Search This Blog

Tuesday, July 1, 2008

Maamulka G/sh/Hoose iyo Yuusuf Inhacade oo la xaqiiiyey in ay iska kaashadaan Afduubka Samafalayasha (madaxii Hay'ada WFL Fadumo Xaajow oo ka mid noqo



Sama-falayaasha la qafaashay ayaa waxaa magacyadooda ay kala yihin Faadumo Xaajow, Maxamuud Cabdi oo ka tirsan hay'ada WFL oo ah Hay;ad Talyaani oo si weyn uga shaqeysa Sh/Hoose.


Ilo Wareed muhiim ah ayaa shabakadaan u sheegay in Yusuf Indhacade uu ku lug leeyahay afduubyada , waxaana gacan ku siiyaa Xubno ka tirsan Maamulka Sh/Hoose

Faadumo Xaajow ayaa ah haweeney mudo Hay'adeeda ay ka shaqeyneysay magaalada Marka , waxaana uu Maamulki Indhacade ka qaadi jiray lacago baad ah , dadka ayaa sheegaya in maalmahaan ay ka caga jiiday lacagahii baada ahaa oo laga qaadi jirey sababtaasuna waxeey keentey in la afduubto.


Tiradda guud ee Samafalayaasha haatan ku jira gacmaha Kooxaha wax u afduuba Indhacade iyo Maamulka Sh/Hoose ayaa 12-Qof kor u dhaafay.


Sababaha ugu weyn ee kaanay in la tuhmaa maamulka ayaa ah iyadoo aanay jirin wax dhaqhaqaaq` ah oo lagu baadi-goobayo Hawlwadeennadda qafaalka loo haysto, inkastoo ay Hay'adaha Caalamka iyo Bulshada Rayidka ku baaqayaan in la sii daayo Samafalayaashaasi oo lagu kala qafaashay Degmooyinka Afgooye, Aw Dheegle iyo Deegaanka Ceelasha Biyaha ayaa waxaan ilaa iyo haatan jirin wax dadaal ahi ay wadaan maamulka G/sh/hoose.G/Sh/Hooe ayaa waxaa maanta iyo shalay ka soo baxay gaar ahaan Ceelasha in ku dhaw 8-Hay'adood iyo shaqaalahoda ka dib markii ay tuhmeen in la lagu soo socdo.


Tafatiraha Wargeyska

Koshin Yare.