Search This Blog

Sunday, May 17, 2009

Wararka laga helayo dad aad ugu dhow Jaalle Yuusuf Maxamed Siyaad (Indhacade) aqoon wanaagsana u leh ayaa sheegaya in imaanshaha Jaalle Indhacade ee q

Gudoomiyaha Xisbul Islaam garabka tuulada Asmara Oday Xasan Dahir ayaa isku dayey inuu Al Shabaab ku qanciyo in Jaalle Indhacade uu ahaa hooyadii Halganka isla markaana uu kasoo laabtay qaladkii uu galay uuna diyaar u yahay ka qeybgalka Jihaadka.


Kooxda Al Shabaab ayaa shuruud ku xirtay ka tanaasulkooda Jaalle Indhacade iyo hubkiisa iyagoo u xilsaaray Jaalle Indhacade inuu hogaamiyo Qidad cusub oo dagaal oo lagu afgambiyo Dowlada oo ay soo jeediyeen dad Ajnabi ah oo qadka telefoonka ugu qeyb qaatay kulankaas.

Ilaha aan warkan ka helnay oo lagu kalsoonaan karo ayaa intaas raacinaya in qidada dagaal ee cusub, ay tahay sidii loola wareegi lahaa Madaxtooyada ama loo qaarijin lahaa madaxda ugu sareysa Dowlada iyadoon dhiig badan daadan waxeyna Ajaanibtii shuruudan ku xirtay mustaqbalka Jaalle Indhacade soo jeediyeen in ciidan ku dhow 200 oo 40 ka mid ah Al Shabaab soo xulo inta kalena noqdaan maleeshiyada Jaalle Indhacade.

Dagaalyahanadan 40ka ah ee ay Al Shabaab soo xusheen ayaa ah dhalinyaro beel ahaan ku dhowow Jaalle Indhacade laakiin daacad u ah Al Shabaab si meesha looga saaro shaki kasta oo imaan kara taasoo uu aad ugu riyaaqay Oday Xasan Dahir Aweys oo aad ugu ciil qaba madaxweynaha dowlada midnimada qaran Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo beeshiisa ee Abgaal.

Maleeshiyaadka lagu soo biiriyey maleeshiyada Jaalle Indhacade ayaa ah kuwa tababar wanaagsan qaba diyaarna u ah iney geystaan weeraro ismiidaamin ah oo ay ku fuliyaan ciidamada Midowga Afrika iyo madaxda Dowlada hadii ay helaan fursad yar oo ay falkaas argagixisnimo ku fuliyaan.

Waxaa hogaanka Maleeshiyaadka Al Shabaab ee ku milman maleeshiyada Indhacade loo dhiibay wiil 21 jir ah oo lagu naaneyso BIN SEYF oo dhalasho ahaan kasoo jeeda beesha Indhacade.

Jaalle Indhacade oo soo gaaray xarunta madaxtooyada ayaa la sheegay in ciidankiisa bar ka dageen meel aan sidaas uga fogeyn xarunta Madaxtooyada taasoo shaki weyn ku dhalisay taageerayaasha Dowlada maadaama Jaalle Indhacade yahay shakhsi aan la aamini karin.


Heshiiska ka dib ayey madaxdii Al Shabaab ugu hanjabeen Oday Xasan Daahir hadii Jaalle Indhacade laga dareemo wax xagal daacinaya howlaha mujaahidiinta in ay dil ku xukumi doonaan isaga iyo maleeshiyada uu hogaaminayo taasoo loo fasiray in 40ka Al Shabaab ee qeybta ka ah kuwa Jaalle Indhacade soo dardaarmeen oo ay isku qarxinayaan ciidamada Midowga Afrika ama madaxda Dowlada hadii uu shaki yimaadana dagaal la geli doonaan kuwa Jaalle Indhacade oo ay dambas isku noqon doonaan taasoo xaalad labo kala daran kala dooro ah dhex istaajisay Jaalle Indhacade.

Banaadir Post
Xamar Cade.
banaadirpost@gmail.com