Search This Blog

Monday, March 22, 2010

Shacabka Gobollada Koonfurta Soomaalia oo Xornimo iyo Xukun Ilaah Heley Hase Yeeshee Weli Wax Baa Qarsoon.

Shacabka Gobollada Koonfurta Soomaalia oo Xornimo iyo Xukun Ilaah Heley Hase Yeeshee Weli Wax Baa Qarsoon oo Aan La Arkin.

Maqaalkan waxan ku soo bandhigeynaa xaqiiqda dhabta ah ee ka jirta Gobollada Konfureed ka hor iyo ka dib intii ay la wareegeen Xarakada Shabaabul Mujaahiddiin,waana Maqaal taxane ah oo si isdaba joog ah oo aan akhristeyaasha u soo gudbin doonno,maantana waxaan idiin soo gudbineynaa qeybta koowaad oo uu ku jiro Hordhaca

Maqaalkani. Qeybta 1aad.

Laga soo billaabo burburkii Dowlladdii Dhaxe ee Soomaaliya Dalka Soomaaliya oo dhan waxa ka dhacey burbur baaxad leh oo dhinac Waliba ka saameeeyey Shacabka,haba u sii darnaadeen Gobolllada Koonfureed ee Soomaalia.



Waxana billowdey dagaallo qabiil oo ay hoggaaminayeen hoggaamiyeyaal qabiil,kuwaas oo dagaalka ku doonayay Xukun ay ku gaaraan awoodda Qabiilkooda;dagaalladaas ayaa waxa barbar socdey Boob,Dhac Kufsi naxarriisdarro ah ee loo geystey Shacabka ku dhaqan Gobollada Koonfureed gaar ahaan Gobolka Shabeellada Hoose;iyadoo dagaalladaas ujeedadoodu ka fogtahay Korsi Siyaasadeed hase yeeshee ujeedka ugu weyni ahaa helitaanka dhulka ugu Barwaaqada badan Soomaalia.



Shacabka ku dhaqan Gobollada Koonfurta waxa gaartey dhibaato aad u culus oo dhinac walba leh sida Xasuuq,Barakicin,Dhulka oo laga boobo,Gabdhaha Qurxoon oo laga kaxeysto,Biyaha Webiga oo laga Iibiyo iyo in lagu shaqeysto islamarkaasna aan la siinin xaqii uu lahaayeen;hase yeeshee Shacabkaas ay dhibaatadu ku dhaceysay ayaa awooddooda ugu weyn ee heli kareen ahayd inay Ilaah (SW) u dacwoodaan oo ay dhibaato kasta ee loo geysto yiraahda Ilaah baa jooga!

Dhibaatada intaas la eg ee ku dhaceysay umadda ku dhaqan Gobollada Koonfureed waxa Masuul ka ahaa Hoggaamiye koooxeedyo tirsamaya hase yeeshee Qabiil salka ku haya,iyadoo Shacabka ku dhaqan Gobollada ugu barwaaqada badab Soomaalia ay u badan yihiin Beeraleey Xoolo dhaqato iyo Kalluumeysato ku kalsoon waxa ay Muruqooda ku soo saartaan iyo Xoolaha ay dhaqddaan;waxana la yaab ku ahayd in la dilo ama la dhaco qof Islaam ah.


Dhaqankooda soo jireenka ah ee nabad ku wada noolaashaha ee ay barteen ayaa wuxu sahley in dad dagaalka iyo dilkuba la sahlan yahay si degdeg ah u dhacaan una barakciyaan,iyagoo aan u diyaarsaneyn qaab dagaaleedka;hase yeeshee marka ay dhibaatadu ku dhacdo waxaan Afkooda laga waayin Ilaah baa jooga alloow kuwan naga qabo!(taasoo ah Dacwad Ilaah u gudbiyeen);Waxba wax baa ka darane waxa dadkaas loo bixiyey looma Ooyaan,Looma Aaraan,Beelaha aan Hubeysneyn,Beelaha laga tira badan yahay,Adaris Maacuun iwm ah.

Dacwooyinka Ilaah(SW) u dacwoonayeen Shacabka Gobollada Koonfureed waxay soo billaabatey Sanadkii 1991kii,Cabashadaas ay ilaahey u gudbinayeen aad bay u yareyd dad dhageysta oo ka xanuunsada kuwa la dhibaateynayo iyo dad ka xanuunsanaya inaaney dhulka dhici doonin Dacwooyinka Ilaah loogu gudbinayo;Dadku waxay ahaayeen kuwo wada Maqan,kii wax fahmayana waa yareyd waxa uu qaban karey oo Waa laga awood badnaa,si kasta ha ahaatee Dacwooyinka Alle loo diraayey waxay Soo gaartey��

La Soco qeybta 2aad.

