Search This Blog

Monday, July 7, 2008

Aadan Cayrow hooyadii oo baaq u dirtey Mareykanka





Xabiibo Maxamed Aadan oo ah hooyada dhashey Aadan Xaashi Cayrow oo ahaa hogaamiyihii dhanka military-ga kooxaha Al-Shabaab ayaa markii ugu horeysay waxay ka hadashey dilkii Mareykanku ay ku dileen wiilkeeda duqeyn ka dhacdey degmada Dhuusamareeb ee bartamaha Soomaaliya.


Xabiibo Maxamed oo ku sugned dhul miyi ah oo 80 Km u jira magaalada Dhuusamareeb ayaa mar ay halkaasi war ku siisey saxafi Soomaaliyeed oo deegaankaasi booqdey waxay ku muujisey sida ay uga xuntahay dilkii loo geystey wiilkeeda oo ay ku tilmaamay in dilkaasi uu ahaa mid xaqdaro ah oo ay sida sheegtey Xabiibo Maxamed aanu jirin dambi wiilkeedu uu ka galey Mareykanka.


Haweenaydan dhashey Aadan Cayrow ayaa wariyaha wareysiga la yeeshey waxay u sheegtey iyadoo murugaysan in wiilkeedu uu ku dhintey jid sax ah waxaana ay ugu baaqdey xukuumada Mareykanka inay magdhow ka bixiso dilkeeda wiilkeeda oo ay Mareykanku ku dileen duqeyn ka dhacdey deegaanka Dhuusamareeb horaantii 1 May 2008.


Aadan Xaashi Cayrow ayaa ka mid ahaa xubno ay dawlada Mareykanku ku tilmaamtey inay gabaad siiyeen xubno lagu tilmaamay xagjiriin argagixiso ah, waxaana dilkiisa Washington ay ku tilmaamtey in uu ahaa mid muhiim u ahaa dagaalka ka dhanka ah waxa loogu yeero argagixisada.


Banaadir Post

Somalia.