Search This Blog

Monday, June 30, 2008

Haweeney Guddoomiye ku-xigeen ka aheyd degmada X/jajab oo goor dhoweyd lagu toogtay agagaarka shineemo Afrika oo ku taala isla degmadaasi

Guddoomiye ku-xigeenkii degmada X/jajab ee magaalada Muqdisho oo aheyd haweeney lagu magacaabo Cambaro Cali ayaa goor dhoweyd abaarihii 10:00 barqanimo ee maanta lagu toogtay agagaarka Shineemo Afrika oo ku taala isla degmada X/jajab ee magaalada Muqdisho.

Dilka haweeneydan ayaa la sheegay inuu geystay nin ku hubeysnaa bastoolad xilli ay ka soo baxeysay gurigeeda oo ku yaala shineemada loo yaqaano Afrika ee ku taala nawaaxiga Suuqii hore ee Ceelgaabta oo ku yaala isla degmada X/jajab, waxaana haweeneydan oo dhowr xabadood ay ka haleeleen dhinaca caloosha loola cararay isbitaalada magaalada Muqdisho, iyadoo xaaladeedu ay aheyd mid si aad ah u liidata oo laga cabsi qabo iney u geeriyooto dhaawacyada halista ah ee soo gaaray.

Alshabaab kuwa sheegta inay Diini yihiin, laakin ah dad dhaqan, dhaqankaas lagu yaqaan Alshabaab ma ahan mid ay qabaan ISLAAM IGO GAALO.

Gabadhan wax danbi ah ma galin oo aan ahayn iney ahayd qof dumar ah oo ku shaqeysa DF.

Qofka Soomaliga ahi Xaq ma u leeyahay inow shaqo tago, mise waa gaalnimo?

Bal waxa xiga aan dhowrno.

Banaadir Post

BBC-da Yuusuf Garaad ninkii doonayoo daynay hadalkeede



BBC ninkii doonayow daynay hadalkeede,

Beri hore haday door ahayd maanta waa dacase,

Dagaal-ooge goortuu qabsaday doocba garanaynin,

Dacbey noqotay oo haatan waa laga dareeraye;
Musiibada dalkii ku habsatoo dabana dheeraatay
Waa meel dabkeed laga hurshaa dirir qabyaalaade
Dadqalladiyo mooryanta xamar loo durbaan tumu;,
Waa meel halqoys uu degoo kuna danaystaaye
Cidkaleba kolkuu dayriyee daaqad laga tuuray
Dibjirrada tolkiis ahi ay shaqo u doontaane;
Dagaal-oogihii ina garaad dirirta xoogeeye
" bush house" dagaalkuu ka wado dunidi aafaye;
Dacarta iyo waabayda iyo sumuhu daacaayo
Dicaayadaha uu fidinayiyo dad isku soofaynta
Dogobyada baxaayuu ku hurin dab & baansiine;
Waa nimanba diin qabana-hayn ama damiir noole
Waa nimaan dareenkiis wadani diirin weligiise
Waa nin uun diyaar wuxuu u yahay dulan islaameede;
Qaran iyo wuxuu diidan yahay dawladnimadiiye
Sharci iyo wuxuu diidan yahay daalin qabadkiiye
Weligiis wuxuu diidan yahay kala damayntiiye;
Dembiilihii wuxuu diidan yahay dabagalkiisiiye
Danwadaagi buu diidan yahay deris wanaagiiye
Oo wuxuu kaloo diidan yahay dib u heshiisiine;
Dalkii lagu habsaday buu rabaa inuu dulsaaraane
Daariyo guryii buu rabaa inuu dekeyaaye
Beeraha daroogiyo inuu dalag ku beertaaye;
Duur-joogti iyo geedihii dibad u dhoofshaaye
Dadkii laga badnaa buu rabaa inuu dullaystaaye
Xaqoodii intuu duutiyana baad ka daabuloe;
Dadkii kala dideen ma aanu rabo dib isu keenkoode
Dab inaan la kala qaadan buu dooni abidkiiye
Wuxuu doonayaa inu adduun saa daa'imoe;
Dooxada jubaa iyo Markiyo Xamar deegaankeeda
Kuwaa diinta ku qaraabanoo kana dagaalaaya
Dal balaarsi beey doonayaan iyo degaan boobe;
Dagaalyahankiyow inna garaad dirici reer Cayre
Doonida sabbayneysa ood diirada u hayso
Dabayluhu sitaan oo misana dakhalkii uu liicay
Bal iyana halkay kugula degi la arki dooneeye.



