Search This Blog

Thursday, May 21, 2009

Abuu Mansuur oo wareejiyay Xilkii Afhayeennimada Ururka Al-Shabaab

Shiikh Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in uu iska casilay xilkii Afhayeennimada Al-Shabaab.

Abuu Mansuur waxaa uu sheegay in uu Afhayeennimada Ururka Al-Shabaab ku wareejiyay Shiikh Cali Maxamuud Raage (Shiikh Cali Dheere) oo Gobollada Dhexe u qaabilsanaa Ururka Al-Shabaab, kaasi oo dhinac fadhiyay Abuu Mansuur markii uu xil-wareejinta sameynayay.

Abuu Mansuur oo ka hadlay munaasabaddii uu xilka ku wareejiyay ayaa wuxuu sheegay in uu muddo soo ahaa Afhayeenka Al-Shabaab, howl badanna uu soo qabtay, haatanna uu ku faraxsan yahay in uu xilkaas ku wareejiyo Shiikh Cali Dheere.

Shiikh Cali Dheere oo isna ka hadlay munaasabadda xil-wareejinta ayaa sheegay in lagu wareejiyay xil culus, wuxuuna tilmaamay in Abuu Mansuur oo soo ahaa Afhayeenkii hore iyo isagoo ah Afhayeenka cusub ay wada shaqeyn doonaan.

Munaasabadda uu Abuu Mansuur xilka ku wareejiyay labada mas’uulba kuma aysan soo hadal qaadin sababta keentay in Abuu Mansuur uu wareejiyo xilkii Afhayeennimada Ururka Al-Shabaab.


Banaadir Post
Moqdisho.
Somalia,