Search This Blog

Saturday, October 3, 2009

Qaramada Midoobay oo sheegtay in bishii September oo kaliya ay Soomaaliya ku dhinteen 145 qofood



Dagaallo u dhaxeeya Xoogag Islaamiyiin ah oo iska soo horjeeda iyo Dowladda Soomaaliya iyo Xoogag ka soo horjeeda ayaa waxay sababeen in ay bishii September ee aanu ka soo gudubnay kaliya ay dhintaan dad gaarya 145 ruux, sidoo kalena ay dhaawacmaan 285 ruux, kuwaasi oo dhamaantood ah dad rayid ah.



Afhayeen u hadlay Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxooiga ee UNHCR oo lagu magacaabo Andrej Mahecic ayaa sheegay in dadka geeriyooday iyo kuwa dhaawacmay ay ku waxyeelloobeen dagaallo ka dhacay magaalooyinka Beledweyne, Muqdisho iyo Kismaayo.


“Dadka rayidka ah ee dagaallada ku waxyeellooba ayaa waxaa caado u noqotay in ay noqdaan kuwa ugu badan ee ay dhibaatooyinka ka soo gaaraan dagaallada sii kordhaya ee ka dhacaya Soomaaliya”ayuu yiri Andrej Mahecic oo warfidiyeenno kula hadlayay Magaalada Geneva ee dalka Switzerland.


Andrej Mahecic waxaa uu intaas ku daray in dagaalladaas ay ku barakaceen dad gaaraya 17,000 oo ruux, kuwaasi oo 11,000 oo ka mid ah ay ku barakaceen dagaallada ka dhacaya magaalada Muqdisho kaliya.


Khamiistii aan ka soo gudubnay dagaal u dhaxeeyay Kooxo Islaamiyiin ah oo ka soo horjeeda ayaa wuxuu ka dhacay Magaalada Kismaayo ee xarunta u ah Gobolka Jubbada Hoosel, iyadoo dagaalkaasna uu geystay dhimashada dad ka badan 15 ruux iyo dhaawaca dad kale oo kor u dhaafaya 60 ruux.

Waxaa dhimashadu iyo dhaawaco ka badan yihiin xiligii dagaalka adag Xamar ka socdey, waxaana la yaab leh,madaafiicdan dadka lagu ridayo waxa ay soo kordhin karaan.

Banaadir Post
Xamar.