Search This Blog

Monday, June 22, 2009

ISQARXINTA SHARIIFKA IYO SAAXIIBADIIS!!

Sh. Muxamed Idris Axmad Waxaana lagala xiriiri karaa Emailka;

dalyaqaan@yahoo.com


بسم الله الرحمن الرحيم


Mahad oo dhan Ilaah baa leh Nabad iyo Naxariisina Nebigeenna Korkiisa ha ahaato.

ISQARXINTA SHARIIFKA IYO SAAXIIBADIIS!!

Maanta oo Taariikhdu tahay 27kii Jumaad Thaani 1430, kuna began 20 June 2009 ayaa waxaa soo gabagaboobey Falkii Ismiidaaminta Siyaasadeed ahaa ee ay galeen Koox wadaada ah ama loo yaqaanno (Islaamiyiin) oo uu horkacayo Shariif Sh. Axmed, Guddoomiyihii hore ee Maxaakimtii Islaamka Muqdisho (2006), kadibna ku bahoobey Isbahaysigii la magac baxay Asmara, Waxaana falkaas daaha loogu rogay Markii ay Wadaadadaasu kusoo gabagabeeyeen Noloshoodii Siyaasadda ee gaabnayd iyo Socdaalkoodii Nairobi iyo Asmara kasoo Bilawday, Jabuuti & Sanca soo maray, New York, Brussels iyo Addis Ababa Transitya kala duwan kusoo nastay, iney maanta si rasmiya u codsadeen (Amxaaradu iney Dalka Soomaaliya Qabsato Mar kale) Weliba Amxaarada Keliya maahine, ay ka codsadeen (Yurub, Maraykan, Kenya, Igad, Afrika oo dhan, cid kasta oo dooneysa dal bannaan) iney kasoo qayb galaan qabsashada iyo kala qaybsiga dalka Soomaaliya iyagoo ugu yeeray waxa ay ku tilmaameen (In la Badbaadiyo DKMG). Wadaadadi warkaa ma sheegin, waxaase ugu hadlay Aadan Madoobe iyo Afhayeenka Wasaaradda, iyana ma beenin ilaa hadda.

Falka Isqarxinta ama (Intixaarka Siyaasiga) noocan ah ee lagu waayo Diinta, Sharafta, Wadaninimada, Geesinimada iyo Raganimada, iyo qiima kasta oo qofku adduun iyo aakhiraba ku yeelan karo, (Waa Inuu Amxaaro ugu Yeero Iney Qabsato Soomaaliya Isna dabqaad u noqdo) waxaa horay isugu miidaamiyey Soomaali badan oo ay ka mid ahaayeen Col. Cabdillaahi Yusuf, Dr. Cali Maxamed Geedi, Gen. Cumar Masalle, laba alifle Maxamed Dheere, Col. Barre Hiiraale, iyo kuwa kaloo badan, waxaan sharaf darro iyo magac xumo ahaynna kama dhaxlin. Waa arrin laga xumaado in rag wadaada ahaa, oo diinta ku abtirsada ay maanta dalka ku casuumaan Amxaaro, arrinkanna ku khatimaan nolol siyaasadeed oo aad u gaaban.
Gaaja kasta baqti looma cuno, oo sharafta shey kasta looma daadiyo, oo wajiga wax walba laysagama diiro, oo magaca wax kasta oon macna lahayn laysagama dilo.

Soomaalidu wexey tiraahdaa Nabar la filayey Naxdin ma leh, laakiin waxaa la filayey iyagana u sharaf badnaan lahayd, kolley Amxaaro, iyadaanba casuumad iyo fasax cidna ka rabine, iney iskaga tagaan meesha, hadday iska cabin kari waayeen xoogagga kasoo horjeeda, u yeeridda xabashidana aan iyaga taariikhdu ku qorin.

Shariifka iyo Wadaadada la socdey waxaa soo martay fursad fiican oo wax lagu badbaadin karey, tasoo ahayd, sida wax badan lagula taliyey, iney la heshiiyaan saaxiibadii shalay ee kasoo horjeeda, soo dhoweyaan, isku dhabar jebiyaan, laakiin kama faaiidaysan. Shariifka iyo raggiisu ma garwaaqsan ciilka iyo carada saaxiibadoodi shalay, markay kooxda shariifku u malayeen iney keligood cuni karaan lana carari karaan, dherigii bisaylka dhowaa ee lawada dhawrayey, dabadeedna ay ku kaaftoomaan, trainka ama soo raaca ama guryihiina jooga, siduu Shariifku mar ku khudbeeyey!
Shariifka iyo kooxdiisu maalintey nabad iyo dibuheshiisiin ku dhawaaqeen dad badan oo Soomaaliya ayey kasbadeen. Waxaana dad badan soo gashay yididiilo in wax degaan, ummuurtuna xasisho, cidnana kuma qancin karaan, wadahadal waa nala ka diidey, oo haddii wadahadal lagaa diidey, waxna aad iska dhicin kari weydey, ma Xabashi ayaad u yeeraneysaa? Maad iska tagtid.

Nimanka maanta sida qayaxan u dalbaday (Amxaaro ) iney dalka qabsato, oo ciidamadeedu dib ugu soo noqdaan, kuwa kalena meela kale ka yimaadaan, dalka iyo dadka Soomaaliyeedna mar kale Gumaysi galaan, meel xun oo taariikhda u gashay ayey is dhigeen, ninkastoo wadadaas qaadaana dulli ayuu ku dambeeyaa, umadda Soomaaliyeedna weligiis taageero iyo magac kama filan karo.

Kuwa ku riixey meesha xun, ee sabab u noqonaya iney nimankaanu gaalada usii shalwadaan, oo ku cararaan, ummad badanina halaagsanto, boqollaal kunoo cusubina qaxaan, iyana saan filayo, amaan badan Shacabka Soomaaliyeed kama sugayaan, hawlaha ay maalmahaan dambe faraha kula jireen dartood, iyo sida dadban oo ay waxa dhacaya qayb uga noqdeen.

Waxa maanta taagan wixii Culimada iyo Wax garadka Soomaaliyeed meel kastoo ay joogaan in badan ka digayeen, oo ah, in Itoobiya Sallaxaneyso sidey si sharciyaysan Soomaaliya ugu xalaalaysan lahayd, waana tan maanta dalbaneysa in Adduunku u xalaaleeyo Soomaaliya, Kharashkana laga bixiyo, Mar dambana aan la weydiin goortey ka bexeyso. Waa wixii ay Culimada iyo Wax garadku u lahaayeen, war walaalayaalow khatar idinka weyn ayaa soo muuqata eek u baraaruga oo fursadda yar aan Soomaali ahaan dib isugu dhisno, laakiin dhegaha laga cufaystay, sidaas ayeynaan maanta u Maqlayn war culimo, iyo war Odayaal toona, waayo markii la maqli waayey, ayey in badani hawshaba faraha ugala bexeen.

Hal Baaq oo iigu dambeeya waxa weeye: Kooxda wadaadada ee Shariif hoggaaminayey, haddeey weli waxuun dhawranayaan:
Waa Iney si deg dega Saacadaha Soo socda ugu dhawaaqaan:

Iney Ka bexeen Siyaasadda oo dhan, ugana tageen Kooxihii kasoo horjeedey, Dalkana aaney marna ku casuumayn Amxaaro, (oo weliba leh gumaysiga Soomaaliya lacag hala iigu daro, Innaa Lilaah Wa Innaa Ileyhi Raajicuun). War Duf kubaxa e meesha isaga taga inta goori goor tahay, Aaadan Madoobe iyo Wixii Amxaara u yeeranaya, uga taga meesha haddaad weli wax isku falaysaan.War Maanta uun wax naga Maqla.

Ilaahay waxaa ka baryeynaa Imtixaanada cusub ee la galay inuu naga bad baadiyo, Muslimkana Ilaahay u Naxariisto.

WQ. Sh. Muxamed Idris Axmad

dalyaqaan@yahoo.com

Friday, June 19, 2009

Bayaan uu soo saaray Xildhibaan Saciid Cali Shire


Magacaygu waa Saciid Cali Shire, waxaan ahay qoraa, aqoon yahan iyo waxgarad Soomaaliyeed. Waxaan sidoo kale ahay xildhibaan ka tirsan dawlada ku meel gaarka ah ee Soomaaliya.

