Search This Blog

Thursday, May 21, 2009

RA'IISAL WASAARAHA SOOMAALIYA: “Habka kaliya ee aan isku fahmi karno kooxaha naga soo horjeeda waa dagaal, waana u diyaargarownay in aan sifeyno”

Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharma-arke ayaa sheegay in ay yar tahay rajada ay ka qabaan in ay wada hadallo dhexmaraan kooxaha ka soo horjeeda wuxuuna taasi ku sababeeyay in aySAN kooxahaas lahayn ujeedo siyaasadeed, marka laga reebo in ay doonayaan in ay ku dhuntaan Soomaaliya.

Ra’iisal Wasaare Cumar C/rashiid waxaa uu tilmaamay in markii la soo magacaabay uu rajeynayay in uu wada hadallo u isticmaalo soo af-jaridda colaadda ka taagan Soomaaliya mudada 20-ka sano ku dhow, laakin waxaa uu sheegay in kooxo Islaamiyiin mayal adag oo uu maamulka Washington ku daray liiska argagixisada iyo dagaalyahanno shisheeye ah oo la jira ay doonayaan in ay dalka Soomaaliya fowdo ka dhigaan.

“Uma maleynayo in ay kooxahan ka soo horjeeda Dowladda ay leeyihiin ujeeddo siyaasaded. Waxaan rumeysanahay in dagaalyahannadan shisheeye ay doonayaan in ay Dalka Soomaaliya ka dhigaan mid fowdo ah, kadibna ay ka dhigtaan meel ay ku nabadgalaan.”

ayuu yiri Ra’iisal Wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharma-arke.

Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya waxaa uu intaas ku daray in aysan jirin fursad ay kooxaha ka soo horjeeda kula fariisan karaan, kulana hadli karaan,

“habka kaliya ee aan isku fahmi karno kooxaha naga soo horjeeda waa dagaal, waana u diyaargarownay in aan sifeyno”ayuu yiri Ra’iisal Wasaare Cumar C/rashiid.

Ra’iisal Wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharma-arke waxaa uu ka hadlay qabsashadii Al-Shabaab ee Magaalada Jowhar, wuxuuna sheegay in aysan Xoogaggaas qabsan karin magaalo ka mid ah Soomaaliya, “Shabaab iyo dagaalyahannadooda weligood wax ma xukumi doonaan, wey tegi karaan magalo, wey ku qaadi karaan dagaal ku-dhufo-oo ka-dhaqaaq ah, wey burburin karaan, weyna argagax gelin karaan dadka, laakin wax ma maamuli karaan”ayuu yiri Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya oo u warramayay Wakaaladda Wararka Reuters.

Ra’iisal Wasaare Sharma-arke waxaa uu dhanka kale eedeyn u jeediyay Dowladda Eritrea oo uu sheegay in ay hubeyneyso kooxaha ka soo horjeeda Dowladda Soomaaliya, wuxuuna farta ku fiiqay in ay arrintaas caddeyn u hayaan,

“Waxaan heynaa daliil cad oo ku saabsan in Dowladda Eritrea ay hubeyneyso kooxaha ka soo horjeeda dowladda, duulimaadyo hub wada oo dhankeeda ka yimid ayaa Soomaaliya yimid”ayuu yiri Ra’iisal Wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharma-arke.

Ugu dambeyntiina, Qaramada Midoobay ayaa waxay sheegtay in boqolaal dagaalyahanno shisheeye ah oo ka kala yimid Afrika, Aasiya iyo meelo kale oo caalamka ah ay ku sugan yihiin Soomaaliya, waxayna taasi dalalka deriska la ah Soomaaliya iyo Ciidamada Ammaanka ee reer galbeedka ay ku abuurtay cabsi ah in dalka Soomaaliya uu noqon karo meel saldhig u noqota maleeshiyooyin Islaamiyiin ah oo xiriir la leh Al-Qaacidda.

Banaadir Post..
banaadirpost@gmail.com