Search This Blog

Sunday, June 29, 2008

Ciidamo gurmad ah iyo gawaari dagaal oo gaaray magaalada Xudur ee Gobolka Bakool

Gawaari dagaal oo gaaraya 15 oo ay saaran yihiin Ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa gaaray Magaalada Xudur ee Gobolka Bakool halkaas oo shalay dagaalo xoogan ay ku dhex mareen Ciidamada Dowladda iyo kooxo ka tirsan Ururka Al-Shabaab ee ka soo horjeeda Dowladda iyo joogitaanka Ciidamada Itoobiya.

Ciidamadan ayaa la sheegay in ay yihiin kuwo lagu xoojinaayo ciidamada gobolka ee halkaasi dib ugu laabtay shalay kadib markii ay ka baxeen maliishiyada Ururka Al-Shabaab ee weerar ku soo qaaday degmadaasi, dhaawacayna Guddoomiyaha degmada Maxamed Macallin iyo tiro kale oo ciidamada ka tirsan, iyadoo ay ka kaxeysteen magaalada labo shaqaale ajnabi ah oo howlo lagula dagaalamo miinooyinka ka waday gobolkaasi balse dib u sii daayey.

Guddoomiyaha Gobolka Bakool Maxamed Cabdi Toll oo shalay ka maqnaa xiligii weerarka lagu qabsaday Xudur ayaa gaaray magaalada Xudur isaga iyo ciidamo uu horkacayo kuwaasi oo aad u adkeeyay amaanka magaalada Xudur iyo kontoroolada laga soo galo, waxaana magaalada ay haatan tahay mid degan.

Shaqaalihii laga afduubtay iyo hey'addihii samafalka ee ka howlgalayey degmad Xudur ayaa shalay gelinkii danbe ka ambabaxay iyagoo diyaarad ka raacay garoonka degmadaasi, halka qaar kale ay soo aadaan magaalada Baydhabo oo xarun u ah Dowladda KMG.

Banaadir Post.
Xamar Cade
Banaadirpost@gmail.com