Search This Blog

Sunday, September 7, 2008

Yaa lagu badeli doonaa Maxmed Dheere? WQ:Cabdi Cali Muxiyadiin (Cabdi-weli


Waa su’aal mug weynoo aan jawaabteeda la heyn. Waxey aheyd 29kii Luulyo 2008 markii golaha wasiirada ee dowladda Nur Cadde ay xilkii ka xayuubiyeen Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) oo ahaa guddoomiyihii iyo duqa magaalada ee caasimadda Soomaaliya. Maxamed Dheere ayaa lagu soo eedeeyey arrimo fara badan oo ay ka mid ahaayeen maamul xumo, lacag is dabamaryeen, cabasho ka timid ku xigeenadiisa, cabasho ka timid odayaasha magaalada, cabasho ka timid shacabka iyo in loo arkay sii joogitaankiisa inay caqabad ku tahay dib-u-heshiisiinta. Ka dibna waxaa soo shaacbaxday in go’aankaas uu diidanyahay Madaxweynaha DFKMG ah Cabdullahi Yusuf oo ay sii wehlisay Maxamed dheere oo maalmo ka dib sheegay inuu helay wareegto uu saxiixay madaxweynaha oo lagu tilmaamay in xil ka qaadistiisu ay aheyd sharci daro iyo in wareegtada lagu xusay in Maxamed Dheere uu yahay guddoomiyha iyo duqa magaalada sharciga ah.


Arrintan ayaa cirka isku sii shareertay ka dib markii wasiiro dhowr ah ay iska casilleen jagadoodii wasiirnimo, tanoo loo arkay inay kalsooni buuxda ka heysteen Madaxweynaha, is casilaadoodana ay sugi doonto in Ra’iisalwasaaraha lagu qasbo inuu iscasilo. Waxaa ku xigtay in Nuur Cadde uu magacaabo wasiiro bedela kuwii iscasilay, tanoo cayaarta sii kululeysay kana dhigtay barbardhac. Khilaafka sidii u sii socday oo la isu lahaa waxaa cayaarta garsoore ka noqon doona baarlamaanka ayaa seddexdii mas’uul ee ugu sareysayba u ambabaxeen Addis Ababa kuna soo noqdeen waddanka iyagoo soo heshiiyey oo uu heshiisku ka mid ahaa in magaalada Muqdisho loo sameeyo maamul ay soo doortaan gole uu lahaado gobolku.



Haddaba su’aasha mawduuca qoraalkan ayey soomaalidu is heybiyaan waxaana loo arkaa in haddii magaaladu yeelato maamul wanaagsan iyo hoggaan kalsooni lagu qabi karo waxaa hubaal ah in shacabka Muqdisho ay diyaar u noqonayaan la shaqeynta maamulkaas. Waxaan weli caddeyn guddiga uu Nuur Cadde u magacaabayo inay soo diyaariyaan sharuudaha shaqsiga hoggaamin kara caasimadda iyo golaha deegaanku sidey ku imaan karaan. Ha yeeshee waxaan halkan ku faaqideynaa shaqsiyaadka la filayo inay jagadaas hanan karaan.



Xuseen Cali Axmed – horey ayuu u soo noqday guddoomiyaha iyo duqa magaalada xilligii C/Qaasim. Waana waayo arag horey u ahaan jiray agaasimaha kaluumeysiga iyo kheyraadka badaha ee dowladdii Siyaad Barre. Ha yeeshee uma badna inuu isagu hadda haweysto jagadaas oo sumcad fiican kuma uusan helin waqtigii uu hayey xilkaas. Xuseen ma aha shaqsi buuxin kara casriga hadda lagu jiro ee ah qarniga 21naad oo ma laha xirfad kombiyuutar, iyo xirfad wada hadal. Xuseen waxaa lagu xantaa inuu isagu mas’uul ka yahay suntii lagu qubay badaha Soomaaliya xilligii Cali Mahdi, wallow ay dadka qaarkiis weli yiraahdaan howshaas waa uu sii wadaa ilaa iyo maantadanba.

