Search This Blog

Friday, June 20, 2008

Somalia, accordo raggiunto a Gibuti tra governo di transizione e opposizione








Il governo somalo di transizione (Tfg) e l'opposizione in esilio in Eritrea hanno firmato un accordo politico-militare in serata a Gibuti che prevede, tra l'altro, la cessazione delle ostilità entro 30 giorni per un periodo di tre mesi, rinnovabile. Nel frattempo, l’Onu dovrà mettere a punto il piano per il dispiegamento delle forze di peacekeeping mentre le truppe etiopiche si ritirerebbero dalla Somalia entro 120 giorni; è prevista un’altra riunione entro il 30 luglio per il monitoraggio della tregua. Un’altra cerimonia per la firma dell’accordo secondo ‘al-Jazieea’ si svolgerebbe in data non ancora precisata a La Mecca, in Arabia Saudita. L’intesa è giunta alla fine di colloqui durati oltre una settimana e mediati dall’inviato dell’Onu Ahmedou Ould Abdallah.
In giornata, le due delegazioni hanno avuto un incontro a porte chiuse, i cui contenuti non sono noti; è stato il primo incontro diretto, non mediato dall’inviato Onu.
M A Bupal
Somalia.

Dowladda ingiriiska waxey ku amaantay itoobiya taageeradii ay siisay dawladda federaalka Soomaaliya si ay loola dagaalamo kooxihii ka soo horjeedey ee





Waxaa magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya booqasho ku taagay Wasiiro dowlaha wasaaradda arrimaha dibadda ee dowlada ingiriiska kim howells, iyadoo uu kulan uu la yeeshay Ra’isul Rasaaraha Itoobiya Md.Meles Zenawi.


Kim Howells, iyadoo uu kulan uu la yeeshay iyo Md.Meles Zenawi ayaa waxey ka wada hadleen Xiriirka labada dal , Xaaladda Soomaaliya, La dagaallanka Argagaxisada iyo Arrimihii ugu dambeeyay ee dalalka Djibouti iyo Eritrea.


Dowladda ingiriiska ayaa sheegtay inay ka shaqeynayso sidii uu u hergeli lahaa heshiiska Soomaalida ay ku gaartay dalka Djibouti, wuxuuna mr howells sheegay in dowladda igiriiska ay ka shaqeynayso hirgilinta heshiiskaasi.


Sidoo kale dowladda ingiriiska waxey ku amaantay itoobiya taageeradii ay siisay dawladda federaalka Soomaaliya si ay loola dagaalamo kooxihii ka soo horjeedey ee Ganboyartii

maxaakiimta .


Waxaa kaloo kala hadley hadii la gaaro waqtiga Ciidanka IToopiya ka soo baxayo ay tahay waqti aan wax Xabadi ka dhaceyn Soomaliya gar ahaan Magaalada Moqdisho "Waan ognahay inaad shaqo adag qabateen taas oo loo baahnaa in laga qabto Moqdisho"


Wax la taaban la taaban karo ayaa ka Muuqda Moqdisho, waxaa kaloo muhiim ah heshiiskan lala gaarey kuwa Qunyar socodka ama wanaag doonka waa SH, SHariif iyo ragiisa,gacan ayaan siin doona heshiiskan muhiimka ah.


Waxaan kaloo ka hadlay Ereteria dagaalka ay ku qaadey Jabuuti, ma ahan wax loo dul qaadan karo, dhib kale oo ka dhaca geeska Afrika ayuu yiri.


Mohamed Deeq Xaaji.

Madaxweyne C/laahi yuusuf oo ku eedeeyay dowlada Qadar in ay ammni daro ka wado Soomaaliya






Isagoo wariysi qaasa Siinayay TVga afka Carabiga ku hadla ee Al Jazira Madaxweynaha dowlada Federalka Soomaaliya Cabdullaahi Yuusuf Axmed waxaa uu dowlada Qadar ku eedeeyay in ay Falaal Ammaan Dari ah ka wado Dalka Soomaaliya iyadoo u adeegsanayeesa Buu yiri Dhanka Siyaasada iyo Warbaahinta.


Waxaa imaan Doonta xili ay Wadamada Carabta la xisaabtami doonaan wadan waliba sida uu gacan uga geeystay Sida uu Xasilooni Dari ugu sii jiri lahaa Dalka Soomaaliya,Dowlada Qadar Waxaa ay Weerar dhanka loo Adeegsady Warbaahinta laga soo bilabo TVga Al Jazira ay ku soo qaaday Dalka Soomaaliya” ayuu yiri Cabdullaahi Yuusuf Axmed Madaxweynaha Soomaaliya.


