Search This Blog

Monday, May 25, 2009

Ururka Al-Shabaab Oo Sheegtey Qarixii Ismiidaminta ahaa ee shalay loo geystay Xarun Ciidan Ee Dawladda lahayd

Ururka Mayalka adag Ee Al-shabaab ayaa sheegtay qarax ismiidamin ahaa oo shalay loo geystay xarunta hore ee Keydka Shidaalka oo ay deganyihiin ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Sheekh Xuseen Cali Fiidoow oo ah Madaxa Siyaasadda gobolada Dalka soomaaliya ee Ururka Al Shabaab oo shir jaraaid qabtay ayaa sheegay inay ka dambeeyeen qaraxaasi islamarkaana ay khasaare ugu geysteen Ciidamada Dawlada oo uu ku sheegay daba dhilifyaal Sheekh Xuseen Cali Fiidoow ayaa sheegay in qaraaxsi uu fuliyay wiil dhalinyaro ahaa oo ka tirsanaa ururka al shabaab laguna magacaabi jiray Cabdiqadir Xasan Maxamed Catiir.


Arintan ayaa waxay imanaysaa maalin kadib markii wasiirka warfaafinta dawladda soomaaliya uu ku sheegay in qara ay ka dambeeyaan Ururadda al shabaab iyo Xisbul islaam.


Ururka al shabaab ayaan ahayn markii ugu horeysay oo uu fuliyo qarax ismiidamin ahaa laakiin waa markii 1aad ee ay la beegtaan Ciidamada Dawladda uu hogaamiyo shiikh shariif uu madaxweynaha u yahay.


Banaadir Post

Xamar Cade.

Kulankii ugu ballaarnaa oo maanta Muqdisho ku dhex maray Beesha Mudullood (M/Dheere, Salaad Cali Jeelle iyo Xubno badan oo ka qeyb galay)







