Search This Blog

Monday, July 14, 2008

Kooxda Banaadir Telcom Oo ka Qeyb galka Tartanka Kooxaha B/B/Afrika Qaab Jufooyin Ah U Qeybsaday









Kooxda ayaa tartankaasi u waday tiradii ugu badneyd oo wafdi ah kaasoo lagu kala xulay qaab heyb ah iyagoo inta badan qaab aad u hoose ah lagu kala siisay ticket safarkaan.

Sida sharciga ah waxaa tartankasi looga talagalay iney ka qeyb galaan 25-xubnood oo ay ku jiraan xubin xiriirk ah iyo garsoore laakiin maamulka kooxd oo isku xulay si heyb hoose ah ayaa tartankaan u kaxeyay in ka badan 30 qofood.

Sida ay sheegayaan warar laga helayo masuuliyiinta kooxdaasi xitaa waxey ka tageen dhowr ciyaartoyd oo markii hore u soo xuleyn iney tartankaasi ka qeyb galiyaan laakiin marki danbe u sheegay iney ehelada aan laga tagi Karin oo ay iska samraan.
Maadaama ay aad u liidato tayada dadka loo waday tartankaasi ayaa waxey dadka la socda kooxdaasi oo diiday in la xigto ay sheegayaan in ceeb iyo waji gabax ay kala soo laaban doonaan tartanka ay ka qeyb galayaan.

Ma han markii ugu horeysay oo qabiilku noqdo mid wax yeeleeya Sportiga Somaliga , hada ka hor ayay ahayd, markii xulka qaranka laga soo xuley Moqdisho oo kaliya, lagana soo xuley, qabiilada la isku yiraahdo HIRAAB, oo kala yihiin Cali Mahdi iyo Caydiid, kuwaas oo la sooo kulma guuldaradii abid Soomali la kulanto.

Waa nasiib daro in waxwalba qabiilku furi noqdo, waxaana la galiyaa meelo aan loogu talagalin amaba uusan ku fiicnayn qabiilku.

Somaliyeey Kala saara Qabiilka iyo waxa dadka ka dhaxeeya.
Banaadir Post....
Mogadisho
Somalia.




"Waxaan dooneynaa in aan la shaqeyno dawladda Soomaaliya ,waxa ayna Africa dooneysaah nabad ka dhalata Soomaaliya" Wakiilka Golaha Amaanka ee Africa u



Wakiilka Golaha amaanka & Midnimada Qaarada Africa uqaabilsan Arimaha Soomaaliya oo labo maalin ka hortagey Magaalada Muqdisho ee Caasumada Soomaaliya ,ayaa maanta ka dhoofay Magaalada Muqdisho isagoo Saxaafada la hadlay


Horey looma ogeyn in Masuulkan uu joogo Magaalada Muqdisho ,wuxuuna intii uu joogey la kulmay Madaxweynaha dawladda Faderaalka ee Jamhuuriyada Soomaaliya Md. C/laahi Yuusuf Axmed & kusimaha raysalwasaaraha Soomaaliya.


Masuulkan wuxuu kala hadlay Madaxda dawladda Soomaaliya arimaha Soomaaliya ,gaar ahaana amaanka & Dibu heshiisiinta ,isagoo sheegay in uu wax weyn ka faa'iiday kulamadii uu la qaatey Madaxweyne Yuusuf.


Wakiilku wuxuu sheegay in uu Madaxweynaha Soomaaliya kala hadlay arimo badan ,uuna Madaxweyne Yuusuf soo dhaweeyey wada hadal walba oo lalagalo Kooxaha ka soo horjeeda dawladda faderaalka ee Soomaaliya uuna doonayo in Soomaaliya lugu soo celiyo nabadgalyo.


Sarkaalkan wuxuu sheegay in uu sidoo kale la kulmay Taliyaasha ciidamada dawladda Soomaaliya & Kuwa Midowga Africa ee jooga Magaalada Muqdisho ee Caasumada Soomaaliya oo uu kala hadlay sugida amaanka ee Magaalada Muqdisho.


" Saraakiisha Africa & Kuwa DFKMGS waxa ay ii sheegeen in loo baahan yahay ciidamo fara badan ,kuwasoo qeyb ka qaata nabad ku soo celinta Caasumada Soomaaliya ,waxa ayna iga codsadeen in Golaha amaanka ee Africa hordhigo arimahan waana hor geynayaa markii aan laabto"

Ayuu yiri Wakiilka Golaha amaanka & Midnimada Qaarada Africa uqaabilsan Arimaha Soomaaliya.


Booqashadan Sarkaalkan ee Magaalada Muqdisho mahan tii ugu horeysay balse waxaa la xasuustaa booqashooyin fara badan oo ku tagey Magaalada Muqdisho ,markii ay halkaasi ka dagayeen Ciidamada Midowga Africa & dagaalo xoog leh oo halkaasi ka socdey.

Banaadir Post
Somalia.