Maanta, oo taariikhdu tahay 18/06/2009-ka, waxaan halkaan ku cabirayaa dareenkayga ku aaddan guud ahaan xaaladda murugsan ee Soomaaliya, gaar ahaan dhacdooyinkii isdaba joogga ahaa ee maalmihii la soo dhaafay hareeyey Muqdisho, magaala madaxda Soomaaliya.

1-Ugu horayn waxaan tacsi u dirayaa, guud ahaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan eheladii iyo qaraabadii dadkii xusuuqa naxariis darrada ah loogu geystey guryohooda, shalay oo taariikhdu ahayd 17 June 2009-ka. Waxaan tacsi middaas la mid ah u dirayaa dhammaan eheladii iyo qaraabadii dadka tacaddiyaadka loogu geystey Soomaaliya labaatankii sano ee la soo dhaafay. Tacaddiyadaas ha geysteen cadaw ajnabi ah oo aan shacabka Soomaaliyeed u naxayn ama doqon, cada-qaate ah, damiir xume ah, wax iskuma fale ah oo magic Soomaali nala sheeganaya.

2-Waxaan cambaaraynayaa dadkii geystey xusuuqii 17 Jun 2009 ka dhacay magaalada Muqdisho iyo kuwii ka horeeyey dhammaan. Waxaan leeyahay waxaad gasheen jariimo Eebe agtiisa ku weyn, caalamka agtiisa ku weyn, shacabka Soomaaliyeedna agtooda ku weyn. Jariimadaas iyo kuwa la midka ah ee aad gasheena noqon mayaan kuwo shacabka Soomaaliyeed ee biri-ma-geydada ahi hilmaamo.

3-Waxaan eedayn iyo cambaarayn u soo jeedianayaa Weled Cabdala, ergeyga gaarka ah ee Wakiilka Qaramada Midoobay. Walad Cabdlalla, waa waayeel aan qalbigiisu naxariis aqoon, waa waayeel aan damiir Islaanimo lahayn, waa waayeel aan wax xurmo ah u hayn shuruucda iyo cahdiyada u qoran hay’ada uu wakiilka uga yahay Soomaaliya. Haddaanan khaldanayn, laga soo bilaabo Diseember 2006, waa yartahay, ama maba jiraanba, in Weled Cabdala uu wax dareen ah ka muujiyey tacadiyaadka isugu jira dilka, kufsiga, bara kicinta iyo bur-burinta ciidammada cadawgu u geysteen shacabka Soomaaliyeed. Waxaa maanta bannaanka la soo dhigay in Weled Cabdalla uusan marna daacad ka ahayn arrimaha Soomaaliya. Waxa maanta qof kasta oo Soomaaliyeed ogyahay dunuubta Weled Cabdalla ka galay dalka iyo dadka Soomaaliyeed. Waxaa sidoo kale qof kasta sii oddorosi karaa dhagaraha Weled Cabdalla iyo caddawga insaaniyadu u maleegayaan shacabka Soomaaliyeed. Weled waxaan leeyahay, dhiigga daahirka ah ee ku daadanaya dhulka daahirka ah, ilmada ka qubanaysa waayeelka iyo caruurta Soomaaliyeed, bur-burka iyo bara kicinta aad maryaha xariirta ah kor kaga hadoodilaysid, waqtigoodii waa dhammaaday, shacabkii iyo waxgaradkii Soomaalidu waa tooseen runtiina way arkeen. Maanta ma jirto, haba yaraatee,wax xushmad iyo wanaag ah oo shacabka Soomaaliyeed kuu hayo. Weled, waxaan leeyahay waxaad tahay caddawga insaaniyada, haddii waqtigu nagu simana waxaan ku horkeeni doonaa maxkamad.

4-Waxaan dhaliil u soo jeedianayaa dadka masuuliyadaha sare ka haya dawlada ku meel-gaarka ah ee aan ka damqanayn dilka, kufsiga, baro-kicinta iyo dhibaatooyinka kale ee sida joogtada ah loogu geysto shacabka Soomaaliyeed. Waxaan dadkaas, oo intooda badani aysanba fahansanayn mas’uuliyada ay xanbaarsan yihhin, u sheegayaa, in ay Eebe ka cabsadaan, damiir iyo dadnimo muujiyaan, shacabkooda u naxaan, dalkooda u naxaan. Waxaan u sheegayaa in ay imaan doonto dharaar lala xisaabtami doono. Waxaan ku boorrinayaa in ay ummadda waxgaradkeeda isla raadiyaan, waxaan ku boorrinayaa in ay talooyinka loo soo jeedinayo maqlaab,waxaan ku boorrinayaa in ay xal u raadinta dhibta Soomaaliya daacad ka noqdaan. Waxaan leeyahay war toosa oo hal mar indhaha kala fura; war arka adduunku meeshuu marayo; war dareema meesha adduunku u socdo; war fiiriya xaalka dadkeena iyo dalkeenu ku sugan yahay; war dadnimo, karti, garasho iyo dadaal muujiya.

5-Waxaan dhaliil iyo cambaarayn sidoo kale u soo jeedinayaa mucaaradka hubaysan ee Soomaaliyeed. Mucaaradka waxaan leeyahay: haddii dadkii qaar dhintaan, qaarna darxumo xeryo qaxooti ugu indho xun yihiin; haddii dhulkii qaarna cadow qaato, qaarna qashin lagu aaso, bal joogeey, yaad xukumaysaan. Miyaydaan dammiir lahayn, xikmaddii iyo caqligii ma idinka suulay. Waxaan leeyahay, dhibta Soomaaliya qayb ayaad ka tihiin, xalka Soomaaliyana qayb ayaad ka tuihiin. Ilaa hadda waxaa muuqata in aad doorateen in aad dhibka qayb ka ahataan oo kaliya. Waxaan leeyahay caqliga iyo dammiirka hal mar gujo ugu laabta oo dhanka xalka soo fiiriya. Mucaaradka waxaan leeyahay dalku waa dalkiinu, dadku waa dadkiinii, hoggaamintiisana xaq baad u leedihiin ee u soo mara waddada saxda ah. Mucaaradka waxaan xusuusinayaa hadalladii Abwaan Gaariye markuu lahaa “Maalin baa iman doonta, haddaan Eebahay, caymin afku uu hadal daayo; maalin baa iman doonta, iyadoo is wada wayday, oodda loo rogi doono”.

6-Shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo uu joogo waxaan ku boorrinayaa in ay u noqdaan Allaah, denbi dhaaf waydiistaan; in ay naftooda ku noqdaan oo dunuubta iyo macaasida ay ku fogaadeen ka toobad keenaan; in ay is cafiyaan oo wixii xuquuq ah oo ay kala haystaan isu celiyaan. Waxaan leeyahay, Eebe maahee cid kale idiinma maqna, ee Eebe xaggiisa u jeesta, isku damqada, isku naxariista, isu gargaara, oo is gacan qabta.

7-Waxgaradka Soomaaliyeed waxaan leeyahay, Eebe ka gadaal, ummad waxa badbadiya wax garadkeeda, ummad waxa u fekera wax garadkeeda, ummad waxa horumariya wax garadkeeda, ummad waxa u naxa wax garadkeeda. War idin mee! Weli ma qolbaad oohin iyo tiiraanyo kula xiran tihiin. Waxaan idin leeyahay, qolka ka soo baxa, ummadda u fekera, ummada dhanka xalku ka jiro u dhaqaajiya. Waxaan idin leeyahay dareema mas’uuliyada idin saaran. War ma cid baad martiqaad ka sugaysaan. Waddanku miyuusan waddankiinii ahayn, dadku miyuusan dadkiinii ahayn, miyaydaan ka tiiraanyaysnayn meesha xaalkiisu maanta marayo iyo cawaaqib xumida u danabysa. Wax garadka waxaan leeyahay aan qaadano taladii Maxamed Daahir Afrax oo aan isu taagno in aan abuurno dhaq-dhaqaaq maskax furan oo dadka danta u haga; dhaq-dhaqaaq waddani ah oo wacyi qaranimo abuura; dhaq-dhaqaaq ujeeddadiisu tahay iftiimin iyo abaabul; dhaq-dhaqaaq aan kooxayste ahayn ee kulmiye ah.

