Search This Blog

Friday, May 22, 2009

Safaaradda Suriya oo isu badashay CABDALLA Shideeyihii suuqa Bakaaraha

Waxaa si aan kala joogsi laheyn xabsiyada ku yaala dalalka Suuriya iyo Turkiga ku xeran Dhalinyaro Soomaaliyeed oo si sharci ah ku soo galay dalka Suuriya, kadibna qaab Tahriib ugu soo ambabaxay dalka Turkiga si ay ugu sii gudbaan dalalka Yurub.

Dhalinyaradaasi ayaa Fiisaha dal ku galka ee Suuriya waxaa ay ka helaan Safaarada Soomaaliya dalka Suuriya oo qaab iib ay ku siiso dhalinyarada dooneysa in ay ku yimaadaan Suuriya, iyagoo siista lacag dhan Shan Kun iyo Shan Boqol lacagta Dollarka Mareykanka, waxaana jira Muqalasiin ay Safaarada xiriir la leedahay kuwaasi oo iib geeya.

Dhalinyaradaasi ayaa mararka qaar la kulma xarig iyo in la dhigo xabsiyada Garoomada Dubai iyo Suuriya, kuwaasi oo aysan Safaarada waxba u qaban, hase ahaatee marka ay soo gaaraan Suuriya ay hadana qaab Tahriib ugu sii gudbisaa dalka Turkiga oo xiligan noqday meel ay maraan Soomaalida u tahriibeysa Yurub.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Suuriya Maxamuud Muuse Taray oo aan qadka isgaarsiinta kula xariirnay ayaa inoo suurageli weyday in aan helno si aan wax ugu weydiino dhibaatooyinka Dhalinyaro Soomaaliyeed oo ku jira xabsiyo ku yaala Xuduuda dalka Suuriya, kuwaasi oo mararka qaar dhacda inn loo tarxiilo dalkooda.

Dhinaca kale dhalinyaro boqolaal gaaraya oo iyagana ku xedhan xabsiyada dalka Turkiga jira kuwaasi oo aysan ka war qabin Safaarada Soomaaliya ee ay ku leedahay dalkaasi, waxaana jirta in Safiirka Soomaaliya ee Turkiga horay loogu eedeeyay in uu sabab u ahaa dhalinyaro Soomaaliyeed oo dalkoodii loo tarxiilay kadib markii ay booqan weyday Safaarada Soomaaliya.

Dowladda Federaalka KMG ayaa markii ugu horeysay shaacisay in deeqaha waxbarasho iyo fursadaha kale ee Soomaalida loogu deeqo in qaab masuq maasuq iyo nin jeclsi loo maamuli jiray, waxayna Dowladda ay meesha ka saartay wixii hada ka danbeeya in aysan dhici doonin arrimahaasi, hadalkani ayaa waxaa jeediyay Wasiirka Tacliinta iyo arrimaha Diinta ee Dowladda Prof. Ibraahim Xasan Caddow oo ka hadlayey deeq waxbarasho oo Dowladda KMG loogu deeqay.

Dalka Soomaaliya oo aan ka jirin dowlad la isku raacsan yahay ayaa waxaa jirta Safaarado ay caalamka ku leeyihiin kuwaasi oo u muuqda kuwo aan madalin dalkoodii marka loo eego qaabka ay howsha u wadaan.

Cali Muxiyaddiin Cali

muxiyaddiin@hotmail.com