaaq ayaa ku sheegay  khadka Telfoonka in ay wada hadaladoodu socon doonaan maalmaha nagu soo aadan, isla markaasna ay ka soo bixi doonaan go’aamo kala gedisan.


Arrimaha amaanka ee Soomaaliya, la xaajoodyada dawlad gobaleedyada dhisan iyo dawladda Faderaalka ee Soomaaliya ayaa looga doodi doonaa shirkan maalmaha uu socdo, waxaana lafilayaa in ergada lugu casumo ay soo jeediyeen fikirkooda ku aadan arrimaha ay wadaan hogaamada sare ee Ahlu Suna Waljameecah.


Ka qeybgalayaasha ayaa dood ka yeelanaya hindisaha ay wadaan qaar ka mid ah madaxda Ahlu Suna Waljameecah oo ah in Maamul gobaleed loo dhiso deegaanada ay gacanta ku hayaan, taasoo la filayo in go’aan cad laga gaari doono, iyadoo ay soo baxayaan warar badan oo sheegaya in ay dhinacyadu isku heynin arrimahaasi, ama aysan dood badanba ka yeeli doonin.


Lama garan karo waxyaabaha ka soo bixi doona wada xaajoodyada uga furmay Ahlu Suna Waljameecdegmada Caabudwaaq ee Waqooyiga gobalka Galguduud ee bartamaha dalka Soomaaliya, iyadoo lafilayo in ay qodobada ka soo baxaa noqon doonaan kuwa lasoo gaarsiiyo Saxaafada Aduunka, gaar ahaana tan Soomaaliya.


Banaadir Post
Somalia