Search This Blog

Monday, July 7, 2008

Al-Shabaab oo la xaqiijiyay inay dileen madaxii UNDP




Dableey uu watay Sarkaal ka tirsan Xarakadda Al-Shabaab oo lagu magacaabo Timo Jilic ayaa la xaqiijiyay inay khaarijiyeen madaxii Hay'ada UNDP Muqdisho ,marxuum Cismaan Cali Axmed
"Kooxda dishay Marxuum Cismaan Cali Axmed waxaa horkacayay Sarkaal loo yaqaano Timo Jilic Ex Rambow,wuxuuna hore tiro ka labo jeer u weerareen Xafiiskiisa Muqdisho"sidaas waxaa yiri Masuul lagu kalsoon yahay.


Marxuum Cismaan Cali allaha u naxariistee waxaa uu ku geeriyooday Isbitaalka Ciidamadda AMISOM oo lagu daweeynaayay,waxaana la dhaawacmay labo uu ka mid yahay wiil uu dhalay,waloow toogashadiisa ay ku beegneed xilli uu ka soo baxay Masjidka alle,kuna soo dukaday Salaad Jameeco.


Al-Shabaab oo hore u sheegtay inay weerareen Xafiiska Muqdisho sababo la xiriiro inay nalalka damin diideen,waxaa ugaarsiga ay ku hayaan samafalayaasha sabab looga dhigay,xumeyn ay la bartilmaameedsanayaan Qaramadda Midoobay oo ay u arkaan mid ka shaqeyneysa siyaasada ka dhana.


Waxaa la yaab leh waxa ay rabaan sida ay yihiin ama u egyihiin, waxey u egyihiin ku buufis qaadey, Paranoic.


Banaadir Post.

Xamar cade.

Qoxooti Somaliyed oo ku nool Dalka Greek ayaa waxaa lagsoo sheegayaa nolool xumo lasoo daristay kadib markeey Dowlada Dalka Greek udiiday aqoonsi Qox




Qoxooti Somaliyeed oo ku nool Dalka Greek ayaa waxaa laga soo sheegayaa nolol xumo lasoo daristay kadib markeey Dowlada Dalka Greek u diiday aqoonsi Qoxootimo, tasoo kentay ineey gabi ahaanba wayaan waxyabihii ay ku dhisneed nolasha adanaha, sida hoyga, cunada iyo daweeynba.


Rux ka mid ah dadkaas Somaliyed ee ku dhibaateysan wadankaasi greek oo nalsoo xiriiray asagoo naga codsaday inaan magciisa la shaciin u sheegay ineey duruufo adagi lasoo daristay xaladooda nololeedna ay haatan u muqato mid adag, wuxuuna intaa kudaray Dadka Somaliyeed ee jooga Dalka Greek ineey u badanyihiin dumar iyo caruur kuwaaso mararka qaar booliska Wadanka Greek ay kula kacaan falaal ay kamid yihiin kufsi iyo jirdil aan loo abayeelin.


Waxaan ka codsaneynaa Dowlada Fadaraalka Somaliyeed iyo dhamaan bulsha weynta Somaliyeedba ineey gurmad Somalinimo noo soo sameyaan, umada badan oo an tashan karin ayaa halkaan jooga meel ay adaan iyo wax ay sameyaan toona an garaneyn, sidaas waxaa yiri dhibanahaas Somaliyeed ee ka mid ah dadka jooga Dalka Greek.


Dadkaan Somaliyeed ee ku dhibaateysan Wadankasi Greek ayaa markoodi horeba ku yimid si aan kafirsi laheen, halka ay weydisanayaan magan galyo Qoxootinimo, aygoo baxsad un ka ahaa dagaalada macno darada ah ee 19 sano jirsaday, waxaana la orankaraa arintani waxeey tusaale cad utahay inkaarta ku dhacaday bulsha weeyntii Somaliyeed kuwaaso duruufo kala duwani ay ku hayso dunida dacaladeed, ayagoo la ildaran arxan la’aan, mustaqbil la’aan iyo dowlada la’aanba, mana muuqato tanaasul iyo garoowsho ka imaanaya kalifayaashii qaxiyaay umadaas si loo gaaro nabad galyo waarta oo umaadisi ay dib ugu soo noqdaan dalkoodi hooyo.


