Search This Blog

Monday, May 25, 2009

Kulankii ugu ballaarnaa oo maanta Muqdisho ku dhex maray Beesha Mudullood (M/Dheere, Salaad Cali Jeelle iyo Xubno badan oo ka qeyb galay)







Kulankii ugu ballaarnaa ayaa maanta waxaa uu ka dhacay Waqooyiga Muqdisho, kaasoo dhex maray Xildhibaano, siyaasiyiin, waxgarad, odayaal, culumaa'udiin, aqoonyahano iyo haween ayaa waxaa looga hadlay qodobo dhowr ah oo ku wajahnaa danaha Beesha Mudullood taageerada Dowladda iyo iska difaacida weerarada gardarada ah ee dhaliyay barakaca iyo qaxa baahay ee ka jira deegaanada Beesha Mudulood ay ku abtirsato.
Kulankan oo ay ka dhex muuqdeen Xildhibaano iyo Siyaasiyiin caan ah, ayaa waxaa ka mid ahaa xubnaha ka qeyb galay Kulankan Gudoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Maxamed Dheere, xildhibaano ay ka mid yihiin Xuseen Caraale, Salaad Cali Jeelle, iyo Xildhibaano kale.
Kulankaasi ayaa waxaa sidoo kale loogu magac daray kulankii wadatashiga iyo is cafinta, iyadoo ay ka qeybgaleen dad gaaraya 1500- oo xubnood oo isgu jira qeybaha kala duwan ee Bulshada, waxaana sidoo kale lagu ansixiyay in siyaasadda iyo talada Beeshu ay mid noqoto, wixii siyaasad ahna looga dambeeyo raga mas’uulka uga ah Beesha Mudulood Dowladda Federaalka ah.Xildhibaan Xuseen Caraale oo ka hadlay kulankaas ayaa sheegay in aysan marnaba ogolaan doonin waxa uu ugu yeeray duulaanka gardarada ee lagu yahay beesha Mudullood, isagoona ku eedeeyay Alshabaab inay duulaan ku tahay beesha, waxaana uu cadeeyay in Gobolo kale looga soo duulay beeshooda sida uu hadalka u dhigay.
"Alshabaab waa fidno naloo soo diray, sidaad ogtihiin gobolo kale ayaa nagala soo duulay, waxaa la rabaa in caruurteena iyo haweenka la laayo, oo nala barakiciyo"
ayuu yiri Xuseen Caraale Cadaan oo ka tirsan Mudanayaasha Baarlamaanka ee ka soo jeeda Beesha Mudullood.Gudoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Maxamed Dheere oo ka hadlay kulanka ayaa sidoo kale isna sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu kulanka ka soo qeyb galo, isagoona cadeeyay in mowqifkiisa, waxaana uu Beesha u sheegay in aanu Dowladda xilligan ka dooneyn wax jago ah sida uu yiri.
“Waa Ilaah Mahadii inaan maanta ka soo qeybgalo kulan ay isagu yimaadeen Walaalaha Mudulood, waxaana ogahay inay arrintu ahayn sidii hore, balse anigaa hadii aan iska hadlo sida aad la socotaan, waxaa i xiray Cadow, waana ka soo gudbay cidii ka xumaatay iyo cidii ku faraxdayba waan cafiyay, waxaana ogahay inaad ka dhiidhiseen xarigayga, waxaan diyaar u ahay inaan wajaho meel kasta oo aad ii darsataan”
ayuu yiri Maxamed Dheere oo sheegay in aanay u dulqaadan doonin in shacabkooda la barakaciyo, meelaha ay degan yihiin lagu soo tuuro Madaafiic.Sidoo kale Xildhibaan Salaad Cali Jeelle ayaa isna cadeeyay in hadafka kaliya ee Beesha uu yahay mid, isla markaana ay iska difaacayaan cid kasta oo ku soo gardaroota deegaanadooda.
Waxgarad iyo Odayaal oo ka tirsan Beelaha Mudullood oo uu ka mid ahaa Afhayeenka Beelaha Mudullood Muxidiin Xasan Afrax ayaa iyana cadeeyay in dagaalka hada Muqdisho ka socda uu yahay dagaal siyaasadeed balse uusan ahayn dagaal Qabiil, sidaas darteed waxaa loogu baaqay cid kasta ee lug ku leh dagaaladaasi inay ka waan towdo, Beeshana waxay isku raacdo inay iska celiso cid kasta oo ku soo xadgudubta.
Banaadir Post
Mohamed Deeq xaaji Ali