Dhanka kale Cabdullaahi Yuusuf ayaa waxaa uu sheegay in 10 Bisha Soo socota uu dalka Saudi Arabia ka furmi doono kulan lagu sii dhameeystiri doono heshiiskii Dalka Jabuuti ku dhex maray Dowlada KMG Soomaaliya iyo Isbeheeysiga Dib u xoreynta Dalka Soomaaliya.

Madaxweynaha Dowlada KMG Soomaaliya ayaa waxaa uu dowlada Qadar sidoo kale ku eedeeyay in ay ka soo hor jeedo dowlada uu hor kacay isla markaana ay la safan tahay Sida uu sheegay mucaaradka dagaalada Kala soo hor jeeda.


“Ciidamada Ethiopia Waxaa ay dalka Soomaaliya ku soo galeen Heshiis waxaana ay ku baxayaan Xiliga loogu qabtay heshiiskii lagu gaaray Dalka Jabuuti”

ayuu intaa sii raaciyay Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf.


Madaxweynaha ayaa Waxaa uu meesha ka saaray in ay jiraan caqabado hor taagan heshiiskii Jabuuti waxaana uu hoosta ka xariiqay in Ka dowlada ahaan ay ka go’an tahay in ay horay u sii dhaqaajiyaan heshiiskaasi.


Ugu danabeyntii Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf Ayaa waxaa uu sheegay in uu isagu ku rajo weyn yahay in sanadkani kiisa xiga uu dalka Soomaaliya noqon doono mid nabad ah.


Banaadir Post.

Xamar Cade.



Ahmadu "Caalamku heshiiska waa inuu u hiilliyo".








Heshiiska ay dhinacyada Soomaalidu ku gaareen Djibouti wuxuu ku khasbayaa beesha caalamka inay u hiiliyaan Soomaalida, sidaas waxaa yiri Danjire Walad-Cabdalla, oo BBC wareysi dhinacyo badan taabanaya siiyey.


Maalin kahor intii aanuu iman magaalada London, ayuu Danjire Walad-Cabdalla sheegay in isaga iyo Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Ban ki-Moon, ay hakad kusoo sameeyeen Boqortooyada Sucuudiga, halkaas oo ay boqor Cabdalla iyo Amiir Sacuud Al-Feisal, wasiirka Arrimaha Dibadda, ay kala hadleen amuuro ay Soomaaliya kamid tahay.


Qurba-joogta Soomaalida



Laakiin ujeeddada safarka uu danjire Walad-Cabdalla ku tagay magaalada London, ayuu ku sifeeyey inuu qayb ka yahay dadaal uu xafiiskiisa kula xiriirayo jaaliyadda qurba-joogta Soomaaliyeed, kuwaas oo uu sheegay inay laf-dhabar u yihiin xal u helidda colaadda Soomaaliya.
"Qurba-joogta Soomaalidu malaayiin ayeey gaarayaan. Kaalintoodu waa muhiim, maxaa yeelay waa dad yididiillo wanaagsan leh, qiimo badan leh, oo misana ugu yaraan hal bilyan oo doollar u xawila Soomaaliya. Laakiin waxaa lasoo gaaray xilligii ay qiimeyn lahaayeen wixii ay dalkooda u qaban karaan," ayuu yiri danjiruhu.


Dadaal dibloomaasiyadeed


Tan iyo markii uu toddobaadkii hore dallaalay heshiis dhexmaray qaar kamid ah dhinacyada isku haya Soomaaliya, ayuur Danjire Walad-Cabdalla guda gulay dadaal xagga dibloomaasiyadda ah oo uu taageere dhaqaale iyo mid siyaasadeed-ba ugu raadinayo fulinta heshiiskaas.
Talaadadii ayuu xafiiskiisa magaalada Nairobi la shiray xubno ka socday Mareykanka, Midowga Yurub, Norway, Jaamacadda Carabta iyo Midowga Africa, iyagoo sida uu sheegay soo bandhigay yabooh lagu kalsoonaan karo.


"Arrinta ugu muhiimsani waxay tahay in kubaddu ay imminka taallo garoonka Beesha Caalamka. Africa, Carabta, Mareykanka iyo Qaramada Midoobay--dhinacyadaas oo dhan waxay lahaayeen Soomaalidu waa inay wax na tusaan.