Kulankii ugu ballaarnaa ayaa maanta waxaa uu ka dhacay Waqooyiga Muqdisho, kaasoo dhex maray Xildhibaano, siyaasiyiin, waxgarad, odayaal, culumaa'udiin, aqoonyahano iyo haween ayaa waxaa looga hadlay qodobo dhowr ah oo ku wajahnaa danaha Beesha Mudullood taageerada Dowladda iyo iska difaacida weerarada gardarada ah ee dhaliyay barakaca iyo qaxa baahay ee ka jira deegaanada Beesha Mudulood ay ku abtirsato.
Kulankan oo ay ka dhex muuqdeen Xildhibaano iyo Siyaasiyiin caan ah, ayaa waxaa ka mid ahaa xubnaha ka qeyb galay Kulankan Gudoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Maxamed Dheere, xildhibaano ay ka mid yihiin Xuseen Caraale, Salaad Cali Jeelle, iyo Xildhibaano kale.
Kulankaasi ayaa waxaa sidoo kale loogu magac daray kulankii wadatashiga iyo is cafinta, iyadoo ay ka qeybgaleen dad gaaraya 1500- oo xubnood oo isgu jira qeybaha kala duwan ee Bulshada, waxaana sidoo kale lagu ansixiyay in siyaasadda iyo talada Beeshu ay mid noqoto, wixii siyaasad ahna looga dambeeyo raga mas’uulka uga ah Beesha Mudulood Dowladda Federaalka ah.Xildhibaan Xuseen Caraale oo ka hadlay kulankaas ayaa sheegay in aysan marnaba ogolaan doonin waxa uu ugu yeeray duulaanka gardarada ee lagu yahay beesha Mudullood, isagoona ku eedeeyay Alshabaab inay duulaan ku tahay beesha, waxaana uu cadeeyay in Gobolo kale looga soo duulay beeshooda sida uu hadalka u dhigay.
"Alshabaab waa fidno naloo soo diray, sidaad ogtihiin gobolo kale ayaa nagala soo duulay, waxaa la rabaa in caruurteena iyo haweenka la laayo, oo nala barakiciyo"
ayuu yiri Xuseen Caraale Cadaan oo ka tirsan Mudanayaasha Baarlamaanka ee ka soo jeeda Beesha Mudullood.Gudoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Maxamed Dheere oo ka hadlay kulanka ayaa sidoo kale isna sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu kulanka ka soo qeyb galo, isagoona cadeeyay in mowqifkiisa, waxaana uu Beesha u sheegay in aanu Dowladda xilligan ka dooneyn wax jago ah sida uu yiri.
“Waa Ilaah Mahadii inaan maanta ka soo qeybgalo kulan ay isagu yimaadeen Walaalaha Mudulood, waxaana ogahay inay arrintu ahayn sidii hore, balse anigaa hadii aan iska hadlo sida aad la socotaan, waxaa i xiray Cadow, waana ka soo gudbay cidii ka xumaatay iyo cidii ku faraxdayba waan cafiyay, waxaana ogahay inaad ka dhiidhiseen xarigayga, waxaan diyaar u ahay inaan wajaho meel kasta oo aad ii darsataan”
ayuu yiri Maxamed Dheere oo sheegay in aanay u dulqaadan doonin in shacabkooda la barakaciyo, meelaha ay degan yihiin lagu soo tuuro Madaafiic.Sidoo kale Xildhibaan Salaad Cali Jeelle ayaa isna cadeeyay in hadafka kaliya ee Beesha uu yahay mid, isla markaana ay iska difaacayaan cid kasta oo ku soo gardaroota deegaanadooda.
Waxgarad iyo Odayaal oo ka tirsan Beelaha Mudullood oo uu ka mid ahaa Afhayeenka Beelaha Mudullood Muxidiin Xasan Afrax ayaa iyana cadeeyay in dagaalka hada Muqdisho ka socda uu yahay dagaal siyaasadeed balse uusan ahayn dagaal Qabiil, sidaas darteed waxaa loogu baaqay cid kasta ee lug ku leh dagaaladaasi inay ka waan towdo, Beeshana waxay isku raacdo inay iska celiso cid kasta oo ku soo xadgudubta.
Banaadir Post
Mohamed Deeq xaaji Ali

Ahmadou Oulad Abdallah Isagaa Mas'uuliyada oo dhan leh


Waxaa soo baxaya dacwado ka dhan ah Wakiilka UN-ta U qaabilsan Somalia, Ninka lagu magacaabo Ahmadou Oulad Abdalla iyo sida uu u maamulo xaalada Somalia, isaga oo inta badan caalamka ka dhaadhiciyey fikrad Qaldan, oo aanan cid aanan Somalia aheyn ayan waxbadan ka ogaan karin. Wakiilka waxaa uu asxaabtiisa la daneeysa Arimaha Somalia u sheegay in ay wax ku hagaagi karaan oo keli ah, hadii Awooda Dalka faraha loo gesho qabiilo qaarkood, halka uu intooda kalena ku tilmaamay kuwo aanan miisaan xoogan ku laheyn siyaasada Somalia.

Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Somalia Ahmadeu Oulad Abdalla ayaa inta badan hey'adihii u howlgalay qabashadii shirkii Djibouti ee lagu Doortay Sheikh Shariif u sheegay in uu isagu yahay nin Muslim ah, isla markaana uu wax badan oo ku saabsan Islaamnida Somalida soo ogaaday, waxaana uu ku qanciyey in hadii fikrada uu cayaarayo ay ku caawiyaan, ay xiisada Somalia degi doonto, dalkana uu nabad geli doono.
Qaladka 1.aad

Waxaa uu wakiilkan shaqadiisa ka bilaabay khilaafkii u dhaxeeyey Xukuumadii uu madaxweynaha ka ahaa Abdullahi Yusuf Ahmed iyo Kooxihii kasoo horjeeday oo markaa dadweynaha reer Muqdisho ka gadayey DIIN-DOON dagaal la yiraahdo, oo ay dadka u tusayeen in ay u dagaalamayaan Diinta Ilaahay, isla markaana Ciidamada Shisheeye ay ka saari doonaan "Somalia", balse hadii uu wakiilku soo aqrin lahaa taxanaha isdiidka Siyaadsadeed ee Somalia Murgiyey waxaa u cadaan laheyd in ay meeshu tahay goob hoogtay oo ba'day.

