Search This Blog

Sunday, June 29, 2008

XASAN DAAHIR AWEYS OO HORTAGAAN NABADDA IYO BIXITAANKA CIIDAMADA ETHIOBIYA




Maalmahaan dambe, waxaa si isdabajoog ah loo maqlaayey hadallo lagu diidanyahay natiijooyinka laga soo saaray shirki dibuheshiinta ee shirki Jibuuti, hadalladaas oo ka soo baxay ninka seef la boodka ah ee Xasan Daahir Aweys iyo kuwa asiga ku xiran oo gar-maqaatayaalka ah, kana soo horjeeda in Soomaaliya ay ka hirgesho nabad uu dalka ku xasilo.


Kooxdaan diiddan nabad ka dhalata Soomaaliya oo u hoggaaminayo ina Daahir Aweys, oo saldhig ka dhigtay magaalada Casmara, waxay si ay ku jirto indha'adeegnimo iyo xishood la'aan ku sheeganayaan inay ayaga yihiin kuwa raba inay Soomaaliya badbaadiyaan, waxayna iska indha-tirayaan dhibaatooyinka baaxadda leh oo ay sababeen dagaallada micna darrada ah oo ay ka wadaan dalka gudahiisa dagaalladaan oo u geysanaya shacabka Soomaaliya dhibaatooyin adag.


Hasan Daahir asigoo laga fahmayo inu ku faraxsanyahay sida ay dagaallada u socdaan iyo dhibaatooyinka ay dadweynaha u geysanayaan, wuxu mar walba ugu soo celcelinaya si jeesjees ah hadalladiisa beenta ah, sida "waan dagaallamayna, heshiisna ma qaadanayno inta ciidamada Ethiobiya ay ku jiraan gudaha Soomaaliya" taas waa marmarsiinyo raqiis ah oo been ku saleysan, maxaa yeelay ninkaan iyo kooxdiisa dagallada ay wadaan sabab uma ah joogitaanka ciidamada Ethiobiya.


Way sahlantahay si loo fahmo in Xasan Daahir uu yahay beenlow ma xishoode ah, oo dagaal ooge ah, madaama uu ninkaan ka waday gudaha Soomaaliay dagaallada u danahiisa u gaarka ah ku watay ka hor intaysan ciidamada Ethiobiya soo gelin Soomaaliya, mana joojinayo ninkaan dagaallada u ku wato danahiisa iyo danaha beeshisa, xataa haddii Soomaaliya laga wada bixiyo ciidamada Ethiobiya iyo ciidamada shisheeyaha kale.


Maxaa yeelay dagaallada u Xasan Daahir ka wado Soomaaliya waa dagaal u ku doonayo inu xukun qabsado, mana ahan dagaallo bilowday kaddib markay ciidamada Ethiobiya ay soo galeen dalka Soomaaliya, kumana xirnana joogitaanka ciidanka dawladda Adisabeba, waana been hadallada u mar walba la soo boodayo ina Daahir oo ah "dagaallada waan wadayna ilaa ay ka baxaan ciidamada Ethiobiya" hadalladaas oo dadka qaarkiisa ay u qaadanayaan in dagaallada ay joogsanayaan mar haddii Ethiobiya ay la baxdo ciidamadeeda, taas waa been wax kama jiraan ah, waxaana lagu marin-habaabinaya shacabka war moogga ah. Xasan waa nin nabad diid ah oo mar walba dagaal u joog ah.


Waa kuwaan hoos ku qoran meelaha ka mid ah gobollada Soomaaliya oo u Xasan Daahir dagaallada ka huriyey ka hor intaysan ciidamada Ethiobiya soo gelin gudaha Soomaliya.


A)-Ka hor dhismaha dawladdaan kmg- waxaa la xasuusanyahay:


1-dagaallada u Xasan Daahir ku qaaday gobolka Shabeellaha Hoose asigoo hoggaaminayey maleshooyin ay isku beel yihiin, xoogna ku qabsaday gobolkaas, ilaa haddeerna weli xoog ku haysta, ujeeddadiisana waxa waye inuu beeshiisa xoog ku dejiyo gobolkaas.


2-waxa kale oo la xasuusanyahay dagaallada ahaa isku day qabsasho gobol u Xasan ku qaaday gobolka Bosaaso, asigoo sheeganayey hoggaamiye ciidamo maxkamado Islaami.


3-Waxa la xasuusanyahay duullaanki lagu qaaday laguna qabsaday gobolka Jubbada Hoose duullankaas oo loo adeegsaday maleeshiyo beeleed oo ka ammar qaadanayey ina Daahir ayna hor-kacayeen labada nin oo ay isku beesha yihiin oo la kala yiraahdo: Seeraar iyo Goobaanle.
Waxaana la ogyahay in dhammaan gobollada kor ku xusan oo u Xasan Daahir dagaalada ka huriyey inaysan ka jirin meel ay ku sugnayeen ciidamo Ethiobiyaan ah, mise xataa ciidamo shisheeye kale.


B)-Kaddib dhismaha dawladdaan kmg. Waxaa la xasuusanyahay:


1-dagaallada u Xasan ka oogay gobollada Hiiraan, Galgaduud, Mudug ilaa meelo ka mid ah gobollada Puntland.


