Search This Blog

Friday, August 8, 2008

Maxaa ka taqaanaa Sh. Xasan Dahir Gudoomiyaha Cusub ee Isbaheysiga Salbalaar


Wuxuu ku dhashay baadiyaha Dhuuso- Mareeb oo ka tirsan gobolada dhexe ee dalka Soomaaliya, sannadkii 1945

Wuxuu dugsiga sare ka baxay 1971

Wuxuu ciidamada ku biiray 1973

Sannadkii 1977 wuxuu ka qeybgalay dagaalkii lagu qaaday Ethiopia , waxaana la gudoonsiiyay bilada geesinimada,

Sannadkii 1978 wuxuu diiday inuu ka qeybqaato afgambigii dhicisoobay isagoo markaa diidanaa in xoog wax lagu maquuniyo

Sannadkii 1986 isaga iyo koox Islaamiyiin ka tirsanaa Alitixaad soo shaac baxay sannadkii 1983 oo dhaq dhaqaaq qarsoodi ah waday ayaa xabsiga loo taxaabay .
Sannadkii 1987 waxaa lagu xukumay dil toogasho.

Waxaa laga fududeeyay xukunkii dilka ahaa oo loogu badalay xabsi daa'in , markii oo uu soo dhexgalay ninkii dhaxalka boqortooyada dalka sacuudiga ee waqtigaas lahaa Amiir Cabdalla Ibnu Cabdulcaziiz oo hada ah Boqorka dalka Sacuudiga , kadib markii codsi gaar ah ka yimid Sheekhii weynaa '' Ibnu Baaz''.

Sannadkii 1988 ayaa xabsiga laga soo daayay isaga iyo siyaasiyiin kale kadib markii uu caalamka culeys xoogan saaray dowladii Siyaad bare oo markaas wadanka xukumeysay.

Markii aay burburtay dowladii Siyaad Bare 1991 ayaa uu mar kale si muuqata oo aan qarsooneyn u bilaabay dhaqdhaaqii Islaamiga '' Alitixaad'' isaga oo markaa dagaal la galay garabyo kooxaha Soomaalida oo kamid ahaa garabkii uu u talinaayay Col. Cabdallahi Yusuf sannadkii 1994 oo aay isaga gacanta ku dhigeen wax yar kadibna iska sii daayeen.

Sannadkii 1996 waxaa burburay ururkii Alitixaad , waxaana markaas uu madax ka noqday Maxkamad Islaami oo markaas ka dhisneyd mid kamid ah xaafadaha Muqdisho.

SheeKh Xasan daahir oo lagu hal qabsadaa waxaa laga yaabaa dadka qaar in ay u qaataan Amaan gaar ah oo uu leeyahay oo laga hadli doono halka dadka qaarna ay u fahmaan Eed gaar ah oo uu leeyahay la tilmaami doono, hase yeeshee waxaan halkaan ku soo gudbin doonaa si kooban muuqaalo ka mid ah taariiqdiisa ha ahaato Amaan ama Eed .


Sh Xasan Daahir waxa uu ahaa Sarkaal ka mid ahaa Saraakiishii Soomaaliya weliba kuwa ugu magaca roonaa xaga geesinimada hal adeyga iyo Diinta oo wuxuu ka mid ahaa kooxo ka tirsan Ciidamada soomaliya oo xaga diinta aadka ugu janjeeray,waxa ayna dadka aadka u yaqaan sheegaan inuu Xaafid ku yahay Qur’aanka iyo Cilmiga Qiraa’ada waxaana arintaas tusaale u ah magca uu u bixiyay Markazkiisii uu ka furay agagaaraha SOS oo ahaa Markazka Ubey IbniKacab taasoo tuseysa inuu ula jeeday meel lagu baranayo Cilmiga quseeya Hab aqrinta Qur’aanka .



Hadii aan wax ka tilmaamo kaalintii uu ku lahaa dhaqdhaqaaqyada Saxwad ka jirtay Soomaliya waxa uu ka mid ahaa ragii ugu hereeyay ee la jaanqaaday Xeliyadii uu dalka ka bilaawday dhaqdhaqaaqii Saxwada Soomaliya ee uu horkacaayay Sheeq Maxamad Macalin(allaha u raxmadee) markii ay Saxwadii soomaaliya ukala baxday kooxo kala gaar ahna waxa uu ku biiray kooxdii Al itixaad oo xeligaas matleysay Xarkada Salafiyada Soomaaliya.



