Search This Blog

Sunday, May 17, 2009

Wararka laga helayo dad aad ugu dhow Jaalle Yuusuf Maxamed Siyaad (Indhacade) aqoon wanaagsana u leh ayaa sheegaya in imaanshaha Jaalle Indhacade ee q

Gudoomiyaha Xisbul Islaam garabka tuulada Asmara Oday Xasan Dahir ayaa isku dayey inuu Al Shabaab ku qanciyo in Jaalle Indhacade uu ahaa hooyadii Halganka isla markaana uu kasoo laabtay qaladkii uu galay uuna diyaar u yahay ka qeybgalka Jihaadka.


Kooxda Al Shabaab ayaa shuruud ku xirtay ka tanaasulkooda Jaalle Indhacade iyo hubkiisa iyagoo u xilsaaray Jaalle Indhacade inuu hogaamiyo Qidad cusub oo dagaal oo lagu afgambiyo Dowlada oo ay soo jeediyeen dad Ajnabi ah oo qadka telefoonka ugu qeyb qaatay kulankaas.

Ilaha aan warkan ka helnay oo lagu kalsoonaan karo ayaa intaas raacinaya in qidada dagaal ee cusub, ay tahay sidii loola wareegi lahaa Madaxtooyada ama loo qaarijin lahaa madaxda ugu sareysa Dowlada iyadoon dhiig badan daadan waxeyna Ajaanibtii shuruudan ku xirtay mustaqbalka Jaalle Indhacade soo jeediyeen in ciidan ku dhow 200 oo 40 ka mid ah Al Shabaab soo xulo inta kalena noqdaan maleeshiyada Jaalle Indhacade.

Dagaalyahanadan 40ka ah ee ay Al Shabaab soo xusheen ayaa ah dhalinyaro beel ahaan ku dhowow Jaalle Indhacade laakiin daacad u ah Al Shabaab si meesha looga saaro shaki kasta oo imaan kara taasoo uu aad ugu riyaaqay Oday Xasan Dahir Aweys oo aad ugu ciil qaba madaxweynaha dowlada midnimada qaran Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo beeshiisa ee Abgaal.

Maleeshiyaadka lagu soo biiriyey maleeshiyada Jaalle Indhacade ayaa ah kuwa tababar wanaagsan qaba diyaarna u ah iney geystaan weeraro ismiidaamin ah oo ay ku fuliyaan ciidamada Midowga Afrika iyo madaxda Dowlada hadii ay helaan fursad yar oo ay falkaas argagixisnimo ku fuliyaan.

Waxaa hogaanka Maleeshiyaadka Al Shabaab ee ku milman maleeshiyada Indhacade loo dhiibay wiil 21 jir ah oo lagu naaneyso BIN SEYF oo dhalasho ahaan kasoo jeeda beesha Indhacade.

Jaalle Indhacade oo soo gaaray xarunta madaxtooyada ayaa la sheegay in ciidankiisa bar ka dageen meel aan sidaas uga fogeyn xarunta Madaxtooyada taasoo shaki weyn ku dhalisay taageerayaasha Dowlada maadaama Jaalle Indhacade yahay shakhsi aan la aamini karin.


Heshiiska ka dib ayey madaxdii Al Shabaab ugu hanjabeen Oday Xasan Daahir hadii Jaalle Indhacade laga dareemo wax xagal daacinaya howlaha mujaahidiinta in ay dil ku xukumi doonaan isaga iyo maleeshiyada uu hogaaminayo taasoo loo fasiray in 40ka Al Shabaab ee qeybta ka ah kuwa Jaalle Indhacade soo dardaarmeen oo ay isku qarxinayaan ciidamada Midowga Afrika ama madaxda Dowlada hadii uu shaki yimaadana dagaal la geli doonaan kuwa Jaalle Indhacade oo ay dambas isku noqon doonaan taasoo xaalad labo kala daran kala dooro ah dhex istaajisay Jaalle Indhacade.

