Search This Blog

Thursday, December 24, 2009

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed oo sheegay in xaaladda dalku ay tahay mid sidii hore ka khatar badan


Khamiis, December 24, 2009: Madaxweynihii hore ee Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed oo wareysi siiyay isagoo ku sugan dalka Ingiriiska Laanta Afka Soomaaliga ee VOA-da ayaa si weyn uga dayriyay xaaladda Soomaaliya, wuxuuna sheegay inay tahay mid laga murugoodo.


C/llaahi Yuusuf oo xilka Madaxweynenimo ka dagay sanadkii hore kaddib markii cadaadis uga yimid dhinaca Beesha Caalamka ayaa sheegay in kooxaha dowladda Soomaaliya ka horjeeda ay caqabad ku yihiin ammaan ka dhasha Soomaaliya, ayna qorsheynayaan inay weeraraan Gobollada nabdoon sida Puntland iyo Somaliland.

"Xaaladda Soomaaliya waa mid haatan ka khatar badan sidii hore, waxaana kooxaha dowladda ka horjeeda ay wadaan qorshayaal ay ku horumarinayaan dagaalladooda, waxaana tusaale u ah Qaraxii ka dhacay Hotel Shaamow" ayuu yiri C/llaahi Yuusuf.

Gobollada Puntland ayuu sheegay inay ka jiraan xaalado ammaan xumo oo ay ka dambeeyaan dad ay adeegsanayaan kooxaha dowladda ka horjeeda, kuwaasoo uu sheegay inay u dhasheen gobollada koonfureed.

"Mar hore ayaan sheegay in kooxan ay yihiin kuwo khatar ku ah ammaanka guud ee dalka, anigana shaki iigama jiro in la qabsanayo Muqdisho, markaas kaddibna ay u qorsheysan tahay inay weeraraan Puntlnad iyo Somaliland" ayuu mar kale yiri Yuusuf.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya wuxuu sheegay in Islaamiyiinta Soomaaliya ay soo mareen qaabab kala duwan ayna ku haminayeen inay xukunka la wareegaan markii ay dhacday xukuumaddii hore ee Soomaaliya, ayna isdhisayeen tan iyo markaas.

"Filimaayo kooxahan oo wata dagaalyahanno shisheeye ah inay ku hakan doonaan qabsashada Muqdisho, waxayse wadaan qorshayaal ay ku doonayaan inay kula wareegaan Soomaaliya oo dhan, dabadeedna ay sheegtaan ay qabsadaan Jabuuti, Ethiopia illaa Mareykanka" ayuu yiri Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed

Sidoo kale wuxuu carrabka ku dhuftay in markii uu xilka hayay iyo ka hor uu dhowr jeer oo hore caalamka u diray qaylo dhaan, balse aan xiligan waxba laga qaban karin kooxahan, isagoo sheegay inay weli jiraan fursado looga hortagi karo.

Waa markii labaad oo uu Madaxweynihii hore ee Soomaaliya uu wareysi siiyo warbaahinta tan iyo markii uu xukunka ka dagay dabayaaqadii sanadkii 2008, markaasoo uu socday shirkii lagu soo dhisay xukuumadda wadaagga ah ee uu hoggaaminayo Sheekh Shariif Sheekh Axmed.