Search This Blog

Monday, October 6, 2008

Maxamed Dheere oo Madaxda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ku eedeeyay in ay xiriir la leeyihiin Kooxaha ka soo horjeeda Dowladda




Guddomiyihii hore ee maamulka Gobolka Banaadir ee xilka laga qaaday Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) ayaa ka hadlay xirnaashaha garoonka diyaaradaha Muqdisho, hadal uu sii daayay Afhayeenka Dhaqanka ee Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye Axmed Diiriye Cali iyo daciifnimo uu sheegay in ay la yimaadeen madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya oo uu ku eedeeyay in ay xiriir la leeyihiin Kooxaha ka soo horjeeda Dowladda.


Maxamed Dheere oo u waramayay Idaacadda Horn Afrik ee Magaalada Muqdisho waxaa uu sheegay in xirnaashaha garoonka ay sabab u yihiin Shacabka ku dhaqan Muqdisho oo sida uu u yiri dantooda garan waayay iyo dowladda Federaalka oo dadka jiheyn weysay, danahoodana u tilmaami weysay.


“Arrinta garoonka iyo xirnaashihiisa waxaan qabaa in ay la xiriirto dadka ku dhaqan Magaalada Muqdisho oo danahooda garan la’ iyo Dowladda Federaalka oo iyaduna dadka ku jiheyn weysay in ay aayahooda gartaan”


ayuu yiri Maxamed Dheere oo shacabka ku dhaqan Gobolka Banaadir ugu baaqay in ay ka shaqeeyaan sidii ay Garoonka dib ugu furan lahaayeen.


Maxamed Dheere waxaa uu sheegay in Madaxda Dowladda Federaalka ay ku sifoobeen daciifnimo isla markaana ay wax qaban la’ yihiin, isagoo carrabka ku dhuftay in maamulkii uu madaxda ka ahaa ee wax qabanayayna ay xilka ka qaadeen. Waxaa uu ku eedeeyay Madaxda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya in ay xiriir la leeyihiin Kooxaha xiray Garoonka Diyaaradaha Muqdisho, “waxaa la socotiin in iyadoo Muslim iyo Gaallo loo diidan yahay in ay garoonka ka soo degaan oo madaafiic lagu garaacayo,madaxweynihii dalkana uu dhoofi la’ yahay ay Madaxda Xukuumadda ka soo degeen garoonka iyadoo aan wax madaafiic ah lagu tuurin”ayuu yiri Maxamed Dheere oo ka gaabsaday in uu magacaabo madaxda dowladda ee xiriirka la leh kooxaha dowladda ka soo horjeeda.


Waxaa uu ka hadlay hadal uu dhawaan sii daayay Afhayeenka Dhaqanka ee Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye Axmed Diiriye Cali oo ahaa in Masjid ku yaala Magaalada Muqdisho looga dhawaaqay in la bartilmaameedsado Odayaasha Hawiye, lana dilo.


“Saaxibkey Axmed Diiriye waxay ahayd in uu arrintaas mar hore garto, laakin haddii uu mar dambe gartay waa alle mahaddiis, waana ku bogaadinayaa in uu farta ku fiiqo in ay jiraan dad wanaagga ka soo horjeeda”


ayuu yiri Maxamed Dheere oo sheegay in Odayaasha Dhaqanka Beelaha Hawiye looga baahan yahay in afkaartooda u soo bandhigaan sida Axmed Diiriye oo kale.


Maxamed Dheere oo sii hadlayay waxaa uu sheegay in dadka ku dhaqan Magaalada Muqdisho ay u muuqdaan kuwo hadda fahamaya halka ay dhibaatada uga socoto, wuxuuna caddeeyay in loo baahnaa in ay garashadaas la yimaadaan sida uu hadalka u dhigay intii aan la dilin dad badan oo bulshada indho u ahaa, kuwaasi oo ay ku jireen gaancsato uu ka xusay Cabaas Maxamed Ducaale, C/kariin Shiikh Ibraahim Dhiblaawe iyo dad kale oo iyagoo aan waxba galabsan Muqdisho lagu dilay.


Banaadir Post

Magaalada Kismaayo iyo khaladka tirtiridda taariikha qaldan


Shaley aroortii waxay waraku kusoo baxeyn howl gallo ka socda magaalada Kismaayo , kaasi oo ka soo baxey maamulka cusub ee magaaladaasi gacanta ku haaya muddadaan dambe, oo ah burburinta kaniisadii ku tiillada beerta xuriyadda horteeda .

