Search This Blog

Wednesday, July 2, 2008

Madaxii Al-Barakaat Kanada oo Matabaan lagu diley




Cabdulahi Cali Afrax (ASPARO) oo ahaa Gudoomiye ku xigeenkii golaha Shuuradda ee Maxaakiimta Islaamka ayaa ka mid noqday sedex hogaamiye oo lagu diley dagaalkii Matabaan.



Marxuum Cabdulahi Asbaro waxaa la diley hogaamiyeyaal uu ka mid yahay Sheekh Xujaale,Warsame Xaashi,Macalin Faarax,Asparo wuxuu ifka kaga tegay 14 Caruura oo Caruurtiisa qaarna ay sii dhaleen 12 Caruura,isku darna ka dhigan qoys ka kooban 26 Caruura, dhamaan caruurtaasna waxey ku noolyihiin Kanada oo isaguba horey u joogi jirey,kana ahaan jirey madaxa ugu sareeya North Ameerika AlBaraakaat, taaso lagu darey liiska Argagixisada.


Asparo waxey Ilmo adeer yihiin ninka madaxda ka ahaan jirey shirkadii Al-Baraakaat Axmed Nuur Ali Jimcaale, oo hada lagu tiriyo dadka aad u taageera Alshaabaab, jabuutina ku sugan.


Banaadir Post

Xamar cade.