2-waxa la ogyahay inuu ahaa ninkaan kii ka dambeyey dagaaalladi lagu qaaday gobollada Jubbooyinka laguna burburiyey isbaheysigii dooxada Jubba.


3-Waxaa lama illoowaan ah hadalladii Xasan Turki oo ka mid ah ragga ka ammar qaata Xasan Daahir.


Hadallada Xasan Turki oo hoggaaminayey maleeshooyin duullaan ku aha Baydhoba waxa ka mid ah:


"kuwa sheeganaya dowladnimada oo deggan Baydhoba waxaan ku qasbeenna inay dhawaan boorsooyinkooda kala cararaan magaaladaas".


Sida la ogyahayna waqtigaas oo maleshooyinka ka ammar-qaadanayey Xasan Daahir ay weerarrada isdaba-jooga ah ku qaadayeen meelaha kor ku xusan, gaar ahaan marka duullaanka lagu aha dawladda kmg oo u fadhigeeda aha magaalada Baydhoba, ma jirin meel ka mid ah Soomaaliya gudaheeda oo ay ku sugnayeen ciidamo Ethiobiyaan.


Dagaalladaan kor ku xusan oo u Xasan Daahir ka huriyey gobollada Soomaaliya ilaa haddeerna weli socda, sida la ogyahay waxay shacabka Soomaaliya u geysteen dhibaatooyin baaxad leh oo naf iyo maalba ah, waxayna sababeen dagaalladaan, qax iyo barakac ballaaran, mana la qiyaasi karo inta ay la egyahiin qasaarooyinka ay sababeen xaaladahaas qaxaha iyo barakaca keenay.


Xasan weli wuu wada dagaallada naafeyey ummadda Soomaaliyeed, wuxuuna ku marmarsoonaya inu la dagaallamayo ciidanka Ethiobiya, ha yeeshee taasi waa mid been ah, maxaa yeelay sida an kor ku xusnay ina Daahir wuxuu dagaallada waday waqti ciidamo Ethiobiyaan ah mise ciidamo shisheeye kal aysan Soomaaliya ku jirin.


Waa la wada fahamsanyahay ujeeddada ay ka leeyahiin Xasan Daahir iyo kuwa ay isku beesha yihiin dagaalladaan foosha xun oo ay ka wada oogeen dhammaan gobollada Soomaaliya, ujeeddadaas waxay waaye inay ayaga gacanta ku dhigaan talada dalkaan, mise in ayaga ay wada burburiyaan dalkaan iyo dadkiisaba. Marka shacabka waa inuu sidaas u fahmo, Xasan Daahir waa nin xukun doon ah, sidaas daraadeeda madaama usan xukunka ku heli karin shirar iyo wada xajood, wuxu dagaallada u wado inu talada xoog ku qabsado,wana ka soo horjeeda in shir laysugu yimaado oo heshiis la gaaro, madaama u ogyahay in heshiis la wada gaaray u asiga ku gaareynin danta u wato.


Haddaba, dhab ahaanti Xasan Daahir waaba ka soo horjeeda bixitaanka ciidamada Ethiobiya, laba sababo oo jira awgood:


1-Midda hore oo ah tan an kor ku soo qornay, Xasan Daahir madaama ay u cadday in heshiis iyo nabad usan ku gaareynin danaha u wato oo ah xukun qabsasho, wuxu mar walba dagaallo u kicinaya si ay nabadda ku fogaato, asigoo rajeynayo inay u suuragasho inuu talada dalka uu xoog ku qabsado.


Dhinaca kale wuxuu rabaa in colaadaha iyo fowdada ay bataan si an looga maarmin joogitaanka ciidamada Ethiobiya, madaama u ogyahay in haddii Soomaaliya nabadi ka dhalato oo u dalka xasilo in ciidamada Ethiobiya ay iska baxayaan.


2-Sababta labaad oo u Xasan Daahir Aweys u diidanyahay in ciidamada Ethiobiya laga bixiyo gudaha dalka Soomaaliya waa midda la xiriirta danaha dawladda Eritreya oo ay martida u yihiin Xasan iyo kooxdiisa. Sida an marar badan hore u soo xusay, lana wada ogyahay, dawladda Casmara waxaa danteeda ah in ciidamada Ethiobiya ay ku si negaadaan gudaha Soomaaliya, waana taas sababta u madaxweynaha Eritreya, Afawarki ugu martigeliyey magaalada Casmara kooxda sheeganayso mucaarad ka soo horjeeda dawladda Soomaaliya, Afawarki ma rabo in Ethiobiya ay ciidamadeeda kala baxdo Soomaaliya, sidaas daraadeeda madaxweyhnaha Eritreya wuxu ka shaqeynaya in dagaallada ka jira gudaha Soomaaliya ay si bataan siina xogeystaan, si halkaas ciidamada Ethiobiya ay mashquul ugu si ahadaan. Sida muuqatana madaxweyne Afawarki waxa si fiican ugu hirgashay inu u adeegsado Xasan Daahir iyo kooxdiisa fulinta danta u ka leeyahay joogitaanka ciidamada Ethiobiya ee gudaha Soomaaliya, madaama ina Daahir iyo kuwa ku xiran ay yihiin kuwa hurinaya dagaallada ka socda gobollada Soomaaliya, arrintaas oo ka dhigaysa lagama maarmaan joogitaanka ciimadaas.


Cali Cumar:

sablaale@hotmail.com