Search This Blog

Sunday, December 7, 2008

Dr Culusow oo maqaal ka qoray heshiisyada DJabouti .


Heshiisyada Jabuuti waa hagardaamada Somalia


Shaki la’aan Shacabka Soomaliyeed wuxuu rabaa, isla markaana mudan yahay: nabad, midnimo, madaxbannani, deris wanaag iyo horumar, hase yeeshe wuxuu diidan yahay inuu nabad dhalanteed ah ku beddesho gumeysi nooc kastaba ha ahaadee, xukun keli-talisnimo iyo ihaano shisheeye.


Ciidammada Ethiopia waxay qabsadeen dalka Soomaliya, waxayna degeen guryihii dadka iyo goobihii adeegga dadweynaha sida Jaamacadihii, Isbitalladi, Dugisyadii Waxbarashada iyo Masaajiddii. Waxay burburiyeen dhaqaalihii dalka oo aad uga sarreyay dhaqaalaha Ethiopia iyo kuwa dalalka Geeska Afrika. Sidaa darted, halganka socda waxaa loo galay is difaac, nabad iyo xorriyad wada socda, sugidda xushmada diinta iyo karaamada Ummadda Soomaliyeed.


Waxaa nasiib darro ah in adduunku ka qaylinayo dhibaatada Burcad-Badeedka Soomaliya kana aamusan yahay dambiyada dagaal ee Ciidammada Ethiopia.Guud ahaan, loolanka siyaasadeed ee u dhexeya Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka waa taarikhi, waana Dastuuri.


Madaxweynaha waxaa isaga qaldamay "Awoodda Magacaabidda" iyo "Daba-dhilifnimo". Ilaalinta Xukuumadda (Golaha Wasiirradda) waa mas’uuliyadda Barlamaanka Federaalka. Waa fawdo in Madaxweynaha la shiro, khudbado u jeediyo Xubnaha Barlamaanka, marka laga reebo waqtiyada ku xusan Dastuurka. Madaxweynaha wuxuu ku xadgudbay mas’uuliyadda iyo karaamada Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Madaxbannanida Maxkamadaha (Cadaaladda).


Dhinaca kale, Heshiisyada Jabuuti waxay higsanayaan shan arrimood oo ka soo horjeeda nabadda, madaxbannanida iyo xuquuqda Ummadda Soomaliya, kuwaaso kala ah:


In laga aamuso, loona fududeeyo Ethiopia dhammeystirka dib u gumeysiga iyo kala qoqobidda Soomaliya, iyo sii wadidda xasuuqa Shacabka Soomaliyeed ugu horreyn kuwa ku nool Konfurta iyo Bartamaha dalka. Sagaalkii (9) bilood ee la soo dhaafay, Isbaheysiga Jabuuti wuxuu la mowqif noqday Ciidammada Ethiopia iyo kuwo Dowladda KMG, kana aamusay tacadiyada iyo dhibaatooyinka joogtada ah ee lagu hayo Shacabka. Maxay tahay qadiyadda cusub ee Isbaheysiga Jabuuti u taagan yahay ee ka duwan tan DFKMG oo horey loogu tilmaamay burcad daba dhilif u ah Ethiopia ?


In meesha laga saaro eedda dambiyada dagaal iyo xadgudubyada xuquuqda aadami ay Ciidammada Ethiopia galeen kaddib markii ay xasuuqeen kumanyaal Soomali ah, isla markaana barakiciyeen, ka hor istaageen waxbarasho iyo daryeel caafimaad dad ku dhow 6 milyan oo u badan haween, caruur iyo waayel. Hadafku wuxuu yahay in dambiyadii dhacay laga dhigo kuwo ka dhexdhacay Soomalida.


