Search This Blog

Monday, August 11, 2008

R/W NUUR CADDE NABAD NAADIN, REER NABAD-DIIDNA DOON-DOONIS NAF KA GOYN MUDULOOD IYO DAWLAD-DIIDNIMO DURUGSAN. .

Dhowrkii sano ee la soo dhaafay, waxaa caasimada Soomaliya ee Muqdishu aad looga maqlaayay, dilal qorsheysan oo lala beegsado wax ku ool-ka Soomaliyeed, qeybihiisa kala duwan sida: siyaasiinta, saraakiisha ciidamada kala duwan, aqoonyahanada, culumaa'udiinka, nabad-doonada, ganacsatada, iyo wax garadka bulshada Soomaaliyeed qeybaheedda kala duwan oo 95% ku wejahan beelweynta Mudulood.

Markasta ee la fuliyo dilalkaan waxuush-nimada ah, laga soo billaabo Allaha unaxariistee dilkii marxuun Gen. Maxamed Cabdi waxaa lagu muran-sanaay, dilalkaan qorsheysan waxay ku saleysan yihiin " Diin jaceyl, mayaa waa Siyaasad, iyo waa diin been ah oo qabiil lagu dabar-goynaayo iyo Dawlad-diidnimo durugsan".

Muranka kor ku xusan xaqiiqdiisu waxay ku saleysan tahay dad badan ayaa horey u ogaa, balse waxaa adkeyd inaay ka dhaadhiciyaan cidda aay khuseyso, laakin waxaay caddaatey markii la qabtay mid ka mid ah maleeshiyadii soo weerartay guriga Xaaji Cabdi Iimaam Cumar taarikhdu markay aheyd August 10, 2008. Wuuna qirey in uu soo direy nabad-diidka, reer nabad-diid Axmed Diiriye Cali lana soo siiyay min $ 500,00 dollar, markii aay dilka fuliyana lacagta harsan ka qaataan maamulka warshada Kooka koolada (Coca cola) ee ku taal agagaarka warshada baastadda ee degmada Yaaqshiid, Muqdishu, Soomaliya.

Warar lagu kalsoon yahay lagana helaayo, naadiga Sir-doonka ee marxuun Gen. Axmed Jilacow Caddow, waxay sheegayaan inaay beesha reer nabad-diid oo isku la xirin xumaan bani'aadan sheyb-kood, shabaab-kood, siyaasigooda ugu weyn, suuga kariskooda, suldaan-kooda iyo sariiro-qaad-kooda waxaay go'aan-sadeen olole ka dhan ah beel-weynta Mudulood iyo wixii taageersan amba aaminsan Dawladnimo.

Warar hoosaadka naadigu helay waxay, intaas ku daraayaan in uu dhowaan nabad-diid Axmed Diiriye Cali ku faaney in uu horey u qaarajiyey, nabad-doon Macalim Haaruun Macalim Yuusuf, hadana haddii kharash meel loo saaro in uu qaarajin-doono shan (5) nabad-doon oo uu ugu horreeyo Xaaji Cabdi Iimaam Cumar, sidoo kale beesha reer nabad-diid waxay ka codsatay Dr. Cabdiqaasin Salaad Xasan iyo Axmed Cabdisalaam inaay markay suurogal u noqoto inaay kala qaarajiyaan guddoomiyaha dib uxoreynta garabka Jabuuti Sheekh Shariif Sheekh Ahmed iyo Ra'iisul Wasaare Nur Hassan Hussein ( Nur Caade), laakin labaduba codsiga beeshoodu u soo jeedisay waa aay ka biyo diideen.

Waxaa nasiib darro ah inaysan beesha colaada heer-kaas gaar-siisan ku wejahan tahay ee Mudulood inayna 85% ka war hayn, 15% ka war haayana ee uu afhayeen u yahay nabad-doon Cumar Ibraahim Cosobow aysan dhaaf siisneyn heer Galmaax Yoonis, haddaba beesha aay khuseysey arrinto waa qisadii ahayd " meeshii uu Libaaxu saynta ka luli lahay, sayntu iyadaa Libaaxa lulaysa" ee cidda aay arrintaan khuseysey amba is-dhiiba amba wax is-ka dhiciya nolosha qaar-keed dhimashaa dhantee.

Ra'iisal Wasaare Nur Hassan Hussein ( N. Cadde) nabad naadin, reer nabad-diidna doon-doonis naf ka goyn Mudulood iyo Dawlad-diidnimo durugsan, laakin sida taariikhduna barayso beeshii balaayo buun-buunisa iyadey balaayadu ku hartaa.


