Search This Blog

Thursday, July 17, 2008

C/Nuur Darmaan Weli riyo ayuu ku jiraa sida adeerkii Ina Salaad Booy, Madaxweyne ayaan ahay,,


Cabdi Nuur Axmad Darmaan oo ay taageerayaashiisu u yaqaaniin Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa xalay wareysi uu siiyay Idaacadda Somaliweyn kaga hadlay arrimo dhowr ah oo ay kaga mid tahay xaalada Nabadgelyo ee Dalka, dilalka loo geysanaayo dadka ka shaqeynaaya samafalka iyo Muwaadiniinta Soomaaliyeed eek u xir xir xiran dalal dhowr ah oo Afrikaan ah.

“Waxaan ka codsanaaya aduunka inuu soo farageliyo arrimaha Soomaaliya, si dhibaatada jirta ay meesha uga baxdo” ayuu yiri Cabdi Nuur Axmad Darmaan oo sheegay inuu isagu yahay Madaxweynaha Soomaaliya.

Darmaan waxa uu sheegay inuu Ummadda Soomaaiyeed u soo jeedinaayo inay joojiyaan ugaarsiga ay ku hayaan shaqaalaha ka shaqeynaaya Samafalayaasha, kuwaas ii uu sheegay inay yihiin kuwo u adeegaya shacabka Soomaaliyeed.

“Waa sahalan tahay sidii loo soo dayn lahaa dadka Soomaaliyeed eek u xir xiran dalka Tanzania, waxaana jirata in ehalada dadka ku jira Xabsiyada dalkaasi aan u diray liiska Mgacyada dadkaasi, hadii la keenana wa sahlana tahay, Balse waxaa jira dalal dhowr ah oo kale oo ay ku xiaran yihiin Muwaadiniin Soomaali ah, waxaana dadlkaasi ka mid ah Malaawi, Mozambique iyo Ruwanda”
ayuu yiri Cabdi Nuur Axmad Darmaan.

Sidoo kale Cabdi Nuur Axmad Darmaan waxa uu ka hadalay qaabkii uu dalka Turkiga kula kulmay xiligii uu soo daynayay Muwaadiniin Soomaaliyeed oo ku xir xirnaa dalkeeda, “Waxaan Turkiga kula kulmay anigoo huwan darajo Madaxweyne Soomaliyeed, Waxaana Dowladda Turkiga u gudbiyay Qoraal aan ugu sheegayo in dadka Soomaaliyeed ee ku xir xiran xabsiyadeeda ay igu soo wareejiso, weyna iga ogolaatay, waxeyna ii sheegeen in cidii doonta ee Soomaali ah darahadii ay sheegato ay ku qaabilayaan, arimahooda siyaasadeedna aysan fargashan doonin arrimahooda Siyaasadeed” ayuu yiri C/Nuur Darmaan oo sheegay in ay Ummadda Soomaaliyeed ay u taalo cida ay dooranayso Darmaan iyo C/laahi Yuusuf, wuxuuna sheegay inuu mar kasta dalka yimaado, isalamrkaana uu inta badan Howsha ka qabto dalka dibadiisa, maadaama ayuu yiri “Dalka Ma joogaan Safiirada wadamada Caalamka si loogala hadlo arrimaha Soomaaliya”,waxaa yaab leh inow weli riyo ku jiro ninkan ku waashay madaxweynaha Soomaaliyeed.

Ma dhici kartaa Ina Darmaan inow ag dego Cabdulaahi Yuusuf, sida uu ku sameeyay adeerkiis Ina Salaad Booy.
Banaadir Post.
banaadirpost@gmail.com





JAWAAB KU SOCOTO QORAALKII AHAA Yaa ka dambeeya mashruucyada lagu indho-tirayo shacabka Soomaaliyeed.???