Soomaalidu waxbeey hadda dadka tuseen. Sidaas darteed, waa inaan isu geynno taageerada siyaasadeed iyo midda dhaqaaleba," ayuu yiri Walad-Cabdalla.


Heshiiska ma loo dhan yahay?


Mar Danjiraha la waydiiyey sida uu iib-geynayo heshiis aysan kuwada jirin Isbaheysiga ku kacsan DKMG, walibana ay si aan gabbaad laheyn uga maqan yihiin dhinacyo u badan kuwa hubka sita, wuxuu qiray in sida caadada u ah heshiisyada caalamiga ah badankood, aan heshiiska Djibouti loo dhammeyn, laakiin wuxuu intaas raaciyey:


"Heshiiskani waa mid dhex maray inta badan dhinacyada Soomaalida. Waa heshiis dhex maray DKMG ah iyo kuwii gacanta ku hayey Muqdisho, intii u dhaxeysa June illaa December, sanadkii 2006-da. Dabcan waxaa jira canaasir aan qayb ka aheyn heshiiska. Taasina waa caadi. Ma jiro heshiis marka hore la isku raacayo."


Ciidamo caalami ah


Haddaba si loo fuliyo qodobka ah in ciidamo caalami ah oo mug leh ay beddelaan kuwa Itoobiya, ayuu Danjire Walad-Cabdalla sheegay inuu socdo dadaal ah in marka uu Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ansixiyo arrintaas.


Waxaase la waydiiyey bal inuu jiro dal, ama dalal si mutadawacnimo ah askartooda ugu diraya Soomaaliya, iyagoo og tii ka raacday ciidankii Soomaaliya yimid sanadkii 1992-kii.


Isago taas ka jawaabaya, ayuu yiri: "Kuma ciqaabi karno Soomaaliya dabeecadihii hore. Way jiraan Soomaali khalad ka gashay Beesha Caalamka. Laakiin ciqaab jamaaci ah ma sameyn karno. Jiil cusub ayaa soo hanaqaaday. Waxayna ila tahay inay jiraan dalal badan oo Muslim iyo African isugu jira oo doonaya inay caawiyaan walaalohood."


Yaa nabadda diiddan?


Danjire Walad-Cabdalla ayaa sheegay in Soomaalida badankood ay u hammuun qabaan in lasoo afjaro colaadda, marka laga reebo buu yiri koox yar oo qowleysata ah, oo inta carruurtoodii kusoo hubsadeen Yurub iyo Mareykan, iyagu raba inay danohooda gaarka ah eryadaan.


Haddii ay sidaas tahay, may Beesha Caalamku wax ka qabato qowlasatadaas iyo qoysaskooda, ayaa la waydiiyey Walad-Cabdalla, wuxuuna ku jawaabay.


"Waa su'aal aad u wanaagsan. Arrintaasi waa midda uu Golaha Ammaanku ku ansixiyey qaraarkiisii ugu dambeeyey ee tirsigiisu ahaa 1814, faqrada lixaad.


Xannibaad xaddidan ayaa la ansixiyey. Waana tallaabadii ugu horreysay oo kaliya. Dalal waaweyn oo Yurub, Mareykan iyo Canada ay kamid yihiin, ayaa billaabaya inay u kuur-galaan hab-dhaqanka dadka dhalashadooda heysta, kuwaas oo iyagu nolol wanaagsan heysta, balse colaad ka huriya meelo kale."


Ugu dambeyntii, Danjire Walad-Cabdalla ayaa sheegay inuu Boqortooyada Sucuudiga kasoo dhammeeyey in dhinacyada is haya ay si rasmi ah heshiiskii ay gaareen ugu saxiixaan magaalada barakeysan ee Makkah, dabayaaqada bishan.


Banaadir Post.

Xamar Cade.

Jabuuti oo eriday safiirka Eritrea dalkeeda u fadhiyay.







Dowlada Jabuuti ayaa shalay galinkii dambe shaaca ka qaaday inay eriday Safiirka Eritrea u fadhiyay magaalada Jabuuti ee dalka Jamhuuriyada Jabuuti.


Wasiirka arrimaha dibada Jabuuti Maxamed Cali Yuusuf
Wasiirka arrimaha dibada Jabuuti Mudane Maxamed Cali Yuusuf oo Saxaafada kula hadlay xalay qasriga Madaxtooyada Jabuuti ayaa sheegay inay dharkiisa u tuureen safiirka u fadhiyay Eritrea magaalada Jabuuti.