In lagu daydo oo la raaco tusaalaha Madaxweynaha Dowladda Federaalka KMG (DFKMG) sida (I) In ciddii rabta inay Madax, xildhibaan iyo Sarkaal ka noqoto Soomaliya ay Ethiopia keento; (II) In naasnuujinta qabiilkaada (taagerayaashaada) ka fiican tahay xaqsoorka iyo sinnaanta bulshada oo asaas u ah dib u dhiska Qaranka Soomaliyeed, taaso abuurtay xirfad cusub ee Kafiil; (III) In ku dhaqanka Dastuurka iyo Sharciga lagu beddelo afminsharnimo, sheegasho awood-sharci aan sal laheyn, adeegsiga ma xishoodayaal iyo markhaati beenaalayaal gaaray inay ku andacoodaan in Ethiopia iyo DFKMG ku soo celiyeen Soomaliya nabad iyo Dowladnimo.


In dagaalka ka socda Soomaliya laga dhigo dagaal u dhexeya Islaamiyiin xag jir ah oo dhinac ah iyo Ciidammo wata magaca DFKMG kana mid yihiin Islaamiyiin qunyar socod ah iyo Ciidammada Ethiopia oo dhinaca kale ah. Dagaalka ka socda Soomaliya wuxuu lahaa laba magac oo kala ah (a) Halgan Dib u Xoreyn oo u dhexeya Ciidammada Ethiopia iyo Xoogagga Dib u Xoreynta Soomaliya iyo (b) Dagaal ah "La Dagaalanka Argagixisada" oo u dhexeya Islaamiyiin Soomali ah oo xag jir ah oo xiriir la leh Al Qaeda/Taliban oo dhinac ah iyo Ciidammo Ethiopia oo Dowladda Mareyknaka taagereyso oo dhinaca kale ah. Ciidammada Ethiopia waxaa la safan Maleeshiyo madax u yahay Madaxweynaha Dowladda Federaalka.


In indhaha beesha caalamka laga jeediyo xaaladda ba’aan ee bani-aadannimo ee Soomaliya iyo in la abuuro colaad iyo khilaaf ka daran kuwii hore si bulshado isu dhiibto, kana tanasusho xorriyadeeda iyo karaamadeeda. Xeeladdaas waxay udub dhexaad u tahay Siyaasadda Taliska Ethiopia.


Qiyaastii 85% Muwaadiniinta Soomaliyeed - gudaha iyo dibeddaba -"waxay ku midoobeen aragtida ah in Dowladda Ethiopia si sharci darro ah ugu soo duushay kuna qabsatay Soomaliya, gaar ahaan Koonfurta iyo Bartamaha, dabayaaqada sannadkii 2006, waxayna isku waafaqeen inay tahay waajib wadani ah in dalka lagu xoreeyo halgan hubeysan."


Muwaadiniintaas waxay siyaabo kala duwan u muujiyeen shucuurtooda gumeysi-diidka ah ayagoo ka qayb galay halganka hubeysan, ka qayb qaatay u doodidda iyo taakuleynta dadka dhibaatada loo geystay, ka qayb galka bannanbaxyo, doodo iyo warsaxaafadeedyo tiro badan oo meelo kala duwan ka dhacay. Dhibaatooyin culus ayaa loo geystay taagerayaashaas, welina loo maleegayaa shirqollo ayadoo la adeegsanayo sirdoonka iyo diblomasiyiinta Ethiopia iyo dad sheeganaya xilal DFKMG.


Heshiisyada Jabuuti waxay wiiqeen midnimadii muwaadinintaas, cadowgana waa ku diirsaday.Lix (6) bilood kaddib markii halganka hubeysan ka bilowday dalka gudihiisa, ayaa Magaalada Asmara ee dalka Eritrea lagu asaasay Isbaheysiga Dib u Xoreynta Soomaliya (IDXS).


Dowladda Eritrea waxay u fidisay IDXS martigelin iyo aqoonsi u sahlay xiriirka Caalamka, hase yeeshe laga abaal-dhacay. Isbaheysiga Jabuuti wuxuu lumiyay fursad uu ku gorgortamo kuna kasbado kalsoonida halgamayaasha intooda badan.Sida ku cad Xeerka IDXS, Aragtida Isbaheysiga waxay aheyd:" dhismaha mujtamac Soomaliyeed oo ka madaxbannan qabyaaladda, leh wacyi iyo garaad ku filan, garanaya wjibaadkiisa iyo xuquuqdiisa kuna raaxeysta gobanimo buuxda, nabadgelyo, cadaalad iyo sinnan.