Markii ay iska horyimaadeen Dowladii Soomaliya iyo Saxwadii waxa uu ka mid ahaa kooxo Culimo ahaa oo la xeray markii dambana lagu xukumay Dil toogasho ah laakiin waxaa illaah qadaray in mar dambe loogu badalay Xabsi…



Markii ay dhacday Dowladii Soomaliya waxa ka mid ahaa Saraakiihii ama Culimadii hogaamineysay Dhaqdhaqaaqii Dacwada iyo Mucaskaraadkii Ciidanka ay waday Kooxdii Alitixaad …. Markii ay go,aansatay kooxdaas in ay joojiso howlihi Ciidan waxa uu ka mid ahaa qeybo ka tirsanaa Ciidankii iyo Saraakiishii Al itixaad oo diiday in ay hubkka dhigaan laakiin ku qasbanaa in ay u hogaansanaadaan go’aanka guud ee kooxdooda gaartay



Hadii aan wax ka tilmaamo kaalintii uu ku lahaa dhaqdhaqaaqii Maxkamada Beeleadkii ka bilaawday goor dambe meelo ka mid ah magaalada Muqdisho gaar ahaan halka warbaahinta u taqaanay Koonfurta Muqdisho ee aheyd deegaanadii u ka talin jiray Jen Ceydiid ,markii u Ceydiid geeriyooday waxaa ka biloowday deeganadaas Qilaafyo u dhaxeeyay Beelihii taageersanaa Ceydiid (habargidir) taasoo uu horjooge u ahaayeen Beesha Ceyr ee uu ka dhashay Sh Xasan iyo Beeshii Sacad ee Jen Ceydiid ka geeriyooday, taasoo ka dhigtay deegaanadii Jenaralka ka dhintay kuwa foowda ah, waxaa biloowday abaabul u gar haaye ka ahaa Cqaasim oo Sh Xasan isku Heyb yihiin (Ceyr) kaasoo u ololeynaayay inuu ka dhigto Beeshiisa Salaan uu ku gaaro Kursi Siyaasadeed taasoo ku kaliftay C/qaasim inuu bilaabo kulamo iyo abaabul Beshaas u gaar ah waayo Beeshooda waxa ay isu arkayeen in Jen Ceydiid si gaar ah uga Faaideysatay awoodooda uu uu ku qabsaday maleshiyaadii Beesha Ceyr inta badan Koonfurta Soomaliya…

