Search This Blog

Thursday, July 17, 2008

C/Nuur Darmaan Weli riyo ayuu ku jiraa sida adeerkii Ina Salaad Booy, Madaxweyne ayaan ahay,,


Cabdi Nuur Axmad Darmaan oo ay taageerayaashiisu u yaqaaniin Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa xalay wareysi uu siiyay Idaacadda Somaliweyn kaga hadlay arrimo dhowr ah oo ay kaga mid tahay xaalada Nabadgelyo ee Dalka, dilalka loo geysanaayo dadka ka shaqeynaaya samafalka iyo Muwaadiniinta Soomaaliyeed eek u xir xir xiran dalal dhowr ah oo Afrikaan ah.

“Waxaan ka codsanaaya aduunka inuu soo farageliyo arrimaha Soomaaliya, si dhibaatada jirta ay meesha uga baxdo” ayuu yiri Cabdi Nuur Axmad Darmaan oo sheegay inuu isagu yahay Madaxweynaha Soomaaliya.

Darmaan waxa uu sheegay inuu Ummadda Soomaaiyeed u soo jeedinaayo inay joojiyaan ugaarsiga ay ku hayaan shaqaalaha ka shaqeynaaya Samafalayaasha, kuwaas ii uu sheegay inay yihiin kuwo u adeegaya shacabka Soomaaliyeed.

“Waa sahalan tahay sidii loo soo dayn lahaa dadka Soomaaliyeed eek u xir xiran dalka Tanzania, waxaana jirata in ehalada dadka ku jira Xabsiyada dalkaasi aan u diray liiska Mgacyada dadkaasi, hadii la keenana wa sahlana tahay, Balse waxaa jira dalal dhowr ah oo kale oo ay ku xiaran yihiin Muwaadiniin Soomaali ah, waxaana dadlkaasi ka mid ah Malaawi, Mozambique iyo Ruwanda”
ayuu yiri Cabdi Nuur Axmad Darmaan.

Sidoo kale Cabdi Nuur Axmad Darmaan waxa uu ka hadalay qaabkii uu dalka Turkiga kula kulmay xiligii uu soo daynayay Muwaadiniin Soomaaliyeed oo ku xir xirnaa dalkeeda, “Waxaan Turkiga kula kulmay anigoo huwan darajo Madaxweyne Soomaliyeed, Waxaana Dowladda Turkiga u gudbiyay Qoraal aan ugu sheegayo in dadka Soomaaliyeed ee ku xir xiran xabsiyadeeda ay igu soo wareejiso, weyna iga ogolaatay, waxeyna ii sheegeen in cidii doonta ee Soomaali ah darahadii ay sheegato ay ku qaabilayaan, arimahooda siyaasadeedna aysan fargashan doonin arrimahooda Siyaasadeed” ayuu yiri C/Nuur Darmaan oo sheegay in ay Ummadda Soomaaliyeed ay u taalo cida ay dooranayso Darmaan iyo C/laahi Yuusuf, wuxuuna sheegay inuu mar kasta dalka yimaado, isalamrkaana uu inta badan Howsha ka qabto dalka dibadiisa, maadaama ayuu yiri “Dalka Ma joogaan Safiirada wadamada Caalamka si loogala hadlo arrimaha Soomaaliya”,waxaa yaab leh inow weli riyo ku jiro ninkan ku waashay madaxweynaha Soomaaliyeed.

Ma dhici kartaa Ina Darmaan inow ag dego Cabdulaahi Yuusuf, sida uu ku sameeyay adeerkiis Ina Salaad Booy.
Banaadir Post.
banaadirpost@gmail.com