Qeybta 2aad

Cabashooyinka Shacabka Koonfurta Soomaalia Ilaah u dirayeen waxay soo gaartey Sanadkii 2006dii,xilligaas oo ku beegneyd markii Maxkamadaha Islaamku ka curteen Soomaaliya,gaar ahaan Magaalada Muqdisho oo ay ka dhisnaayeen Maxkamado Islaami ah oo qaab Beeleed u dhisnaa,hase yeeshee Midoobey Markii uu Abuurmey Isbaheysigii Ashahaado la dirirka ee ay gadaal ka riixayeen Reer Galbeedka gaar ahaan Mareykanka.

Shacabka Soomaaliyeed oo ka daaley dagaallada Sokeeye iyo ururada (SSta) ee ay hoggaaminayeen Hoggaamiye Kooxeedyo naxarriis laaweyaal ah,ayaa markiiba Maxkamadaha Midoobey Min Koonfur iyo Bartamha Soomaalia mar qura taageero hagar la�aan ah la garab istaagey,taas oo ka dhalatey Kitaabka alle oo ay kor u qaadeen Maxkamadihii Islaamka ee Midoobey.


Taageerada Shacabka iyo Midowgga Culumaa�uddiinka Soomaaliyeed waxay muddo aad u yar oo 4 Bilood ah xididada u siibeen Hoggaamiye Kooxeedyadii dalka haystey Muddo 16-Sanadood ah,waxa Xudduudda Kenya ilaa Banddiiradleey gacanta u gashey Maxkamadihii Islaamka oo kaashanaya taageerada Shacabka Soomaaliyeed.

Ka Dib Maxaa Dhacey?

Midowgii Maxkamadaha Islaamka waxa ku soo dhax dhuuntey oo ka mid noqdey kooxo fara badan oo ujeeddooyin kala duwan watey;haddii aan inyar ka taabto kooxaha ujeeddooyinka gurracan watey Waxa ka mid ah:

1-Hoggaamiye Kooxeedyadii dalka haystey Waqti dheer ayaa qaarkooda ka mid noqdeen Maxkamadihii Islaamka,kuwaas oo markaas isku ekeysiinaayey inay taageersan yihiin Kitaabka kor loo qaadey,hase yeeshee watey ujeeddooyin qarsoon oo saldhiggeedu ahaa ilaalin dano Shaqsiyadeed iyo mid Qabiil.


2-Kooxo Culumo ah oo ka mid ahaa Masuuliyiinta Maxkamadaha oo ujeedadooda fogi ahayd inay Kacdoonka Maxkamadaha ku gaaraan ilaalinta dano Siyaasadeed iyo dano qabiil,iyagoo siyaabo aad u farsameysan ugu dhax milmey kacdoonkii Maxkamadaha.


3-Siyaasiyiin,Saraakiil iyo Malleeshiyooyin ku soo barbaarey dagaallada Sokeeye ee Qabiilka ku dhisnaa oo ay u muuqatey inay ujeeddooyinkooda ku gaari karaan inay ka mid noqddaan Xoogga cusub ee Soo baxey;sidaas darteed waxay ka mid noqddeen Masuuliyiinta,Saraakiisha iyo Ciidamada hoggaamiya Maxaakiimta Islaamka.


4-Odeyaal dhaqameedyo,Aqoonyahanno iyo Siyaasiyiin ay madax martey Qabyaalladda oo Markaas isha ku hayey Dowlladdii uu Madaxda ka ahaa C/llaahi Yuusuf Axmed inay halis ku tahay jiritaankooda Qowmiyadeed;markaas ka dibna waxay taageero dhinac walba ah la garab istaageen Xoogga Cusub ee Maxkamadaha Islaamka oo ay u arkayeen inay iyagu Majaraha u hayaan oo markii ay ujeeddooyinkooda gaaraan ay si fudud u kala diri karaan ama ay ku fushan karaan Wax kasta oo ay doonaan.


Qodobadaas oo isbiirsadey waxay markiiba isriixriix iyo kala shaki ku abuurtey xooggaggii isku duubnaa ee Maxaakiimta Islaamka oo ujeeddo badan ahaa,waxa abuurmey khilaafyo hoose oo ku qotomey fulinta awaamiirta ka soo baxdda hoggaanka Maxkamadaha,xoghayeyaasha Maxkamadaha iyo Saraakiisha Ciidamada.