8-Culimada Soomaaliyeed, Eebe ha xifdiyo, inta la hayo taariikhda Soomaaliya: culimadu waxay ahaayeen kuwo har iyo habeen heegan u ah, oo u soo jeeda, door facaal ahna ka qaatay duruuf kasta oo adag oo soo wajahday Soomaaliya. Gumaysi iyo gaalnimo wax ka dhiidhiya culimadaa ugu horaysay; xornimo wax u dagaalamay culimadaa u horaysay; caqiido xun, bidco iyo daaquud wax ka horyimaada culimadaa ugu horaysay; wax kii tabaalaysan u naxa, iskoolo fura, cisbitaalo fura, har iyo habeen ummada adduunkeeda iyo aakhiradeeda ka ka welwela culimadaa ka jirta. Culimoy, ha ku eeganina dalka, dadka iyo diinta dhibta iyo xumaanta. Culimoy maanta hiil baa dalka, dadka iyo diintu idiinka baahan yihiin. Culimoy calanka qaata, dhiirrada, isu taaga sidaad inta yar ee hartay u caymin lahaydeen. Shacabku dhankiinuu soo fiirinayaa, adduunku dhankiinuu soo fiirinayaa, Eebe dhankiinuu soo fiirinayaa. Eebe naxariistiisa ka gadaalna, tallaabada aad manta qaadaan ayaa ummaddaan badbaado u noqon doonta, taas baana taariikhda idiin geli doonta.
Waxaan ku soo khatimayaa qoraalka tuducyo ka mid ah gabaygii Xaaji Aadab Afqalooc, Eebe ha u naxariistee, ka tiriyey dilkii Sh. Bashiir, Eebe ha u naxariistee. Xaajigu wuxuu yiri:

Ummadaan xorriyad doonan oo daafac noqon wayda
Dadku inuu addoonsado horaa loogu daabacaye
Dabka naara fulahaa wax gala ugu dambaab weyne
Dacaska iyo ceebtaad qabtaan baa idinka diimoone
Dunjiga Aadan ubadkuu dhalaad ugu danbaysaane
Wixii aad ku dacafteen qalbigu sow iskama daayo
Dib maxaa idiin celianayoo horay idiin diiday
Maruun maad ku dayataan khalqiga libinta doonaaya

Eebe waxaan waydiisanayaa in uu xaqa nagu sugo, Islaanimo nagu dilo, nagana mid dhigo ehelka jannada.
Wasalamu calaykum

Saciid Cali Shire
email: saidshire@hotmail.com

Thursday, June 18, 2009

DR. CULUSOW – SIYAASI AQOONYAHAN AH, KAABA-QABIIL MISE DAGAAL-OOGE?

Maalmahan waxaa rugo badan oo dariishadaha wararka laga akhristo ah hadba iiga soo horbaxayey qoraallo si isdaba joog ah isaga soo daba dhacayey oo uu soo gudbinayey Dr. Maxamuud Maxamed Culusow. Anigoo si gaar ah tixgelin u siiya qoraallada ka yimaada dadka derajooyinka aqooneed sheeganaya iskuna daya inaan akhriyo bal inaan kala kulmo macluumaad waxtar leh ayaan hadana si gaar ah u danaynayey inaan wax ka ogaado aragtida siyaasadeed ee Culusow iyo halka uu iska taagey xaallada cakiran ee dalka maadaama aan hore ugu ogaa inuu mar ahaa amaba weli yahay hoggaamiye beeleed. Qoraalladaas oo aan kala kulmey aragti muuqaal madow ka bixinaysa shaqsiyadda Culusow iyo kaalintiisa siyaasadeed ayaan qoraalkan wax kaga tilmaami doonaa..

Dr. Culusow mar aan sidaas u sii fogeyn warqadaha rasmiga ah ee uu kala dirayo waxa uu hoosta uga saxiixi jirey inuu yahay Guddoomiyaha Guddiga Siyaasadda Beesha Cayr, waxaana suurto-gal ah inuu weli xilkaas hayo, haddii ay sidaas tahay aragtida siyaasadeed ee Culusow waxa ay sawir ka bixinaysaa halka uu u jeedo hoggaanka siyaasadeed ee guddiga beesha uu guddoomiyaha u yahay, taasina macnaheedu ma ahan in qoraalladiisa iyo argagtidiisa siyaasadeed ee gaarka ah in beeshiisu ay la wadaagto.

Dr. Culusow qoraalladiisa saddex ka mid ah oo aan isha mariyey waxaa laga fahmayaa aragti siyaasadeed oo walaac leh oo nuxur ahaan tlmaamaysa in aragtidiisu aysan ka gudubsanayn siyaasaddii hoggaamiye kooxeedyada ee ARBUSH & ISBAARO iyo falsafaddii dawlad-diid-nimada ahayd ee laga bartey dagaal-oogayaasha iyo taageero xad-dhaaf ah oo uu hayo kooxaha hubaysan ee mucaaradka ah ee Xamar dagaalka ka wada.

LA SAFASHADA KOOXAHA DAGAALKA WADA & DIIDMADIISA KU DHAQANKA SHAREECADA

Dr. Culusow marna ma aqoonsana in dagaalka lagu hallaagsamay ee ka billowdey Muqdisho markii Xamar ku soo laabtey ninka ay isku beesha yihiin ee Xasan Daahir Aweys inuu yahay dagaal gardarro ah oo dawladda lagu soo qaadey mas'uuliyadiisana ay leeyihiin kooxaha mucaaradka ah ee wadahadalka diidey, waxaana uu halkeedii rumaysan yahay inuu yahay: 'Dagaal u dhexeya koox Maafiya ah ee beesha caalamka ku adeeganeyso iyo wadaniyiin difaacaya danta iyo Mustaqbalka fog ee Soomaaliya'; Culusow intaas ugama harine qoraal Af-ingiriisi uu ku soo qorey oo sida muuqata uu kula hadlayey beesha Caalamka isagoo wakiil ka ah Kooxaha dagaalka wada ayuu ku sifeeyey in dagaalka socdaa yahay mid ka dhashey markii siyaasadda dibedda laga dhigey waxa uu ugu yeerey dadkii soo halgamay oo uu ula jeedo Xasan Daahir Aweys oo wadahadal oo dhan diidey.

Waxaan aad ula yaabey in Dr. Culusow oo ku dhiirradey inuu ka hor yimaado Shareecada ay dawladdu qaadatey uuna yiraahdo in dhaqan gelinta Shareecada aysan ahayn mid u taalla dawladda Soomaaliya, waxaana uu qorey: Soomalida ayey u taal inay ka tashadaan arrimaha ku saabsan ku dhaqanka Shareecada Islaamka iyo dhismaha qaabka Dowladda ka tarjumeysa.

Qoraalladiisa meelo badan oo ka mid ah waxaa xiiso gaar ah igu abuurey in Culusow iyo Xildhibaanno taageersanaa C/hi Yuusuf ay isku mawqif ka istaageen qaabkii uu u dhacay Shirkii Jabuuti iyo sharcinnimada wixii ka soo baxayba, waxaana uu Culusow aad isugu dayey inuu dafiro sharci-nimada Dawladda KMG ah isagoo si lala yaabona u aqoonsan sharci-nimmadii dawladdii C/hi Yuusuf oo la ogaa qoor-qabadkii ay Itoobiya kusoo umulisey dawladdaas shirkii ka dhacay tuulada Embagathi.

Waxaana uu qorey 'Afar fadeexo ayaa dilay ama sharci darro ka dhigay DFKMQ-J. Kow, sida ku cad qodobka 32 lambarrada (1,4) ee Axdiga KMG, muddada Barlamaanka Federaalka KMG Mbagathi waxay tahay 5 sano oo ku eg September 2009. Axdigu wuxuu si cad uga reebay awoodaha Barlamaanka inuu isu kordhiyo muddada ama ansixiyo Barlamaan ka dambeya oo aan ku imaan doorasho. Sidaa darted, ma jirto awood Barlamaan KMG ah u leeyahay inuu isu kordhiyo 2 sano, Isla markaana ansixiyo Barlamaan KMG ah ee cusub oo ka kooban 550 xildhibaan.

Qodob kale oo kulmiyey Culusow iyo taageerayaashii C/hi Yuusuf ayaa ah inuu la yaban yahay sababta guddoomiyaha Isbahaysiga Dib u Xoreynta Sh. Shariif loo siiyey 200 oo xubnood waxaana uu ku tilmaamey in taasi macnaheedu ay tahay in Sh. Shariif uu ku shubtey doorashadii, waxaana uu qorey sidan: 'ku shubashada doorashada Madaxweynaha kaddib markii IDXS (Isbahaysiga Dib u xoreynta) la yiri soo qorta 200 xildhibaan oo idiin codeysa.

