Search This Blog

Monday, July 7, 2008

Aaway is-jaceylkii Somalinimo?






Xilligu waxaa uu ahaa Caruurnimadeydii; Waxaannu degganayn Xaafadda Xamar-Jajab, ka soo hor-jeedka Ceelka Xaaji-Rajab; Agagaarka Suuqii "Shaamow" ee Muqdisha.


Aqalka aniga ayaa ugu da'-yaraa,oo dukaannada uga soo adeegi jiray reerka.

Dhowr wiil oo iga waaweynaa, inta badan Dugsi-Quraan iyo xoogsatanimo ayay u kala foofi jireen. Laba Caruur oo iga yar-yaraa, ayaa iska daba-geeriyooday, sabab aanan aqoon darteed.


Aqalkii aannu markaas degganayn, oo ka koobnaa 3-qol oo Carshaan ahaa iyo Deyr gaaban oo ku wareegsanaa, oo ay dhowr Geed oo "Babaay" ahaa ku dhex-yiileen, waxaa xagga koonfureed uga dhegganaa Aqal kale oo Looxaan Rinji Madow la mariyay ka samaysnaa.


Aqalkaas isaga ahaa, waxaa degganayd oo deris nala ahayd Haweeney ay da'deedu meel-dhexaad ahayd, oo uu Allah u dhammeeyay Quruxda muuqata iyo tan qarsoon; hase yeeshee,uusan Allah siinnin wax Ubad ah(Caruur),oo waxay ahayd "Wiil-laay".


Waxaa Haweeneydaas oo uu magaceedu ahaa "Faadumo", qabay nin Ganacsade ahaa, oo isagu badanaaba Beec-mushtar dartiis ugu kala gooshi jiray Muqdisha iyo Gobollada Xagga Woqooyiga dalka.


Eeddo-Faadumo iyo hooyadey"Maano", waxaa ka dhexeeyay derisnimo ka-sokow: is-tixgelin iyo is-walaashi ku dhisnaa Soomaalinnimo iyo Muslinnimo. Waxayna u wada dhaqmayeen sidii laba isku-Uur-hooyo ka soo wada baxay oo kale.


Waagii baryaba, derbigii u dhaxeeyay labada Cid(reer) inta ay soo istaagto Eeddo-Faadumo, ayay cod dheer iigu yeeri jirtay,oo lahayd:-"Muxyaddiin,ii-kaalay eeddo-macaan".


Aniga oo u yeeriddaas maqsuud ka ahaa, ayaan soo ordi jiray, oo weliba soo bidi jiray,una imaan jiray Haweeneyda. Waxay markaas Suuq-yarihii "Shaamow" iiga dirsan jiray:Caleenta Shaaha,Sonkor iwm..


Markaan u soo adeego ka-dib,waxay igu abaalmarin jirtay,lacagta soo harta(baaqiga), oo ay jeebka iigu ridi jirtay, iyada oo i lahayd:-"Ku-iibso Nacnac". Markaas ka-dib, iyada ayaan la quraacan jiray. Waxay badanaaba Quraacdu ahaan jirtay:Canjeero+Ootkac+Shaah-caddays.


Caanaha ay Haweeneydu noogu caddeynaysay Shaaha,waxay ka soo lisi(maali) jirtay Ri' Ari-Carbeed ahayd oo guriga ugu xirnayd. Waxay kaloo i dhihi jirtay:-"Eeddo ii soo laabo duhurkii, aad ila qadeyside". Dib u noqoshada duhurkiise waan ka leexleexan jiray, oo waxaan ka fogaanayay in ay Caruurtu ii arkaan Canug "Dhuuni" ah...!!.


Eeddo-Faadumo,aad ayay iigu laab-furnayd, aniguna waan jeclaa. Waxaan mar maqlayay, iyada oo u warramaysa hooyadey oo leh:-"Maba ii macaana Cunto uusan Muxyaddiin ila cunayn..!!.


Sidii ay arrintu sidaas isaga ahayd, oo ay "ceeshow-milix" la-yaab leh isaga socotay, ayaannu Boos(Jago) ka iibsannay xaafaddii " Anzaloti"(Waaberi), oo markaasna aan ka dhisannay 3-qol oo iyaguna Carshaan ahaa.


Waxaa bilowday qaban-qaabo iyo diyaar-garow la xiriiray u-guuridda Xaafaddii cusbayd. Waxay Eeddo-Faadumo dhowr jeer ku-tiri reerka:-"Haddaad guuri-taktaan,waxaan idinka codsanayaa in aad ii dhaaftaan Gabanka(wiilka);aniguu ila joogayaa, korsanaya, wax-baraya oo weheshanaya"...!!


Laakinse fulinta Codsigaas, wuxuu ku noqday hooyadey, mid culus, oo aaney yeeli karayn marnaba...La soco qaybta 2-aad....


WQ/Muxyaddiin M.Kaalmoy


kalmoi@hotmail.com-