Haddii aan inyar dib u milicsanno kala shakiga iyo isriixriixu wuxuu billowdey markii xididada loo siibaayey hoggaamiye Kooxeedyada ka jirey dalka oo dhan,kuwaas oo si safmar ah ay u martey Seefta dagaallyahannada Maxaakiimta Islaamka,hase yeeshee Seeftaas ayaa si farsameysan looga leexiyey 4-Hoggaamiye kooxeed oo ka mid ahaa kuwii ku dhax dhuuntey xooggagii Maxkamadaha Islaamka oo u arkey arrintaas inay ku badbaadeyso ujeeddooyinkooda Siyaasadeed iyo tan qabiilkooda;waxana meelaha khaladaadka badani ka dhacey ka mid ah:

1-Gobolka Jubada Hoose oo uu ka jirey Isbeyheysigii Dooxada Jubba oo ay ku mideysnaayeen Raga la baxey Walaalaha Galgaduud ayaa qaar ka mid ah heshiis la galey Maxkamadihii,slamarkaasna ka mid noqdey Golihii Shuurada,Hubkooda iyo Ciidamadooduba ay ku biireen Maxkamadaha,halka mid kale oo hoggaaminaayey Isbaheysigaas ka mid noqddey hoggaamiye kooxeedyadii Xididdada loo siibey arrintaas oo dhalisey Shaki weyn.

2-Saddex hoggaamiye kooxeed oo si wadajir ah u maamulaayey Gobolka Shabeellada Hoose oo dadka Gobolkaas ay dhibaato badan ka tirsanayeen ayaa waxa Ciidamadooda iyo Madaxdooda loo Aqoonsadey (Hooyada Maxaakiimta Islaamka),waxayna Ciidamada iyo Saddexda Masuulba ka mid noqddeen Madaxda Waaweyn ee Maxaakiimta Islaamka.


Arrintaas ayaa waxay dhalisey shaki iyo buuq fara badan oo ay Muujiyeen Shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka gudihiisa iyo Dibaddiisa,hase yeeshee Saraakiil Masuuliyiin iyo Ciidamo fara badan oo ka tirsanaa Maxaakiimta ayaa arrintaas si weyn u diiddanaa oo ka xumaa,hase yeeshee majaraha hoggaaminta Maxkamadaha looga awood badnaa;Diidmadooda iyo soo jeedintoodu ma noqon kuwo guuleystay;waana halka ay Sartu kaga qurantey Xoogaggii Mideysnaa ee Maxkamadaha Islaamka.

Iyadoo ay taasi jirtey ayaa Waxa billowdey khilaafyo fara badan oo ka dhashey hirgelinta Shareecada Islaamka,waxana arrimaha ugu horreeya ee la isku qabtey ee khilaafka ba�ani ka dhashey ka mid ah in qofkii nin Muslim ah si ula kac u dila la marsiiyo Shareecada Islaamku waxa ay qabto,in la celiyo hantida la kala haysto ee ay ka mid yihiin Guryaha,Beeraha iyo Gaadiidka iyo in la joojiyo waxyaabaha Mukhaadiraadka Sida Qaadka,Sigaarka;go�aanadaas waxay u Cuntami weyddey �..

La soco Qeybta 3aad.



Qebta 3aad.

Khilaafka isriixriixa ee ka dhax billowdey Maxkamadaha waxa masuul ka ahaa Hoggaamiye Kooxeedyadii ku dhax dhuuntay oo si weyn u diiddanaa hanti isu celinta lagu dhawaaqey,fulinta Xukunnada Qisaasta oo la billaabey oo markii dambe Hoggaamiye kooxeedyadu si farsameysan u xagal daaciyeen markii ay si hoose u sii daayeen Gacan ku dhiigleyaal dil geystey,sidoo kale waxay Qabqablleyaasha Dagaalka ee Maxkamadaha ku jirey iyo kuwa danaha gaarka iyo Qabiilka ilaalinay diiddeen in la joojiyo Waxyaabaha Muqaadiraadka sida Qaadka,Sigaarka iyo wixii soo raaca.


Intii uu khilaafaadka Maxkamaduhu socdeen waxa barbar socdey dagaallo looga horjeedey joogitaanka Ciidamada Itoobiya ee Gobollada Bay,Bakool iyo Gedo,iyadoo Hoggaamiye kooxeedyadii diiddanaa hergelinta Shareecada Islaamka ay dagaalkaas ka faa�ideysteen,iyagoo ku dhawaaqey dagaal aan laga wada tashan oo aan qorshihiisa la isla meel dhigin,taas oo ujeedada fogi ee ka dambeysa ay ahayd in Maxkamadaha lagu soo jeediyo Indhaha Adduunka oo dhan islamarkaasna lagu qaado Weerar degdeg ah oo Sababeysan,waana halka fursadda ugu weyn ay ka heshey Dowlladda Itoobiya ee Weerarka culus soo qaaddey Maxkamadaha iyadoo taageero ballaaran kaga hasatey reer Galbeedka oo dhan.