Sh Xasan waxa uu ka mid ahaa waxgaradkii u istaagay markii Beeshaas go’aansatay in ay furato Maxkamad u gaar ah, maxkamadaasoo oo noqotay dhagaxdhigii Siyaasadeed ee u horeeyay una gaarka ahaa ee ay ku tilaabsato Beesha Ceyr, waxaana Maxakamaadaas fursad uu ku suuq tago u noqotay C/qaasim oo ahaa Maskaxda dhabta ee ka dambeysay Furitaankii Maxkamadaas ilaa uu ku gaaray kursigii Madax weyne Soomaliyeed inuu isu sharaxo kuna guuleesto asagoo Doorashadii ka dhacday Wadanka Jabuti Magaalada Carta ku galay inuu geeynayo Dowlada Magaalada Muqdisho asagoo ku xisaabtamayay awooda Ciidan ee aadka u sareysay ee xiligaas ku lahaayeen Maxkamadihii uu horjoogay Sh Xasan Daahir maadaama uu uu u arkayay kuwa ku siyaasad ah aasaasidoodana uu ku lahaa gacan libaax, dhabtiina Maxakamadihii waxa ay u sahleen C/qaasim inuu yimaado Magaalada Muqdisho si wanaagsana wey ugu sacabo tumeen abaabul badana u galeen in lagu qanciyo Culimada Diinta in la taageero Dowlada Madaxweynaha ka yahay C/qaasim ilaa markii dambe Maxkamadii Beesha Ceyr maalin maalmaha ka mid ah isugu yeertay Qadiibiinta Masaajida Muqdisho ayadoo ka codsaneysay in laga taageero Dowlada C/qaasim Minbarada Masaajidana dadka lagu wacyi galiyo si ay taageeraan loogana duceyo taasoo keentay shaki ku yimid qaar badan oo ka mid ahaa Culimadii goobtaas joogtay oo ku qasabtay in ay jawaabo adag ka bixiyaan arintaas ayagoo sheegay Dowlada C/qaasim in aysan waxba dhaamin tii uu Cali Mahdi horjoogay oo ayaduba Jabuuti lagusoo dhisay , waxaana meeshaas ka bilaawday shaki ku saabsan siyaasada Maxkamadaha xiligaas jiray,waxaana dhacdadaas ka sii yaab badnaa oo anfariirri ku noqotay Cilimadii iyo waxgaradkii Soomaliya markii ay ogaadeen in uu Sheeq Xasan Dalka ka dhoofayo asagoo fulinaaya Codsi uga yimid C/qaasim oo ahaa inuu Dalka ka baxo si loo aqoonsado Dowladiisa oo aan Argagixisada ayay taageertaa loo dhihin aqoonsina u hesho,ugu dambeyntii Sh Xasan oo aad loogu yiqiin u dhga nugeylka Beeshiisa ayaa waxa uu ka dhoofay Dalka isaga oo fulinaaya Codsiga Beeshiisa iyo Siyaasigooda ugu yimid tasoo keentay in uu C/qaasim fursad u helay kala dirida Maxaakamadihii xiligaas jiray hubkoodiina Xeel iyo Xoogba kula wareegay iskuna balaariyo dhulkii ay ka talin jiratay ilaa Goboladii Koonfureed uu gacanta u galiyay Qabqable ku Cusnbaa Xeligaas saaxada oo ah Indha Cade,.. waloow ay fashilantay Dowladii Sh Xasan u tanazulay hadana Dalka Dhaqso ugumasoo laaban waayo waxa Dalka galay Xili aad u xun ilaa laga soo gaaray maaalintii lagu dhawaaqay Isbaheysigii La baxay Ladagaalka Argagixisada waxa loo yaqaan weliba Maalintii ugu horeysay ee Maxkamadaha xayiraada kusoo rogeen Goroonkii Diyaaradaha ee Dayniile oo Saldhiga ahaa Isbaheysiga xubno ka maid ah waxaana halkaas mar labaad ka biloowday dhaqdhaaqii siyaasadeed ee Sh Xsan Daahir iyo kaalintii uu ku lahaa Midowgii Maxaakiimta Islaamiga Soomaliyeed.



Markii uu soo laabtay Sh xasan waxa uu bilaabay inuu isla maalintaasba siiyo wareysiyo Warbaahintii Muqdisho qaarkood kana hadlo dagaaladii socday ayadoo aan xiligaas ka hor lagu aqoon wax kala hadal ah oo ka dhaca Maxakiimta waayo waxaa xiligaas Maxakamadaha Gudoomiye iyo Afayeenba u ahaa Sh Shariif,laga soo bilaabo maalintaas waxaa ka dhax bilowday Maxkamadaha warar isqilaafsan iyo kala hadal iyo in ay yaraato taageeradii Shacabka u hayeen Maxkamadaha oo lagu yiqiin kala dambey iyo ismaqal Sh Xasan ka hor…



Hadii aan u soo gudbo markii la dhisayay Golihii Shuurada ee Maxaakiimta



Waxa uu Sheeqa qaabilsanaa soo diyaarinta Qeybaha ka Qeyb galaya Shuurada Maxaakiimta taasoo fursad gaar ah uu ku siiyay Beeshii uu ka dhashay (Ceyr) asagoo looga bartay inuu aad ugu dhaganugul yahay siyaasada iyo rabitaanka Beeshiisa waxa uu ka soo buuxiyay Shuuradii qeybaheedii kala duwanaa Beeshiisa oo Magacyo kala duwan loo bixiyay oo gaaraya ilaa 5 ama lix qeybood,halka shuurada guud ahaan ka kobneyd ilaa iyo 12qeybood