Haddii la sii jilciyo Culusow waxa uu ku doodayaa inay ahayd in xukuumaddii dagaallada lala galay ee C/hi Yuusuf ay ahayd inay dhamaysato waqtigeeda 5-ta sano ah, waxaana uu diidan yahay oo ka soo horjeedaa shirkii dib u heshiisiinta ahaa ee Jabuuti oo ay natiijooyinkiisa ka mid ahaayeen in ciidamadii Itoobiyaanka ahaa dalka laga saarey lana soo dhisey Dawlad Midnimo Qaran oo isugu jirta Xubnihii dawladdii hore iyo Baarlamaankii hore iyo hoggaankii xoogaga Muqaawamada marka laga reebo koox iyadu dooneysa inay keligeed dalka xukunto oo diidey inay Soomaali kale wax la wadaagto. Waxaana Culusow uu shirkii jabuuti ku sifeeyey mu'aamarad natiijooyinkii ka soo baxayna 'fadeexo' isagoo yiri 'Fadeexadahaas waxay galayaan taarikhda siyaasadda Soomaliya, waana tusaale iyo dhaqan raadreebkiisu aad u xun yahay'.

Anigu qof ahaan lama yaabani in Culusow aad u marxabbeysiiyo muujiyana sida uu u difaacayo jiritaankii dawladdii Imbagathi maadaama C/hi Yuusuf uu hore muddo kooban ugu magacaabey xil uu muddo ku taami jirey oo ahaa Guddoomiyaha Bankiga Dhexe, lagase qaadey malaha markii la ogaadey inuu guddoomiye beeleed yahay, waxaanse la yaabanahay inuu diidan yahay dib u heshiisiinta iyo in dagaalkii Xamar la joojiyo Itoobiyaankana dalka laga saaro. Waxaan kaloo la yaabanahay in isaga oo shacabka isugu muujiya inuu yahay nin taageersanaa Muqaawamada uu dafiro isla markaana xaqiro dagaalna la galo dawladdii ka dhalatey mirihii halagankii Muqaawamada. Mid kalaanse la yaabey ee adna bal arag.

Isaga oo hadana inkiraya sharcinnimada dawladda Midnimo Qaran ayuu marqaati u qabsanayaa Culimada Musaalaxada ee Muqdisho isaga oo si xoshood darro ah culimada ugu been abuurtey waxaana uu yiri:

Culumo ka socota Gobollada dalka oo dhowaan ku shirtay Magaalada Muqdishu ayaa durba ku dhaqaaqday is abaabul si ay DFKMQ uga weeciyaan khadka siyaasadeed ee lagu tala galay inay ku socoto. Culumadu waxay dhisteen Golaha Culumada Islaamka Soomaliyeed kaaso caddeeyay si aan leex leexad laheyn in DFKMQ aysan sharci aheyn, waxayna soo bandhigeen go’aanno kala ah: (1) In shareecada Islaamka lagu dhaqo dalka; go’aankaas wuxuu ka soo horjeeda qaabka iyo Mabaadi’ida asaaska u ah dhismaha DFKM

Waa xaalad aan Culimada xitaa laga sarriiganayn, balse dadka la masabitey iyaga oo kaliya ma ahan, ee waxaa uu Culusow sidoo kale been ka sheegey qaabka awood qaybsigu u dhacay waxaana uu qorey:

'Dhismaha Golaha Wasiirada wuxuu daaha ka qaaday loolanka siyaasadeed ee socda. Waxaa Golaha Wasiirrada laga fogeeyay xubnaha Midowga Maxaakiimta Islaamka (MMI)'.

Talow Culusow yuu u yaqaannaa Midowga Maxkamadaha Islaamka, haddii uusan aqoonsanayn guddoomiyihii Maxkamadaha iyo labadiisii ku-xigeen oo madaxweyne iyo 2 wasiir kala ah?. Waa Su'aal ku taagan, waxaase kasii daran inuu sidoo kale ku been abuurtey meel kadhac qof ahaaneedna u geystey mas'uuliyiinta kala ah wasiirka maaliyadda Shariif Xasan Sh. Aadan iyo Ra'iisul wasaare Cumar C/rashiid. Isagoo ka hadlayey Shariif Xasan waxa uu ka yiri sidan:

'Guddoomiyaha kooxka la baxday Barlamaanka Xorta ee IDXS-J (Isbahaysiga Dib u Xoreynta-Jabuuti), ahna Wasiirka cusub ee Maaliyadda oo inta badan aragti iyo siyaasad ahaanba ku dhow aragtida iyo siyaasadaha Madaxweyne Cabdullahi Yusuf Axmed iyo Ra’iisul Wasaare Cali Maxamed Geedi waxay xurguf kala dhexeysay Kooxda Maxaakiimta Islaamka oo Sheikh Sharif Sh Axmed Madaxda ka ahaa.

Sidoo kale Culusow waxa uu la yaaban yahay in Ra'iisul wasaare loo magacaabey Cumar C/rashiid oo uu ku tilmaamey inuu ahaa sarkaal ka tirsanaa dawladdii C/hi Yuusuf, waxaana uu yiri;

'Doorashada Madaxweynaha kaddib, Jagada Ra’iisul Wasaaraha waxaa la siiyay sarkaal ka tirsanaa dhinicii DFKS-M ee ka soo horjeeday ama qaadacay wada hadalladii Jabuuti ee u dhexeyay DFKS-M-Nur Cadde iyo IDXS-J-2Sharif.

Waxaa uu caddeystey inuusanasal ahaanbarumeysnayn in dhinacyadii dalka isku hayey ay heshiiyaan oo ay dawlad wada noqdaan. Anigu ma ogi sarkaalnimada Cumar C/rashiid ee dawladdii Imbaghatti halka uu ka keeney Culusow, inkastoo aan maqley in Cumar C/rashiid mar loo magacaabey safiirnimo la aqbali waayey, waxaase su'aal ku taagan ah Culusow in haddii isaga oo aan doodi ka taagnayn inuu sarkaal sare ka ahaa dawladdii Imbaghatti loo magacaabi lahaa wasiirkii beeshiisa, miyuu diidi lahaa maadaama uu dawladii hore ka tirsanaa?.

Culusow waxa uu Shariif Xasan Sh. Aadan oo xilkiisii Guddoomiye-nimada Baarlamaanka ku waayey markii uu ka soo horjeestey C/hi Yuusuf iyo duullaankii Itoobiya ay dalka ku soo gashey ku eedeynayaa inuu aad ugu dhowaa C/hi Yuusuf iyo Geeddi iyadoo la ogyahay in Culusow uu xubno beeshiisa ah u hoggaamiyey Adis Ababa si uu Meles zenawi ugu qanciyo in beeshiisu aysan dagaal kula jirin Ciidanka Itoobiya.

Isla qoraalka af-Ingiriisiga ah waxa uu Culusow ku xusey in IGAD ay xayiraad cirka iyo dhulkaba ah ay saartey garoomada iyo dekedo loo isticmaali jirey gargaarka bani'aadannimo si dadweynaha ku nool koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya ay macluul ugu le'daan.

Hadalkaasi waa mid been abuur ah oo sawir qalad ah ka bixinaya war Murtiyeedkii ay soo saartey IGAD oo lagu joojinayey dhammaan duulimaadyada iyo shixnadaha maraakibta wixii aan ka ahayn gargaar bani'aadannimo si looga hortago hub iyo ciidamo shiosheeye oo dibedda uga yimaada kooxaha dawladda la diriraya, waxaana qodobka 2-aad ee warmurtiyeedka IGAD u qornaa sidan;

Recognizes the fact that the assailants have used the porous borders of Somalia especially the airports at KM 50 and KM 90 to receive supplies of arms and ammunition, and personnel from their foreign backers, in this regard calls upon the UN Security Council to impose a no-fly zone, except for humanitarian purposes authorized by the government, on the airports of Kismayo, Baidoa, KM 50, Balidoogle, Waajid, Hudur, all airports in Gedo Region, Isaley and Johwar.

Ujeedada qoraalka Culusow lama garan karo inay aqoondarro ka tahay iyo inuu yahay nin weyn oo u bareerey inuu marin-habaabin iyo ku been abuurasho ula kac ah gaysto waxaana uu qorey qoraal qaanuun ahaan la isku maxkamadyn karo marka loo eego dalka uu ku noolyahay ee Mareykanka waxaase muuqata inuu weli u dhaqmayo sidii inuu joogo dalka sharci la'aanta iyo dagaal oogannimadu dilootey ee Soomaaliya, waxaana uu qoraalkiisa ku yiri isaga oo been ka sheegaya IGAD:

As part of its traditional oppressive policy, Ethiopia championed IGAD resolution to put blockade and no fly zone on ports and airports used principally by the humanitarian agencies to starve the entire population of South Central regions and force mass exodus of refugees. The International Community should oppose such cruel policy and should help and protect innocent civilians.