Qaada 2.aad

Wakiilku waxaa uu xaqiray indhahana ka qabsaday khilaafka Somalia yaala, isaga oo dhowr jeer ka biya diiday in hanaanka wadahadal ee ka socday Djibouti uu u badalo Xukuumad iyo Mucaarad, waxaana uu ku baxshay naf iyo maalba in Xukuumada Abdullahi Yusuf ay meesha ka baxdo, isaga oo u kaashanayey wadamadii taageerayey xukuumada sida Ethiopia iyo USA oo uu ka dhaadhacshay in meeshu Muqdisho tahay, ayna ku haboontahay in Hogaanka dalka la dhex dhigo kooxaha Diiniga huwan ee Muqdisho iyo Koonfurta Somaliyaba degan, si iyagu ay isugu jeestaan, wadamada Deriskana ay degenaansho u helaan, mar hadaan meesha nabad laga dooneyn, sidaana ay tahay xalka ugu dhaw inta Dowlad loo hanqal taagi lahaa, sidaana waxaa taageero ku helay Ra'iisul Wasaare Nur Cade oo ay isagu Madaxweyne Abdullahi Yusuf uga dhaganeeyd.

Qaladka 3.aad

Wakiilku waxaa uu xooga saaray oo keli ah Kooxaha ka sharciyeeysan Gudaha Muqdisho, kuwaa oo ku abtirsada magaca DIIN-DOON waxaana uu ku haminayey in ay kala bur buraan, una kala qeybsamaan dhowr kooxood oo mid waliba ay wadato shuruudaheeda, iyo wixii markaa u dheeraan kara, si irdihii khilaafka ee Somalia hore uga furnaa ay usii bataan, iyada oo danta laga leeyahayna ay tahay oo keli ah in meel laga abaaro xalka nabadeed la waayo. Waxaa uu xooga saaray in Garabka Shariif oo uu u arkayey in ay taageero dhalasho ku leeyihiin Muqdisho la taageero, si ay meesha isugu sii dhajiyaan, maadaama meesha Somaliyi ka bugto ay tahay Muqdisho.
Qaladka 4.aad

Si kastaba ha ahaatee waxaa uu wakiilku sheegay in shirka Djibouti uusan u baahneyn caqabado badan, sidaa darteedna ay muhiim tahay in shirkan la dedejiyo, maadaama Somalidu ay dareemi karto cayaaraha uu meesha ka wado, waxaana uu inta badan wadamada siyaasadiisan Guracan gatay uu ku qancin jiray in uu yahay Muslim, Somaliduna ay jecel yihiin Muslimiinta kale, sidaa darteedna ayan jirin cid shaki weyn ka qabi karta, waxaase ugu yaab badan in uu sheegay in " Somalidu ayan waxbadan ka cabiri karin jihada ay siyaasadu u socoto, waxa kaliya ee ay daneeyaana ay tahay reer hebel maxeey yiraahdeen, ama reer hebel maxeey ka qabaan shirka", waxaana ay taasi ii sahleeysaa in sidaan doonayey ay wax u socdaan, sidaa darteed waa in shirka la dedejiyaa.