Maxamud Xasan Cali Cadde Gaabow – 29kii Maarso 2006 ayey aheyd markii xubnaha golaha deegaanka gobolka Banadir ay si akhlebiyad ah u doorteen Cadde Gaabow inuu noqdo Guddoomiyaha gobolka Banaadir. Cadde oo uu Ra’iisalwasaare Geedi horey u magacaabay ayaysan u suurto gelin inuu howl wado, ha yeeshee doorashadii golaha deegaanka ayaa Cadde siisay awood uu howl ku qaban karo. Ka dib markii DFKMG ah ay soo caga dhigatay Muqdisho ayaa waxaa la magacaabay Maxamed Dheere inuu noqdo Guddoomiyaha iyo Duqa Gobolka Banadir. Cadde Gaabow waxaa aad loogu xasuustaa inuu yiri “ Habartaa ninkii u dhaxa waa ADEERKAA oo uu ula jeeday ciidamadii Itioobiyaanka ee soo galay Muqdisho” sidoo kale waxaa lagu xantaa inuusan aheyn shaqsi go’aan leh oo adadag.

Maxamed Cismaan Dhagaxtuur – Dhagaxtuur waxuu ahaa Guddoomiye ku xigeenka Maxamed Dheere tan iyo intii xukunka loo dhiibay horaantii 2007. Ka dib markii xilka laga qaaday Maxamed Dheere ayaa golaha wasiiradu u doorteen inuu ku sime sii ahaado, ha yeeshee heshiiskii Addis Ababa waxaa ka muuqata in la yiri waxaa sii heynaya jagada guddiga uu Nuur Cadde u magacaabayo soo xulida guddoomiaha gobolka. Dhagaxtuur waxaa loo heystaa inuusan ka duwaneyn hoggaamiye kooxeedyadii Muqdisho, waxaana lagu xasuustaa in isaga oo wata ciidamo uu soo xiray Dr Culusow una dhacay gurigiisa oo uu bililiqeytay. Dhagaxtuur lama hubo inuu la iman doono maamul wanaag keeni kara isbedel cusub.

Cabdiraxmaan Shifti – Shifti waxuu sagxadda soo galay markii USC ay qabsadeen Muqdisho, isagoo sheegay inuu ka mid ahaa saraakiishii Itoobiya dagaalka ka soo bilowday. Shifti waxuu noqday Wasiir ku xigeen dowladdii Cali Mahdi. Waxuuna afhayeen ka ahaa shirkii Muqdisho lagu qabtay oo uu Cali Mahdi hoggaaminayey oo dad badani ay ku tilmaameen “shirkii shimbiro yahay heesa” oo ay ka soo qeyb galeen dad gaarayey 3,000 oo qof. Shifti ma laha waxbarasho heer sare ah, kamana uusan soo shaqeyn hay’ad ama dowlad, sidaas daraadeed lagama yaabo inuu la yimaado maamul wanaag keeni kara is bedel iyo dib u heshiisiin.

C/llaahi Sheekh Xassan – oo loo yaqaano siyaasiga hawiye kana mid ahaa guddigii beesha hawiye. Waxaana lagu xasuustaa inuu soo shaacbixiyey kaarto ay Itoobiyaanku ku soo weerari rabeen Muqdisho. Waxaana lagu xasuustaa inuu kala jabiyey guddigii beesha Hawiye uuna ka qeybgalay shirkii Cali Mahdi ee Muqdisho, halkaasoo uu ka jeediyey Khudbad. Ha yeeshee siyaasiga weli lama sheegin xil maamul oo uu soo qabtay.

Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Inj. Yariisow) – Guddoomiyihii hore ee ururka Somali Concern Group, kana soo qalinjabiyey Jaamicaddii Gahayr oo uu Injineer ka soo noqday wasaarada Howlaha Guud, ahaana ku xigeenka wakiilka jidadka ee gobolada Bay, Bakool iyo Gedo. Waddanka UK ayuu ku diyaariyey Masterkiisa oo uu hadda muddo 10 sano ah u shaqeeyaa dowladda hoose ee London oo uu waax madax ka yahay. Ha yeeshee lama hubo inuu diyaar u yahay inuu Muqdisho tago.

Maxamed Cali Ameerika – waa safiirka u fadhiya Soomaaliya waddanka Kenya, waxuuna horey ula soo shaqeeyey ra’iisalwasaarihii hore ee Geedi, waana soomaalida qurbojoogta ah oo u tafaxeytay inay waddankii ka shaqeyaan oo inta badan qurbo joogta lagu la’yahay. Waa aqoonyhan ka soo dhalaali kara jagada guddoomiyaha gobolka, ha yeeshee diyaar ma u yahay inuu ka soo tnaasulo safiirnimadiisa?