Qoraallada aan arkey ee Culusow waxay isugu jiraan run ahaan qoraallo badankoodu aan xikmad iyo xaqiiq toona ku dhisneyn oo qof xukun u careysani qorey. Qoraalladiisu ma ahan kuwo ay ka muuqato inuu u damqanayo dhibaatada dadka Soomaaliyed haysata oo badankood ay ka taagan tahay DAWLAD UUN! Waxay doonto ha ahaatee. Culusow marna qoraalkiisa kuma aana arkin eed yar oo uu hayo Xasan Daahir Aweys oo ay isku jufo yihiin, hadana cid kasta waa uu dhaliiley, eedeeyey qaarkoodna waa uu ku xadgudbey, Xasan Daahir-na si edboon xitaa talo uma siin, taasi oo daaha ka qaadeysa in eedeymaha siyaasadeed ee uu dawladda u hayo aysan waxka soo qaad lahayn ayna yihiin oo kaliya eedeymo aan dhaafsiisneyn aragti qabyaaladeed oo ku qotonta 'INTII BEESHEYDA AHNA WEY SAXAN YIHIIN, INTA KALENA WEY QALDAN YIHIIN!!.

Dadka aqoon yahannada ah ee sida Culusow halkii aan ku wadey ka hoos marey waxaa ka mid ah prof. Cabdi Ismaaciil Samatar oo muddo badan iska dhigi jirey inuu u hadlayo una damqanayo dadka Muqdisho balse markii uu waayey wasiirka Arrimaha Dibedda isu rogey Mucaarad dawlad-diid ah sida Culusow, waxaana aan dhegeystey isaga oo la safan kooxaha dawlad diidka ah oo u cudurdaaraya, marar badanna idaacadaha ka sheegaya kuna celcelinaya 'Dawladdu Shareecada dhab kama ahan ee waa ay ku gabbanaysaa!!bal sidduu ku ogaadey inay ku gabanayso.

Sida ay xaqiiqda uga fog yihiin darteed, qoraallada Culusow ma aanan soo hadal qaadeen, haddii aanan ka yaabeyn in dadka qaarkiis ay rumeystaan hadaladdiisa derajada aqoonyahannimo ee uu wato iyo macrifada dad badani u hayaan darteed, waana qoraallo si ula kac ah loogu talo galay inay gaaraan oo lagu kiciyo bulshada inteeda aan indheergaradka ahayn ama waa qoraallo tabartoodu intaa tahay oo aan loo tirin karin inay ka soo maaxdeen maskaxda qof aqoonyahan ah oo bulshada kaalin muuqata kaga jira, inuu yahay badbaadiye iyo hoggaamiye beeleed ha joogtee.

Waxaana naqdintan oo kale ay abuureysaa bal in la falanqeeyo oo laga dabo tago qoraallada aan mas'uuliyadda xambaarsanayn ee dadku qorayaan oo aan sidaas looga harin, gaar ahaan qoraallada ka imanaya dad maqaam sare iyo mas'uuliyad-bulsho sheeganaya ee haddana looga dan leeyahay in qalaanqal siyaasadeed iyo dawlad-diidnimo lagu abuuro, waxayna dadkaasi la mid yihiin kuwa dagaalka hubeysan wada ee dalka inuu dego iyo dawladnimoba u diidan, sababtoo ah waa qoraallo aan marna loola jeedin in wax lagu toosiyo, wax lagu saxo, bulshada lagu wacyi gelinayo isla markaana aan ahayn kuwo loogu dagaallamayo sidii dalka iyo dadkaba dhibaatada haysata looga saari lahaa.


Waxaa Qorey
C/qaadir Gutaale,
Gutaale@gmail.com

Wasiirkii Amniga Soomaaliya Cumar Xaashi Aadan iyo Safiirkii hore ee Soomaaliya fadhiyay Itoobiya C/kariin Laqanyo oo qarax is-miidaamin ah ku geeriyo

Qarax is-miidaamin ah oo ka dhacay magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan ayaa lagu dilay Wasiirkii Amniga Soomaaliya Cumar Xaashi Aadan, Safiirkii hore ee Soomaaliya u fadhiyay Itoobiya C/kariin Faarax Laqanyo iyo saraakiil iyo ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya.

Wasiirka iyo Safiirka ayaa geeriyooday kaddib markii iyagoo ka soo baxayay Hotel ay magaalada Beledweyne ka deganaayeen uu qof naftiisa huray oo kaxeynayay gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay uu isku miidaamiyay, iyadoo halkaasna ay ku geeriyoodeen mas’uuliyiintaas, howl-wadeenno la shaqeynayay iyo weliba ciidamadii ilaalada u ahaa.

Xaaladda Magaalada Beledweyne ayaa haatan waxay tahay mid aad u kacsan, waxaana mararka qaarkood la maqlayaa rasaas ay mararka qaarkood ridayaan Ciidamadii Wasiirka la socday iyo weliba kuwa Maamulka Gobolka Hiiraan.

Labadan mas’uul ee qaraxa ku geeriyooday iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsanaa maamulkii hore ee gobolka Hiiraan ayaa dhawaan soo gaaray Magaalada Beledweyne, waxayna wadeen qorshayaal lagu nabadeynayo dalka Soomaaliya.

Wasiirkii Amniga Cumar Xaashi ayaa markii uu dhawaan soo gaaray Magaalada Beledweyne isagoo la hadlayay Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da waxaa uu sheegay in uu jiro qorshe ay Dowladda Soomaaliya ku dooneyso in ay dib u ceshato gacan ku heynta gobollo dhowr ah oo ku yaalla Koofurta Soomaaliya, kuwaasi oo kala ah Gedo, Bay, Bakool iyo Hiiraan.

Dhanka kalena, Madaxweynaha Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa wuxuu tacsi u diray shacabka Soomaaliyeed iyo qoyskii iyo ehelladii ay ka geeriyoodeen Wasiirkii Amniga Soomaaliya Cumar Xaashi Aadan iyo safiirkii hore ee Soomaaliya u fadhiyay Itoobiya C/kariin Laqanyo, wuxuuna sheegay in ay dilka mas’uuliyiintaas iyo mas’uuliyiin kale oo la geeriyoodayba ay ka dambeeyeen sida uu u yiri cadawga Umadda Soomaaliyeed.

banaadir Post
banaadirpost@gmail.com

Sarkaal sare oo ka tirsanaa Ciidamada Booliska Soomaaliya oo ku geeriyooday dagaalka ka socda Magaalada Muqdisho


Taliyihii Ciidamada Booliska Gobolka Banaadir Col. Cali Saciid Shiikh Xasan ayaa ku geeriyooday dagaal saaka ka qarxay xaafado ka tirsan degmada Hodan ee Gobolka Banaadir, kaasi oo u dhaxeeya Ciidamada Dowladda iyo xoogagga Xisbul Islaamka iyo Xarakada Shabaabul-Mujaahiddiin oo ka soo horjeeda.

Saraakiil ka tirsan ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa xaqiijiyay geerida Taliyaha, waxaana meydkiisa la dhigay Isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho, halkaasi oo ay ka socoto qabanqaabo loogu jiro aaskiisa.

Taliyaha ayaa la sheegay in uu ka tirsanaa saraakiil ciidan oo ku jirtay dagaal ka socda xaafado ka tirsan Degmada Hodan, gaar ahaan kuwa u dhow Fagaaraha Tareebuunka.
Dhanka kalena, dagaalka ayaa weli socda, waxaana la maqlayaa rasaas iyo madaafiic xooggan oo ay dhinacyada dagaallamaya is-weydaarsanayaan.
Banaadir Post

Monday, June 15, 2009

Nuur Cade, Raiisul Wsaarihii hore ee TFG-ga oo u hoydey guri mugi ah hadana biyo laheyn oo ku yaal magaalada Roma

Nuur Cade wuxuu ahaa Raiisul wasaarihii TFG-ga, waxaana kursigaas la geeyay xili aad u adag loona baahna rag adag adag qabana kara shaqo muhiim ah oo Somali u baahan tahay, Ilaahay amarkiis ma dhicin, wuxuu ku sugnaadey ama ka dhamaan waayay ragii isaga la shaqeyn lahaa, sida Madaxweynihii Dowlada Mudane Cabdulaahi Yuusuf iyo Gudoomiyihii Gobalka banaadir Mudane Mohamed Dheere,waxaana meeshii ku soo harey Mudane Nuur Cade, taladiina wuxuu la aadey Jabuuti Ismaciil Cumar Geele iyo Walad Cabdala, oo dhamaantood lagu xanto iney yihiin kuwo aan ka shaqeyn dan Somali leedyahay, waxaana halkaas ku sugnaa waa Jabuuti qolyo Sheekh Shariif hogaan u yahay,kuwaas Asmara kaga soo tagey ragii iyaga talada la lahaa sida Xasan Daahir,sheegayna inay yihiin Mucaaradka runta ah oo go,aan ka gaari kara dhibka ama dagaalka ka jira Somalia (Moqdisho),,Waxey ahayd Been aan raad lahayn.