Qaladka 5.aad

Waxaa uu helay wadan isagu leh hal dan ah oo keli ah, waa dalka Djibouti oo isagu mar walba daneeya xukuumad laga maamulo Koonfurta Somalia, waxaa ay Arintaa u noqotay fursad dahab ah, maadaama Wakilku uu qorshihiisa kala soo fogaaday Magaalada Nairobi oo ay degen yihiin inta badan hey'adaha NGO'yada oo iyagu dano gaar ah ka yeelan kara musharixiinta maadaama ay doonayaan in Somalia faraha kula jiraan.
Ugama uusan soo Goorin Nairobi cabsi uu fikradiisa u cabsanayo, waxaa uu ka baqay in Process-ka (Socodka Howsha uu wado) ay ku dheeraato, meeshana khilaaf iyo daba dheeraad uu ka yimaada, waxaana uu ugu dambeyntii isla helay Ra'iisul Wasaare careyysan oo qalin la ordaya iyo shir uga furan Djibouti, waxaana ay u noqotay biloowgii dhamaadkii rajada Somalia.

Ahmadou Oulad Abdalla waxaa uu Somalia uga baahnaa in uu ogaado wixii dalka ka dhacay ee dhibaato iyo xasuuq shacab ahaa, waxaase nasiib daro ah in uu isaga oo Muslim sheeganaya uu sidaan waxyeelo, waxaa Somalidu tiraahdaa "yeelaa wuu hilmaamaa, balse la yeele ma hilmaamo" Waa wax taariikhda u galaya qayaanada uu shacabka dhibaateysan ee weliba koonfurta ku dhex furay, waana dacwad mudan in sare loo qaado oo meelkastaa lala tiigsado.
Banaadir Post

Ma Dagaalaa! Ma Muqdishaa! Ma Dil iyo Qixitaanaa!

Hadal badan kama furna masiibada ka socota magaalada Muqdisho iyo dadka intiisa kale, lagamana aamusi karo oo damiirka ayaa na damqaaya. Waa dhiig daadanaya, meed la guraayo, dhaawac la dhayaayo, bara-kac aan xad laheyn, oohin, riin, aadaar, taah, habaar iyo qaylo dhaan. Waa kala orod, isku habaar wacasho, isgargaarsi iyo Alle bari. Waa dagaal lagu tooganayo mar kale wadnaha Somaaliya, maskaxda Somaaliya, sumadda dawladnimada - caasimada Somaaliya ee Muqdisho.

Waa dagaal ay ku niyad-jabayaan dadka Somaaliyeed oo rajada ka lahaa culimda hor-boodeysa dawladda iyo mucaaradka. Waa dagaal ay ku hoobanyaan dad aan waxba galabsan oo isugu jira caruur, haween, waayeel iyo waxgarad.

Waa dagaal ay ku barakacayaa kumanaan qoys, laguna burburinayo adeegyadii bulshada sida dhibka badan lagu sameysay 19 sano ee lasoo dhaafay.

Waa masiibo kasii masiibo, waa “dab dhaxamooday ee maxaa lagu diiriyaa! waa dawo bukootay ee maxaa lagu dabiibaa”! Waa dhiig xaq-daro iyo dulmi lagu daadinayo! Waa naar loo tartamayo iyo balaayo la hor-boodayo.

Aaway diintii Islaamka oo magaceeda lagu dirirayo? Away Alle ka cabsigii lagu celcelinjiray, qur’aankii la aqrin jiray iyo axaadiistii la daliilin jiray? Dagaallada ka soo cusboonaaday magaalada Muqdisho iyo goobaha kale ee Somaaliya looma fiirinaayo yaa gardaran iyo yaa gar leh.

Haddii gar iyo gardaro la qaadanaayo, waa la xaajoon lahaa, geed hoostiis ayaa la fadhiisan lahaa, markii la hadlana waa la heshiin lahaa. Arinka ah “yaa gar leh iyo yaa gardaran” waxaan ka baqayaa inaan ku heshiin weynno ama garteynna la diido. Waxaan ka cabsanayaa in hadalkeynu ku soo gunaanadmo “Cali Mahdi gar leh Ceydiidna gar leh”.