Maamulka ayaa amar ku bixiyey in la burburiyo , kaniidaan halkaasi ku tiil in ka badan 100 sannadood, oo ahayd meelha lagusoo tilmaansado magaalada Kismaayo, taasi oo ay ku sheegeen inay tahay xaaraan in dalka ay ka dhisnaato kaniisado lagu dukanaayo diinta kirishtaanka.

Isla markaana waxaa ay go'aan ku gaareen in laga dhiso masaajid ay muslimiinta amase kuwa la islaamindoono ku tukadaan, lagana joojiyo ku tukashada kirishtaanka, waxyna sheegeen inay dalka oo idil ka burburindoonaan waxii kaniisado ah ee ku yaal, ay tanna tahay tillaabadii oogu horreysey, inkastoo la ogyahay inuu meesha uusan ka fogeen masaajid weyn oo ay Soomaalidu ku tukadaan.

Sheekh Zeylaci ayaan doonayaa inaan weydiiyo gaar ahaan iyo guud ahaan kuwa maamulka magaalada Kismaayo gacana ku haayo, so'aallo fara badan ayaa dhinac walbo iga hareereeyey, marka waan idin soo gudbinayaa, aniga oo aragtideydana raacsandoono, meeshii aan u arko inay ku habboontahay.

Maamulkiinna sharafta leh, waxuu sheegey inay kaniisadaani tahay xaaraan, haddaba weydiinta waxay tahay kuwa go'aankaasi gaarey ma hubsadeen waxa xaaraan iyo xalaal ay kala yihiin, waayo waxaa meesha ku yiil: gidaar ka kooban dhagac iyo sibir, qowlado, iyo guriyo dhir ,xafiisyo, iyo ciidda dalka, iyo gambaleel(jaras)bir ah, oo ay yaalliin sawirro dhax ku sameysan amase waraaqo ku sameysan, oo intaba sita magic la yri " KANIISAD" sida ay Soomaalidu u taqaan.

Haddaba ma intaasi ayaa xaaraan ah, taabashadooda mise magaca ayaad diiddeen oo aad u xaaraanteyseen ciiddii, dhagaxii, sibirkii birtii, haddii ay iftadiinnu taasi tahay macnaheeda waa dal la'aan iyo guryo la'aan, haddiise ay tahay magaca , magica laguu bixiyey ayaa maanta la iska beddelaa, oo mid kale la sameystaa, miyaysan dhicikari leheen, haddii aad magca siisaan oo aad tiraahdaan "maanta waxi ka dambeeyo waa masaajid sheikh hebel , amase masaajid hebel, miyaan lagu tukankarin, mise salad kuma ansaxeyso ciidda Kismaayo iyo masaajiddada Kismaayo.?

Qowladahii ay Soomaalidu degganeyd ee aad ka saarteen ma waxay ahaayeen kuwa ku noolaa dhul xaaraan ah, mise maamul ahaan ayaad ooga soo horjeeddaan dadka aad halkaasi ka saarteen oo arrintiinnu ayaa ahayd mid aad ka fiiriseen dhanka qabyaalad iyo wax aan loo fadhinin?

Miyaysan anfici leheen inaad u rogtaan dugi sare, heer jaamacad, dugsi hoose/dhexe, miyaan laga faa'idi leheen, oo magaalada wax tar miyaysan u lahaan leheen, iyo dadka masaakiinta ah ee aan waxba haaysan in caruurtooda wax lagu baro?.

Sheekhow, miyaan lag dhigi Karin maktabad lagu faafiyo kutubta diinta Islaamka oo noqnkartey meesha oogu qiimo badan ee magaalada ku taal, ayada oo aan la burburin, miyaana sina looga faa'iidi kareen, mise waa xaaraan in meel ay gaalo dhistey wax lagu qabsado, taasina daliilkeeda maxuu yahay diintee laga keeney?

Hantida ku baxdey dhismaheeda iyo burburinteeda, iyo hantida aad maanta dooneysaan inaad ku dhistaan masaajidka oo garabkiisa masaajid uu ku yaal miyaysan dadka iyo dalka wax kale u tari leheen.?

Diinteennaa soo tan qabto "diintiinna ayaad leedihiin, anna teyda ayaan leeyahay"mise taasi waa laga tirey diinteenna, oo sidaan ayaa soo korodhey, sow tii Ilaahay uu nabigeennaa barakeysnaa uu ku yiri"Maanta ayaan diintiinna idin kamiley, Islaamkana idin oggolaadey inuu diintiinna noqdo".