Somalidu ma lahan xusuus badan, waana ceeb ama cilad aan ka dhaxalnay dagaalka iyo cuqabada ilaah nagu salidey,ragan meesha ku jira dhamaantood ama intooda badan ma lahan taariikh wanaagsan oo lagu farxo,mana keeni karaan waanag,xumaan badan oo xal keentana ma keeenan, waxaa caado u ah Xumaan aad u badan oo xumaan kale reebta,waana dhibka maanta Somali iyo Somalidaba haya.

Aan ku noqdo mowduuca, Nuur Cade ma ahayn inow meeshaas ku dhamaado waa fikirkayga, maxaa yeelay wuxuu qabtaa ma yaalaan, waa meel mugdi ah oo aan koronto iyo biyo laheyn, wax shaqo ahna lagu qaban mudo fog.

Dalka iyo dowlada talyaanigu ma ahan kuwo daacad u ah iney Somali wax u qabtaan,dan gaar ahna hada kama laha Somalia,waa sida ay sheegaan dad aad u yaqaan talyaaniga waxna ku bartey ama ku noolaan jirey waqti dheer.

Su,aasha is weydiinta leh ama aa rabo inaan ogaado, waxa ay tahay Nuur Cade muxuu ka qaban kara Roma isaga safiir ah, wuxuu qaban waayay shaqadii Ra,iisulwasare oo loo dhiibey.

Muxuu Somali u qaban karaa Nuur Cade oo qaladkii oo galey waa maanta loo dhimanayo ama loo qaxayo maalinka maanta ah.

Nuur cade ma ahan nin Taariikh wanaagsan leh marka laga eego meelo badan sida Bisha cas ee Somalia, isbitaal Kaysaneey, Mucaawinaadi1 Bay iyo Bakool,shirkadda xawaalada Qaran- Ex-Global Money Transfer, iyo Hotel Global(FLEPO) oo ku yaal Mgaalada Moqdisdho, hadii loo baahdana waan daabici doona.

Mohamed Deeq Xaaji
majaango@liv.com

Saturday, June 13, 2009

Wasiirka amniga ee dowladda Faderaalka Soomaaliya Col. Cumar Xaashi Aaden ayaa ka baxay magaalada Baladweyne ee gobalka Hiiraan shalay galinkii dambe,


Cumar Xaashi Aaden ujeedada socdaalkiisa ayaa lugu sheegay sidii uu wada xaajoodyo ula qaadan lahaa xubno ka tirsan dowladda Itoobiya oo ay ka wada hadli doonaan iskaashiga amaanka iyo Siyaasada labada dhinac una heli lahaa hub iyo saanad taaso ah mid Somali la yaabtey in Cumar Xaashi ku noq noqdo Itoopiya.
Sidoo kale wasiirka ayaa socdaal ku tagi doona meelo ka mid ah goobaha ay joogaan Maleeshiyo Soomaali ah oo ay dhawaanahaan aruurinayeen Saraakiil kala gedisan oo ka tirsan dowladda Faderaalka ee Soomaaliya, Cumar Xaashi ninkii eedyan kulul oo jeedin jirey TFG-gii hore isaga ku eedyn jirey in ciidan ay ku soo tababreen Itoopiya dadka ku xasuuqa kuwaas loogu yeeri jirey "Maryo Calas,,
Col. Cumar Xaashi ayaa maalmihii uu joogey magaalada Baladweyne wuxuu la kulmay Odayaal iyo waxgarad oo uu kala hadlay xaaladaha siyaasadeed ee Soomaaliya, isagoo sheegay in ay lama huraan tahay in ay taageeraan dadaalada dowladda Faderaalka ee Soomaaliya.
Lama garan karo in ay Cumar Xaashi Aaden la socdaan saraakiishii lasoo gashay gobalkaasi ee ay ka mid ka ahaayeen C/kariim Faarax Laqanyo iyo Yuusuf Axmed Hagar, inkastoo ay warar sheegayaan in ay ku hareen magaalada Baladweyn, hadana wararkaasi ma'ahan kuwa lugu kalsoonaan karo, Cumar xaashi iyo ragan m ahan kuwo isku siyaasad ah, waana kala dheeryihiin waxa ayna ka tirsan yihiin TFG-gii hore oo ah kan laf dhabarta u ah dowladan cumar iyo ragiisu cimaamadaha ku soo darsadeen.
Wasiirka Amniga ee dowladda Soomaaliya Cumar Xaashi Aaden ayaa bishii ugu dambeysay ku jiray dadaal uu ku doonayo in uu wax kaga qabto gobalada ka maqan gacanta dowladda Faderaalka ee Soomaaliya, isagoo sheegay dhawaan in ay dagaal ku gaarsiin doonaan gobalada dalka Maamulka dowladda Soomaaliya.
Somaliyeey Xusuustu ha shaqeyso, qof walbana dib ha u raco taariikhda Cumar Xaashi, kaaso ah 70 jir waayeel ah.
banaadir Post

Monday, June 8, 2009

Maxaa sababay inay weriyeyaasha Soomaalida ka qaxaan laanta afka Soomaaliga BBC-da?.

Maxaa sababay inay weriyeyaasha Soomaalida ka qaxaan laanta afka Soomaaliga BBC-da?.Laanta af Soomaaliga ee BBC-da inkastoo ay tahay hooyada warbaahinta afka Soomaaliga ku hadasha isla markaana ay ka soo aflaxeen ruug caddaa saxaafadeed oo Soomaalidu ku faanto waxay xilliyadii danbe isu bedeshay goob ay isku milmeen shaqadii saxaafadeed, tii siyaasadda iyo qabyaaladd taasoo keentay inay yaraato ahmiyadeedii isla markaana hoos u dhac weyni ku yimaado magaceedii.
BBC waxay ku shaqeysaa siyaasadda dowladda Britian oo maalgelisa hadbana qorsheysa dalalka lagu wajahayo laamaha dibadda la hadla ayaa haddana maamulka laan kasta uu heysaa xoriyad xoogaa ah oo u saamaxeysa inuu ku maamulo laantiisa waana tan keentay in madaxa laanta ee iminka xilka haya uu si aan hore loo arag laantaas isbedel sal iyo baar leh ugu sameeyay ugu jiiday dhinaca Soomaalidu u dhutiso.

Muddooyinkii ugu danbeeyay waxaa BBC-da laanta afka Soomaaliga oo ahayd warbaahinta ugu da'da weyn uguna shacbiyadda badan waxaa soo wajahay loolan adag oo uga furmay Saxaafadda gudaha oo ugu yaraan dadweynaha Soomaaliyeed ee gudaha dalka ka jeedisay dhageysiga BBC-da, kadibna waxaasoo la dhisay VOA-da laanteeda afka Soomaaliga oo bilowgeedii ku durdurisay lana wareegtay dhageystayaashii BBC-da.

Inkastoo maamulka BBC-da dagaal la galay VOA-da kana soo ceshaday qaar ka mida weriyayaashii caanka ahaa ee dumiyay BBC-da haddana waxaa muuqata inay mar kale BBC-du wajaheyso mugdi iyo dib u dhac oo ay muuqatay inaysan ka soo waaqsan doonin markan, taasoo ay ugu wacan tahay iyadoo ay sii qaxayaan weriyeyaashii waaweynaa iyo kuwii waxgalka ahaa.


