Search This Blog

Friday, May 22, 2009

War Deg Deg ah :Dagaalo xoogan oo Muqdisho ka qarxay iyo ciidamada dawlada oo saaka saldhigyo badan ka qabsaday xoogaga mucaaradka




Ciidamada dawlada Somalia aya saaka waabarigi ku jarmaaday weeraro xoogan oo dhinacyo badan ay uga qaadeen xoogaga mucaaradka .
Dagaalka saaka oo ahaa mid qorsheysan waxaa ay ciidamada dawlada ku qaadeen dhaw aag oo ay joogeen xoogaga mucaaradka , waxaana ay la wareegeen meelo badan oo Casimada ah sida s/Bakaaraha iyo S/Bacaad iyo sidoo kale saldhigyada Wardhigley , Hodan iyo Hawlwadaag.
Dagaalka oo socda ayaa saacad walbaa sii xoogeysanaya , waxaana cidamada Amisom ay dagaalka kaga qeybgalayaan mdaafiic ay ku qarcaacayaan meelaha ay tuhmayaan in ay dhufeysyo u yihiin xoogaga mucaaradka inkastoo goobo rayid ah ay ku qaraaceen Barakac ayaa dagaalka bar bar socda , waxaana saaka laga qaxayaa dhamaan xaafadaha Caasimada Moqdisho.
Waxaa laga dayrinayaa dadka ka qaxaya guryahooda kuwaas aan haysan ama aan ogeyn meel ay tagaan,waxaana da,aya roob aad u badan oo mahiigaan ah,watana dhibco waaweyn oo dhirta ito teendhooyinku celin karin.
Baaqyo ayaa Somali meel kasta soo dirayaan in la joojiyo dagaalkan,.
Banaadir Post

Sheekh C/raxmaan Janaqoow oo difaacay hogaamiye kooxeedyada ka tirsan dawlada, isla markaasna Xassan Daahir iyo Xassan Turki ku tilmaamay kuwo danbi f

Dawlada ku meel gaarka ah ee Soomaaliya ayaa difaacday hogaamiye kooxeedyada ka tirsan baarlamaanka MQ ee Soomalaiya Iyadoo Xubnaha dawladu sheegeen in ay yihiin kuwo ka soo laabtay wixii xumaan ahaa oo hada diyaar u ah in ay wax ka dhisaan dalka.

Wasiirka garsoorka ee Dawlada ku meel gaarka oo maanta ka qaybgalayay Barnaamijka Hadal haynta Todobaadka ayaa sheegay in xilligaan aanay jirin wax la yiraa Hogaamiye kooxeed iskiis u qaata amar ama hawlgaliya maleeshiyo balse ay jiraan rag ka tirsanaan jiray hogaamiye kooxeedyadii oo hada fahmay danta dalka, dadka iyo dowladnimada waxa ay tahay.

Sheekh Janaqoow ayaa tusaale u soo qaatay Khaalid Binu waliid oo uu sheegay in

uu ahaa hogaamiye dhibaato badan u gaystay Asxaabtii kana qayb qaatay dagaalo badan oo looga soo horjeeday Nabi MUxamad SWC iyo Asxaabtiisii.

Khaalid Binu waliid waxaa uu Markii danbe noqday sarkaal toobadkeenay una adeegay diinta qaatayna awaamiirtii Nabi Muxamad CSW, isagoo markii danbana ka qayb galay dagaalo lagu jabiyay Gaalada iyo kuwii cadawga ku ahaa Islaamka. Ayuu ku dooday Wasiirka garsoorka C/raxmaan Janaqoow.

Waxaa kale oo uu wasiirku sheegay in maanta ay soo baxeen hogaamiye kooxeedyo kale oo badalay Kuwa hada ka tirsan dawlada , waxaana ay ahaayeen Hogaamiye kooxeedyadaani kuwo shalay fiicnaa oo u dagaalamayay Danaha Shacabka balse maanta taa badalkeedii wado wax aan dan u ahayn Shacabka.

Hadii aad Maqli Jirtay Muuse suudi , Qanyare, Maxamad Dheere Waxaa hada aad maqlaysaa Hogsaamiye Kooxeedyo kale oo uu ka xusay Shiikh Xassan Daahir Aweys, Xassan Turki iyo Dr Cumar IImaan. Waana nasiibdaro ayuu yiri janaqoow in maanta loo bixiyo ragii wacnaa shalay magacyo Xun Xun.

Sheekh Cabdiraxmaan Janaqoow oo kamid ahaan jiray Golihii maxkamadaha Islamaka ee uu madaxda ka ahaa Shiikh Shariif, Shiikh Xassan Daahir iyo Dr Cumar IImaana ay ka ahayaeen Gudoomiye iyo gudoomiye kuxigeenka golaha shuurada ayaa sheegay in koox walba oo khilaafta dawlada ama ka soo horjeesata ay Noqonayso Khawaarij Mudan in dagal lagala hortago.

Waxaan ka codsanaynaa shacabka Soomaaliya in ay ka soo qeeb galaal oo ay taageeraan dawlada oo ay iska dhiciyaan kuwa banaystay Dhiiga shacabka Soomaaliyeed ee aad u bixiseen Qaxiyayasha, iyo abaalawayaasha waa sida uu wasiirku hadalka u dhigay
.