Waxuu sheegay in safiirka ku amreen inuu dalka isaga baxo 12-saacadood isla markaana shalay galinkii dambe uu ka ambabaxay gudaha magaalada Jabuuti.


Wasiirka waxa uu tibaaxay inay guud ahaan gooyeen calaaqadii u dhaxeysay Jabuuti iyo Eritrea, waxuuna ku baaqay dagaal culus oo lala galo ciidamada Eritrea ee xadka Jabuuti ku sugan.


Wasiirka arrimaha dibada Jabuuti waxa uu guulo ka sheegtay dagaaladii dhawaan xadka kala qeybiya labada dal ka dhacay, waxuuna sheegay in ciidamada Jabuuti muujiyeen wadanimo ayna iska difaaceen ciidamada Eritrea.


"Eritrea ciidamadeen badda iyo bariga wey kasoo weerartay, balse waxaa ka qabsaday dagaalkaasi wax aysan ka fileyn Jabuuti, waxaana hubaa inay waligood ka sheekeyn doonaan, wali meydadkooda xadka ayuu yaalaa tabar ay ku aruursato ayay la'dahay" ayuu yiri Wasiirka arrimaha dibada Jabuuti.


Wasiirka waxa uu sidoo kale sheegay inay iyaga diyaar u yihiin habeen iyo dharaar dagaal ay la galaan ciidamada Eritrea ee xadka labada dal ku sugan, waxuuna u mahadnaqaya shacabka Soomaaliyeed oo uu sheegay inay arkeen dhiiga ay la wadaagaan Jabuuti.


"Soomaalida waxey noqdeen dadkii ugu horeeyay oo af iyo adinba lasoo garab is taagay Jabuuti xiligaan dagaalka ay kula jirto Eritrea, dhamaan madaxdii Soomaalida wey inoo yimaadeen weyna noogu tacsiyeeyeen dhimashadii xageena nasoo gaartay qaarkoodna waxey ina soo gaarsiiyeen gargaar ay ciidamadeeda ugu talageen, waana la soconaa inaan isku dhiig nahay" ayuu yiri Wasiirka arrimaha dibada Jabuuti.


Wasiirka waxuu sheegay in goobta labada ciidan isku hor fadhiyaan ay Xukuumada Asmara soo dhoobtay ciidamo badan iyo gaadiidka dagaalka isla markaana ay isku qaban qaabineyso dagaal ay kusoo qaado Jabuuti balse waxuu sheegay inay iyaga ALLE talada saarteen ayna iska celin doonaan.



Si kastaba, xaalada Jabuuti iyo Eritrea ayaa mareysa meeshii abid ugu xumeed iyadoo labada dal laba mar oo hore sidaan oo kale u dagaalameen balse dagaalkaa iminka ee ah kan saddexaad ayaa ah kii ugu xooganaa ee abid labada dal dhex mara.


Banaadir Post

koshin yare.

YAA KA DANBEEYEY DILKII MADAXII HAY'ADDA DARYEELKA CARRUURTA IYO HAWEENKA EE MUQDISHU IYO JOWHA.

Waxaa dhowaan bartamaha Suuqa labaad ee Muqdishu ugu weyn Suuq Bacaad, lagu diley madaxii Hay'add daryeelka Carruurta iyo Haweenka ( Women and Children Care) ee Muqdishu iyo Jowhar, allah u naxariistee Marxuun Mohamed Abdulle Mahdi Qeylow.

Warar isa soo taraaya waxaay muujinaayaan in dilka marxuunka aay ka danbeeyeen shaqsiyeed ku nool wadanka dibaddiisa iyo gudahaba oo aamin-san in noloshii marxuunkii aay ka hor taagneed dano dhaqaale iyo ciifooyin ku saleysnaay is-maan-dhaafyo hore.

Sida aay wararku sheegayaan dilka marxuunka waxaa qarash fara badan ku bixiyey shaqsiyeedyo ku nool wadanka dibaddiisa, laakin qorshaha qaarajinta waxaa qandaraas ku qaatey Haweeney ku nool waqooyiga Muqdishu oo magaceeda lagu soo gaabiyey Shariifo iyo maamulka sarre ee gobalka Banaadir.

