Search This Blog

Saturday, May 9, 2009

Kooxo hubeysan oo weerar ku qaaday guri ay magaalada Muqdisho ka degan yihiin Xildhibaano ka tirsan Dowladda Soomaaliya


Kooxo hubeysan ayaa caawa fiidkii weerar ku qaaday guri ay magaalada Muqdisho ka degan yihiin Xildhibaan ka tirsan Dowladda Soomaaliya kuwaasi oo lagu kala magacaabo Xildhibaan Maxamed Axmed Mire (Col. Mire) iyo Xildhibaan Yuusuf Xeyle Jimcaale.

Xildhibaan Maxamed Mire oo weerarkaas kadib la hadlay Saxaafada magaalada Muqdisho ayaa sheegay in guri ay Muqdisho ka degan yihiin isaga iyo Xildhibaano kale ay Bambo gacmeedyo ku soo weerareen kooxaha ka soo horjeeda Dowladda, wuxuuna caddeeyay in weerarkaas ay ku dhaawacmeen shan ruux oo isugu jiray hooyadiis, seddex caruur ah oo uu dhalay iyo wiil la joogay Xildhibaan kale oo guri la degan.

Xildhibaanka waxaa uu sheegay in ay tahay markii seddexaad oo ay kooxahaas weerarro kala duwan ku soo qaadayaan, wuxuuna tilmaamay in aaney ilaa iyo haatan garaneynin sabab loo soo weeraray.

Xildhibaan Maxamed Axmed Mire ayaa wuxuu Baarlamaanka Soomaaliya ka soo galay dhinaca Maxkamadaha Islaamka , wuxuuna ka tirsanaa saraakiisha Midowgii maxkamadaha Islaamka
Dhanka kalena, Xildhibaan Yuusuf Xeyle oo isna wax ka degan guriga la weeraray ayaa sheegay in weerarka lagu qaaday ay xiriir la leeyihiin weerarro dhawaanahanba lagu hayay Xildhibaanno iyo Saraakiil ka tirsan Dowladda Soomaaliya.

Xildhibaan Yuusuf Xeyle waxaa uu sheegay in kooxaha weerarrada ku soo qaaday aysan wax dhibaato ah u geysan karin, isla markaana uu wax dilo kaliya Allaah, "Waan is-difaaci doonnaa, mana aaminsanin in ay dhibaato noo geysan karaan kooxaha weerarka nagu soo qaaday"ayuuna yiri Xildhibaan Yuusuf Xeyle Jimcaale.
kuwan ayaa Golaha kaga soo biirey dhinaca Maxkamadaha, waa ragii shalay hurin jirey dagaalka iyo qaraxyada ka dhici jirey Xamar.
Banaadir Post,