Search This Blog

Monday, April 27, 2009

Shiikh Xasan Daahir iyo Yuusuf Indha Cadde oo Kulan Xasaasi ah Galabta ku qaatay Magaalada Muqdisho (Warbixin).


RBC (Muqdisho)waxaa sii xoogaystay Khilaafaadkii u dhexeeyay Garabyada Kooxda Xisbul Islaam oo mar ahayd Koox Awood badan siweyna u mucaaradsan Dowladda Federaalka Somalia.

Kadib markii uu Magaalada Muqdisho soo gaaray Hoggaamiyaha Kooxda Islaamiga Shiikh Xasan Daahir Aweys waxaa Cirka iskusii shareeray Khilaafaadkii u dhexeeyay Xisbul Islaam.
Shiikh Yuusuf Maxamed Siyaad Indha Cadde oo siweyn u Mucaaradsanaa Dr. Cumar Iimaan ayaa la sheegay in uusoo dabcay islamarkaana hadda uu diyaar uyahay in uu dib ula midoobo Kooxda Xisbul Islaam.

Warar Hoose oo ay RBC heshay ayaa sheegaya in Kulamo Muhiim ah ay qaateen Indha Cadde iyo Xasan Daahir Aweys oo ku aadan sidii loo dhamayn lahaa Khilaafaadka udhexeeyay Ururka Xisbul Islaam.

Odayaal iyo Siyaasiyiin katirsan Beesha Ceyr ayaa Yuusuf Indha Cadde kula talinaya in uu ka baaqsado lasafashada Shiikh Aweys islamarkaana uu ku dheganaado Mowqifkiisii ahaa “Naxnu Macal Culamaa” oo macanaheedu yahay ” Culimada ayaan lajirnaa”.
Yuusuf Indha Cadde ayaa la sheegay in uu isku dayay Carqaladaynta Imaashiyaha Shiikh Aweys maadaama uusan Imaatinkiisa kusoo wargelin.

Shiikh Xasan Daahir ayaa la sheegay in Galabta uu ku guulaystay in Yuusuf Indha Cadde uu kusoo biiriyo Xisbigiisa islamarkaana Indha Cadde lasiiyo Jaga Muhiim ah.
Warkan oo ah mid aan kasoo xiganay Saraakiil katisan Kooxda Xasan Daahir ayaa intaas ku daraya in ay kulamadu sii soca doonaan.

Xogtan aan warka ka helnay waxay intaa raacinaysaa in Maalimada Khamiista uu Magaalada Muqdisho ka dhici doono shir Saxaafaddu ay goob joog ka tahay oo lagu Midaynayo Xisbul Islaam Garabyada ay kala Hoggaamiyaan Indha Cadde iyo Dr Cumar Iimaan.

si kastaba ha ahaatee haddii arrinkan rumoobo waxaa cadaanaysa in Yuusuf Indha Cadde iyo Kooxdiisu ay yihiin kuwa is bed-bedel badan oo raaca hadba meeshii ay dantooda ka arkaan.

RBC Muqdisho Somalia



Faarax Axmad Caato
Tafatiraha RBC Radio

Odayaasha Baydhabo oo beeniyey war ka soo yeeray Odayaasha labaxay Midnimada Beelaha Hawiye.

Kulamo ay maalmihii ugu dambeeyey magaalada Baydhabo ku yeesheen odayaasha dhaqanka ee magaaladaasi lana baxay Odayaasha dhaqanka ee beelaha Digil iyo Mirifle ayaa beeniyey war kasoo yeeray dawladda Soomaaliya iyo Odayaasha la baxay Midnimada Beelaha Hawiye.

Kulamadan ayaa diirada lugu saaray warkii ahaa in dhalinyaro udhalatay gobalada Baay iyo Bakool ay doonayaan in ay falal amaan daro kafuliyaan magaalada Muqdisho, islamarkaasna ay laayaan dadka Siyaasiinta ah ee magaalada Muqdisho.

Afhayeenka Odayaasha Baydhabo ayaa ku sheegay warkaasi mid aysan waxba ka jirin,wuxuuna ugu baaqay dawladda Soomaaliya & cidii uu ka soo yeeray warkaas in ay-raali galin deg deg ah kabixiyaan warka ka soo yeeray.


" Hadii aan raali galin laga bixin warkaas, waxaan u aragnaa mid looga soo horjeedo Midnimada iyo sharafta dadkeena, waayo dadkeenu mahan dad aan diinta Islaamka aqoon, cidii isku dayda in ay been ka sheegtana waxaan uaragnaa in ay dan gaar ah naga leeyihiin"

Ayuu yiri hadal hayeen u hadlay Odayaashan.Talaabada jawaabta ah ee ka timid Odayaashan waxa ay noqotay mid aysan fileyn dawladda Soomaaliya iyo Odayaasha labaxay Odayaasha dhaqanka ee Beesha Hawiye, waxaana ladhowrayaa Jawaab celinta ka timaada garabyada Shariif Sheekh Axmed iyo Maxamed Xasan Xaad.


Banaadir Post

Somalia.