Weriyeyaasha horeba uga laablaabtay waxaa ka mida:Maxamed Cumar HeydaraC/slaan Ibraahim HereriAxmed Xasan CawkeWaxaa ugu danbeeyay oo BBC-da ka laablaabtay C/raxmaan Ceynte, lama oga sababta ay weriyeyaashu uga qaxayaan BBC-da laanteeda afka Soomaaliga balse waxaa la tuhunsan yahay inay ugu weyn xoriyad la'aanta ka jirta BBC-da iyo hab dhaqanka hogaankeeda

Cabdiraxmaan Macalin

XuseenMamaan82@hotmail.com
Tafatiraha Wabka Dayniile.com

Beware the BBC Somali Service

The fledgling government of Somalia does not only have to contend with the well-armed and well-funded warlords of Mogadishu but also has to face another mightier weapon at the disposal of the warlords: that is the regular propaganda support they receive from the BBC Somali Service sadly headed by someone by the name of Yussuf Garaad. For those who do not know, the name Garaad is a nickname which would normally evoke qualities such as wisdom and fairness. In Yussuf's case, it is a misnomer.

He is simply a warlord collaborator masquerading as a respectable BBC employee. From the time he took over the BBC Somali Section, the service has changed from an icon among the Somali broadcasting stations inside and outside the country to a mediocre service pandering to the personal agenda of the head of the Section.


Those who are old enough will no doubt recall with nostalgia those golden old days of the BBC Somali Service. A broadcasting service is of course as good as the quality of its broadcasters and those who manage it. The BBC Somali Service has been very fortunate in the past in both these respects- until unfortunately Mr. Yussuf Garaad came on the scene some years ago. Its first broadcaster, seconded in 1957 from Radio Hargeisa, was the well-known and highly respected Haji Abdi Dualeh, the father of Somali broadcasting. A stream of distinguished announcers came after him: men like Aden Farah, Mohamed Abokor Haji Farah, Mohamed Abshir Yussuf, Mustafa Haji Nur, Ismail Haji Abdi, Hussein Mohamed Bullaleh, Osman Suguleh, Ahmed Ismail Samater, Idris Hassan Deria-just to name a few. It has been headed for many years by the late. C.J Martin who will always be remembered for his deep attachment to Somalia and its people. After his retirement, he was succeeded by Hugh Walker, AbdiRahman Abby Farah, Patrick Gilks and Mohamoud Abdullahi, all of whom had maintained the highest standards and integrity of the Service that its listeners had came to cherish.

What Yussuf Garad has done to the BBC Somali Service is a mirror image of what his alter egos, the warlords, had done to Mogadishu. Just as the warlords unleashed a systematic and savage ethnic cleansing in Mogadishu soon after the fall of the Siyad Barre government and thereafter turned their guns on one another thereby reducing the once beautiful and historical city of Mogadishu into ashes and ruins to the detriment of future Somali generations if not mankind, so has Mr. Garaad eviscerated, some would say vandalised, the BBC Somali Service soon after his appointment as its Chief Editor.

In one swoop, he got rid of more than half of the staff of the service only to replace them with inexperienced novices from his clan. Those victims were highly experienced and popular announcers w hose only misfortune was to serve as sacrificial lamps to give place to Yusuf Garad’s nominees.Parallel to his in-house revolution at the Somali Service in London, he also recruited correspondents inside and outside Somalia, most of them from his clan.

This brutal restructuring of the Service has given Mr. Yussuf Garaad almost total domination of the service which he now uses in pursuit of his personal whims but above all in support to the warlords. Those who know him close enough would diagnose his tribalism as typical of that mindless strain that would see anyone not from his tribe (****** ) as an enemy, and within the ****** anyone who is not from his sub-clan ***** as an outsider and in the end anyone who does not belong to his sub-sub clan ******** as no kinsman.
This is the worst form of tribalism. It afflicts not only ordinary folks back home in Somalia whose defensive psyche may have been shaped by their security and basic needs in the absence of government. But its carriers also include so-called sophisticated individuals among the Diaspora who peddle in this primitive evil from their safe distance abroad but in the end ensure that the ordinary people back home are the victims irrespective of their tribe or clan. Those who regularly follow the programmes of the Somali Services can doubtlessly point to numerous occasions when the Section under Yussuf Garad's supervision has been flagrantly one-sided and partisan. You only have to compare the different treatments meted to President Abdulqasim Salaad Hassan and President Abullahi Yussuf at the time of their election. In a nutshell, Yussuf Garaad's BBC Somali Service gave full backing to President Abdulqasim, his cousin.

Much as this smacks of nepotism, I would still continue to support such a stand which did not only benefit Abdulqasim but could also have served as the necessary catalyst for the revival and restoration of the Somali State. Has he treated President Abdullahi Yussuf and his government in a similar manner or at least remained impartial?. As it is, the BBC Somali Service has spared no effort to derail the government of Abdullahi Yussuf well before it sets its foot in the country.

This is the same objective as that of the warlords and their backers. Full publicity had been given to the wayward speaker of the national Parliament, to dissident MPs, and above all to the warlords, all of whom are united in their opposition to the deployment of peacekeeping forces from neighbouring countries.The worst examples of the use of the BBC Somali Service for propaganda purposes are the coverage given to demonstrations organized and orchestrated by the warlords in Mogadishu, Marca and other places.

On a number of occasions, the BBC correspondent in Mogadishu, Farxiya Cali, would devote her entire daily dispatch to the BBC to the mantra of well selected individuals almost all saying the same thing as if the whole show has been rehearsed in advance. This should not be surprising as the demonstrators may be the militia of the warlords or their hangers-on. I cannot recall a single individual interviewed who said anything different.

This is reminiscent of Siyad Barre's days when pro-governmen't demonstrators would predictably chant the same slogans with no discordant voice. How did the BBC come to be used in this sordid manner? That is the one-million dollar question. What is certainly true is that the BBC would have heeded listeners' concerns if they were to mobilise themselves and complain to the top echelons of the organization. This is essential not only to defend the new Somali government from Yussuf Garaad but no less importantly to save our beloved BBC Somali Service from his mischievous machinations. There will come a time in the near future, we hope, when Somalia will have an ambassador in Britain who naturally will look after our interest and ensure that Yussuf Garad is defanged and can no longer visit any harm on Somalia or on the Somali Service. In the meantime, protests through all possible channels, including email messages, would serve an important role. Silence is the worst option.

Mohamoud Oogle
Email:
Mohamoud_Oogle@yahoo.co.uk

Midnimadu waa lama huraan.

Weriyeyaal horleh oo ka tegay BBC Somali




Xasan Bariise iyo Cabdi Raxmaan Ceynte oo ka mida Weriyeyaasha ugu caansan Somalia ayaa ka tegay shaqadii ay ka hayeen Idaacadda BBC Somali sida ay Waagacusub u sheegeen ila wareedyo ku sugan Bush House London.

Labada Weriye dad la saaxiiba ayaa laga soo xigtay inay shaqada isaga tageen ka gadaal markii ay ixtiraam daro kala kulmeen madaxa Laanta Somaliga iyo gabadh maamulka awood ku dhex leh oo uu isaga shaqaaleeyay.

Weriye Cabdi Raxmaan Ceynte oo BBC Somali u fadhiyay Xarunta Washington ee dalka Mareykanka ayaa la soo weriyay inuu ku biiriyo Idaacadda codka Mareykanka ee VOA.

Xasan Bariise oo Saxaafadda Somalia sumcad wanaagsan ku dhex leh dadkana u yaqaanaan Weriye dhoowrsoon oo shaqadiisa si xirfadleh u guta ayaa la sheegay inuu Wakaaladda Wararka oo uu hore ula shaqeeyn jiray isaga gaabsaday.

BBC Somali oo u muuqato mid ay ka yaaceen Weriyeyaashii loogu jeclaa hab tebintooda ayey warar hoose sheegayaan inuu shaqada isaga tegayo Cabdi Raxmaan Koronto oo lagu xanto inuu yahay ninka sida weyn ugu dhawaa Yusuf Garaad Omar.

Ahmed Hassan Cawke iyo Cabdi Salaan Hareeri oo ka mid ahaa Ciyaaryahanada mudada dheer ka shaqeeynayay BBC Somalia ayaa labo sano ka hor isaga tegay.

Warfidiyeenadda Somaliland ayaa Yusuf Garaad ku eedeeyay inuu laanta af somaliga u adeegsanayo awood uu ku heyb soocayo Suxufiyiinta u dhashay Jamhuuriyadda Somaliland.

"Ahmed Saciid Cige oo la ogyahay mudada dheer ee uu Somaliland u fadhiyay BBC Somali weli lug looma fidin oo waxay ahayd in isaga Bush House ama Nairobi la geeyo,waxay ahayd in Weriyeyaasha da'da yar Yusuf shaqaaleeyo,laakiin sida muuqato hada waxaa Suxufi u dhashay Somaliland ku haray BBC Yoonis Ali Nur oo aan isagana inta badan la maqal"ayuu yiri Weriye ka caana Somaliland oo dalbaday inaan magaciisa la xigan.