Maxamed Cumar Xabeeb – Maxamed Dheere waxuu sheegay inuu u tartamayo jagada laga xayuubiyey. Ha yeeshee su’aasha waxey noqoneysaa maxaa looga qaaday haddii uu isu sharixi karo. Arrintan iyo sida ay suurto gal u noqon karto in doorasho laga hergaliyo Muqdisho waa su’aalo taagan oo u baahan jawaab.

Sheekha Muudeey – waa oday rug-caddaa ah haddana ma cadda inuu isagu diyaar u yahay xilligan kala guurka ah.

Hassan Abshir Farah – Waa rug-cadaa siyaasi soomaaliyeed soona qabtay jagooyin fara badan oo ay ka mid yihiin duqa magaalada Muqdisho, Bakool, Jowhar, soona qabtay xilar wasiirimo, noqdayna ra’iisal wasaare dowladdii C/qaasim. Kana soo noqday safiir Germany iyo Japan. Ha yeeshee waxaa u diiday jagadan wasiirka arrimaha dibedda ee DFKMG ah Jangali oo yiri waxaa isu soo taagi kara jagada Gudoomiyaha gobolka banadir dadkii u dhashay gobolka.


Waxaa kaloo jira shaqsiyaal fara badan oo qaban kara xilka noocan oo kale ah. Haddaba si looga baxo xaaladaha cakiran ee waddanka waxaa muhiim ah in si taxadar leh looga fiirsado shaqsiga lagu aamini karo darajada ugu sareysa ee gobolka banaadir. Waxaa hubaal ah in loo baahan yahay shaqsi fahmi kara caalamka, shaqsi keeni kara isbedel, shaqsi aqoon sare leh, shaqsi u bisil inuu isu keeno ummadda, shaqsi dhisi kara maamul cusub.

Cabdi Cali Muxiyadiin (Cabdi-weli)


Banaadir Post


banaadirpost@gmail.com










KUWA WAX KU QORA WEBKA SHARWADAHA AH EE DAYNIILE WAXAAN LEEYAHAY XUSHMEEYA BISHA RAMADAAN OO BEENTA IYO KICINTA SHACABKA SOOMAALIYEED JOOJIYA .

Akhristow waxaan jeclaystay inaan runta ka sheego waxa lagu soo qoray webka sharwadaha ah ee xalaalaystay inuu ku noolaado isbaarada iyo bililiqadii uu hore ugu hayay shacabka muqadishu ee rayidka ah . waa filim uu ugu magac daray burburka ay ciidamada ethiopianku u gaysteen magaalada muqadisho gaar ahaan xaafadda towfiiq ( genocide in somalia by ethiopian and worlord goverment) .

Waa yaabee horta dayniile ma iyagaa masuul looga dhigay shacbka muqadishu waxay soomaalidu ku maahmaahdaa dhariga maxaa karka ka keenay waayo mar walba oo aad furto webkaa waxaad ku arkaysaa qoraaloo wata aflagaado ay mar shaqsi u gaysanayaan mar marka qarkoodna waxaad isleedahay dayniilee waa paltalk oo ah aalad ay dadkui ku madadaashaan oo ay ku kaftamaan balse qaarkood lagu caytamo .
Haddaba waxaan qabaa in shaqsiga qora dayniile amaba leh websidhkaa inuusan soo marin wax barbaarin ah waayo waxay culumadu phsucho yiraahdeen wax barashadu waa laba qaybood mid leh schoolkii iyo macalinkii iyo sabuuradii oo uu qalabkeedu u dhan yahay (formal educ.) iyo mid aysan u dhamayn (informal education ) taa ayan u dhamayn waa mida barbaarinta oo hooyadu ay ubadkeedu ku barbaariso dariiqa toosan waxaana ay barbaarintaa ka bilaawataa waa hooyadu markay caruurteeda naaska nuujiso waayo ilamahaa waxay noqonayaan ilmo aan ku caasi garoobin walidkii dadkana aan ku afcelin.Haddaba dadkan qora dayniile waxaa ka maqan barbaarintaa oo waalidkood ayaa waxa uu ku soo koriyay biliqo iyo isbaaro iyo kufsi waana mida ay dhamaan shacabka soomaaliyeed ula yaaban yihiin dadkaan wuxuushta ah ee maalin walba qof masuul ah aflagaadeenaya ilayn waalidkood baa hortooda isku aflagaadayn jireen amaba isku dagaali jireenee . midda kale hadaan u soo noqdo akhristow dulucda qoraalkayga oo ah xasuuqa muqadisho intaan guda galin waxaa haboon in aan idin xusuusiyo sadex qodob.