WarsaameYusuf@ hotmail.com

NUUR CADDE OO U GACAN-HAADINAYA XASAN DAAHIR AWEYS .


Waxaa soo if baxay qilaaf xooggan oo soo dhex galay madaxweynaha iyo ra'iisalwasaraha, waxayna u muuqata in qilaafkaan u saameyn ku yeelandoono guud ahaan xaaladda siyaasadeed ee dawladda fkmg ee Soomaaliya sida, madaxweynaha, barlamaanka iyo xukuumadda.

Waxa la yiri "xaq iyo baadil isku meel ma wada galaan" waxaa soo baxay siyaasiyiin iyo dad adeegsanaya ha'yado sida bbc-da oo ku eedeynayo madaxweyne Cabdul-Allaahi Yusuf inuu asiga masuul ka yahay sababaha keenay qilaafkaan haddeer ligligayo jiritaanka xukumadda ra'iisalwasare Nuur Cadde, ha yeeshe arrinta sidaas ma ahan, maxaa yeelay wax laysku qabtay waa maamul, wixii maamul dawladeed ku saabsanna sida loo maareynayo waxaa lagu caddeeyey dastuurka u degsan dawladda fkmg, marka waxay ahayd in arrintaan keentay qilaafkaan baahsan looga hadlo mise looga faallodo, si dastuuri ah, lays weydiiyo labadaan madax oo is qabtay, keeba qaaday tillaabo qilaafsan dastuurka ku meel gaarka?

Magacaawidda iyo xil-ka-qaadista dhamaan madaxda ha'yadaha iyo xafiisyada dawladda, rayad, iyo militeriba sida ku qoran axdiga ku meel gaarka waxaa laga sugaya madaxweynaha Jamhuuriyadda.

Ra'iisalwasaaraha wuxu leeyahay ra'ayi ka soo jeedinta shaqsiga la magacaawayo mise xilka laga qaadayo, madaxweynahana waxaa u furan inuu oggolaado, mise diido ra'ayiga u soo jeediyey wasiirka kowaad.

Marka sideedaba arrintaas xil ka qaadista fulinteeda iyo diidmadeedaba, waxay ku xiranyahiin dastuuri ahaan araktida iyo go'aanka madaxweynaha.

Waxase jiro tillaaboyin an ku qornayn dastuurka ha yeeshee looga baahanyahay ra'iisalwasaaraha inuu qaado ka hor intuusan horgeynin madaxweynaha si uu u saxiixo dekretaha lagu fulinayo magacaawidda mise xil ka qaadidda, tillaabadaan waxay la xiriirta, asluubta, iyo isqadirinta labada madax.

Tillaabadaas looga baahanyahay madaxa xukumadda waxaa weyey in ka hor inta uusan u geynin madaxweynaha dekretaha la saxiixayo inuu la xiriiro madaxweynaha una sheego arrinta uu damacsanyahay inuu sameeyo, kana dhagaysto madaxweynaha ra'ayigiisa ku aaddan arrintaas.

Waana sidaas tan loo yaqaan "isla wada shaqeynta" madaxda sare ee dawladda.

Marka, hadda waxaa muuqata in ra'iisalwasare Nuur Cadde uusan ilaalanin, mise dhawrin isla wada shaqeynta habboon oo laga doonayo masuuliinta sare sare ee dawladda, maxaa yeelay haddii arrinta xil ka qaadista guddoomiyaha gobolka Banaadir wasiirka kowaad u kala xiriiri laha kalana tashanlaha madaxweynha tillaabada u damacsana inuu qaado, ka hor intuusan hor dhigin si u saxiixo dekretaha lagu fulinayey xil ka qaadista Maxamed Dheere, waxaa meesha ka bixilaha isku dhacaan xooggan oo ay isku dhaceen asiga iyo madaxweynaha.

Teeda kale, mar haddii lagu jiro xilli la dhawrayo sharuucda dalka u degsan, marna ma dhici karto in ra'iisalwasaaraha u ku dhaqaaqo fulinta arrin uusan madaxweynaha raalli ka ahayn, taas waxay dhici karta oo keli marka uu jiro madaxweyne la inqalaabay oo si maxbuus ah guri loogu soo xirtay lagana saxiixanaya wixii la rabo in dalka laga fuliyo.

