Search This Blog

Sunday, June 29, 2008

Mas'uul Sare oo ka tirsan Xukuumadda Federalka Somalia oo Shaaca ka qaaday inay Dowladda Maraykanka ku wareejin doonaan Xasan Daahir Aweys.

Caydiid C/llaahi Ilka-xanaf, oo ah Ra'isul-wasaare-ku-xigeenka iyo Wasiirka Waxbarashadda, Caafimaadka iyo Hiddaha ee DFKMGS, ayaa hadalkaasi ku sheegay Wareysi Khaas ah oo maanta lagu soo daabacay Website-ka Al-arabiyah.net, wuxuuna sheegay in Dawladaha Mareykanka iyo Somalia ay iska kaashan doonaan sidii loo gacan galin lahaa Xasan Dahir oo ku jira liiska Xubno uu Mareykanku ka raadinayo G/Afrika.

"Waxaa yaraaday hawlgalladdii hubeysanaa ee Muqdisho, tan iyo markii la saxiixay Heshiiska Jabuuti, waxaana sii wadi doonaa dhabaha Wada-xaajoodka lagula galayo Kooxaha kale" ayuu yiri Caydiid C/llaahi, oo intaasi ku daray in loo baahan yahay inay kooxaha hubeysan hubka iska dhigaan, kuna soo biiraan Wada-xaajoodka.

Dhinaca kale Isagoo arrintaasi sii ambaqaadaya, waxa uu carrabka ku dhuftay inuu Guddoomiyaha Guddiga Fulinta ee Isbahaysiga Dib-u-xorreynta Somalia, Sheekh Shariif Sheekh Axmed door siyaasadeed weyn ku leeyahay Dowladda haatan ka jirta dalka Somalia iyo Geeddi-socodka Nabadda , waxaana uu ugu baaqay in aanu cidina kala baqin waxa uu aaminsanyahay.

Raisul-wasaare-ku-xigeenka iyo Wasiirka Waxbarashadda, Caafimaadka iyo Hiddaha ee DFKMGS, waxa uu Wareysigiisa ku soo bandhigay inay qaar ka mid ah Qabaa'illada Soomaalida kala shaqeynayaan Dowladda Maraykanka sidii ay ugala shaqeyn lahaayeen is-dhaafsiga Macluumaadka la xiriira Dembiilayaasha lagu raad-joogo, wuxuuna sheegay in iskaashigaasi horseeday hawlgalkii ugu dambeeyey ee lagu dilay Hoggaamiyihii Dhaqdhaqaaqa Al-shabaab, Marxuum Aadan Xaahi Cayrow, oo uu sheegay inuu ka mid ahaa Dembiilayaasha ay Maamulka Maraykanka sida xooggan uga baadi-goobayeen magaalladda Muqdisho, waa sida uu hadalka u dhigay.

Si kastaba Wareysigaan ayuu sidoo kale kaga hadlay wajiga labaad ee wada xaajoodka lagu qabanayo Magaalada Barakeysan ee Makka Al-mukarama , waxaana uu sheegay in uu yahay dhamaystirka rajada Somalia .

Tafatiraha Wargeyska Banaadir Post.
Mohamed Deeq Xaaji Ali.
uk