Banaadir Post
Xamar Cade.
banaadirpost@gmail.com

Saacadaha soo socdo oo dagaal lagu hoobtay lagacabsi qabo in uu ka dhaco magaalada Jowhar iyo ciidankii ugu badnaa ebid oo caawa kaabiga u haayo


Waxaa wax yar ka hor ka baxay magaalada Muqdisho ciidaan tirabdan iyo Baabuur dagaal lagu qiyaasay 60 kuwaa oo sida muuqata ka gudbay deegaanka ceel macaan halkaa oo ka dhacay dagaal yar oo mudo socday kaa oo lagu dar daray ciidankii isku dayey in ay hakiyaan ciidankii duulaanka ku haaye degmada Jowhar

Xoogagaan ayaa kaabiga ku haayo hada magaalada Joowhar iyadoona ciidankaasi uu hogaaminooyo taliya sare oo ka tirsan maxkamadaha oo lagu magacaabo C/llaahi Macalin iyadoona kooxahii magaalada laga saaray ay isku aruursanooyaan magaalada Mahadaay oo aan sidaa ugu fogeyn magaalada Jahwhar

Waxaa caawa halkaa ka jira is ku aruurin ciidan iyo iyadoona ciidamo beeleedyo ka soo jeeda deegaanka Raage ceele ay u soo dhaqaaqeen magaalada Jawhar waxaana la sugooyaa waa uun dagaal lagu huubtay oo dad masaakiin ah ku dhintaan waxaase leys weydinyaa waxa xiligaan keenay in la weeraro Jowhar mar hadana joogin ciidamo Ajnabi ah iyadoona deegaankasi ka talinayeen xoogag islaamiyiin ah

Isku soo wada duubee ciyaarta waxaa xiligaan ku hogaaminaayo hal iyo ebar xoogaga Alshabaab uu hogaaminaayo Xasan Turki waxaase la yiri ciyaar waa galin danbe waxaa la sugaa ciyaarta xirfadeysan uu la yimaado C/llaahi Macalin oo dagaal horey kula galay xoogaga Alshabaab degmada Balcad

Xoogagga Al-Shabaab oo la wareegay gacan-ku-heynta Degmada Jowhar

Xoogag u daacad ah dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab ayaa la wareegay gacan-ku-heynta Degmada Jowhar ee xarunta u ah Gobolka Shabeelaha Dhexe, halkaas oo uu ka talinayay maamul hoosyimaada Dowladda Soomaaliya.

Dagaal yar oo ka dhacay gudaha degmada Jowhar ayaa waxaa ku geeriyooday 3 ruux oo wararka qaarkood ay sheegayaan in ay ka tirsanaayeen ciidamada maamulkii degmadaas ka talinayay.
Xoogag u daacad ah Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab ayaa haatan lagu arkayaa gudaha Degmada Jowhar, iyadoo Ciidamadii horay ugu sugnaana ay magaalada isaga baxeen.

Dhanka kalena, dagaal ayaa wuxuu ka socdaa Deegaanka Garsaale oo Koofur ka xigta Degmada Jowhar, iyadoo dagaalkaasna uu u dhaxeeyo Xoogagga Al-Shabaab iyo kuwa maamulkii Gobolka Shabeelaha Dhexe, iyadoo lagu soo warramayo in ay halkaas ka dhacday dhimasho iyo dhaawac ay xitaa ku jiraan dad safar ah oo uu dagaalka ku qabsaday deegaanka Garsaale.

Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab ayaa wuxuu u muuqdaa mid doonaya in uu qabsado inta badan gobollada ku yaalla Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya, wuxuuna horay ula soo wareegay gobollo dhowr ah oo ku yaala Koofurta Soomaaliya. Xoogag u daacad ah Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab ayaa waxay haatan ku lug leeyihiin dagaallo ka socda Gobollada Galgaduud iyo Hiiraan, gaar ahaan deegaannada Maxaas iyo Wabxo.

Banaadir Post
Xamar



Shiikh Yuusuf Maxamed Siyaad (Indha-Cadde) oo Ciidan iyo Gaadiid dagaal wata oo u wareegay dhinaca Dowladda Soomaaliya

Shiikh Yuusuf Maxamed Siyaad Indha-cadde oo wata dhowr iyo toban gaari oo kuwa dagaalka ah oo ay ciidamo saaran yihiin ayaa wuxuu u wareegay dhinaca Dowladda Soomaaliya.
Ilo wareedyo ku dhow dhow xafiisyada madaxweynaha iyo ra’iisal wasaaraha soomaaliya ayaa waxay noo xaqiijiyeen in uu Shiikh Yuusuf si rasmi ah ugu soo wareegay dhinaca Dowladda Soomaaliya, kaddib wada hadallo labada dhinac dhexmaray.