" Qaababka lagu tala galay in lagu gaaro aragtidaas waxaa ugu muhiimsanaa "Xoojinta jihaadka iyo la dagaalanka cadowga dalka laga xoreynayo" iyo "mideynta maskaxda, muruqa iyo maalka shacabka soomaliyeed si meel looga soo wada jeesto cadowga dalka Soomaliyeed xoogga ku haysta." Aragtidaas waxay ku hartay hadal ku qoran warqad.

Madaxda IDXS waxay ahaayeen koox isu xilqaantay inay hogaamiyayaal iyo afhayeen u noqdaan halganka Dib–u-Xoreynta ee ka socday dalka gudihiisa, isla markaana ay ka tarjumaan si sax ah himilada Shacbiga Soomaaliyeed oo ka duwan himilada qof, koox iyo deegan gaar ah. Mas’uuliyadda koowaad ee Madaxda Isbaheysiga waxay aheyd xoojinta halganka hubeysan iyo hirgelinta Mabaadi’da Xeerka Isbaheysiga, hase yeeshe ay ku fashilmeen. Waa adag tahay in la raaco Madax go’ankeedu ku saleysan yahay damac siyaasadeed halkii uu ku saleysnaan lahaa Mabaadi’da iyo hadafka qadiyad cad.


Markii Isbaheysiga Dib u Xoreynta burburay, Khabiir ku takhasusay arrimaha Soomaliya oo isbarbardhigayay DFKMG iyo IDXS wuxuu sheegay in wax badan rajada nabadgelyo, midnimo, qarannimo iyo dib u dhiska Soomaliya ku xirneyd Isbaheysiga, hase yeeshe rajadaas hadda dhimatay. Madaxda Isbaheysiga Jabuuti oo heshiis Qarsoodi ah la gashay Wakiilka Qarammada Midoobay bishii Abriile 2008, waxay ka tanasuleen wada-tashi-la’aan Mabda’a ahaa in halganka ka socda Soomaliya u dhexeeyo Xoogagga Dib u Xoreynta Soomaliya iyo Ciidammada Ethiopia sida ku cad xeerka IDXS. Waxay kaloo oggolaadeen in ugu dambeyn Isbaheysiga Jabuuti ku biiro Dowladda Federaalka Soomaliya. Arrimahaas waxay abuureen dareen ah in hal-ku-dhegyada difaaca dalka hooyo, Diinta Islaamka, midnimada iyo naf-huridda ahaayeen hadoof. Shardiga ahaa inaan lala xaajon DFKMG wuxuu ku saleysnaa xigmadda ah in Dib u Xoreynta Dalka hooyo oo waajib muqaddas ah aan lagala gorgortamin qof Soomali ah.


Muhimadda kale ee shardigaas waxay ku saleysneyd in la xaqiijiyo in faragelinta ciidan iyo siyaasadeed ee Ethiopia aysan mar-dambe dhicin.Soomalida ka barbar dagaalamaysa Ciidammda Ethiopia waxay la mid yihiin "Calol-u- shaqeystayaal ama Maleeshiyo" ay Ethiopia soo tababartay, soo hubeysay, kana amar qaata. Dadweynuhuu waxay u bixiyeen "Kopy Amxaaro" kuwaasoo loo soo tababaray dilka, dhaca iyo kufsiga Shacbiga Soomaliyeed. Looma soo tababarin inay dadkooda iyo dalkooda ka difaacan cadowga gudaha iyo dibedda sida Ethiopia. Nuxurrada saddexda heshiis ee Jabuuti waxay la mid ahaayeen nuxurka heshiiskii Qarsoodiga ahaa ee Nairobi.