1-Maxkamada Besha Ceyr



2-Gobolka Sh/hoose uu uu horjoogay Indha cade



3-Al shabaab oo kaalinta ugu weyn ku laheyd Beeshiisa



4-Jubooyinka oo uu horjoogay Goobaale



5-Kacdoonka Diinta iyo Dalka



6- --------------------



Waxaana halkaas ka biloowday shaki ku yimid dad badan oo taageersanaa Maxaakiimta amaba ka mid ahaa ayagoo taas u arkaayay awood maroorsi Beel gaar ah sameyneyso taasoo sababtay hoos u dhac kale ku yimaado taageeradii loo haayay Maxaakiimta ,.. waxa uuna Sh Xasan Daahir ka Noqday Gudoomiyaha Shuurada halka si dhib ah oo muran badan ku jirana loogu doortay Sh Shariif Gudoomiyaha Guduga Fulinta waayo rag ka socda Beeshaas uguntadeen in ay dad kale oo Maqaarsaar ah u dhiibtaan Jagadaas oo inta badan Caalamka oo dhan lo arkaayay in ay tahay awooda ugu sareysa ee Maxaakiimta,hase yeeshee waxaa arintaas horistaagay Culimo iyo Ganacsato dareentay qatarta meesha ka soo muuqata.



Markii ay Maxaakiimtii ka guuleysatay Isbaheysigii Sh Xasan Daahir waxa uu ka bixi waayay qancin Beeshiisa jufooyinkeeda iyo la shiritaankooda ilaa markii dambe uu hadana kusoo kordhiyay Xubno kale oo Beeeshiisa ka dhashay Golayaashii Fulinta iyo Shuurada gaar haan Maamulkii Maleeshiyo Beeleedkii Xooga ku heystay Degmada Afgooye Cirfo oo lagu daray Golihii Fulinta lagana Dhigay ku xigeenka Waaxda Waxbarashada ee Golihii Maxaakiimta,waxa uuna Sh Xasan Dagay Saldhigna ka dhigatay Gobolada Dhexe (halk ay dagto beeshiisa) asagoo ka badin waayay Beeshiisa uun inuu ku Mashquulo mana la kulmin xataa Golihii shuurada oo uu Godoomiyaha u ahaa hal maalin waxaa hor fadhiisigooda ugu horeysay uguna dameysay Maalintii la dooranayay, waxa ayna arintaan iyo dhacdooyinkii ka horeyayba ee aan soo sheeganay Dadka wax garadka ah u arkayeen inuu Sheequ aad ugu dhaganugul yahay Beeshiisa oo ay wax walba kala sareeyso Ceebna uusan u arkin Tanaazulaadka u u sameeyay una sameynayo, halka uu Ceeb u heesto in loo Tanaazulo shacabka soomaali sida ka muuqata Heshiiska Jabuuti, … …



Waxaan hadalkaas dheer ula jeeda tusaale in ay noogu filan yihiin inaan dhinaca Qabiilka ka ogaano Sh Xasan Inuu yahay nin aad ugu jilcan marna aan ka hor imaan, waxa ayna u ahaayeen istaafka gacanyarayaasha iyo shaqaalaha Xafiifkiisaba dad kuwada Beel ah xiligii Maxaakiimta, halka Madaxda kale ee Maxaakiimta weligood Belahooda sigaar ah loogu ag arag weliba gabood fal ku sameeyeen fursadna u siinin xataa in ay ka dhageestaan Cabashooyinkooda maadaama ay u yihiin Madax.



Waxa aan soo sheegnay oo dhan waxaa kasii yaab badan in Sh Xasan uu isu arkaayay inuu yahay awooda ugu sareysa Maadaama uu asaga inta badan Xubnaha Shuurada gacantiisa ku soo doortay oo ay isku Beel yihiin hadii ay kulan isugu yimaadaan labada Golone waxa ay ahaan jireen laba la gudoomiye ( Cali iyo Ceydiid) oo kale oo mana ogoleyn Sh Xasan in ay jirto cid ka sareysa ilaa lagasoo gaaray ka hor maalmihii la filaayay inuu bilaaban doono Duulaankii Gumeysiga Itoobiya kusoo qaadi rabtay Goboladii Maxaakimta ka talineysay oo Rag Aqoonyahan ah u istaageen in la magacaabo Hogaanka ugu sareeya labada Gole ee Maxaakiimta (amiir) waxaana leesku afgartay in Sh Shariif noqdo Gudoomiyaha labada Gole,wallow maalmo gudohoodba ay Xabashida soo gashay Magaalada Muqdisho intii aysanba labada Gole kulan yeelan taasoo keentay habeenkii ugu dambeeyay Maxaakiimta ka baxeysay Magaalada Muqdisho lala mubaayacootamo(lala balamo madx ahaan) Sh Shariif inuu yahay Amiirka Maxaakiimta!!!!!!!!



