Search This Blog

Monday, April 27, 2009

Odayaasha Baydhabo oo beeniyey war ka soo yeeray Odayaasha labaxay Midnimada Beelaha Hawiye.

Kulamo ay maalmihii ugu dambeeyey magaalada Baydhabo ku yeesheen odayaasha dhaqanka ee magaaladaasi lana baxay Odayaasha dhaqanka ee beelaha Digil iyo Mirifle ayaa beeniyey war kasoo yeeray dawladda Soomaaliya iyo Odayaasha la baxay Midnimada Beelaha Hawiye.

Kulamadan ayaa diirada lugu saaray warkii ahaa in dhalinyaro udhalatay gobalada Baay iyo Bakool ay doonayaan in ay falal amaan daro kafuliyaan magaalada Muqdisho, islamarkaasna ay laayaan dadka Siyaasiinta ah ee magaalada Muqdisho.

Afhayeenka Odayaasha Baydhabo ayaa ku sheegay warkaasi mid aysan waxba ka jirin,wuxuuna ugu baaqay dawladda Soomaaliya & cidii uu ka soo yeeray warkaas in ay-raali galin deg deg ah kabixiyaan warka ka soo yeeray.


" Hadii aan raali galin laga bixin warkaas, waxaan u aragnaa mid looga soo horjeedo Midnimada iyo sharafta dadkeena, waayo dadkeenu mahan dad aan diinta Islaamka aqoon, cidii isku dayda in ay been ka sheegtana waxaan uaragnaa in ay dan gaar ah naga leeyihiin"

Ayuu yiri hadal hayeen u hadlay Odayaashan.Talaabada jawaabta ah ee ka timid Odayaashan waxa ay noqotay mid aysan fileyn dawladda Soomaaliya iyo Odayaasha labaxay Odayaasha dhaqanka ee Beesha Hawiye, waxaana ladhowrayaa Jawaab celinta ka timaada garabyada Shariif Sheekh Axmed iyo Maxamed Xasan Xaad.


Banaadir Post

Somalia.