1- yaa leh mogadisho?#

2- xasuuq ma lagu magacaabi karaa dhimashada shacbka degan muqadishu?

3- yaa sababteeda lahaa soo galitaanka ciidamada shisheeye ee ugu horeeyaan ciidamada ethiopian ee soomaaliya?

Aan ku horeeyo yaa leh magaalada mugadishu jawaabteedu waa ay iska cddahay waayo magaalada muqadishu waxa weeye magaalo madaxdii dalka soomaaliya waxaana deganaa soomaali qabiilwalba si nabadgalyo ah baa loo wada deganaa balse waxaa xaqiiq ah ka dib markuu dagaalkii sokeeye uu dhacay in xadgudubyo kala duwan oo aan dhaqan iyo diin iyo soomaalinimo lahayn ay ka dhaceen waxaana masuuliyadeeda leh kuwii burburshay dowladdii qaran ee matalaysay shacabka soomaaliyeed ku burburshay qaab qabiil iyagoo la baxay U.S.C .

waxayna ku andacoodaan ilaa iyo iminka in la gumaysan jiray marka hadii shacabkii deganaa muqadisho ee walaaha ahaa laga dhigay kuwo la kufsaday iyo kuwa xoolahoodii la dhacay ,iyo kuwo ilaa iyo iminka guryahoodii la deganyahay ma oran karnaa muqadishu xasuuq baa ka dhacay maxaase markii dadkaa loo gaysanayay dhibkaa loo oran waayay waa xasuuq xageese bay jireen kuwa hadda ku hadaaqaya xasuuqa waqtigaa .

markaad eegto arrimahaan waxa kuu cadaanaya in muqadishu aysan ka jirin hadda xasuuq balse ay ka jirto shacab loogaystay dhibaato muddo 16 sano ah oo uu ilaah waa caadilee uu ciqaabayay kuwii gaystay dhibkaa .Midda kale yaa sababteeda lahaa soogalitaanka ciidamada shisheeye ee ugu xooga wayntahay kuwa ethiopia hadaan u soo noqdo
Akhristow dalkeena hooyo waxaa aafeeyay dagaal sokeeye oo aan taariikhdiisa dhabta aanu haynu waxaa burburay qarankii soomaaliyeed waxaa la biliqaystay dhamaan wax alla iyo wixii haykal dowladeed ahaa ee ka jiray dalkeena waxa iyana la tirtiray dhamaan kaydkii ama diwaankii uu qaranku lahaa dhinac walba , waxaa la kufsaday dumar soomaaliyeed oo aan waxba galabsan iyadoo la xasuuqay ilaa iyo milayan shacab ah oo aan waxba galabsan waxaa la dhacay hantidoodii intaa markay dhacday akhristow waxa uu caalamku isku dayay inuu soomaali isu keeno waanu ognahay waxa ay wax ka qabsoomi waayeen oo ilaa iyo imnika marba shaar u soo gashta shcabka soomaaliyeed oo u baahan in mar uun ay u soo noqoto qaranimadoodii ay waligood dugsan jireen.Waxaa ilaa dagaalkii sokeeye markuu bilowday ilaa iyo hadda dhalinyaradii loo dhiibay qori iyagoo laga dhaadhiciyay in ay la dagaalamaan gumaysi waxa wadana arrimahaa waa la yaqaanaa marka dayniile waxaan leeyahay waxad tahay sharwade waana lagu qaban doonaa oo taariikhda ayaa ku sheegi doonta hadduu alle idmo .Tan kale ethiopia waxaa dalkeena keenay oo xaqqiiqda ah waa arrimahan sidaanu la soconno waxaa dalka jabuuti lagu soo asasay dowlad ku sheeg ay ka danbeeyeen shaqsiyaad u adeegi jiray dowladdii milatary ee dalka ka dhisnayd dagaalkii sokeeye ka hor waxaana madax looga dhigay cabdiqaasim salaad oo la yaqaano waxa uu soomaali u galay isla markaana ku caanbaxay qarandumiye uu qabiil lafaha ka galay ah cabdiqaasiim wuxuu iclaanshay in dagaal lagu qaado dowladda ethiopia isagoo adeegsanaya fikrado guracan ee hore uga dhaxeeyay labada shacb wuxuu dhamaan isugu yeedhay dalka gudihiisa dhamaan intii mucaraadka ku ahayd dowladda ethiopia iyo waliba waxa uu qatar kaliyay dhamaan dowladha dariska la ah soomaaliya sida kenya ugandha tansaniya .

waxa uu tababar u furay ururo sida oromo libration fronto , onlf , iyo maleesiyo beeld isagoo tabar uga furay degmada qoryoolay kuwasoo uu taliye uga dhigay ninka hadda la magac baxay indho cadde isagoo aanu ognahay xasuuqa iyo dhaca iyo kufsiga iyo biyo ka iibinta iyo addoonsiga uu ku sameeyay shacabkii ku noolaa gobolka shabeelaha hoose .