Erayadaas ku saleysan go’aan qaadasho xumida, waxey sabab u noqdeen dagaaladii lagu hoobtay oo ka dhacay magaalada Muqdisho 1991-92. Hadaba, ma ka fiirinaa dagaallada Muqdisho iyo meelaha kale xagga dhibaatada uu keenayo iyo khasaaraha uu sababayo.

Ma isku raacnaa inaan dhahno, Dawladda KMG iyo xooggagga hubeysan ee mucaaradka ah xaq uma laha, waxeyna ku tahay khalad, iney ku dul dagaalamaan maatada. Haa! dawladda KMG ah waxaa laga rabaa iney soo celiso kala dambeynta iyo qaanuunka. Waxaa laga rabaa iney damaanad qaado nabadda muwaadiniinta, laakiin sidey ku gaareysaa sidaas? Farsamo fiican oo sax ah ayaa looga fadhiyaa dawladda, lagamana sugaayo iney udhaqanto sida jabhad.

Waxaa laga sugaya waa dhaqan dawladnimo iyo ilaalinta xuquuda aadamiga. Dhanka kale, mucaaradka hubeysan haddii uu talo qaadanayo, waxaa haboon iney wada hadal shuruud la’aan ah la furaan dawladda. Laakiin, arinkaas haddii ay diideen, waxaan leenahay haku kor dagaalaminna maatada, gabaadna haka dhigana. Run ahaantii, dadka Somaaliyeed waa fahmi la’yihiin sabata ay ugu kor-dagaalamayaan culimadii shalay ka wacdin jirtay masaajiddada, ugu baaqi jirtay Alle ka cabsi, bari jirtay diinta Islaamka. “ Culumadaan kuwaan arki jirnay ma aha oo waa kuwa la yaab leh, waa kaa qur’aan badayihiin, kaa aftahasanyihiin, hadana waa dagaal oogayaal, dhiigga muslimka xaq-daro ku daadinaya”, sidaas waxaa igu tiri gabar Somaaliyeed oo ka mid ah Somaalida yaaaban. Culimadaas waxey cambaareyn jireen daglaaladda qab-qablayaasha dagaalka, faragelinta shisheeye iyo dhibaatada dabada dheeraatay ee Somaaliya. Culimadaas waxey sheegayeen, weligoodna dhihi jireen “Xalku waa Islaamka”. Waa run oo xalku waa Islaamka, laakiin ma la hubaan in kuwa maanta magaca diinta sheeganayaa ay yihiin xalka? Kuwa maanta isla dhacaya madaafiicda ayaga oo magaca Islaamka wata ma yihiin xalka? Diinta Islaamka kuma xirna aadamiga khaldamaya oo waa saafi, barax-tiran oo tusaaleysa sida Eebbe rabo inaan ugu dhaqanno dhulka dushiisa. Diinta Islaamka laguma cabiro, lagumana garto ficilka dadka sheeganaaya ee waxaa lagu gartaa sida ay ugu qorantahay Qur’aanka, Axaadiista oo ay fasireen culumada Islaamku. Hadaba, bulshada Somaaliyeedmeel kasata oo ay joogaan iyo dadka degan magaalada Muqdisho waxey af-buuxa ku leeyihiin “dagaalka naga joojiya ! Xukunka aad isku haysataan ka xaajooda, waa cadaatay inaadan diin isku haysanee!” Dhab ahaantii, maxaa muddo dheer muuqatay in caqliga siyaasadeed ee Somaaliya uu welli ku jiro marxaladda qaan-gaarnimada, dhaqanna ka dhigtay inuu dulsha ka saaro dhibaatadeyna xooggaga shisheeye. Arinka sidaas maka bedelnaa oo ma isla garannaa in dhibaatada Somaaliya ka jirta Somaalidu masuul ka tahay? Ma aragnaa in dawladaha shisheeye ay gacan siiyaan kooxo Somaaliyeed oo dantooda difaacaya? Inta isla garano sidaas, maka tashanaa sidii aan uxallin laheyn dhibaatadeynna? Nasiib darro, ma tashanaa waa laga waayay siyaasiyiinta Somaaliyeed (wadaadkooda iyo waran-lahooda), xoog ayaa la rabaa in lagu gaaro ujeedooyinka siyaasadeed. Magaalada Muqdisho oo ah caasimadda Somaaliyeed waxaa lagu burbuuriyay, dadkeedii lagu dilay, laguna barakiciyay dagaalladdi dhacayay 1991-2 iyo intii ka dameysay. Waxaa lagu dagaalamayay magaalada dhexdeeda muddo ka badan 19 sanno. Waxaa laga qaxayay muddo 19 sanno ah. Ujeedada lagu dagaalamayo waa xukunka iyo awoodda qaranka in la boobo, waxaana la deegsadaa waa “qabyaalad iyo diin isku jirta ama kala jirta”. Dagaalka maanta ka socda Magaalada Muqdisho, sida la arki jiray laguma kala adkaanayo, wuxuuna u egyahay jug-jug ee meeshaada Joog.