Wararku waxay intaas ku darayaan in Shiikh Yuusuf Indha-Cadde oo soo ahaa Xoghayihii Gaashaandhigga Isbaheysigii dib u xoreynta Soomaaliya ayaa sidoo kale wuxuu ka tirsanaa garab ka go’ay Xisbul Islaam, kaasi oo dhawaan wada hadallo la galay Dowladda Soomaaliya.

U soo wareegitaanka dhinaca Dowladda Soomaaliya ee Shiikh Yuusuf Indha-Cadde ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo dhawaan Shiikh Yuusuf uu sheegay in duruufo jiro aawgood uu hubkiisii ku wareejiyay dad ay ehello yihiin, walow haatan uu hubkiisii ula soo wareegay dhinaca Dowladda Soomaaliya.

Shiikh Yuusuf Indha Cadde ayaa wuxuu ka tirsanaa kooxo si weyn uga soo horjeeday dowladda Soomaaliya, hayeeshee wuxuu dowladda ku soo dhawaaday kadib markii ay meel-marisay ina y dalka ku xukumeyso Shareecada Islaamka.

Kala soco halkan wixii ku soo kordha dhaqdhaqaaqyada Siyaasadeed ee Soomaaliya ka socda..

Shiikh Yuusuf Indha-Cadde oo dagaallada looga soo horjeedo Dowladda Soomaaliya ku tilmaamay kuwo aan xaq ahayn oo kursi-doon ah

Shiikh Yuusuf Maxamed Siyaad Indha-cadde oo isagoo gaadiidka dagaalka iyo ciidamo wata xalay u soo wareegay dhinaca Dowladda Soomaaliya oo uu ka soo horjeedi jiray ayaa wuxuu sheegay in dagaallada ka socda Soomaaliya ee looga soo horjeedo Dowladda Soomaaliya ay yihiin kuwo aan xaq ahayn oo kursi-doon ah.

Shiikh Yuusuf Indha-Cadde oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa wuxuu sheegay in culumaa’udiin Soomaaliyeed oo Muqdisho ifto ka soo saaray ay sheegeen in Dowladda Soomaaliya ay tahay dowlad Islaam ah, sidaas darteedna aan dagaal lagu qaadi karin, iyaguna ay qaateen go’aankii culimada.

Annaga horay ayaan u sheegnay in haddii Dowladda Soomaaliya ay dalka ku xukumeyso Shareecada Islaamka aan taageeri doonno, isla markaana aan hiil iyo hooba la garab istaagi doonno, haddana sida aad la socotaan dowladda waxay meel-marisay ku dhaqanka shareecada Islaamka”

ayuu yiri Shiikh Yuusuf Indha-Cadde oo sheegay in markii uu u soo wareegay dhinaca dowladda kaddib uu la kulmay Madaxweynaha Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed, Ra’iisal Wasaarahiisa Cumar C/rashiid iyo xubnaha Golaha Wasiirrada, ayna ka wada hadleen sidii dalka Soomaaliya loo nabadeyn lahaa.

Mar la weydiiyay Shiikh Yuusuf Indha-Cadde waxa ay sameynayaan hadda kaddib, waxaa uu sheegay in haatan wixii ka dambeeya ay sameyn doonaan wixii ay Dowladda u xil-saarto, wuxuuna caddeeyay in ay ka tirsan yihiin Dowladda Soomaaliya.
Shiikh Yuusuf Maxamed Siyaad Indha-Cadde ayaa wuxuu soo ahaa Xoghayihii Gaashaandhigga Isbaheysigii dib u xoreynta Soomaaliya, sidoo kalena wuxuu ka tirsanaa garab ka go’ay Xisbul Islaam, kaasi oo dhawaan wada hadallo la galay Dowladda Soomaaliya.

Banaadir Post
Xamar.