Hadii uusan dulqaadan Sh Shariif waa lakala guuri lahaa goor hore laakiin waxaa illaah (cw) ku galadestay Dulqaad iyo garosho.



Sidaa darteed maanta la yaab malaha Sh Xasan inuu is magacaabo maadaama Shalay uu aaminsanaa ineysan jirin cid ka sareysa ama laga yaabo Beesha uu ka dhashay ayasan Maslaxad u arkin in la hogaamiyo waa uu ku saxan yahay inuu sheegto inuu xilka ka qaady Sh Shariif -waloow uusan awalba asaga dooran maantana dhab ahaan uusan ka qaadi karin – sidii Ceydiid uu Sagaashamaadkii isu magcaabay una diiday wax heshiis ah iyo wada hadal inuu la gaaro Cali Mahdi oo ay ishyeen.



Sh Xasan maanta waxa uu heli karaa dad Xamaasadeysan oo ku taageera talaab kasta oo qaldan uu qaado sidii Ceydiidba taageerada ugu helay Dagaaladii uu ka waday Koonfurta Soomaliya, dhibaata Somaali ku cusub ma aha inuu is magacaabo Sheeqa asaga oo fulinaayo rabitaanka Beeshiisa iyo Siyaasada Dowlada uu Martida u yahay oo qorsheyneyso in Ciidanka Itoobiya ku mashquulsanadaan gudaha Soomaliya si aysan ugusoo gacan banaanaan marna waayo waxaa la filayaa hadii Itoobiya ay ka baxdo Soomaliya in ay Dagaal la gali doonto maadama uu Burburay heshiiskii u dhaxeeyay labada Dal ee ay QM ku dhexdhexaadineysay .



Sh Xasan waxaa taariiqda ugu qoran tanaazulaadka faraha badan oo uu sameeyay Beesha uu ka dhashay ee Ceyr iyo sida uusan marna wax jilicsanaan ah ugu muujineyn danta guud ee Shacabka Soomaliyeed ee Muslimiinta ah,waxaa uuna qaadi doonaa Mas’uuliya ka dhalata qalafsanaantiisa hadii Abaar dhameeyso Shacabka Soomaali sidii Ceydiinba Taariiqda ugu qoran tahay Maleeshiyaadkiisii in ay Cunnada ka boobi jireen Gobolada ay xooga ku heesteen taasoo keentay dhibaato weyn in ay gaartay Beelihii Soomaliyeed ee ku noolaa Goboladaaas gaar ahaan Bay iyo Bakool Sh/hoose.



Waxaan ugu Naseexeynayaa kuwa wanaaga jecel ee aan darensaneyn waxa ka soo socda qilaafka uu abUuray Sh Xasan in ay taariiqda dib u baaraan ogaadaana maalinta Qiyaame in ay qaadi doonaan Masuuliyada ka dhalata Fidnada ay taageereen waayo wax wadajir lagu waayay oo wanaag ah laguma gaari doono kala tag iyo ismagacaabid lamid ah tii u Jen Ceydiid ku Magacaabay Dowladii Salbalaar



WAXAAN QORAALKEYGA KUSOO GABA GABEYNAYAA HAMBALYO DIIRAN OO AAN U DIRAAYO GUDOOMIYAHA CUSUB EE ISBAHEYSIGA SALBALAAR WAXAANAN LEEYAHAY TAARIIQDA DIB BAL U AQRI ADIGOO AAAD U DAGAN LAGASOO BILAABO 1991…..2008 KUNA DHAQAN JAWAABTA KUU SOO BAXDO!!!

By Asad yare
osmanhdn@hotmail

WAQAD FURAN OO KU SUOCOTA GUDDOOMIYE KU XIGEENKA GOBALKA BANAADIR MUDANE MAXAMED CUSMAAN DHAGAXTUUR.


Kadib kulamo ay lahaayeen maalmihii lasoo dhaafay jaaliyadaha Soomaaliyeed ee ku nool dalalka waqooyiga Ameerika iyo Yurub loogana hadlayay arrinta maamulka gobalka Banaadir iyo sidii looga hortagi lahaa fowdada uu soo maleegay Axmed cabdi salaan ayaa waxaa kulamadaa ksoo baxay go'aan sheegaya in waraaaq furan loo diro gudoomiye ku xigeenka gobalka Banaadir ee arrimaha bulshada Mudane Maxamed cusman Dhagatxuur, waraaqdaas oo xambaarsan talo soo jeedinta walaalaha soomaaliyeed ee dibadaha ku nool gaar ahaana yurub iyo waqooyiga ameerika.


