Search This Blog

Friday, June 20, 2008

Gudoomiyaha Isbahaysiga Mucaaradka ee Asmara, Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa magaaalada Nairobi kulan kula qaatay safiirka Mareykanka ugu qaabilsan

Kulankan oo ka dhacay magaalada Nairobi ayaa waxaa Sheekh Shariif kala qeyb galay xubno ka mida wafdigiisa sida Shariif Xasan Sheekh Aadan, Prof C/raxmaan Ibbi iyo masuuliyiin kale.

Kulanka ayaa labada dhinac ay diirada iskula saareen heshiiskii ka dhacay Jabuuti iyo sida suura gal looga dhigi karo in dalka oo dhan uu heshiiskaasi ka dhaqan galo, waxaana safiirka Mareykanku uu sheegay dalkiisa in ay ka go’an tahay dabada in uu ka riixo hanaanka nabad raadineed ee Soomaaliya waxaana uu amaanay dowladda Jabuuti iyo wakiilka xoghayaha guud ee Soomaaliya sidii ay isugu howleen marti gelinta kulankii Jabuuti iyo ka mira dhalintiisa ..

Banaadir Post.
mohamedbupal@gmail.com

Warar kulankaa ku dhow dhow ayaa sheegaya In Sheekh Shariif uu masuulkan Mareykanka ah ka codsaday Mareykanku in uu kaalmooyin bini‘aadanimo oo dheeraada lasoo gaaro dalka Soomaaliya oo muddo dheer oo dagaalo sokeeye soconayeen kadib shacabku wali dhibaatoonayaan.

“Mareykanku wuxuu ku dadaalayaa in laga guul gaaro dadaalada nabd raadineed ee soconaya “ayuu masuulkan Mareykanka ahi u sheegay Sheekh Shariif iyo wafdigiisa.Masuuliyiinta Isbahaysigu waxaa ay safiirka Mareykanka u sheegeen in ay aad ugu rajo weynyihiin qodobadii lagula heshiisyay shirkii Jabuuti dhankooda meel mar in ay ka noqdaan.