Search This Blog

Friday, June 20, 2008

Ahmadu "Caalamku heshiiska waa inuu u hiilliyo".








Heshiiska ay dhinacyada Soomaalidu ku gaareen Djibouti wuxuu ku khasbayaa beesha caalamka inay u hiiliyaan Soomaalida, sidaas waxaa yiri Danjire Walad-Cabdalla, oo BBC wareysi dhinacyo badan taabanaya siiyey.


Maalin kahor intii aanuu iman magaalada London, ayuu Danjire Walad-Cabdalla sheegay in isaga iyo Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Ban ki-Moon, ay hakad kusoo sameeyeen Boqortooyada Sucuudiga, halkaas oo ay boqor Cabdalla iyo Amiir Sacuud Al-Feisal, wasiirka Arrimaha Dibadda, ay kala hadleen amuuro ay Soomaaliya kamid tahay.


Qurba-joogta Soomaalida



Laakiin ujeeddada safarka uu danjire Walad-Cabdalla ku tagay magaalada London, ayuu ku sifeeyey inuu qayb ka yahay dadaal uu xafiiskiisa kula xiriirayo jaaliyadda qurba-joogta Soomaaliyeed, kuwaas oo uu sheegay inay laf-dhabar u yihiin xal u helidda colaadda Soomaaliya.
"Qurba-joogta Soomaalidu malaayiin ayeey gaarayaan. Kaalintoodu waa muhiim, maxaa yeelay waa dad yididiillo wanaagsan leh, qiimo badan leh, oo misana ugu yaraan hal bilyan oo doollar u xawila Soomaaliya. Laakiin waxaa lasoo gaaray xilligii ay qiimeyn lahaayeen wixii ay dalkooda u qaban karaan," ayuu yiri danjiruhu.


Dadaal dibloomaasiyadeed


Tan iyo markii uu toddobaadkii hore dallaalay heshiis dhexmaray qaar kamid ah dhinacyada isku haya Soomaaliya, ayuur Danjire Walad-Cabdalla guda gulay dadaal xagga dibloomaasiyadda ah oo uu taageere dhaqaale iyo mid siyaasadeed-ba ugu raadinayo fulinta heshiiskaas.
Talaadadii ayuu xafiiskiisa magaalada Nairobi la shiray xubno ka socday Mareykanka, Midowga Yurub, Norway, Jaamacadda Carabta iyo Midowga Africa, iyagoo sida uu sheegay soo bandhigay yabooh lagu kalsoonaan karo.


"Arrinta ugu muhiimsani waxay tahay in kubaddu ay imminka taallo garoonka Beesha Caalamka. Africa, Carabta, Mareykanka iyo Qaramada Midoobay--dhinacyadaas oo dhan waxay lahaayeen Soomaalidu waa inay wax na tusaan.


Soomaalidu waxbeey hadda dadka tuseen. Sidaas darteed, waa inaan isu geynno taageerada siyaasadeed iyo midda dhaqaaleba," ayuu yiri Walad-Cabdalla.


Heshiiska ma loo dhan yahay?


Mar Danjiraha la waydiiyey sida uu iib-geynayo heshiis aysan kuwada jirin Isbaheysiga ku kacsan DKMG, walibana ay si aan gabbaad laheyn uga maqan yihiin dhinacyo u badan kuwa hubka sita, wuxuu qiray in sida caadada u ah heshiisyada caalamiga ah badankood, aan heshiiska Djibouti loo dhammeyn, laakiin wuxuu intaas raaciyey:


"Heshiiskani waa mid dhex maray inta badan dhinacyada Soomaalida. Waa heshiis dhex maray DKMG ah iyo kuwii gacanta ku hayey Muqdisho, intii u dhaxeysa June illaa December, sanadkii 2006-da. Dabcan waxaa jira canaasir aan qayb ka aheyn heshiiska. Taasina waa caadi. Ma jiro heshiis marka hore la isku raacayo."


Ciidamo caalami ah


Haddaba si loo fuliyo qodobka ah in ciidamo caalami ah oo mug leh ay beddelaan kuwa Itoobiya, ayuu Danjire Walad-Cabdalla sheegay inuu socdo dadaal ah in marka uu Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ansixiyo arrintaas.


Waxaase la waydiiyey bal inuu jiro dal, ama dalal si mutadawacnimo ah askartooda ugu diraya Soomaaliya, iyagoo og tii ka raacday ciidankii Soomaaliya yimid sanadkii 1992-kii.


Isago taas ka jawaabaya, ayuu yiri: "Kuma ciqaabi karno Soomaaliya dabeecadihii hore. Way jiraan Soomaali khalad ka gashay Beesha Caalamka. Laakiin ciqaab jamaaci ah ma sameyn karno. Jiil cusub ayaa soo hanaqaaday. Waxayna ila tahay inay jiraan dalal badan oo Muslim iyo African isugu jira oo doonaya inay caawiyaan walaalohood."


Yaa nabadda diiddan?


Danjire Walad-Cabdalla ayaa sheegay in Soomaalida badankood ay u hammuun qabaan in lasoo afjaro colaadda, marka laga reebo buu yiri koox yar oo qowleysata ah, oo inta carruurtoodii kusoo hubsadeen Yurub iyo Mareykan, iyagu raba inay danohooda gaarka ah eryadaan.


Haddii ay sidaas tahay, may Beesha Caalamku wax ka qabato qowlasatadaas iyo qoysaskooda, ayaa la waydiiyey Walad-Cabdalla, wuxuuna ku jawaabay.


"Waa su'aal aad u wanaagsan. Arrintaasi waa midda uu Golaha Ammaanku ku ansixiyey qaraarkiisii ugu dambeeyey ee tirsigiisu ahaa 1814, faqrada lixaad.


Xannibaad xaddidan ayaa la ansixiyey. Waana tallaabadii ugu horreysay oo kaliya. Dalal waaweyn oo Yurub, Mareykan iyo Canada ay kamid yihiin, ayaa billaabaya inay u kuur-galaan hab-dhaqanka dadka dhalashadooda heysta, kuwaas oo iyagu nolol wanaagsan heysta, balse colaad ka huriya meelo kale."


Ugu dambeyntii, Danjire Walad-Cabdalla ayaa sheegay inuu Boqortooyada Sucuudiga kasoo dhammeeyey in dhinacyada is haya ay si rasmi ah heshiiskii ay gaareen ugu saxiixaan magaalada barakeysan ee Makkah, dabayaaqada bishan.


Banaadir Post.

Xamar Cade.