Waa haboontahay In wax laga qoro oo laga hadlo oo loo Istaago sidii looga hortegi lahaa ciribtirka lagu wado Shaqsiyaadka wax ku oolka leh laakin hadii Lamarin habaabiyo oo aan runta Laga sheegin Kuwa Manaxayeesha Ah Oo Falkaa Ku Kacayo Daawada Cudurka Lama Helayo Ciribtirkiina Halkiisa Ayuu Ka Sii Soconayaa Heestii Fanaanada Khadra Daahir Ku Luqeyneysey Ayaa Ku Jirtey "CUDURKA KAA GALEY FARDAHA HADII LAGA GUBO DAMEER DAWANA LAMA GAARAYO,,.
Arintaa noocaan ah waa arin khatar ah oo halis ku ah Ummada Soomaaliyeed loona baahan yahay in si isku duubni ah looga wada hortago waxa la jarayo waa Halbowlaheena ma'aha wax ciyaar ah oo indhaha laga qabsan karo waxeyna nagu soo bilaawatey Waqti dheer, waxxeyna soo badatey xiligii Dowladii CARTA wadanka ka talineysey waxuuna sii xoogeysatey intii loo fadhiyey Shirkii Dibu heshiisiinta oo ka socdey Wadanka Kenya.
Waana waqtigii Urukaan AL-SHABAAB kuwooda ugu firfircoona wadanka Dib ugu soo laabteen oo ay ka yimaadeen Wadanka Afgaanistaan.

Waqtigaas oo ahaa markii nagu bilowdeen Dilalka Qorsheysan oo Gafuurka Cimaamada lagu Duubanayo marxuumiintii ugu horeeyeyna waxaa ka mid ahaa Madaxii Hay'ada CRD Marxuum C/qaadir Yaxye iyo General Marxuum Maxamed Cabdi Dhaqamada naloo soo safriyey kuma ekeen Dilalka lagula kacayo Dadka Aqoonta leh waxaa kaloo ka mid ahaa Miinooyinka dhulka lagu aaso oo qalab casriya lagu qarxiyo waxaa kaloo ka mid ah dadka is qarxinayo oo marar badan la sameeyey waxaa kaloo ka mid ah dhiig walaalka muslimka ah oo la xalaaleysanayo ka dib markii la gaaleeyo.

Hadaba intaas oo ah Dhaqamada ugu xunxun oo bini'aadamka ku kaco ayaa wadakeena oo horey u aafeeyey Dagaalo Sokeeye iyo Cudur,Gaajo iyo barakac ayaa muwaadaniin Soomaaliyeed nooga soo safriyey wadan kale waana dhaqamo dad gaar ah lagu yaqaan oo isticmaala waxaana xusid mudan in Shiikh Macalin Xaashi warbaahinta ka cadeeyey in Ururka dhaqamadaan ku caan baxay ay ka tirsan yihiin Waxaa la soconaa in saraakiil badan loo diley wadan Shuuci ah ayuu wax ku soo bartey oo aan diin laheyn waxaa kaloo la soconaa in Aqoonyahan badan loo diley wadamo gaalo ah ayuu wax ku soo bartey waxaa la soconaa in Hay'adaha u yimaada kaalmada la dilo oo la leeyahay waa gaalo. Marka waxaas oo cadeymo ah markaa isku dartid waxaa kuu cadaaneysa Cadowga Soomaali leedahay maanta waa AL-SHABAAB.
Dilalka ugu dambeeyey oo la bartilmaameedsanayey madaxda Hay'adaha ayadana waxey bilaawatey markii la saxiixay Heshiiskii Jibuuti iyo Qaraarkii QM ay ku gaareen in Hay'adaha QM Xafiisyadooda loo Xawilo gudaha soomaaliya dadka go'aankaan diidan ayaa ka dambeeya dilalka waana ALSHABAAB si cad ayeeyna u qeexeen.
Hadii sida dadka qaarkii ay qabaan in Itoobiya ka dambeyso dilalka loogeysanayo hay'adaha samafalka ah shaqaalahooda aan taageerno Heshiiska Jibuuti lagu gaarey si ay nooga baxaan inta harteyna oo aqoonta leh ka badbaadaan dilalka wixii soomaali ah oo heshiiska ka horyimaado aan meel uga soo wada jeesano hadeynu nahay Somalida samadoonka ah.

Afkaarta maqaalkani waxaa masuuliyadiisa iska leh Xaaji maxamuud ,
waxaana kala xiriiri kartaa e-mailkiisa oo hoos ku xusan.Wabilahi towfiiq.
Xaji Maxamouid Kala Xiriir:
moalinm2us@yahoo.com">moalinm2us@yahoo