Search This Blog

Tuesday, July 1, 2008

Xildhibaan Muuse Suudi “Shacabka Soomaaliyeed waxaan ka codsanaa in ay taageeraan mirihii ka soo baxay shirkii Jabuuti,kuwa diinta sheeganaayana iyaga



Xildhibaan Muuse Suudi Yalaxow oo ka mid ahaa qab qablayaashii dagaalka ee wax kasta diiday Oran jiray ayaa hada waxaa uu ka mid yahay shaqsiyaadka ugu cad cad ee u halgama adkeynta qaranimada iyo dowladnimada Soomaaliya,waxaana munaasabad kasta oo uu ka hadlo uu ka sheegaa lagama maarmaan in ay tahay dadku nabadda in ay taageeraan.


Xalay ayuu Xaajigu ka mid ahaa masuuliyiintii qaran ee ka qeyb galay munaasabad lagu maamuusayay kowda Luuliyo oo uu maamulka gobalka Banaadir soo qaban qaabiyay waxaana xaajigu uu muujiyay shucuur wadaninimo oo aad u weyn,isagoo shacabka Soomaaliyeedna ka codsaday in ay nabadda taageeraan.


“Shacabka Soomaaliyeed waxaan ka codsanaa in ay taageeraan mirihii ka soo baxay shirkii Jabuuti,kuwa diinta sheeganaayana iyagaa diin laawe yaal ahe ha laga feejignaado”ayuu xildhibaanku xalay ka sheegay munaabsabadii kowda Luuliyo loo qabtay.


Xaaji Musue Suudi Yalaxow waxaa uu sheegay in colaadii ka dhacday Soomaaliya ay gaartay ilaa iyo heer la is bireeyo oo caruurta iyo haweenkana aan laga xishoon,waxaana uu yidhi “Walaala yaalow hadii aan heerkaa gaadhay sow colaad sokeeye kuma qalin jebin,ma wax noo dhimanaa jira?,,



Si kastaba ha ahaatee xaajiga ayaa xalay u muuqday mid qiirada wadaninimo ay ka tan badisay,waxaana kooxaha qaranka ee muusikadu ay hadba u garaacayeen muusikyada astaamaha qaranka Soomaaliyeed..


Banaadir Post

Xamar Cade.