Search This Blog

Monday, June 30, 2008

Mid ka mid ah xubnaha joogtada ah ee isbaheysiga dib u xoreynta oo maanta eedeyn kulul u jeediyay Sheekh Yuusuf Indhacadde



Mas’uul lagu magacaabo C/llaahi Sheekh Maxamed (Pakistan), oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Hotelka La-siesta ee magaalada Jabuuti, ayaa eedeyn ba’an u jeediyay xoghayaha difaaca isbaheysiga dib u xoreynta dalka Soomaaliya, isagoo ku eedeeyey in ciidamo uu si gaar ah u leeyahay ay shalay si qalad ah oo aan la fileyn ay ku galeen magaalada Xudur ee xarunta gobolkaasi Bakool ee dalka Somalia.

Mas’uulkan oo ka mid ah xubnaha joogtada ah ee xubnaha golaha dhexe ee isbaheysiga dib u xoreynta ayaa ku tilmaamay falkii ay shalay ku galeen ciidamo uu sheegay inuu horkacayay Sheekh Indhacadde uu ahaa mid xad gudub ku ah habka dadka ku dhaqan Bakool, gaar ahaana Xudur, waxa uuna si gaar ah farta ugu fiiqay khal khalkii iyo amni daradii shalay ka dhacday halkaasi markii ay ciidamadaasi gudaha u galeen iyo sidoo kale boob uu sheegay inay u geysteen hanti dad shacab ah.

“Ciidamada shalay galay Xudur, waxaan cadeynayaa in aysan aheyn kuwii horey jihaadka uga waday degaanadaasi una dhashay, ee waa kuwo uu wato Yuusuf Indhacadde oo la ogyahay inuu khilaafsan yahay kana amar qaadanin madaxda isbaheysiga ee jihaadka ka wada degaanadaasi, waxaana uga digeynaa inay ku sii sugnaadaan ciidamada Indhacadde Bakool, haddii uu sii joogana waxaa dhici karta cawaaqib xun” ayuu si kulul u yiri Mr. Pakistan.

Sidoo kale, Pakistan ayaa sheegay in degaanadaasi aaney horey uga jirin wax maamul ah oo ay leedahay dowladda C/llaahi Yuusuf isla markaana uu halkaasi ka jiray maamul ay sameysteen dadka degaanka isla markaana wada shaqeyn dhow ay kala dhaxeysay kooxaha ka horjeeda Itoobiyaanka iyo dabadhilifyada.

Yuusuf Indhacadde haddii uu wax nabadeynayo gobolka uu joogo ee Sh/hoose waxaa jooga Xabashi iyo dabadhilifyo welina waxaa yaala isbaarooyin, marka hore waa inuu halkaas ka xoreeyo Xabashida iyo dabadhilifka, degaanadan nabada ah waa in uusan nabad darro iyo khal khal ka abuurin, waxaana ugu baaqayaa inuu si deg deg ah ugala boxo ciidamadiisa”
ayuu yiri ugu dambeyntii C/llaahi Sheekh Max’ed oo ku magac dheer Pakistan.

Hadalkan ka soo yeeray mas’uulkan ka tirsan isbaheysiga dib u xoreynta ayaa tilmaan u noqonaya khilaafka u dhaxeeya xubnaha ku sugan gudaha dalka Soomaaliya iyo weliba kuwo ku sugan Jabuuti ee uu hogaamiyo Sheekh Shariif, iyadoo Sheekh Yuusuf Max’ed Siyaad Indhacaddena uu horay gaashaanka ugu daruuray heshiiskii ay Jabuuti ku wada gaareen dowladda C/llaahi Yuusuf iyo isbaheysiga dib u xoreynta isagoo ku tilmaamay mid xaaraan ah.

Garaadcadde Di Jabuuti

garaadcadde@hotmail.com