Aan Dib idiin Xasuusiyo khaladaadka badan ee dhacey intii ay Maxkamaduhu la wareegayen Gobollada,islamarkaasna ay abuurmayeen Maxkamado Beeleedyo hoos imaanayey Midowggii Maxkamadaha Islaamka,Gobolka Shabeellada Hoose oo uu ka jirey Maamulkii loogu yeerey (Hooyada Maxkamadaha Islaamka) ayaa dadkii Gobolkaas ka soo jeedey Waxay Sameysteen oo ay ku dhawaaqeen Maxkamado Islaami ah,oo tiradoodu aheyd 3-Maxkamadood.

Hase yeeshee laba nin oo ka tirsanaa Hoggaankii sare ee Maxkamadaha Islaamka ayaa Shir la qaatey hoggaankii 3da Maxkamadood waxayna si cad ugu sheegeen inaan Gobolkaas Maxkamado looga dhawaaqi karin lana geyn karin,iyagoo sabab uga dhigey Laba Arrimood oo kala ah:

1-Gobolka Waxa ka jira bay yiraahdeen Maamul Islaami ah oo loogu yeerey Hooyadii Maxkamadaha Islaamka,sidaas darteed wixii Gobolkaas ku saabsan asaga ayaa nooga Mas�uul ah mana dooneyno bay yiraahdeen in la carqaladeeyo!

2- Gobolka Waxa degan bay yiraahdeen Beelo fara badan sidaas darteed haddii Sadexddaan Maxkamadood loo fasaxo inay ka howlgalaan waxa loo arkayaa inay Qabiillo gaar ah wataan,marka waxan idin kula talineynaa islamarkaasna idin fareynnaa inaad ka joogtaan oo aad uga dambeysaan Maamulka ka jira!.


Labadaas Arrimood waxay ka mid ahaayeen Waxyaabaha keeney in la kala aamin baxo oo Maxkamadaha dadka qaarkiisa u arkeen inay tahay Aalad ay Qabaa�illo iyo Shaqsiyaad gaar ah sida ay doonaan ugu adeegtaan,waxana Malleeshiyaadka Gobolkaas ka howlgalaayey ee loogu yeerey Hooyada Maxkamadaha Islaamka,isu bixiyeen magaca Mujaahiddiinta Qayisha oo ay ula jeedaan inay Qayilaan Sigaarka Cabbaan,intooda badan Cibaado shaqo ku laheyn sidaas darteedna loogu yeero Mujaahiddiinta Qayisha,taas oo u hirgashey sidaasna uga mid noqdey Ciidankii lexaadka badnaa ee Midowgii Maxkamadah Islaamka;Islamarkaasna iska sii wateen Maamulkii iyo awood sheegashadii ay ku hayeen Shacabka Gobolkaas,waxayna Shacabka Mandiqaddaas dulman ku dhaqan ay ku hadaaqayeen waxay sameyn karaayeen oo ahayd (Ilaah Baa jooga Waana la arki doonaa haddii Ilaahey la Qayaani karo oo Shareecadiisa Kitaabka ku cad Dulmi iyo Been lagu Qarin karo laguna Badaabdayo;hadalkaas oo ah Dacow Ilaah oo ay fahmi karaan dadka ay dhab ka ahayd ku dhaqanka Shareecada Islaamka),kuwaas oo iskugu jira Mujaahiddiinta iyo dadka sida weyn u taageersanaa.



Hase yeeshee intii uu socdey guuxa Maxkamadaha dhaxdooda waxa jirey xoog aad u tababaran islamarkaasna daacad ka aheyd Dagaalka iyo Jihaadka lagula jirey Itoobiyaanka iyo Dowlladdii ay taageersey,waxayna ahaayeen kuwaas dhalinyarro iyo Culumo ku dhaqanka Shareecada Islaamku dhab iyo daacad ka ahayd,waxay aad uga soo horjeedeen dhaqamada ay ku kacayeen Saraakiisha iyo Mas�uuliyiinta qaarkood,marmar waxaaba dhaceysey in Gacanta la iskula tago,waxana si toos ah u billowddey Kooxeeysi kala duwan oo ku qotomey kuwa Dhaqanka Islaamku dhab ka yahay iyo kuwa kale oo ku dhaxmilan hase yeeshee ujeeddkoodu taas ka duwanaa (Daneysteyaal);iyadoo uu xaalku sidaas yahay ayaa Wax billowddey Dagaalkii Weynaa ee dhaxmarey Ciidamadii Maxkamadaha iyo Ciidamada Itoobiya iyo kuwa Dowlladda C/llaahi Yuusuf oo dhinac ah.

Dib Maxaa Dhacey?

La soco Qeybta 4aad

Xigasho Ssunion.net

Warqabadka SSMC Somalia

Aadam Cusmaan

Bokoola@hotmail.com