abdurahman abdi


Mid ka mid ah xubnaha joogtada ah ee isbaheysiga dib u xoreynta oo maanta eedeyn kulul u jeediyay Sheekh Yuusuf Indhacadde



Mas’uul lagu magacaabo C/llaahi Sheekh Maxamed (Pakistan), oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Hotelka La-siesta ee magaalada Jabuuti, ayaa eedeyn ba’an u jeediyay xoghayaha difaaca isbaheysiga dib u xoreynta dalka Soomaaliya, isagoo ku eedeeyey in ciidamo uu si gaar ah u leeyahay ay shalay si qalad ah oo aan la fileyn ay ku galeen magaalada Xudur ee xarunta gobolkaasi Bakool ee dalka Somalia.

Mas’uulkan oo ka mid ah xubnaha joogtada ah ee xubnaha golaha dhexe ee isbaheysiga dib u xoreynta ayaa ku tilmaamay falkii ay shalay ku galeen ciidamo uu sheegay inuu horkacayay Sheekh Indhacadde uu ahaa mid xad gudub ku ah habka dadka ku dhaqan Bakool, gaar ahaana Xudur, waxa uuna si gaar ah farta ugu fiiqay khal khalkii iyo amni daradii shalay ka dhacday halkaasi markii ay ciidamadaasi gudaha u galeen iyo sidoo kale boob uu sheegay inay u geysteen hanti dad shacab ah.

“Ciidamada shalay galay Xudur, waxaan cadeynayaa in aysan aheyn kuwii horey jihaadka uga waday degaanadaasi una dhashay, ee waa kuwo uu wato Yuusuf Indhacadde oo la ogyahay inuu khilaafsan yahay kana amar qaadanin madaxda isbaheysiga ee jihaadka ka wada degaanadaasi, waxaana uga digeynaa inay ku sii sugnaadaan ciidamada Indhacadde Bakool, haddii uu sii joogana waxaa dhici karta cawaaqib xun” ayuu si kulul u yiri Mr. Pakistan.

Sidoo kale, Pakistan ayaa sheegay in degaanadaasi aaney horey uga jirin wax maamul ah oo ay leedahay dowladda C/llaahi Yuusuf isla markaana uu halkaasi ka jiray maamul ay sameysteen dadka degaanka isla markaana wada shaqeyn dhow ay kala dhaxeysay kooxaha ka horjeeda Itoobiyaanka iyo dabadhilifyada.

Yuusuf Indhacadde haddii uu wax nabadeynayo gobolka uu joogo ee Sh/hoose waxaa jooga Xabashi iyo dabadhilifyo welina waxaa yaala isbaarooyin, marka hore waa inuu halkaas ka xoreeyo Xabashida iyo dabadhilifka, degaanadan nabada ah waa in uusan nabad darro iyo khal khal ka abuurin, waxaana ugu baaqayaa inuu si deg deg ah ugala boxo ciidamadiisa”
ayuu yiri ugu dambeyntii C/llaahi Sheekh Max’ed oo ku magac dheer Pakistan.

Hadalkan ka soo yeeray mas’uulkan ka tirsan isbaheysiga dib u xoreynta ayaa tilmaan u noqonaya khilaafka u dhaxeeya xubnaha ku sugan gudaha dalka Soomaaliya iyo weliba kuwo ku sugan Jabuuti ee uu hogaamiyo Sheekh Shariif, iyadoo Sheekh Yuusuf Max’ed Siyaad Indhacaddena uu horay gaashaanka ugu daruuray heshiiskii ay Jabuuti ku wada gaareen dowladda C/llaahi Yuusuf iyo isbaheysiga dib u xoreynta isagoo ku tilmaamay mid xaaraan ah.

Garaadcadde Di Jabuuti

garaadcadde@hotmail.com