Hadda sida uu Nuur Cadde damacsanyahay inu wax ku socodsiiyo waxay muujinaysa in ra'iisalwasaaraha u doonayey inu ku qasbo madaxweynaha inu saxiixo wax uusan raalli ka ahayn, taasna waa dandaansi lagu doonayo in lagu kiciyo buuq siyaasadeed, sida tan haddeer dhacday, dhinaca kale arrinta waxay muujinaysa in ninkaan ah madaxa xukummada in u donayo inu gobolka Banaadir oo u guddoomiye uga dhigo shaqsi uu asiga si gaar ah u wado, waxaana la sheegaya in ra'iisalwasaraha u doonayo inuu sidaas ku fuliyo talooyin ay u soo jeediyeen rag ka mid ah xukumaddiisa oo wato dano beeleed.

Nuur Cadde iyo kuwa wax la wado waxay sheegeen in la doonayo in la fashiliyo go'aannadi shirki dibuheshiinta ee Jibuuti ha yeeshee Nuur Cadde iyo kooxdiisa waxay iska indha tirayaan xaqiiqda jirta taasoo ah in dibuheshiinta lagu soo go'aamiyey Jibuuti inay fashilintay mar hore mise aysan marna hirgelin, maxaa yeelay dibuheshiisiinta waxaa kow ka aha shardina u aha xabbad joojin, taasoo micnaheeda ahaa in gebi ahaamba dagaaallada socda la joojiyo ilaa seddex bilood, ha yeeshee taasi ma dhicin, dagaalladdi way si socdaan, waxayna u socdaan sidii hore si ka sii xoog badan, waana la wada ogyahay cidda ka masuul ah dagaalladaan joogsan la', madaxweynahana lug kuma laha arrintaas.

Waxase ku lug leh dagaalladdaan socda sida la ogyahay kuwa haddeer la taliyayaal u ah wasiirka kowaad Nuur Cadde.

Nuur Cadde wuxuu gacanta u galay madaxda kuwii fashiliyey dibuhesshiisiinta oo haddana hoggaaminaya kooxaha ka wada dagaallada dalka waxaana taas caddeynaysa in kuwa haddeer ku jira xukumadda oo taageeraya Nuur Cadde, sida Xaabsade, iyo Muuse Nuur Aamiin oo ayagoo ah wasiirro ka tirsan dawladda una weheliyey ninka la yiraahdo xildhibaan Mire, in bilowgi sannadkaan lagu martiqaaday gobolka Shabeellaha Hoose, waxaana u fidiyey martiqaadkaas kooxdii dhawaan laga qaaday xilka madaxtinimada gobolkaas kaddib markii loo adkeysan waayey hagardaamada ay kala soo horjeedeen jiritaanka dawladda fkmg, Xaabsade iyo Muuse Nuur oo ku been sheegtay inay ku socdeen magaca dawladda, waxay bogaadin iyo dhiirri gelin u soo jeediyeen kooxdaas hoggaanka u aha mooriyaanta looga soo horjeeday in maamulka dawladda uu ku fido gobolka Shabeellaha Hoose.

Waxaana la wada ogyahay in kuwaas xoogga ku haystay gobolkaas ay ahayeen isla kuwi la shaqeynayey Yusuf Indhacadde, kuna xirnaa Xasan Daahir Aweys oo ah madaxa kooxda ku harsan Casmara, masuulna ka ah dhammaan dagaallada haddeer ka wada huraya idil ahaan gobollada dalka Somaaliya.

Haddaba, Xasan Daahir Aweys marar badan ayu ku soo ceceliyey inuusan:
1-marna aqoonsaneynin natiijada ka soo baxda shirka dbuheshiisiinta Jibuuti.
2-raalli ka noqonaynin in Soomaaliya la keeno ciidamo shisheeye dal kasta ha laga soo diree.
3-marna wadahadal la galaynin wax dawlad ku meel gaar la yiraahdo.
Marka ninkaan wuxuuba ka soo horjeeda dibuheshiisiin ka hirgasha dalka, waxaana iska cad in ina Daahir Aweys midda keli oo u muuqata inay tahay in dagaalladaan u hoggaaminayo inuu ku qabsado xukunka dalka.

Middaan ku saabsan damaca Xasan Daahir, la yaab ma laha, waxase wax lala yaabo ah in ra'iisalwasaaraha Nuur Cadde oo u muuqdo nin u gacan-haadinaya Xasan Daahir iyo kooxdiisa oo ah kuwa u soo tafaxeetay inay maji-xaabiyaan dawladda fkmg.


Cali Cumar
sablaale1@hotmail.com