Search This Blog

Friday, June 20, 2008

Jabuuti oo eriday safiirka Eritrea dalkeeda u fadhiyay.







Dowlada Jabuuti ayaa shalay galinkii dambe shaaca ka qaaday inay eriday Safiirka Eritrea u fadhiyay magaalada Jabuuti ee dalka Jamhuuriyada Jabuuti.


Wasiirka arrimaha dibada Jabuuti Maxamed Cali Yuusuf
Wasiirka arrimaha dibada Jabuuti Mudane Maxamed Cali Yuusuf oo Saxaafada kula hadlay xalay qasriga Madaxtooyada Jabuuti ayaa sheegay inay dharkiisa u tuureen safiirka u fadhiyay Eritrea magaalada Jabuuti.


Waxuu sheegay in safiirka ku amreen inuu dalka isaga baxo 12-saacadood isla markaana shalay galinkii dambe uu ka ambabaxay gudaha magaalada Jabuuti.


Wasiirka waxa uu tibaaxay inay guud ahaan gooyeen calaaqadii u dhaxeysay Jabuuti iyo Eritrea, waxuuna ku baaqay dagaal culus oo lala galo ciidamada Eritrea ee xadka Jabuuti ku sugan.


Wasiirka arrimaha dibada Jabuuti waxa uu guulo ka sheegtay dagaaladii dhawaan xadka kala qeybiya labada dal ka dhacay, waxuuna sheegay in ciidamada Jabuuti muujiyeen wadanimo ayna iska difaaceen ciidamada Eritrea.


"Eritrea ciidamadeen badda iyo bariga wey kasoo weerartay, balse waxaa ka qabsaday dagaalkaasi wax aysan ka fileyn Jabuuti, waxaana hubaa inay waligood ka sheekeyn doonaan, wali meydadkooda xadka ayuu yaalaa tabar ay ku aruursato ayay la'dahay" ayuu yiri Wasiirka arrimaha dibada Jabuuti.


Wasiirka waxa uu sidoo kale sheegay inay iyaga diyaar u yihiin habeen iyo dharaar dagaal ay la galaan ciidamada Eritrea ee xadka labada dal ku sugan, waxuuna u mahadnaqaya shacabka Soomaaliyeed oo uu sheegay inay arkeen dhiiga ay la wadaagaan Jabuuti.


"Soomaalida waxey noqdeen dadkii ugu horeeyay oo af iyo adinba lasoo garab is taagay Jabuuti xiligaan dagaalka ay kula jirto Eritrea, dhamaan madaxdii Soomaalida wey inoo yimaadeen weyna noogu tacsiyeeyeen dhimashadii xageena nasoo gaartay qaarkoodna waxey ina soo gaarsiiyeen gargaar ay ciidamadeeda ugu talageen, waana la soconaa inaan isku dhiig nahay" ayuu yiri Wasiirka arrimaha dibada Jabuuti.


Wasiirka waxuu sheegay in goobta labada ciidan isku hor fadhiyaan ay Xukuumada Asmara soo dhoobtay ciidamo badan iyo gaadiidka dagaalka isla markaana ay isku qaban qaabineyso dagaal ay kusoo qaado Jabuuti balse waxuu sheegay inay iyaga ALLE talada saarteen ayna iska celin doonaan.



Si kastaba, xaalada Jabuuti iyo Eritrea ayaa mareysa meeshii abid ugu xumeed iyadoo labada dal laba mar oo hore sidaan oo kale u dagaalameen balse dagaalkaa iminka ee ah kan saddexaad ayaa ah kii ugu xooganaa ee abid labada dal dhex mara.


Banaadir Post

koshin yare.