Sidaas ayaa tariikhdu na bartay. Faragelin kasta oo hubeysanna hadda ka hor ma xallin dhibka Somaaliyeed, hadana lama hubo. Dagaalka hadda socda wuxuu leeyahay calaamdihii dagaalkii 1991 ee u dhexeeyay labada garab ee USC oo ay kala hogaaminayeen madaxweyne Cali Mahdi iyo General Moxamed Farax Caydiid. Sidaas oo klae, dagaalka maata waxaa kala hogaaminaya madaxweyne Sheikh Sharif iyo Korneel Sheikh Xassan Dahir Aweys oo kala matilaya labada garab ee Isbaheysiga Dib-uxoreynta. Mar haddii la dagaalamayo, dhan kasta wuxuu aadayaa meel kasta uu kaalmo ka heli karo. Dhan kasta wuxuu adeegsanayaa qabiil, diin iyo Somaalino. Somaalidu lacag iyo hub ay ku dagaalamaan ma haystaan, mana bixin karaan kharaj dagaal muddo dheer soconaya. Waxa lagu dagaalamayaa waa kaalmooyinka dibadda oo ay bixiyaan ururo, shaqsiyaad iyo dawlado shisheeye. Haseyeeshee, waxaa ka fiican dagaalka, nabadda. Waxaa ka fiican dawlad la’aanta dawlad xun.

Waxaa ka fiican ku xirnaasho shisheeye inaad walaalkaa la heshiiso, gar iyo gar-darro. Ugu dambeyntii, caqli saxda wuxuu sheegayaa in la isku dulqaato oo dawladda KMG-ka ah la siiyo fursad ay ku gudato hawlaheeda. Caqliga saliimka ah wuxuu sheegayaa in xabadda la joojiyo oo wada hadal loo fadhiisto.

Caqliga saxda ah wuxuu sheegyaa inaan diinta aan la iska saarin oo aan la isgaaleysiin. Caqliga saliimka ah wuxuu sheegayaa inaan lagu kor dagaalamin maatada. Laakiin, sida muuqata caqli looma baahna! diin looma baahna! Aduuyo looma baahna! Aakhiro looma baahna! Waa waalli xukun, waa wareer caqli iyo garaad-xumo! Waa aafo iyo musiibo. Ilaahow adiga ayaan kaa magan galnay fitnada muuqata iyo midda qarsoon! Ilaahow adiga ayaan kuu sheeganay ee gaargaarkaaga nala soo gaar! Aamiin… Aamiin.. _
_______________
Abdurahman M Abdullahi (Baadiyow) specialized in the history of Islam in the Horn of Africa. He is Chairman of the Board of Trustees of Mogadishu University. You can reach him at


abdurahmanba@yahoo.com