Sheekhow tillaabadaani waa mid aan laga fiirsan , oo u baahneyd marka hore in leys yiraaho, kaniisadaan maxay ku habboontahay oo laga sameen karaa, diinteen, dadkeen, iyo dalkeennaba ooga faa'iidi karaa,waase dhiciweysey, haddaba maxaa talo ah?

Waxaan ka baqayaa in furdadana ay noqoto mid xaaraan ah, waayo waxaa kusoo xidho, maraakiib khamro sida iyo kuwa ay gaalo leeyihiin,marka waa in maraakiibtaasina la burburiyo, dikaddana la burburiyo maadaama khamri oo xaaraan ah lala soo galo, mise waxaad I leedahay dhaqaale ayaan ka hellaa, saa darteed waa xalaaleyneynaa!!

Markeeda hore dhisitaanka kaniisadda khalad bay ahayd waa haddii aan isku raacno, waxayna dhacdey waqti ay Soomaalidu taag u hayn gumeystihii Talyaaniga,taasi waxay ahayd taariikh qaldan, hase yeeshee waxaa lagu saxey mid kasii khaldan, oo kasii xun, waxaanse jeclaan lahaa , in dalka iyo maamulkaba ka faa'iidaan dhismahaasi taariikhiga ah, isla markaana ay taariikhda ku geli lahaayeen wax qabadkooda.

Maantase masaajid uma baahneyn meesha in laga dhiso, waayo waxuu noqonayaa keli mid la qeybsado masaajidkii hore dadka ku tukado, ayada oo la ogyahay halka ay ku tiilley Kaniisada inay ahayd meel xafiiyada dowladda u dhow, inkastoo masaajidka kale uu aga dhowyahay.

Sheekhow maamulkiinna waxuu burburiyey taariikh loo baahnaa in carruurta looga sheekeeyo, hase yeeshee maantase khasaaro mooyaane, wanaag la sheego ma adan sameynin, waxaanse jeclaha ruux kastaa ee dalkaan iyo dadkaan wax u qabanaaya inuu marka hore is weydiiyaa, dadka iyo dalka maxaa looga faa'iideenkaraa, maxaase dhibaato ah ee ooga imaan karo jiritaanka sheygaani.

Qore:Jamaal Maxamed Mursal
jmm278@hotmail.com

Horta Ma Wadaad baa Mukhtaar Rooboow Cali (Abuu Mansuur)Mise?


Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) oo ah Afayeenka Alshabaab ayaa iclaamiyey in dagaal xoogan lagala hortago kooxaha isbaheysiga dib u xureynta Garabka Jabuuti uu hogaamiyo Sheikh Shariif Sheikh Axmed iyadoona hadalkaasi daareen naxtin leh galiyey shacabka reer Muqdisho oo 18 sano ku juray dagaalo aan laheyn u joodooyin iyadoona durbaba ay bilaabeen dadka reer Muqdisho iney ku gacan seyraan Shiikh ku sheeg Rooboow .
Hadalka Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) oo dad badan ka careysiiyey ayaa la dhihi karaa in uu iclaamiyey dagaal fidno ah oo leysaga horkeenaayo xoogagii markii hore isku ahaa Maxkamadaha Islaamka Soomaliyeed hadalkaasina waxaa dad badani u turjuman nayaan burburkii sida ku wii ka dagaalami jiray Dalka Ciraaq oo dad badan ka dhaadhicin jiray iney u dagaalamayan danaha dadka Islaamka ah iyo kan dalka Ciraaq laakiinse markii dambe dad badan markeey dileen ay dadka degaanada ka horyimaadeen oo ay gacan adag isaga qabteen.

Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) oo shir jaraa'id oo qadka Telefanka u qabtay qaar ka mid ah warbaahinta Muqdisho ayaa ugu baaqay xoogaga ka dagaalama gudaha dalka Soomaaliya in ay la dagalamaan isbaheysiga dib u xoreynta Soomaaliya garabka ku sugan dalka Jabuuti Dareen isku mid ah ee ka soo yeeray xoogaga Alshabaab iyo walaalaha Raaskanboono oo ah in ay banaan yihiin dhiigaga Sheikh Shariif iyo kooxaha Isbaheysiga iyadoona hadaladaasi ay u muuqdaan kuwa la doonaayo mar kale in dhiiga muslinka lagu daadiyo Koonfurta Soomaaliya.

