Search This Blog

Wednesday, July 2, 2008

Maraykanka oo sheegay Inay Itoobiya kala Shaqaynayso sidii Nabad loogu soo dabaali lahaa Dalka Soomaaliya

Safiirka Mareykanka u fadhiya Dalka Itoobiya Donald Yamamutu ayaa shir Jaraa'id oo uu ku qabtay xaruntiisa safaaradda ayaa dalka Itoobiya ku amaanay kaalinta nabad ilaalineed ee ay uga jirto dalalka Afrika gaar ahaan wadamada Geeska Afrika, wuxuuna safiirka Maraykanku sheegay inay tahay Itoobiya wadanka labaad ee Afrika ee ka qeyb qaata geynta Ciidamada Nabad ilaalineed wadamada ay Colaaduhu ka jiraan.

Safiirku waxa uu sheegay in dowladda Mareykanka ay kala shaqeenayso dowladda Itoobiya sidii nabad loogu soo dabaali lahaa dalka Soomaaliya ayna uga qabsoomi lahaayeen doorashooyin xor ah sanadda 2009-ka xiligaas oo la iclaamiyay in la qabto doorashadaasi.

"Ciidamada Itoobiya ee ku sugan gudaha dalka Soomaaliya waxey yihiin kuwo ka qeyb qaata Nabad ku soo dabaalida dalka Soomaaliya" ayuu yiri Safiirka Mareykanka u fadhiya Dalka Itoobiya Donald Yamamutu.

Safiirku waxa uu sheegay In Dowladda Itoobiya hadii aysan Ethiopia sidaas aysan sameyna ay amaankeeda uu Qatar kujiri lahaa, wuxuuna shaaca ka qaaday in Dowladda Mareykanka si weyn ugu bogaadinayso dadaalka nabadeed ay Soomaliya ka wado....

Banaadir Post
Somalia.

Madaxii Al-Barakaat Kanada oo Matabaan lagu diley




Cabdulahi Cali Afrax (ASPARO) oo ahaa Gudoomiye ku xigeenkii golaha Shuuradda ee Maxaakiimta Islaamka ayaa ka mid noqday sedex hogaamiye oo lagu diley dagaalkii Matabaan.



Marxuum Cabdulahi Asbaro waxaa la diley hogaamiyeyaal uu ka mid yahay Sheekh Xujaale,Warsame Xaashi,Macalin Faarax,Asparo wuxuu ifka kaga tegay 14 Caruura oo Caruurtiisa qaarna ay sii dhaleen 12 Caruura,isku darna ka dhigan qoys ka kooban 26 Caruura, dhamaan caruurtaasna waxey ku noolyihiin Kanada oo isaguba horey u joogi jirey,kana ahaan jirey madaxa ugu sareeya North Ameerika AlBaraakaat, taaso lagu darey liiska Argagixisada.


Asparo waxey Ilmo adeer yihiin ninka madaxda ka ahaan jirey shirkadii Al-Baraakaat Axmed Nuur Ali Jimcaale, oo hada lagu tiriyo dadka aad u taageera Alshaabaab, jabuutina ku sugan.


Banaadir Post

Xamar cade.