Search This Blog

Thursday, February 4, 2010

Xarakada Al Shabaab oo beeniyay in ay balan uga bexeen Xisbul islaam iyo iyagoo Magacaabay gudi taakuleeya dadkii ku hanti beelay dabkii Suuqa Bakaaraha

Xarakada Muhaahidiinta Al Shabaab ayaa beeniyay in ay ka baxeen balan ay horay ula galeen ururka Xisbul islaam iyagoo dhinaca kalana Magacaabay gudi taakuleeya dadkii ku hanti beelay dabkii Suuqa Bakaaraha.



Afhyeenka xarakada mujaahidiinta Al-shabab Sheekh Cali Maxamuud Raage (Sh. Cali Dheere) oo maanta Shir jaraa’id ku qabtey qeybo ka mid Suuqa Bakaaraha gaar ahaan bartii uu dabku ka kacay habeen hore ayaa waxa uu sheegay in aysan jirin waxa balamo ah oo Xakarada Mujaahidiinta AL-shabab kaga baxeen ururka Xisbul Islaam oo ku aadanaa in aan la kala qaadan ciidamada u dagaalama labada dhinac.


Waxaa uu xusay in wax khilaaf ah uusana ka dhex taagneeyn Xarakada Mujaahidiinta Al-shaabb iyo ururka Xisbul Islaam isla markaana ay u mideysan yihiin ladagaalanka ciidamada dowladda KMG iyo ku AMISOM ee jooga magaalada Muqdisho.


Sheekh Xasan Daahir Aweys oo ah hogaamiyaha ururka Xisbul Islaam ayaa maalin ka hor shir jaraa’id oo uu ku qiray in hogaamiyaal ka tirsan Ururka Xisbul islaam ay ku biireen Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab ku qabtey magaalada Muqdishu ayaa shaaca ka aaday in xarakada Al-shabaab ay jabiyeen balamo ay la galeen ururka Xisbul Islaam oo ku aadanaa in aan la kala qaadan ciidamada u dagaalama labada dhinaca.


Afhayeenka Xarakada Al Shabaab waxaa uu sidoo kale ka hadlay dhaq dhaqaaqyo ciidan oo dowladda Kenya ay ka wado xaduudka ay la wadaagto Soomaaliya iyo hadalo ka soo baxay xubno ka tirsan dowladda KMG oo ku aadanaa in maalmaha soo socda ay la wareegi doonaan gobolo badan oo ka mid ah koofurta Soomaaliya halkaasi oo ay gacanta ku hayaan xarakada Mujaahidiinta al shabaab.


Waxaa uu sheegay Afhayeenka Al Shabaab in dhaq dhaqaaqyada Ciidamada Kenya oo faafaahin ah ka bixin doonin islamarkaana Kenya sida ay u dhaqanto ay ula dhaqami doonaan waxaana uu sidoo kale wax lala yaabo ku tilmaamay hadalo uu ku tilmaayey calaacal oo kasoo baxay dowlada KMG ee Soomaaliya oo ku aadan in ay weerar kusoo qadayaan goobaha ay gacanta ku hayaan isagoona sheegay in hadii ay isku dayaan in ay weerar ku soo qaadaan ay kala kulmayaan talaabo deg deg ah sida uu hadalka u dhigay.


Hadalka xarakada Mujaahidiinta AL Shabaab ayaa imaanaya xili wasiirka beeraha ee Xukuumada Soomaaliya Maxamed ibraahim xaabsade uu sheegay in ay maalamaha soo aadan ay la wareegi doonaan gobolo ay kamid yihiin Sh/hoose,Bay,Bakool,Jubooyinka iyo weybo kamid ah magaalada Muqdisho.


Ugu danbeyntii afhayeenka Xarakada Al-shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage waxaa uu ku dheeraaday ka hadlida dabkii habeen ka hor ka kacay qeybo kamid ah suuqa bakaaraha isagoona ku baaqey in dadka muslimiinta ah ee ku hanti beelay la gar gaaro isagoo shaaca ka qaaday in Xarakada Al-shabaab ay u magacowday gudi ka kooban culmaa,udiin iyo xubno katirsam Al-shaabaab kuwaasi oo wax u qabta dadkii ku hanti beelay dabkii dhawaan ka kacay qeybo kamid ah suuqa bakaaraha,waxaana xubnaha gudigaasi ay kala yihiin sidatan.