Muqaawinada oo meel walba laga diidey, isna aamini waayay


Maleeshiyooyin ku hubeysan gaadiid dagaal iyo gantaalaha garabka laga tuuro ee Baasuukaha,laawga iyo jebsheyaasha ayaa buux dhaafiyay gobolada dhexe ee Soomaaliya sida ay sheegeen ganacsato iyo xoola dhaqato ku nool,Galgaduud,Hiiraan iyo Shabeeladda dhexe.


Intooda badani waxey ka soo carareen Magaalada Moqdisho ka dib markii ugaarsi aaad u badan lagu hayo,waxaana laga nacey dhulkii laga jeclaan jirey,.


Waxaa jab iyo kala haad ku dhacey dagaaladii Matabaan iyo Guriceel, kii ka dhacey Wanlaweyn, Yaaq bari weyni,waxaa kaloo ka dhumey hogaankii isku hayay,sida Ceyrow iyo Asparo,

waxaa kaloo taageeradii kala noqdey Ganacsatadii sida ba,an u taageeri jirey.


“ Maleeshiyooyin hubeysan ayaa ku soo qulqulayo gobolada,qaarkood lug ayey ku socdaan,qaarkoodna gaadiid dagaal ayey wataan,guutadii ugu balaarneed waxay u gudubtay dhinaca Ceelbuur,sidoo kalana Guri ceel,Matabaan iyo Beledweyne waa wado walbo iyo baasuuke,lamana oga Al-Shabaab iyo garabka Isbaheysiga cida ay yihiin”ayuu yiri ganacsade ku sugan Guri ceel.


Inkastoo la rumeysan yahay in degaanada Ceelbuur,Ceelgaras iyo Dhuuso mareeb ay tahay talisyada ugu waaweyn ee Xoogaga Al-Shabaab hadana warar hoose ayaa sheegaya in Maleeshiyooyinkaan ay tababar soo dhameysteen,qaarkoodna ay ku wajahan yihiin degaanada Puntland oo ay dhalasho ahaan u dhasheen.


Degaanka Matabaan waxaa dhawaan lagu diley hogaamiyeyaal sare oo ka tirsan Maxaakiimta lagana xusi karo,Asparo,Macalin Farxaan,Sheekh Xujaale iyo rag kale oo badan.


Meel laga jecelyahay oo maanta lagu qariyaa ma jirto ALSHABAAB, cabsidii laga qabi jireyna waa yaraatey, laakin weli handadaad way hayaan.


Banaadir Post.

Somalia.

Sarkaal Sare oo ka tirsan Hay'ada WFP oo Caawa lagu dilay degmada Bu'aale.



Maleeshiyo bistoolado ku hubeysnaa ayaa la sheegay in ay Caawa Bu'aale ku qaarjiyeen Sarkaal sare oo cunaqeybinta u qaabilsanaa Hay'ada WFP G/Jubooyinka.

Dilka Sarkaalkaan ayaa ka dhacay sida aan wararka ku heleyno meel maqaayad ah oo markaasi ka casheynayey , waxaana isla Caawa Magaalada gudaheeda dhaqdhaqaq ka bilaabay Maleeshiyo ay isku hayb yihin marxuumkaasi la dilay .

Mas'uulka la dilay ayaa noqonaya kii 5-aad oo samafal ka shaqeya oo la dilo asbuucaan , waxaana Bu'aale ay ka mid tahay meelaha ay ku xooganyihin Maleeshiyada Al-shabab.
Banaadir Post.

Koox ka mida argagixisada Soomaaliya oo sheegatay masuuliyada dilalka shaqaalaha gargaarka lagula koco.



Koox ka mida kooxaha argagixisada ee ku sugan dalka Soomaaliya laguna magacaabo Jabhatul Islaamiya (JIS) ayaa maanta si lama filaan ah u sheegatay masuuliyada dilalka ka dhaca dalka Soomaaliya ee lala eegto shaqalaha heya’daha gargaarka.
Koox ka mida kooxaha argagixisada ee ku sugan dalka Soomaaliya laguna magacaabo Jabhatul Islaamiya (JIS) ayaa maanta si lama filaan ah u sheegatay masuuliyada dilalka ka dhaca dalka Soomaaliya ee lala eegto shaqalaha heya’daha gargaarka.

Nin lagu magacaabo Sheekh Maxamed oo guddoomiye ku xigeen ka ah kooxdan ayaa sheegtay in ay maliishiyooyinkiisu ka dambeeyaan dilalka lagula koco shaqaalaha gargaarka o ay ugu dambeeyeen laba masuul oo ka kala tirsanaa DBG iyo UNDP.


“Waan la beegsan doonaa cid kasta oo ka mida hey’adaha gargaarka,waxaana u sheegeynaa in aanay sinaba nooga bad baadi doonin”

ayuu yidhi Ninkan maanta u hadlay ururuka JIS.


Hadalkan ayaa ahaa mid aad loola yaabay,waxaana uu argagax kusii beeray shaqaale kale oo xaga gargaarka ah oo hada ku sugan dalka Soomaaliya,kuwaas oo aan la garanaynin sida ay suuragal ugu noqon karto in ay sii shaqeeyaan.

Banaadir Post

Xamar Cade.