Waxaa la hubaa haday dhacaan dagaalka uu cilaamiyey Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) in aysan jiri doonin cid ka faa´´idi doonta iyadoona waxa kaliya oo laga dhaxlaayo ay noqon doontaa Bur bur iyo bara kac hore taana waxay keeni doontaa kooxa hal diin isla wata hadana dhiig iska daadinaayo.

Horta Ma Wadaad baa Mise waa sharwade? Waxaa lahubaa (Abuu Mansuur) waxaa ka warbixiyey dad badan oo uduleela isbadala ka dhacaya dalkeena Soomaaliya isbedeladaasi oo hada aanan bilaaban waxay ku sheegeen dadkaasi oo aan rabin in magacooda lasheegin baa yiri wuxuu haystaa Mabda' qaldan oo soo baxay dagaalkii sokeeye waxaa jira koox culumo sheegatay oo labaxday madhabta (Takthiir) madhabtaasi oo ku caan baxsan ineeyan cunin Hilibka ayaga iney qashaan maahinee.

Kooxdaasi waxay leeyihiin Masaajido u gaar ah, waxay
sameeyaan arin ku cusub Dhaqanka iyo Diinta Islaamka taas oo ah hadii ay qof dumar ah soo galayo waxay usheegaan iney aabeheed iyo hooyadeed Xaaraan isku guursadaan markaasna qasab ku tahay ineey ka soo tagto waalidkeed oo ayaga u go'do taas oo cadeeyn u ah xiligii loo soo qaxay ee 1991 dalalka Kenya iyo Itoobiya waxaa la arkay gabdho badan oo Masaajidada yimid oo Caruurwata ayagoo ka cabanaya in lagu sameeyey Maskax badalid.

Waxaa kaloo aad ula yaabka badnaa isla Marwooyinkaasi kuwa badan ineey ka tageen Ninkoodii iyo Caruurtoodii kadib markeey go'aan sadeen ineey ku biiraan Qoladaa labaxday Takthiir sidaasi darteed Abuu mansuur wuxuu ka mid yahay shar wadayaasha Takthiir ka ah marka malagu tilmaami karo wadaad ama ma uusheegan karo waxaadna ka garaneysaa sida uu u iclaamiyey Colaada ku aadan shacabka Soomaaliyeed ee mudada Dowlad la'aanta ahaa.

Qore:Mohamed Hussein Osman
mxuseen@yahoo.com

Al-Shabaab oo weerartay beesha ABGAAL


Xubin ka tirsan kooxda Al-Shabaab ee dagaalada ka wada koonfurta Somaliya laguna magacaabo Mr. Fu`aad Shangole ayaa warar lagu kalsoon yahay oo ina soo gaaray ey sheegayaan in dhawaan uu soo saaray fadwo ka dhan an mid ka mid ah beelaha Somaliyeed ee daga K/Somaliya, gaar ahaan gobolka Banaadir iyo nawaaxigiisa.


Mr. Shangole oo indhawaalaba laga daweynayay dhaawac kasoo gaaray dagaalo qaraar oo ka dhacay degmada Huruwaa horaantii sanadkan ayaa fadwadan ka jeediyay sida wararka aynu ku heleyno masjidka Abuu-Hureyra ee ku yaal Suuqa Bakaaro, wuxuuna taageerayaasha Al-Shabaab u sheegay in hantida iyo dhiiga dadka dagan laga bilaabo degmada Wardhiigley ilaa lagu geeyo degmada Xarardheere ey xalaal yihiin, islamarkaana ey howlaha Jihaadku ka socon la`yihiin dadka degan deegaanadaasi.


Fu`aad Shangole oo sidoo kale fadwadiisa uu ka jeedinayay masjidka Abuu-Hureyra ee Suuqa Bakaaro ku weeraray odayaasha dhaqanka Hawiye, kuwaasoo uu ku tilmaamay rag fidno isku urursaday islamarkaana wax aan isku dir iyo fidno aheyn soo wadin.


Ma ahan markii ugu horeysay oo uu Mr. Fu`aad ka hadlo deegaanada iyo dhiiga beeshan ee uu iminka u xalaaleeyay taageerayaashiisa, waxaana cajal laga soo duubay mudo sanad ka hor uu sidoo kale ku tilmaamay deegaanadan iyo dadka degenba kuwo gabaad siiya gaalada iyo waxa uu ugu yeeray cadowga oo ku raaxeysta.

Hadalka Fu`aad Shangole ayaa sidoo kale kusoo beegmay xilli ey kooxdiisu iclaamisay dagaal ka dhan ah Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo taageerayaashiisa.


Banaadir Post