Cabdiqaasim wuxuu kaloo si bareer ah ugu takrifalay dhaqaalihii uu caalmkuu siiyay xilligii uu madaxwaynaha ahaa isagoo maleesiyo u soo diray magaalada kismayu oo ay ku xasuuqeen dad taasoo dhamaan caalamkii ay la yaabeen dowladiisiina ay meeshaa ku kala taktay waxaase la yaab leh inuu cabdiqaasim hadda meediyaha ka hadlo oo uu ku hadaaqo inuu madaxweayne yahay dalkiina ay xabashi haysato waa siduu hadalka isagu u dhigee ,waxaa kaloo xuisid mudan markuu caalamkii shacabka soomaaliyeed u sameeyay dowlad loo dhanyahay oo ay arkeen in iyaga loo soo socdo waa cabdiqaasim iyo daahir aweays iyo indhocadde yusuf garaad oo hal beel ah inay bishii feb. 2006 ku shireen guri ceel oo ah magaalada ay degaan beesha caydh shirkaasi wax ka maqna may jirto xataa waxaa shirkaa hogaaminayay ugaas ku sheegooda shirkuna waxa uu ku saabsanaa sidii beesha caydh ee ku naaxday biliqada shacabka soomaaliyeed gaarahaan shacabka muqadishu iyo shacabka gobolka shabeelahaa hoose loo qabsan laha si ayan dowladda federaalka oo markaa la dhisay ayna uga hirgalin goboladaa waxaana la goaanshay saddex (M) oo macnaheedu yahay meediya , money, iyo maleesiyo .Bishii may dhamaadkeedii sanadkii 2006 waxaa bilowday dagaalkii maxaakiinta iyo dagaal oogayaashii mugadishu joogay isla dabaayaaqadii bishii julay 2006 waxaa lagu dhawaaqay daka gobolka banaadir oo uu hogaaminayay cadde gaabow asbuuc ka dibna waxaa ka horyimid daahir aways isagoo ku tilmaamay in uu maamulkaa ay sameeyeen waxa uu isaga u yeedhay doofaaro iyo eeyo balse uu isaga maamul xaq ah u soo magacaabi doono .Bilowgii sept. 2006 ayaa bbc oo ah idaaco guriceel laga leeyahay waxay waraysi siisay indhavadde waxa uuna isku magacaabay inuu yahay gudoomiyaha xaqa ah ee ex banaadir oo hore u ahayd markii laga bilaabo jowhar ilaa iyo barave inta u dhaxaysa isagoo isla bishaa ku duulay jowhar oo uu markaa maamulayay mohamed dheere isla bishaa dhamaadkeeda ayaa indhocadde loo magacaabay wasiirka gaashaandhiga isla markaana ah gudoomiyaha gobolka banaadir .
haddaba akhristow shirkaa guri ceel lagu qabtay baa goaankaa lagu gaarau markaa waa maxay waxa ay dayniile qorayso oo ay shacabka soomaaliyeed u shagayso haday runta sheegayso amaba ay wax waaninayso may kuwaa aanu soo sheegnay wax u sheegto markay leedahay soomaali aya la xasuuqay sow ma oga towfiiq ku degan oo xaaraanta ku dhistay inay yihii indho cadde iyo daahir aways iyo kuwo ay iyaga isku mabda yihiin .Waxaan leeyahay haddi maxkamad la soo saarayo dad waxaa maxkamad la soo saarayaa indhocadde iyo cabdiqaasim iyo daahir aways iyo yuusuf garaad iyo kuwa adiga aad ka mid tahay waxaana ku leeyahay mooryaan baad tahay muslimka ha isku dirin soomaalina waa ay idin aragtay waxad tihiin .
qoraalkan waxaa diyaarshay .Mohamed Hussein Osman
mxuseen840@hotmail.com