Dilka waxaa fuliyey Illaaladda gaarka u ah sargaal sare oo Xafiis ku leh Madaxtooyada Soomaliya ee Muqdishu oo ka soo jeeda jufada Eeybaker Gaab Waceysle ee Abgaal.

Nasiib darro, arrinta Soomaliya waxay taagan tahay" Qeylaa Yeertey waxayna ka yeertey Masaajidka" ee maxaa la sameeyaa?, mar haddii mas'uuliyiintii Gobalka Banadir iyo Saraakiishii Madaxtooyada aay bartamaha Suuqyada waa weyn ku tooganaayeen wax garadkii Soomaliyeed oo aay la soo baxeen ficilladdii ( Maafiyaddii Talyaaniga)
Warsaame.


Yusuf@hotmail.com

Sheekh Shariif Skeeh Axmed “saaxiibadeena ku sugan Asmara ayaan ka dhaadhicineynaa in ay nala qaataan xabad joojintii lagu gaaray Jabuuti”.





Guddoomiyaha is bahaysiga Mucaaradka ee Asmara Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa magaalada Nairobi ka sheegay in uu soconayo dadaal la doonayo xubnaha is bahsyiga ee ku sugan Asmara in laga dhaadhiciyo wax in ay ka badalaan mowqifka ay qabaan ee ka dhanka ah dib u hehsiisiinta dalka.


“Saaxiiabdeena ku sugan Asmara ayaan ka dhaadhicineynaa in ay nala qaataan xabad joojintii lagu gaaray Jabuuti”ayu yiri guddoomiyaha isbahaysiga Asmara Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo magaalada Nairobi ugu warramayay Idaacadda VOA-da qeybteeda afka Englishka.


Guddoomiyaha isbahaysiga Sheekh Shariif Waxaa uu sheegay in hada uu wada hadalo kula jiro xubnaha isbahaysiga ee ku sugan Tuulada Asmara si looga dhaadhiciyo in ay kusoo biiraan barnaamijkii dib u hehsiisiinta ee lagu gaaray dalka Jabuuti.


Dadaalka Sheekh Shariif uu wado ayaa waxaa uu kusoo beegmayaa iyadoo wali xubno ku sugan Asmara oo uu ka mid yahay oday daahir Aweys ay diidan yihiin nabadda Soomaaliya una caaboon yihiin dagaal in ay dalka iyo dadkaba kusii hayaan...
Banaadir Post.
mohamedbupal@hotmail.com

Gudoomiyaha Isbahaysiga Mucaaradka ee Asmara, Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa magaaalada Nairobi kulan kula qaatay safiirka Mareykanka ugu qaabilsan

Kulankan oo ka dhacay magaalada Nairobi ayaa waxaa Sheekh Shariif kala qeyb galay xubno ka mida wafdigiisa sida Shariif Xasan Sheekh Aadan, Prof C/raxmaan Ibbi iyo masuuliyiin kale.

Kulanka ayaa labada dhinac ay diirada iskula saareen heshiiskii ka dhacay Jabuuti iyo sida suura gal looga dhigi karo in dalka oo dhan uu heshiiskaasi ka dhaqan galo, waxaana safiirka Mareykanku uu sheegay dalkiisa in ay ka go’an tahay dabada in uu ka riixo hanaanka nabad raadineed ee Soomaaliya waxaana uu amaanay dowladda Jabuuti iyo wakiilka xoghayaha guud ee Soomaaliya sidii ay isugu howleen marti gelinta kulankii Jabuuti iyo ka mira dhalintiisa ..

Banaadir Post.
mohamedbupal@gmail.com

Warar kulankaa ku dhow dhow ayaa sheegaya In Sheekh Shariif uu masuulkan Mareykanka ah ka codsaday Mareykanku in uu kaalmooyin bini‘aadanimo oo dheeraada lasoo gaaro dalka Soomaaliya oo muddo dheer oo dagaalo sokeeye soconayeen kadib shacabku wali dhibaatoonayaan.

“Mareykanku wuxuu ku dadaalayaa in laga guul gaaro dadaalada nabd raadineed ee soconaya “ayuu masuulkan Mareykanka ahi u sheegay Sheekh Shariif iyo wafdigiisa.Masuuliyiinta Isbahaysigu waxaa ay safiirka Mareykanka u sheegeen in ay aad ugu rajo weynyihiin qodobadii lagula heshiisyay shirkii Jabuuti dhankooda meel mar in ay ka noqdaan.