1:Sheikh Fu’aad Maxamed Khalaf oo kamid ah saraakiisha Al-shabaab
2:Sheikh Cali Maxamed Xuseen (Waaliga Wilaayada gobolka banaadir ee Shabaab)
3:Sheekh Suldaan Max’ed Aala maxamed (maktabada Xarakada Shabaab)
4:Saalax Maxamed Cali (madaxa arimaha bulsha ee wilaayada gobolka Banaadir) 5:Sheikh C/taax Aweys abuu Xamsa oo kamid ah Culmaa’udiinka Soomaaliyeed.




 






Banaadir Post
banaadirpost@gmail.com




Sheekh Xasan Turki oo qiray inuu ku biiray Xarrakatul Shabaabul Mujaahidin kuna baaqay in la mideeyo Islaamiyiinta kale

Guddoomiyaha Raaskambooni Sheekh Xasan C/llaahi Xirsi (Sheekh Xasan Turkey) ahaana guddoomiye ku xigeenkii Ururka Xisbul Islaam ayaa maanta qiray inuu ku biiray Xarrakatul Shabaab uuna joogay madashii heshiisku ka dhacay.

Sheekh Xasan Turkey wuxuu sheegay in go’aankiisu uu yahay mid lagu mideeyo Islaamka, gaar ahaan Mujaahidiinta, si ay ugu guuleystaan hadafkooda oo ah in laga dhiso Soomaaliya dowlad Islaami ah.


"Waxaan ku baaqaynaa in Muslimiinta ay Alle ku xirnaadaan, safka mujaahidiintana la mideeyo, waxaana ku baaqayaa in la mideeyo Muslimiinta oo dhan" ayuu yiri Sheekh Xasan Turkey.


Heshiis dhawaan ka dhacay Baydhabo ayay kooxda Raaskambooni oo hoggaamiye uu u yahay Sheekh Xasan Turkey iyo Xarrakatul Shabaab ay ku gaareen heshiis iskaashi oo ay ku mideynayaan ciidamadooda, iyagoo qaadanaya Magaca Xarrakatul Shabaab.


"Goobjoog ayaan ka ahaa heshiiskii ka dhacay Baydhabo, la iguma been abuuran, waana ku faraxsanahay" ayuu yiri Sheekh Xasan oo ugu baaqay dhammaan Soomaalida inay qabsadaan xarigga Alle si ay u guulaystaan.


Sheekh Max’ed Dulyadeyn oo ka mid ahaa saraakiishii ka socday Raaskambooni oo isaguna saxaafadda kula hadlay Baydhabo ayaa sheegay in heshiiskan uu yahay mid dhacay, ayna wadaan qorshayaal lagu fulin lahaa qodobbadii lagu heshiiyay.


Guddoomiyaha Ururka Xisbul Islaam Sheekh Xasan Daahir Aweys oo Muqdisho ku qabtay maalin ka hor ayaa ku tilmaamay heshiiskaas mid ay aad uga xun yihiin, ayna walaalaha Shabaabku uga baxeen ballan ay isku ogaayeen oo ahayd inaan la kala qaadan ciidamada.


Afhayeenka Xarrakatul Shabaab ayaa dhankiisa sheegay maanta inaysan jirin wax ballan ah oo ay uga baxeen sida uu u yiri Walaalahooda Xisbul Islaam, sidoo kalena aysan jirin wax dagaal ah oo kala dhexeeya.
 Xasan turki gacan saar  ayuu lahaa Xasan Daahir mudooyinkii ugu danbeeyay, waxayna kala dheeraadeen markii axmed Madoobe heshiis hoose la galay qolooyin kale.

 









Banaadir Post

Gen. Galaal oo weli xiiso u qaba inow Somali gumaado!

Wararka laga helayo degmada Guriceel oo ka tirsan Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in halkaasi uu gaaray shalay Gen. Maxamed Nuur Galaal iyo xubno ka tirsan Ururka Ahlu Sunna Wal-Jameeca, waxaana ay bilaabeen in ay kulamo la qaataan dad ka tirsan Beeshiisa gaarka ah.



Warku wuxuu intaa ku darayaa in ujeedada Gen. Galaal ee Gobolada Dhexe in ay tahay sidii uu khibradiisa Milateri ugu biiran lahaa Ururka Ahlu Sunna oo dagaal xoogan kula jira Xarakada Al-Shabaab, taas macnaheedu yahay Gen galaal weli xiiso ayuu u qabaa inow cabo dhiiga dadka Somaliyeed.


Ahlu Suna ayaa la rumeysan yahay in ay marar baan qaaday dagaalo aysan guulo badan ka gaarin, kuwaas oo ay lagashay xarakada Al- Shabaab.

Galaal ayaa inta la ogyahay  ka danbeeyay  xasuuq  wadareed mudo dheer ka socdey dhula koonfureed ee Somalia.