Banaadir Post
banaadirpost@gmail.com

Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya: "Dagaalku ma joogsan doono ilaa aan dalka ka xorayno kooxaha ajaaniibta ah ee Banaystay Dhiiga Shacabka Soomaaliye

Prof. Maxamed Cabdi Gaandi Wasiirka Gaashaandhiga Dowlada Faderaalka Soomaaliya ayaa duhurnimadii Maanta shir jaraa’id ku qabtay xarunta Madaxtooyada Soomaaliya isagoo ka hadlayay dagaalada culus ee Muqdisho ku dhexmaraya Ciidamada Dowlada iyo kuwa mucaaradka.

Wasiirku waxaa uu sheegay in Ciidamada Dowladu weerar ku qaadeen kooxaha ka soo horjeeda madaama sida uu sheegay in Dowladu soo dulqaadatay maalmihii la soo dhaafay oo sida uu sheegay iyaga weerar lagu ahaa, wixii hadda ka danbeeyana waxaa uu sheegay inay dowladu qaadi doonto howlgalo ay kooxahaasi kaga saareyso Magaalada oo dhan.
“Weerarka saaka anaga ayaa qaadnay waana mid amaanka Shacabka lagu xaqiijinayo manajoogsan doono dagaalku ilaa iyo inta laga gaarayo hadafka laga leeyahay” ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya oo dhanka kale soo hadalqaaday in Dowladu mar kasta diyaaru tahay inay la xaajooto cid kata oo iyaga ka soo horjeeda islamarkaana diyaar u ah inay nabada qaadato.


"Dagaalku ma joogsan doono ilaa aan dalka ka xorayno kooxaha ajaaniibta ah ee Banaystay Dhiiga Shacabka Soomaaliyeed" ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya Prof.Maxamed Cabdi Gaandi.

Sidoo kale mar wax laga weydiiyay in ciidamada AMISOM ay saaka gacan siinayeen kuwa dowalada ayuu si degan uga jawaabay in Ciidamada Dowladu u baahneyn ciidamada Midowgha Afrika ayna isku filan yihiin marka la eego dhinacyada ka soo horjeeda.

Waxaa kale oo wasiirku sheegay in dagaalada ka socda Muqdisho ay guulo ka gaareen ciidamadoodu islamarkaana ay ciidamadoodu gaareen gobo kala duwan oo aaney horey u tagin.

Wixii dagaalkaas ka soo baxey waad heli doontaan..
Banaadir Post
banaadirpost@gmail.com
mohamed deeq Xaaji Ali
(Majaango)

Safaaradda Suriya oo isu badashay CABDALLA Shideeyihii suuqa Bakaaraha

Waxaa si aan kala joogsi laheyn xabsiyada ku yaala dalalka Suuriya iyo Turkiga ku xeran Dhalinyaro Soomaaliyeed oo si sharci ah ku soo galay dalka Suuriya, kadibna qaab Tahriib ugu soo ambabaxay dalka Turkiga si ay ugu sii gudbaan dalalka Yurub.

Dhalinyaradaasi ayaa Fiisaha dal ku galka ee Suuriya waxaa ay ka helaan Safaarada Soomaaliya dalka Suuriya oo qaab iib ay ku siiso dhalinyarada dooneysa in ay ku yimaadaan Suuriya, iyagoo siista lacag dhan Shan Kun iyo Shan Boqol lacagta Dollarka Mareykanka, waxaana jira Muqalasiin ay Safaarada xiriir la leedahay kuwaasi oo iib geeya.

Dhalinyaradaasi ayaa mararka qaar la kulma xarig iyo in la dhigo xabsiyada Garoomada Dubai iyo Suuriya, kuwaasi oo aysan Safaarada waxba u qaban, hase ahaatee marka ay soo gaaraan Suuriya ay hadana qaab Tahriib ugu sii gudbisaa dalka Turkiga oo xiligan noqday meel ay maraan Soomaalida u tahriibeysa Yurub.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Suuriya Maxamuud Muuse Taray oo aan qadka isgaarsiinta kula xariirnay ayaa inoo suurageli weyday in aan helno si aan wax ugu weydiino dhibaatooyinka Dhalinyaro Soomaaliyeed oo ku jira xabsiyo ku yaala Xuduuda dalka Suuriya, kuwaasi oo mararka qaar dhacda inn loo tarxiilo dalkooda.

Dhinaca kale dhalinyaro boqolaal gaaraya oo iyagana ku xedhan xabsiyada dalka Turkiga jira kuwaasi oo aysan ka war qabin Safaarada Soomaaliya ee ay ku leedahay dalkaasi, waxaana jirta in Safiirka Soomaaliya ee Turkiga horay loogu eedeeyay in uu sabab u ahaa dhalinyaro Soomaaliyeed oo dalkoodii loo tarxiilay kadib markii ay booqan weyday Safaarada Soomaaliya.

Dowladda Federaalka KMG ayaa markii ugu horeysay shaacisay in deeqaha waxbarasho iyo fursadaha kale ee Soomaalida loogu deeqo in qaab masuq maasuq iyo nin jeclsi loo maamuli jiray, waxayna Dowladda ay meesha ka saartay wixii hada ka danbeeya in aysan dhici doonin arrimahaasi, hadalkani ayaa waxaa jeediyay Wasiirka Tacliinta iyo arrimaha Diinta ee Dowladda Prof. Ibraahim Xasan Caddow oo ka hadlayey deeq waxbarasho oo Dowladda KMG loogu deeqay.

Dalka Soomaaliya oo aan ka jirin dowlad la isku raacsan yahay ayaa waxaa jirta Safaarado ay caalamka ku leeyihiin kuwaasi oo u muuqda kuwo aan madalin dalkoodii marka loo eego qaabka ay howsha u wadaan.

Cali Muxiyaddiin Cali

muxiyaddiin@hotmail.com