Banaadir pOST

Madaxii hay’adda UNDP xafiskida magaalada Muqdisho oo caway 3 nin oo bastoolado ku hubeysan ay ku dileen meel an ka fogeeyn gurigiisa.



Madaxii hay’adda UNDP xaafiskeeda Magaalada Muqdisho ayaa caway kadib salaadi makhrib isagoo kasoo baxay Masjidka Kashka oo kuyaal xafada buula-xubeey kuna sii jeeda gurigiisa oo aan ka fogeeyn isla xaafadas ay 3 nin oo bastoolado ku hubeeysan labeegsadeen rasaas ayadoo 3 xabadood oo kamid ah rasasiti ay kusoo rideen dableydaasi ay ka haleeshay madax, ayadoo ninkale oo lasocdayna.


Marxuumkaasi oo u geeriyooday dhaawaca ay u geysteen kooxahaasi hubeysan, ayaa waxaa ay wararku intaa ku darayaan in nin kale oo lasocday u dhawaac kasoo gaaray warerkaasi, aydoo markiiba loola caraaray isbitaalka Ciidamada AMISOM.


Allaha u naxaristee Marxuumkaasi ayaa lagu magacaabi jiray Cusmaan Cali Axmed, ayadoo dadkii yaqaanay ay xaqijiyeen inuu ahaa nin sheekh ah una gar gaara umada Somaliyeed, wuxuuna ifka kagatagay 3 wiil iyo 2 gabdhood.


Weeraradaan qorsheysan oo lagu qarajinaayo ayaa ka ah Magaalada Moqdisho mid cadi ah ayadoo aysan jirin habayaraate cid loo qabto faldanbiyeedkaas abaabulan, tasoo u muuqata in shacabka Somaliyeed u ku socdo dabar goy loogu talagalay in laga dhameeyo dadka waxtarka u ah bulashada Somaliyeed.


Banaadir Post

Xamar Cade.

Aadan Cayrow hooyadii oo baaq u dirtey Mareykanka





Xabiibo Maxamed Aadan oo ah hooyada dhashey Aadan Xaashi Cayrow oo ahaa hogaamiyihii dhanka military-ga kooxaha Al-Shabaab ayaa markii ugu horeysay waxay ka hadashey dilkii Mareykanku ay ku dileen wiilkeeda duqeyn ka dhacdey degmada Dhuusamareeb ee bartamaha Soomaaliya.


Xabiibo Maxamed oo ku sugned dhul miyi ah oo 80 Km u jira magaalada Dhuusamareeb ayaa mar ay halkaasi war ku siisey saxafi Soomaaliyeed oo deegaankaasi booqdey waxay ku muujisey sida ay uga xuntahay dilkii loo geystey wiilkeeda oo ay ku tilmaamay in dilkaasi uu ahaa mid xaqdaro ah oo ay sida sheegtey Xabiibo Maxamed aanu jirin dambi wiilkeedu uu ka galey Mareykanka.


Haweenaydan dhashey Aadan Cayrow ayaa wariyaha wareysiga la yeeshey waxay u sheegtey iyadoo murugaysan in wiilkeedu uu ku dhintey jid sax ah waxaana ay ugu baaqdey xukuumada Mareykanka inay magdhow ka bixiso dilkeeda wiilkeeda oo ay Mareykanku ku dileen duqeyn ka dhacdey deegaanka Dhuusamareeb horaantii 1 May 2008.


Aadan Xaashi Cayrow ayaa ka mid ahaa xubno ay dawlada Mareykanku ku tilmaamtey inay gabaad siiyeen xubno lagu tilmaamay xagjiriin argagixiso ah, waxaana dilkiisa Washington ay ku tilmaamtey in uu ahaa mid muhiim u ahaa dagaalka ka dhanka ah waxa loogu yeero argagixisada.


Banaadir Post

Somalia.

Aaway is-jaceylkii Somalinimo?






Xilligu waxaa uu ahaa Caruurnimadeydii; Waxaannu degganayn Xaafadda Xamar-Jajab, ka soo hor-jeedka Ceelka Xaaji-Rajab; Agagaarka Suuqii "Shaamow" ee Muqdisha.


Aqalka aniga ayaa ugu da'-yaraa,oo dukaannada uga soo adeegi jiray reerka.

