Search This Blog

Saturday, May 9, 2009

‏Nuurcade oo lagu wareejiyey lacag looga aruuriyey Scandanevianka sabtidii magaalada Copenhagen




Copenhagen... dad dhower ayaa ka qeyb galay shir lagu qabtey magalada copenhagen ee casiimada delka Denmark.


Ayadoo shirka nuxurkiisa ahaa deeq lacag ah oo loo arooriyey R/wasaarihii hore Nuur Cade,tasoo loogu talagalay sidu mar labaad ooga dhax muuqan lahaa saxadaa siyaasada Soomaliya.

Dadka qaar kiisa ayaa u aqoonsan Nuur Cade halyeey halka qaar kalena ayba amin sanyihiin inuu masuul kayahay wax ka dhacaya Magaalada Caasimada ee Moqdisho, sikastaba ha ahaatee taagerayaashiisa ayaa waxay wadaan qorshe laga aroorinayo lacag wadamada Yurub oo dhan,tasoo larabo in marlabaad laga dhex arko Shaa shada siyaasada murugsan ee Somalia.

Nuur Cade ayaa aad u masuugey lacagtii la gudoonsiyey, sababtoo ah qorshaha horyaal baxadiisa awgeeda iyo deeqda la gudoon siiyay oo an marnaba ku filnaan karin.



Ururka soo qaban qabiyey shirka ayaa hada wuxuu wadaa olole aad u xoogan oo lagu aroorin doono lacag joogto ah, ayagoo ugu magac daray Qorahsahaas Nabadeeynta beelaha koonfurta.

Mudane Nuur Cadde ayaa u muuqda nin laga hoos bixiyay hadan u diyaar garoobaya sidu markale ugu soo noqon lahaa Muraayada, waxaana xusud mudun Qalinkii lagu gaaday ee kabasaaray Siyaasada, kasoo u ka mid ahaa Heshiiskii Djibouti ee dhex maray TFG-ARS inuu si cad u qeexayay arrimaha ay isku af-garteen labada daraf,waxaana aan tilmaan ahaan u soo qaadankarnaa Qodobadkan:- kordhintii Baarlamanka TFGda oo ka koobnaa 275 xubnood laguna kordhiyay tiro le'eg, tasoo macnaheedu ahaa Nuur iskatag.

R/Wasaarihii hore ee Somalia Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) ayaa soo gaaray Denmark Maalintii Jimcaha Gaar ahaan Caasimada Labaad ee Arhus,wxuuna halkaas kulamo kula qaatay Beeshisa.oo iyadu si gaar ahaaneed u casuntay.
Banaadir Post.
Majaango

Ilaahow Culimada soo hanuuni


Midowga maxkamadaha kuwii la magac baxey ayaa maanta Xamar dadka ku xasuuqaya lagana cararayaa, dadka Xamar ayaan aqoon meel u qaxaan, waana tan dadka ka yaabisey iney sidan u dhaqan xunyihiin kuwii shalay sheegi jirey iney wanaagsan yihii.

Alshabaab ayaa la soo baxey hub aad u badan oo aan lagu aqoon inta badan, una badan qoryaha gacnta iyo Bazooke....
Sida cad waa laga awood roonaadey Maxkamadaha oo Alshbabaab ayaa ku leh dagaalkan iyo qaabkan cusub.

Ereyo yaab leh ayay saxaafada isu mariyeen, sida "Cadowga Ilaah,, yaab waaye, iyo "Ashahaado la diri,, dhamaan kalmadahaas waxaa soo isticmaaley ama laga maqli jirey Sheekh Shariif iyo raga maanta la socda.

Banaadir Post.
Deeq Majaango.

Kooxo hubeysan oo weerar ku qaaday guri ay magaalada Muqdisho ka degan yihiin Xildhibaano ka tirsan Dowladda Soomaaliya


Kooxo hubeysan ayaa caawa fiidkii weerar ku qaaday guri ay magaalada Muqdisho ka degan yihiin Xildhibaan ka tirsan Dowladda Soomaaliya kuwaasi oo lagu kala magacaabo Xildhibaan Maxamed Axmed Mire (Col. Mire) iyo Xildhibaan Yuusuf Xeyle Jimcaale.

Xildhibaan Maxamed Mire oo weerarkaas kadib la hadlay Saxaafada magaalada Muqdisho ayaa sheegay in guri ay Muqdisho ka degan yihiin isaga iyo Xildhibaano kale ay Bambo gacmeedyo ku soo weerareen kooxaha ka soo horjeeda Dowladda, wuxuuna caddeeyay in weerarkaas ay ku dhaawacmeen shan ruux oo isugu jiray hooyadiis, seddex caruur ah oo uu dhalay iyo wiil la joogay Xildhibaan kale oo guri la degan.

Xildhibaanka waxaa uu sheegay in ay tahay markii seddexaad oo ay kooxahaas weerarro kala duwan ku soo qaadayaan, wuxuuna tilmaamay in aaney ilaa iyo haatan garaneynin sabab loo soo weeraray.

Xildhibaan Maxamed Axmed Mire ayaa wuxuu Baarlamaanka Soomaaliya ka soo galay dhinaca Maxkamadaha Islaamka , wuxuuna ka tirsanaa saraakiisha Midowgii maxkamadaha Islaamka
Dhanka kalena, Xildhibaan Yuusuf Xeyle oo isna wax ka degan guriga la weeraray ayaa sheegay in weerarka lagu qaaday ay xiriir la leeyihiin weerarro dhawaanahanba lagu hayay Xildhibaanno iyo Saraakiil ka tirsan Dowladda Soomaaliya.

Xildhibaan Yuusuf Xeyle waxaa uu sheegay in kooxaha weerarrada ku soo qaaday aysan wax dhibaato ah u geysan karin, isla markaana uu wax dilo kaliya Allaah, "Waan is-difaaci doonnaa, mana aaminsanin in ay dhibaato noo geysan karaan kooxaha weerarka nagu soo qaaday"ayuuna yiri Xildhibaan Yuusuf Xeyle Jimcaale.
kuwan ayaa Golaha kaga soo biirey dhinaca Maxkamadaha, waa ragii shalay hurin jirey dagaalka iyo qaraxyada ka dhici jirey Xamar.
Banaadir Post,