Search This Blog

Tuesday, July 1, 2008

Munaasabada 1-Lulyo oo si weyn looga xusay Muqdisho





Munaasabad balaaran oo ku aadan 48-guuraddii ka soo wareegatay xorriyadda goballadda koonfurta, midowga waqooyi iyo koonfur iyo waliba dhismaha Jamhuuriyadda Somaliya ayaa xalay lagu qabtay xaruntii gaadiidka boliska ee magaalada Muqdisho.


Xafladdan oo ey kasoo qeybgaleen mas`uuliyiin badan oo ey ka mid yihiin Ku simaha Ra'iisul-wasaaraha dowladda federalka, ahna Wasiirka garsoorka iyo diinta Prof. Saalim Caliyow Ibrow, G/xigeenka labaad ee Barlamaanka Federalka, Cismaan Boqorre, Xildhibaan Muuse Suudi Yalaxow, Xildhibaan Xuseen Carraale Caddaan iyo Mas'uuliyiin kale, iyadoo ay Kooxda Heegan ku soo bandhigtay Riwaayad ka turjumaysa Xaaladda haatan uu dalku marayo.


Damaashaad iyo dabaaldag kadib ayaa waxaa halkaasi si wadajir ah loo saaray calanka jamhuuriyadda Somaliya, waxaana khudbado kooban oo ku aadan calanka halkaasi ka jeediyay masuuliyiin isugu jirta maamulka gobolka Banaadir iyo kan dowladda federalka.Munaasabaddan oo kale ayaa iyana waxaa si weyn looga xusay magaalada Baydhabo halkaasoo fariisin u ah barlamaanka Somaliya.
Banaadir Post.
Moqdisho.
Somalia.