Dhowr wiil oo iga waaweynaa, inta badan Dugsi-Quraan iyo xoogsatanimo ayay u kala foofi jireen. Laba Caruur oo iga yar-yaraa, ayaa iska daba-geeriyooday, sabab aanan aqoon darteed.


Aqalkii aannu markaas degganayn, oo ka koobnaa 3-qol oo Carshaan ahaa iyo Deyr gaaban oo ku wareegsanaa, oo ay dhowr Geed oo "Babaay" ahaa ku dhex-yiileen, waxaa xagga koonfureed uga dhegganaa Aqal kale oo Looxaan Rinji Madow la mariyay ka samaysnaa.


Aqalkaas isaga ahaa, waxaa degganayd oo deris nala ahayd Haweeney ay da'deedu meel-dhexaad ahayd, oo uu Allah u dhammeeyay Quruxda muuqata iyo tan qarsoon; hase yeeshee,uusan Allah siinnin wax Ubad ah(Caruur),oo waxay ahayd "Wiil-laay".


Waxaa Haweeneydaas oo uu magaceedu ahaa "Faadumo", qabay nin Ganacsade ahaa, oo isagu badanaaba Beec-mushtar dartiis ugu kala gooshi jiray Muqdisha iyo Gobollada Xagga Woqooyiga dalka.


Eeddo-Faadumo iyo hooyadey"Maano", waxaa ka dhexeeyay derisnimo ka-sokow: is-tixgelin iyo is-walaashi ku dhisnaa Soomaalinnimo iyo Muslinnimo. Waxayna u wada dhaqmayeen sidii laba isku-Uur-hooyo ka soo wada baxay oo kale.


Waagii baryaba, derbigii u dhaxeeyay labada Cid(reer) inta ay soo istaagto Eeddo-Faadumo, ayay cod dheer iigu yeeri jirtay,oo lahayd:-"Muxyaddiin,ii-kaalay eeddo-macaan".


Aniga oo u yeeriddaas maqsuud ka ahaa, ayaan soo ordi jiray, oo weliba soo bidi jiray,una imaan jiray Haweeneyda. Waxay markaas Suuq-yarihii "Shaamow" iiga dirsan jiray:Caleenta Shaaha,Sonkor iwm..


Markaan u soo adeego ka-dib,waxay igu abaalmarin jirtay,lacagta soo harta(baaqiga), oo ay jeebka iigu ridi jirtay, iyada oo i lahayd:-"Ku-iibso Nacnac". Markaas ka-dib, iyada ayaan la quraacan jiray. Waxay badanaaba Quraacdu ahaan jirtay:Canjeero+Ootkac+Shaah-caddays.


Caanaha ay Haweeneydu noogu caddeynaysay Shaaha,waxay ka soo lisi(maali) jirtay Ri' Ari-Carbeed ahayd oo guriga ugu xirnayd. Waxay kaloo i dhihi jirtay:-"Eeddo ii soo laabo duhurkii, aad ila qadeyside". Dib u noqoshada duhurkiise waan ka leexleexan jiray, oo waxaan ka fogaanayay in ay Caruurtu ii arkaan Canug "Dhuuni" ah...!!.


Eeddo-Faadumo,aad ayay iigu laab-furnayd, aniguna waan jeclaa. Waxaan mar maqlayay, iyada oo u warramaysa hooyadey oo leh:-"Maba ii macaana Cunto uusan Muxyaddiin ila cunayn..!!.


Sidii ay arrintu sidaas isaga ahayd, oo ay "ceeshow-milix" la-yaab leh isaga socotay, ayaannu Boos(Jago) ka iibsannay xaafaddii " Anzaloti"(Waaberi), oo markaasna aan ka dhisannay 3-qol oo iyaguna Carshaan ahaa.


Waxaa bilowday qaban-qaabo iyo diyaar-garow la xiriiray u-guuridda Xaafaddii cusbayd. Waxay Eeddo-Faadumo dhowr jeer ku-tiri reerka:-"Haddaad guuri-taktaan,waxaan idinka codsanayaa in aad ii dhaaftaan Gabanka(wiilka);aniguu ila joogayaa, korsanaya, wax-baraya oo weheshanaya"...!!


Laakinse fulinta Codsigaas, wuxuu ku noqday hooyadey, mid culus, oo aaney yeeli karayn marnaba...La soco qaybta 2-aad....


WQ/Muxyaddiin M.Kaalmoy


kalmoi@hotmail.com-