Kadib kulamo ay lahaayeen maalmihii lasoo dhaafay jaaliyadaha Soomaaliyeed ee ku nool dalalka waqooyiga Ameerika iyo Yurub loogana hadlayay arrinta maamulka gobalka Banaadir iyo sidii looga hortagi lahaa fowdada uu soo maleegay Axmed cabdi salaan ayaa waxaa kulamadaa ksoo baxay go'aan sheegaya in waraaaq furan loo diro gudoomiye ku xigeenka gobalka Banaadir ee arrimaha bulshada Mudane Maxamed cusman Dhagatxuur, waraaqdaas oo xambaarsan talo soo jeedinta walaalaha soomaaliyeed ee dibadaha ku nool gaar ahaana yurub iyo waqooyiga ameerika.

Kulamadaasi waxaa qadadka teleefonada uga qeyb galay wax garad,siyaasiyiin iyo aqoonyahano Soomaaliyeed oo kala jooga magaalooyin dalka gudihiisa ah oo ay ka mid tahay caasimada soomaaliya ee Muqdisho.

"Mudane dhagaxtuur waxaad ahayd nin aan aad u taageersanayn shaqadiisa isla markaana aanu ku hami weyneyn mustaqbalka in aad qabato masuuliyad ka weyn kana culus tan aad iminka ka heyso gobalka Banaadir,laakin waxaa hada noo muuqata in ay jiraan rag doonaya sumcadaada in ay wax yeeleeyaan kuguna dhex ridaan BOHOL ceebeed kuuna hor seedan fashil siyaasadeed iyo in ay taageerayaashaadu ku nacaan"ayaa lagu yidhi waraaqda furan ee jaaliyadaha soomaalidu ay u direen mudane dhagaxtuur nuqul ka midana uu soo gaadhey shabakada carmooyin.com.

Waraaqdan furan ayaa kula talineysa mudane Dahgaxtuur in uu hada is daba qabto maadaama uu wali heysto fursad uu kaga bad baadi karo guuldarada siyaasadeed ee kusoo wajahan iyo in uu lumiyo tageeradii uu ku dhex lahaa bulsho weynta Soomaaliyeed ee nabadda Jecel.

"Mudane Guddoomiye ku xigeen waxaan la soconaa in aad qaranka usoo qabatay howlo badan oo muhiim ah aadna soo martay halgan dheer oo ku aadan sidii magaalada Muqdisho looga saari lahaa jawiga amni darro ee dul saarmay lagaamana maleysanayn in aad fikirkaaga u badali doonto dhanka xun,dibna aad dhiiqo ka marin doonto howshii wanaagsanayd ee aad dalka iyo dadkaba usoo qabatay,marka waxaanu jeclaan lahayn in aadn qaadato talada wanaagsan,isla markaana aadan noqon ruux khilaafaya madaxdiisa"ayaa mar kale lagu sheegay waraqada furan ee ku socota gudodomiye ku xigeenka gobalka banaadir.

Waraaqdan furan ayaa guddoomiye ku xigeenka lagu dareensiiyay in kuwa haatan u sacaba tumaya ay dantoodu ahayd is khilaaf iyo kala fogaasho soo kala dhex gala madaxda dalka si ay caqabadi ugu timaado hanaanka nabdeed ee haatan dowladu wado iyo waliba dowladnimada usoo bidhaantay shacabka soomaaliyeed in ay meesha ka baxdo,sidaa daraadeedna ay tahay in uu ka furto kuwa uu haatan fiilada ku xirtay ee si xun wax u doonka ah dantooduna ay tahay dalkan i in aanu dowlad iyo nidaam waligii yeelan.

"Ugu dambeyntii waxaanu aad ugu rajo weynahay in mudane Dhagaxtuur uu qaadan doono talooyinka walaalaha soomaaliyeed ee nabadda iyo dowladnimada jecel uuna ka jeesan doono sheydaamada haatan calanka u bitinaya"ayaa lagusoo gaba gabeeyay waraaqda furan ee ku socota guddoomiye ku xigeenka gobalka Banaadir ee arrimaha bulshada mudane Maxamed cusmaan cali dhagaxtuur.

Banaadir post
banaadirpost@gmail.com