Waxaan qabaa in dhallilaha ka soo yeeraya Madaxweynaha Dowladda Federaalka ay yihiin kuwo horey loo ogaa, laguna tala galay inay imaanayaan, hase yeeshe la sugayo qaabka loo maareyn doono. Arrimaha kale ee Heshiisyadaas si cad u tilmaamayaan waxaa ka mid ah:


Inay tahay dambi la dagaalanka Ciidammada Ethiopia iyo kuwa DFKMG. Madaxda IDXS-GJ waxay ku dhawaaqeen in halgankii dhammaaday, lagana sugayo in la beddelo magaca Isbaheysiga ama laga guuro. In calema-saarka Madaxda IDXS-GJ ka horreyneyso xaqiijinta sugidda madaxbannanida dalka, ilaalinta karaamada, Garsoorka iyo magdhowda shacabka dhibbanayaasha ah.


In dadkii ka qayb galay ama taageray halganka Dib u Xoreynta ay noqonayaan eedeysanayaal haddii aysan aqbalin digniinta Madaxda IDXS-GJ. Digniintaasoo ah: " Nabadda ha la qaato, Is badbaadiya, Caynsada wixii idiin haray, ka qayb gala Dowladda Federaalka KMG oo sharci ah, waqtigana u kordhineyno." In Ciidammada Ethiopia nabad ka dhigeen Muqdisho iyo Soomaliya, dalkana sii joogan inta laga helayo ciidan ajnabi ah ee beddela. In ka bixitaanka Ciidammada Ethiopia dalka Soomaliya ku xiran tahay shan arrimood:


(i) In dalka la keeno ciidammo ka tirsan Qarammada Midoobay oo ku filan xasilintiisa;


(ii) In la hawlgeliyo ciidan 10,000 dhan ee ka soo jeeda DFKMG-IDXS, oo Dowladda Ethiopia tababareyso.


(iii) In la ciribtiro argagixisada hal qofba allaha ka dhigee;


(iv) In codsi rasmi ah ee ka yimaado DFKMG;


(v) In Dowladda Ethiopia ka taliso, jaangoyso siyaasadda Soomaliya sida kilinka 5aad ee Ethiopia. Waxaa xusid mudan in ka bixitaanka Ciidammada Ethiopia macnaheedu aheyn in Soomalidu u Madaxbannan tahay aayo-ka-tashiga dhexdeeda ah. Isla markaa ma jirto dammaanad iyo awood caalami ah ee ku khasbeysa Dowladda Ethiopia inay fuliso heshiisyo dhexmaray labo dhinac ee Soomali ah.


Mar kasta waxaa soo bixi doona koox gabbaad ka dhiganeysa Ethiopia sida DFKMG iyo Isbaheysiga Jabuuti.In la dhiso Barlamaan ah 550 xildhibaan oo 275 ka mid ah aan la aqoon waqtiga iyo sida lagu soo xuli doono. In la dhiso Maxkamad caalami ah oo Dacwooyin ku soo oogta Soomalida. Waxay eg tahay in Dowladda Ethiopia gudbin doonto dacwadaha.


Si mushkiladda Soomaliya loo murgiyo inta ka horreysa dhammaadka sannadkaan, Ururka IGAD oo Ethiopia Madax ka tahay wuxuu go’aamiyay 29kii Okoobar 2008 in Dowladda Soomaliya mas’uul (accountable) u tahay Ururka, waxaana Addis Ababa laga furaya Xafiis qaabilsan Maamulka Soomaliya. Dhinaca kale, waxaa aad u kooban dowrka Qarammada Midoobay (QM) ee Soomaliya. Ahmiyadda ugu weyn ee QM higsaneyso waxay tahay inay dhaqaale u hesho howlaha gargaarka bani-aadamnimo ee dadka tabaaleysan iyo howlaha Xafiiska Siyaasadda ee Wakiilka Xoghayaha Guud. Ugu dambeyn, Soomaliya oo noqota qaran sharaf iyo karaamo leh, waxay ku xiran tahay Shacabka Soomaliyeed oo ka tashada aayihiisa si wadajir ah, daacad ah, ka madaxbannan faragelin shisheeye.


Mohamud M Uluso
Banaadir Post.
banaadirpost@gmail.com