Weriyaha oo ka madaxa Wargeys ka soo baxa Hargeysa wuxuu Warfidiyeenadda Somaliland ugu baaqay inay go-aan wadajira ka qaataan hagardamaada iyo heeyb sooca Yusuf Garaad.

Madaxda Xisbiyada iyo Xukumadda Somaliland ayaa hore uga caban jiray Madaxa BBC Somali Yusuf Garaad Cumar hasse yeeshee inta badan Weriyeyaasha koofurta Somalia waxay qaladaadka BBC Somali u arkaan mid uun ka turjumeyso fikrada ninka u madaxdaa laakiin aan ka turjumeyn xiriirka joogtadaa ee ka dhaxeeya,labada shacab iyo Saxaafadda madaxa banaan ee labada dal.

Sucaad Mohamed
Email:noorma@live.co.uk

Saturday, June 6, 2009

Saraakiil ka tirsanaa Ciidamadii Soomaaliya oo Mareykanka ku shiray oo talooyin ka bixiyay sidii loo sameyn lahaa Ciidamo Soomaaliyeed

Saraakiil sare oo ka tirsanaa Ciidamadii Soomaaliya ee kala tegay markii ay burburtay Dowladdii hore ee Soomaaliya ayaa waxay shalay shir ku yeesheen Magaalada Washington ee dalka Mareykanka.

Shirka ay saraakiishan isugu yimaadeen oo uu soo qaban-qaabiyay Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya ayaa waxaa ujeedada loo qabtay lagu sheegay sidii ay saraakiishan Soomaalida ah u sameyn lahaayeen qorshe lagu soo celinayo sharcigii iyo kala dambeyntii Soomaaliya, iyadoo taasina loo marayo in dib loo soo nooleeyo Ciidamo Soomaaliyeed oo ka farsamo iyo anshax fiican maleeshiyooyinka Soomaalida ee ciidanka u noqday Dowladihii Soomaaliya soo maray wixii ka dambeeyay sagaashamaadkii.

Jen. Cusmaan Shiikh Bad-maceeye oo kulankaas ka qeybgalay ayaa Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da u sheegay in shirkoodii ay ka soo saareen ajendayaal looga hadli doono shir ay Saraakiishan Soomaalida ah mar kale ku yeelan doonaan Mareykanka 1-da bisha July ee soo socota.

Jen. Cusmaan Bad-maceeye waxaa uu sheegay in uu ku rajo weyn yahay in kulankooda soo socda ay ka soo bixi doonaan go’aanno loo aayi doono oo lagu soo dhisi karo Ciidamo Soomaaliyeed, wuxuuna caddeeyay in kulankan la qabtay kaddib markii nidaamka dowladnimo lagu soo ridi waayay maleeshiyooyinka Soomaalida.

“Waan ku kalsoonnahay in talooyin aan bixinnay oo aan siinnay Qaramada Midoobay ay wax weyn ka tari doonaan sidii loo soo dhisi lahaa Ciidamo Soomaaliyeed”ayuu yiri Jen. Cusmaan Shiikh Bad-maceeye oo intaas ku daray in kulanka ay ku yeesheen Mareykanka ay ka qeybgaleen Saraakiil Soomaaliyeed oo Janaraallo u badan.

Banaadir Post.
xamar Cade.

Ciidamo farabadan oo isugu jira Soomaali iyo Ethiopia oo ka soo dhaqaaqay dhulka Soomaaliya ee Ethiopia ay maamusho oo soo galay deegaano ka tirsan go

Boqolaal isugu jira ciidamo Ethiopia iyo Soomaali ah oo wata in ka badan 4-gaadiidka dagaalka ah oo ay hor kacayaan saraakiil Soomaali iyo Ethiopia ah ayaa waxaa ay 24-kii saac ee ugu danbeeyay ka soo gudbeen xadka kala qeybiya gobolada Hiiraan iyo Bakool iyo dhulka Soomaalida Ethiopia ay maamusho.

Dadka ku dhaqan degmooyinka Qalaafe iyo Ceelbarde ee ku yaala xadka kala qeybiya gobolada Bakool iyo Hiiraan iyo dhulka Soomaalida Ethiopia ayaa waxaa ay sheegeen in ay arkayeen qul qulka ciidamadani oo ku wajahanaa deegaano dhowr ah.

Illo madaxbanaan ayaa sheegaya in ciidamadani ay ka kala tageen deegaanada Feer Feer iyo Mustaxiil ee dhulka Soomaalida Ethiopia kuwaasi oo la tilmaamay in ay ku soo wajahan yihiin gobolada Bay iyo Bakool.

Dhaq dhaqaaqadani ciidan ee ay wadaan ciidamada Ethiopia iyo kuwa Soomaalida ah ayaa waxaa si weyn looga dareemay deegaano badan oo ka tirsan dalka Soomaaliya.

Magalada Baladweyne iyo isgooyska Kala beyr ee gobolka Hiiraan ayaa si weyn looga dareemay dhaqdhaqaaqyadani ay wadaan ciidamadani iskaashanaya ee Soomaalida iyo Ethiopian-ka ah.

Si dhab ah looma oga halka uu ku wajahan yahay gulufka colaadeed ee ay wadaan ciidamada Ethiopia iyo kuwa Soomaalida ah waloow deegaanada qaar ay gacanta ku hayaan xoogaga ka soo hor jeeda dowlada kmg Soomaaliya.


Banaadir Post
Somalia.

Dhaawaca Sh Yusuf Maxamed Siyaad Indhacade oo saacadaha soo socda loo soo duulinayo dalka Jarmalka

Sh Yusuf Maxamed Siyaad Indhacade oo ahaa dagaal galiyihii ugu weynaa dowlada KMG ee Somalia ayaa waxa uu ku dhaawacmay dagaal aad u qaraar oo shalay galab ka dhacay aaga degmada Yaaqshiid gaar ahaan isgoyska fagax waxa uuna dhaawacu ka soo gaaray dhanka wajiga iyo feeraha, Waxana hada dhaawaca Sheekha lagu dabiibayaa Xarunta madaxtooyada ee Magaalada Muqdisho gaar ahaan Cusbilaatlka ciidamada Amisom.Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in Madaxweynaha dowlada KMG Sh Shariif Sh Axmed oo ku bixiyay Qarash gaaraya Nus Milyan dollarka mareykanka ah sidii dhaawac Sh:Yususf Indhacade Dibada loogu qaadi lahaa maadaama uu ahaa hogaamiye si weyn dowladu ugu diirsaday mudadii gaabneyd ee uu ka tirsanaa isla markaana guulo waaweyn ka soo hooyay dagaaladii ugu danbeeyay ee ka dhacay Magaalada Muqdisho.

ilo war gal ah oo ku sugan xarunta madaxtooyada ayaa bogan Dayniile u sheegay in xaalka Yusuf Indhacade uu iminka aad u wanaagsanyahay waxa ayna sheegeen in dhaawiciisu yahay wajiga oo gaari nooca lidka diyaaradaha la saaro ee Zuuga loo yaqaan oo darawalkiisu ka dhintay uu waday markii uu dhaawacmay dabadeedna xoogaga mucaaradku ay la heleen qoriga RBG ama Baasasuukaha loo yaqaan, Marka la eego Saraakiisha dowlada waxaa muuqata in Dowlada laga dareemi doonto hoos u dhac dagaal oo weyn maadaama ay dhaawacyihiin labadii xubnood oo ugu firfircooneyd kaalinta dagaal ee dowlada oo kala ahaa JEN: Yusuf Maxamed Siyaad Indhacade Iyo Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee gobolka Banaadir C/Fataax Shaaweeye .Su,aasha is weydiinta mudan ayaa ah halka ay jaan iyo cirib dhigeen saraakiishii dowlada ee aan iyaga lagu arkin goobaha dagaalka, Xarunta madaxtooyada ayaa si weyn looga amaanay C/fataax shaaweeye iyo Indhacade halka aad looga niyad jabay C/Qeybdiid iyo Dhuumaal,waxaana ciidamada dowladu isla shalayba dhaawaca Indhacade ka dib ay faarujiyeen goobo badan sida Saldhiga Yaaqshiid,Isgoyska Fagax iyagoo hada difaacooda ugu horeeya uu yahahay gadasha danbe ee Sanca

Xigasho


dayniilecom@hotmail.com

deyniilenews@yahoo.com